Kulan looga hadlayay sugidda Amniga deegaannada Koonfur-galbeed oo lagu qabtay Baydhabo

Wasiirka Wasaaradda Amniga  Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Isxaaq Cali Subug Ayaa ka qayb galay todobaadkan kulan looga hadlay Amniga Koonfur Galbeed ayaa lagu qabay magaalada Baydhabo.

kulanka ayaa Todobaadkan looga hadley xoojinta Amaanka iyo wadashaqeynta ciidamada ayaa warbixino laga dhageystey saraakiisha ciidamada maamulka Koonfur-galbeed.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay laamaha Amniga qeybahoda kala duwan ee maamulka Koonfur-galbeed sida ay ugu taagan yihiin  usugeyaan amniga.

Shirka waxa ka soo qeyb galey taliyaasha Ciidamada xoogga dalka , Booliska , Nabad Sugida ,AMISOM iyo Saraakiil kale.

Ra’iisul wasaaraha XFS oo furay shir ay ka qayb gelayaan saaxiibbada beesha caalamka ee Soomaliya

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay shir ay ka qayb galayaan saaxiibbada Caalamiga ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Wakiilada Beesha Caalamka ayaa shir uga furmay magaaladda Muqdisho, shirkan ayaa looga hadlaya xaaladaha siyaasada dalka, doorashooyinka & fududeynta howlaha horyaala Xukuumadda Ra’iisul Wasaaraha oo ay qayb ka tahay shirka 20-ka bisha May ka dhacaya Caasimadda Mogadisho.

Tan waxay ka dambeysay kadib markii madaxwaynah Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo u ku wareejiyay ra’iisul wasaaraha Rooble habsami usocodka qabsoomida doorashooyinka dalka.

Wararkan oo faahfaahsan goor dhow halkaan kala soco.

Munaasbad lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee Umulisada aduunka oo Muqdisho lagu qabtay.

Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda ayaa maantay muqdisho ku qabatay munaasbad lagu xusay maalinta Caalamiga ah ee Umulisada aduunka waxaana ka soo qaybgalay Masuuliyiinta wasaaradda Caafimaadka, Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka, dhaqaatiir, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Munaasabada ayaa waxaa daahfuray wasiirka cafimaadka HE Dr. Fawziya Abikar Nuur iyadoo bogaadisay dadaalka adag ee Umulisooyinka Soomaaliyeed ugu jiraan badbaadinta hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed.
Sannad waliba, 5ta May ayaa waxaa dunida oo idil lagu qabtaa Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Umulisada, si sarre loogu qaado wacyiga dadweynaha ee ku aaddan kaalinta umulisada ee wax u qabashada Hooyada iyo Dhallaanka.
Si taas looga turjumo ayaa hal ku dhegga Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Umulisada ee sannadkan 2021, waxaa loo xushay inuu noqdo “Follow the Data: Invest in Midwives.” “Aan la soconno xogta (Hooyada iyo Dhallaanka); si aan u maalgalinno Umulisada”

Shacabka Magaalada Dhuusamareeb oo si isxilqaan ah u dayactiraya wada muhiim ah

Magaalada Dhuusamareeb aya si isxilqaan ah dayactir uga bilaabay  wado muhiim u ah isu socodka Gadiidka iyo dadweynaha oo ku taal Xaafada Dayax Magaalada Dhuusamareeb.

Wadadan ayaa waxa gooyey daa’dad ka dhashay roobab dhawaan ka da’ay magaalada taas oo samayn ku yeelatay Bulshada iyo Gadiidleyda isticmaali jirtay wadada.

Guddoomiyaha Xaafada Dayax, Axmed Siciid iyo C/laahi Salaad oo ka mid ah Guddiga Dhismaha Wadada aya sheegay in howsha dhismaha jidkan uu meel fiican marayo,waxa una dhaliyarada Magaalada Dhuusamareeb ugu mahadceliya da’daalada ay dib ugu dhisanayaan wadooyinka Burbursan ee magaalda dhex mara.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Galmudug Maxamed Xaashi Dhoore ayaa Dhalinyarada dhisaysa Wadadan ku dhiiri galiyey Shaqada ay Bulshada u hayaan waxa uuna Balanqaaday inuu bixinayo 30 Loor oo Caro-Kaawo ah.

Webiga Shabeelle oo fatahado ka sameeyey deegaanno ka tirsan Shabeellada dhexe

Qaybo ka mid ah tuulooyinka hoos yimaada Caasimadda Hirshabeelle ee Jowhar ayaa wali wax ka socda fatahaaddaha uu sameeyey Webiga Shabeelle oo sababay barkac shacab fatahaadda webiga shabeelle oo 3 cisho ka hor ku fatahay tuulooyinka Baarey iyo moyko oo labadoodu ba u dhaw magaalada Jowhar.

fatahaadda biyaha  ayaa gooyey dhul beereed aad u balaraan oo ay ku beernaayeen wax soo saarka qaybahooda kala duwan inkasto wasaaradda Beeraha Hirshabeelle wali tiro koob rasmi ah kasoo saarin.

Isu socodka gaadiidka  wadadda xiriirisa jawhar iyo balcad ayey xinibeen biyaha maadama ay yihiin kuwa xoog ugu baahaya deegaanka, dhinac kale wararka ayaa sheegaya inay go’day wadadda jowhar iyo garoonka diyaaraddaha Maxamed dheere oo ay samayn ku yeesheen fatahaadda uu sameeyey Webiga Shabeelle.

Waxa jira cabsi laga qabo inay korodho qiimaha maceeshadda kala duwan maadaama ay fatahaadda sababi karto inay yaraadaan isu socodka gaadiidka deegaanka soo geliya badeecaddaha quutal daruuriga ah.

Wado muhiimka u ah iskusocodka Degmada Dhuusamareeb oo Dayactir lagu bilaabay

Waddadaan oo Halbowle u ah isu socodka Gaadiidka iyo Dad waynaha Xaafada Dayax ee Magaalada Dhusamareb ayaa laga bilaabay Dayactir iyo Hagaajin ka dib markii ay gooyeen Daadadka Roobabkii Dhowaan Magaalada ka da’ay.

Howshaan ayaa waxaa si isxilqaan ah ku wada Bulshada Xaafada Dayax iyo Dhalinyarada Magaalada waxaana Waddada la saarayaa Cara-kaawo iyo Jaay.

Gudoomiyaha Xaafada Dayax Axmed siciid iyo C/llaahi Salaad oo ka mid ah Guddiga Dhismaha Waddadan ayaa sheegay in hawsha dib u dayactirka waddan ay meel wanaagsan mareyso.

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Galmudug Maxamed Xaashi Dhoore, ayaa Dhalinyarada dhisaysa Waddada Xaafada Dayax ku dhiiri galiyey, kuna amaanay Shaqada ay Bulshada u hayaan waxuuna Balanqaaday in uu bixinayo 30 Kaariko oo Caro Kaawo ah.

Dhismaha wadaadaan ayaa waxa ay qayb ka tahay Howlo iskaa wax u qabso ah oo Bulshada Magaalada ay dhowaan bilaabeen waxaana Qorshaha ku jira in Waddooyin kale la dhiso.

Ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka iyo Maamulka Gobalka Hiiraan oo ku baxay Dagaal ka dhacay deegaan hoostaga Magaalada Baladweyne

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 5-aad Qeybta 27-aad iyo Maamulka Gobolka Hiiraan oo iskaashanaya ayaa kala dhexgalay laba maleeshiyo beeleed oo dagaal uu ku dhexmaray deegaanka Baladu Nuur oo hoos yimaado magaalada Baladweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dagaalkan ayaa salka ku haya sheegashada lahaanshaho dhul Beereed halkaas ku yaalla oo labada dhinac ay isku hayaan iyadoo mid walba uu sheeganayo.

Taliyaha Guutada 5-aad Qeybta 27-aad Ciidanka Xoogga Dalka kornayl Maxamuud Xasan Ibraahim Baakaay, ayaa sheegay in la kala qaaday Maleeshiyaadkii dirirtu ay dhexmartay, islamarkaana Deegaanka hadda uu nabdoonyahay.

Waanwaan labada dhinac ah ayaa hadda socota waxaana ammaanka Deegaanka lagu dagaalamay ee Baladu-Nuur iyo Dabaan oo dhamaantooda hoostaga Deegaanka Haarcadeey oo qiyaastii 7km dhinaca galbeed kaga beegan Magaalada Baladweyn la wareegay Ciidamada Xoogga dalka.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka waxaana baaqyo isdaba joog ah kasoo saaray waxgaradka iyo mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan.

Fatahaad uu sameeyey Wabiga shabeelle oo waxyeello ugeystay deegaano hoostaga magaalada Jowhar

Tuulooyinka hoosyimaada magaalada madaxda Gobolka shabeellada dhexe ee Jowhar islamrkaana ah caasimadda Maamulka Hirshabeelle, ayaa waxaa kasocda barakac ka dhashay Fatahaad uu sameeyay Wabiga shabeelle maalmihii lasoo dhaafay gaar ahaan Seddexdii cisho ee ugu dambeysay.

Wabiga Shabeelle ayaa ku fatahay Tuulooyin ay ka mid yahiin Baarey iyo Moyko, oo hoos yimaado magaalada Jowhar, sidookale Biyaha fatahaada ayaa gooyay dhul beereed lagu rajo weynaa in ay kasoo go’aan dalaqyo kala duwan dad badan oo beeraley u badanna ay filayeen in ay ka heli doonaan faa’iidi doonaan miraha kasoo go’a.

