Fatahaad uu sameeyey Wabiga shabeelle oo waxyeello ugeystay deegaano hoostaga magaalada Jowhar

Tuulooyinka hoosyimaada magaalada madaxda Gobolka shabeellada dhexe ee Jowhar islamrkaana ah caasimadda Maamulka Hirshabeelle, ayaa waxaa kasocda barakac ka dhashay Fatahaad uu sameeyay Wabiga shabeelle maalmihii lasoo dhaafay gaar ahaan Seddexdii cisho ee ugu dambeysay.

Wabiga Shabeelle ayaa ku fatahay Tuulooyin ay ka mid yahiin Baarey iyo Moyko, oo hoos yimaado magaalada Jowhar, sidookale Biyaha fatahaada ayaa gooyay dhul beereed lagu rajo weynaa in ay kasoo go’aan dalaqyo kala duwan dad badan oo beeraley u badanna ay filayeen in ay ka heli doonaan faa’iidi doonaan miraha kasoo go’a.

Wasaaradda Beeraha Hirshabeelle wali kama aysan soo saarin tirakoob rasmi ah oo ku saabsan inta uu la’egyahay dhulbeereedka uu fatahaadda Wabigu saameeyey, inta badan xilli roobaadka marka lagaaro waxaa fataha wabeyada shabeelle iyo Jubba ee mara qeybo badan oo ka mid ah dhulka Soomaaliya, tiiyoo aysan jirin Qalab dhameystiran oo looga hortago waxyeellada marwalbo uu geysto wabiga, inkastoo mar walbo ay jiraan dadaalo ay sameeyaan Dowladda dhexe iyo Maamul goboleedyada haseyeeshee wali si dhameystiran looguma guuleysan in lasoo afjaro waxyeeleynta uu mar walba wabiyadu ay geystaan.

Fatahaadda uu sameeyay Wabiga Shabeelle ayaa Sidookale xayirtay isu socodka Gawaarida isaga kala goosha wadada u dhaxeysa magaalooyinka Jowhar iyo Balcad, sidookale waxa go’an wadada xariiriso magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellaha dhexe iyo garoonka diyaaradaha ee Maxamed Dheere.

Qiimaha maaciishada ayaa magaalada Jowhar laga dareemayaa sare u kac maadaama ay yaradeen gaadiidka xamuulka ah ee soo gali jiray magaalada.

Maaamulka Hirshabelle ayaa ku hawlan sidii ay u xiri lahayeen goobaha uu fatahadda ka sameeyay wabiga, waxaana lafilayaa in maalmaha soo socda lagu guuleysto xiritaanka goobaha uu wabiga ka fatahay.