Golaha Maamulka Kumeel gaarka ah ee Suudaan oo la kulmay Wafdi ka socday Maraykanka

Golahan oo uu horkacayo Jeneral C/Fataax Al- Burhaan oo ah Madaxa Golaha kumeelgaarka ah ee hoggaanka Siyaasadda Suudaan ayaa la kulmay Maanta xubno ka socday Aqalka Senedka Maraykanka, kulankaas oo ka dhacay Qasriga Jamhuuriga ee magaalladda Khartuum.

Wafdiga ay la kulmeen Golaha ayaa ka koobanaa Laba xubnood oo ka tirsan Guddiga Xiriirada Arrimaha Dibadda ee Aqalka Senedka Maraykanka.

Warbaahinta Dowladda Suudaan ayaa sheegtay in Kulankani diirada lagu saaray Xiriirka Maraykanka iyo Suudaan, Xalinta Khilaafka Suudaan kala dhexeeya Itoobiya ee ku qotama Muranka Biyo-xireenka Al Nahda iyo sidii ay Hay’addaha Caalamiga ah ay taageero uga geysan lahaayeen Taakulaynta Qaxootiga Itoobiyaanka ah ee ku nool Xeryaha ku yaalla gudaha dalka Suudaan.