Wasaaradda Beeraha Hirshabeelle wali kama aysan soo saarin tirakoob rasmi ah oo ku saabsan inta uu la’egyahay dhulbeereedka uu fatahaadda Wabigu saameeyey, inta badan xilli roobaadka marka lagaaro waxaa fataha wabeyada shabeelle iyo Jubba ee mara qeybo badan oo ka mid ah dhulka Soomaaliya, tiiyoo aysan jirin Qalab dhameystiran oo looga hortago waxyeellada marwalbo uu geysto wabiga, inkastoo mar walbo ay jiraan dadaalo ay sameeyaan Dowladda dhexe iyo Maamul goboleedyada haseyeeshee wali si dhameystiran looguma guuleysan in lasoo afjaro waxyeeleynta uu mar walba wabiyadu ay geystaan.

Fatahaadda uu sameeyay Wabiga Shabeelle ayaa Sidookale xayirtay isu socodka Gawaarida isaga kala goosha wadada u dhaxeysa magaalooyinka Jowhar iyo Balcad, sidookale waxa go’an wadada xariiriso magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellaha dhexe iyo garoonka diyaaradaha ee Maxamed Dheere.

Qiimaha maaciishada ayaa magaalada Jowhar laga dareemayaa sare u kac maadaama ay yaradeen gaadiidka xamuulka ah ee soo gali jiray magaalada.

Maaamulka Hirshabelle ayaa ku hawlan sidii ay u xiri lahayeen goobaha uu fatahadda ka sameeyay wabiga, waxaana lafilayaa in maalmaha soo socda lagu guuleysto xiritaanka goobaha uu wabiga ka fatahay.

Madax ka kala socota Dowladaha ku midoobay G7 oo shirk ku yeeshay London

Wasiirada Arrimaha dibadda wadamada loo yaqaano G7 ayaa kulankooda diiradda ku saaray dhaq dhaqaaqa Ruusha uu kawado Ukraine, xaaladaha Iiraan, Shiinaha iyo Bariga Africa

Shirkaan oo ay yeesheen todobada wadan ee ugu tunka weyna dhaqaalaha dunida ayaa ka dhacay Magaalada London ee xarunta UK, waxaana looga hadlay waxyaabo badan oo waqtigan caalamka ka socda oo ay ka mid tahay dhiibaatada ka taagan dalka Myamaar.

Sidoo kale shirka waxaa looga hadlay faragelinta Ruushka ee Ukraine, gaar ahaan gobolka Crimea,Shiinaha,arrimaha hubka Nuclear-ka Iiraan,xaaladaha ka taagan dalalka Suuriyada iyo liibiya iyo sidoo kale dagaalada ka socdo dalka itoobiya.

Ka qeybgalayaasha sanadkaan Shirka lagu casuumay ayaa waxaa ka mid ahaa dalalka Australia, Koofurta kuuriyada,India,iyo Koofur Africa.
Waxyaabaha kale ee shirka inta uu socday diirada lagu saaray ayaa waxaa ka mid ahaa xiriirka ka dhaxeeya waddamada Ruush,Shiinaha iyo Iiraan iyo in 15 bilyan lagu maalgeliyo haweenka ku nool wadamda soo koroya ee dunida.

Shirkaan waxaa ka qeyb-galay Wasiiradda arrimaha dibadda dalalka UK, Fransiiska, Germalka,Talyaaniga, Canada,Japan iyo sidoo kale Mareykanka, waxaana sheegeen in waddamada reer Galbeedka wali ay mideysanyihiin.

 

Golaha Maamulka Kumeel gaarka ah ee Suudaan oo la kulmay Wafdi ka socday Maraykanka

Golahan oo uu horkacayo Jeneral C/Fataax Al- Burhaan oo ah Madaxa Golaha kumeelgaarka ah ee hoggaanka Siyaasadda Suudaan ayaa la kulmay Maanta xubno ka socday Aqalka Senedka Maraykanka, kulankaas oo ka dhacay Qasriga Jamhuuriga ee magaalladda Khartuum.

Wafdiga ay la kulmeen Golaha ayaa ka koobanaa Laba xubnood oo ka tirsan Guddiga Xiriirada Arrimaha Dibadda ee Aqalka Senedka Maraykanka.

Warbaahinta Dowladda Suudaan ayaa sheegtay in Kulankani diirada lagu saaray Xiriirka Maraykanka iyo Suudaan, Xalinta Khilaafka Suudaan kala dhexeeya Itoobiya ee ku qotama Muranka Biyo-xireenka Al Nahda iyo sidii ay Hay’addaha Caalamiga ah ay taageero uga geysan lahaayeen Taakulaynta Qaxootiga Itoobiyaanka ah ee ku nool Xeryaha ku yaalla gudaha dalka Suudaan.