Ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka iyo Maamulka Gobalka Hiiraan oo ku baxay Dagaal ka dhacay deegaan hoostaga Magaalada Baladweyne

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 5-aad Qeybta 27-aad iyo Maamulka Gobolka Hiiraan oo iskaashanaya ayaa kala dhexgalay laba maleeshiyo beeleed oo dagaal uu ku dhexmaray deegaanka Baladu Nuur oo hoos yimaado magaalada Baladweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dagaalkan ayaa salka ku haya sheegashada lahaanshaho dhul Beereed halkaas ku yaalla oo labada dhinac ay isku hayaan iyadoo mid walba uu sheeganayo.

Taliyaha Guutada 5-aad Qeybta 27-aad Ciidanka Xoogga Dalka kornayl Maxamuud Xasan Ibraahim Baakaay, ayaa sheegay in la kala qaaday Maleeshiyaadkii dirirtu ay dhexmartay, islamarkaana Deegaanka hadda uu nabdoonyahay.

Waanwaan labada dhinac ah ayaa hadda socota waxaana ammaanka Deegaanka lagu dagaalamay ee Baladu-Nuur iyo Dabaan oo dhamaantooda hoostaga Deegaanka Haarcadeey oo qiyaastii 7km dhinaca galbeed kaga beegan Magaalada Baladweyn la wareegay Ciidamada Xoogga dalka.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka waxaana baaqyo isdaba joog ah kasoo saaray waxgaradka iyo mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan.