Musharixiinta xilka hoggaamiyaha Koofur Galbeed oo Khudbadahooda jeedinaya

Baydhabo: Waxaa si rasmi ah u bilowday hadal-jeedinta musharaxiinta u tartamaya xilka Hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Munaasabadda ayaa ka socota hoolka doorashada ee magaalada Baydhabo, waxaana goobta ku sugan mas’uuliyiin ka kala socota heerarka Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada, xildhibaanno, siyaasiyiin, odayaal dhaqameed iyo marti sharaf kale.

Musharaxiinta oo ah saddex ayaa soo bandhigay barnaamijyadooda siyaasadeed iyo aragtidooda hoggaamineed ee ku aaddan mustaqbalka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

         

Wasiirka arrimaha dibadda oo wadahadal Teleefanka ah la yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Pakistan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa khadka telefoonka kula hadlay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, Senator Mohammad Ishaq Dar, si ay uga wada hadlaan dadaallada socda ee lagu xaqiijinayo sii deynta muwaadiniinta Pakistan ee saaran markabka MT Honour 25.

Wasiir Cabdisalaam ayaa sheegay sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’an tahay taageeridda dhammaan dadaallada lagu xaqiijinayo badqabka iyo sii deynta degdegga ah ee dadka la haysto.

Labada wasiir ayaa sidoo kale isku raacay in la sii wado wada shaqeyn iyo xiriir dhow oo la yeesho ilaa arrintan xal laga gaarayo.

Intii uu socday wada hadalka, labada dhinac waxay muujiyeen qanacsanaanta ay ka qabaan horumarka wanaagsan ee xiriirka Soomaaliya iyo Pakistan, iyagoo carabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah iyo ka shaqeynta danaha wadaagga ah ee labada dal.

Wasiirka waxbarashada iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda oo kormeeray dhismaha Xarunta Gahayr

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Prof, Dr. Maxamed Maxamuud ayaa maanta kormeer indho-indheyn ah ku tagay Xarunta Gaheyr ee Jaamacadda Ummadda, si ay u qiimeeyaan halka ay marayaan howlaha dhismaha iyo casriyeynta ah ee ka socda xaruntan.

Madaxda ayaa warbixin ka dhageystay masuuliyiinta iyo injineerrada gacanta ku haya mashruuca casriyeynta xarunta Gaheyr, iyagoo u kuurgalay heerka uu marayo dhismaha tan iyo markii la dhagax dhigay bishii May 02.

Wasiirka iyo Guddoomiyaha ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay in la dhammeystiro dhismaha xaruntan, si ay u noqoto deegaan waxbarasho oo casri ah kana jawaaba baahiyaha sii kordhaya ee ardayda Soomaaliyeed.

       

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa Maanta daah furay sidii dib-u habeyn yo dayactir loogu sameynayay kaydka Radio Muqdisho, si loo dardar-geliyo badbaadinta iyo casriyeynta Dhaxalka Maqalka ee Taariikhiga ah ee Soomaaliya.

Daah-furka waxaa Wasiirka ku wehliyay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasimaha Radio Muqdisho, iyo mas’uuliyiin kale, kuwaas oo kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee kaydka iyo Makiinadaha dib loo dayactiray ee lagu danabeynayo Cajaladaha Taariikhiga ah.

Agaasimaha Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/Fataax Daahir Jayte oo Madasha hadal ka jeediyey ayaa ugu horreyn ka warbixiyey marxaladihii uu soo maray dib u dayactirka iyo casriyeynta keydka baaxada weyn ee Radio Muqdisho, isaga oo rajeeyey in tani bilow u noqoto in Keydka Radio Muqdisho uu helo Casriyeyntii ugu ballaarneyd, maadaama Madaxda Wasaaradda ka go’an tahay in keydka hab Digital loo bedelo.

Wasiirka ayaa sheegay in dayactirka iyo dib-u-habeyntan ay tahay horudhac muhiim u ah dadaal ballaaran oo Wasaaraddu ku casriyeynayso Kaydka Radio Muqdisho, si loo ilaaliyo loona badbaadiyo kumannaan Cajaladood oo xambaarsan Taariikh, Dhaqan iyo Xusuusta Qaranka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sidoo kale,bogaadiyay Howl-Wadeennada Radio Muqdisho iyo Shaqaalaha Kaydka, isaga oo ku dhiirrigeliyay inay sii laba jibbaaraan dadaallada lagu dardargelinayo casriyeynta Cajaladaha Kaydka, si Jiilasha Mustaqbalka ay uga faa’iideystaan Dhaxalkan Qaran.

Wasiirka ayaa uga mahad celiyay Hay’adda Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka ee Qaramada Midoobay ee UNESCO iyo Barnaamijka JFIT ee Dowladda Japan ee taageeraya Barnaamijka Xusuusta Dunida ( Memory of the World), sameynta Warbixinta qiimeynta Kaydka Radio Muqdisho, iyo dib-u habeynta Makiinadaha iyo Qalabka Kaydka.

Wasiirku wuxuu xusay in Makiinadaha dib la dayactiray ay yihiin bar bilow wanaagsan, balse aysan weli ku filnayn baaxadda weyn ee Cajaladaha Taariikhiga ah ee kaydka ku jira iyo badbaadintooda oo u baahan barnaamij ballaaran, loona baahan yahay Bulshada Soomaaliyeed, UNESCO iyo Saaxiibada kale ee Caalamka in ay kaalin ka qaataam ololaha ay Wasaaraddu wado ee lagu fududeynayo helitaanka xogta kaydka iyo dedajinta casriyaynta Cajaldaha wakhti dheer kaydsan oo halis ugu jira baaba’ iyo lumitaan.

Kaydka Radio Muqdisho waa hoyga ugu ballaaran taariikhda Soomaaliya laga soo bilaabo 1951, waxaana Wasaaradda ay waddaa dadaal lagu dardar galinayo casriyaynta Cajaladaha.

Bannaanbaxu waa Xaq Dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo Dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya wuxuu Muwaadiniinta u dammaanad qaadayaa Xuquuqda isu imaatinka iyo Bannaanbaxa Nabadeed. Tani waa Xuquuq muhiim ah oo ay tahay in la ixtiraamo. Shacabka, Mucaaradka iyo cid kasta oo aragti qabta waxay xaq u leeyihiin inay si Nabad ah u muujiyaan Fikirradooda.

Hase ahaate,  Xuquuq kasta waxaa la socda masuuliyad, iyo xad jaangoynaya. Bannaanbax Nabadeed micnihiisu ma aha/kama dhigna, in Qof ama koox ay Magaalada ka dhigaan meel aan la maamuli karin. Sido kale,  Ma aha in la xiro Waddooyinka muhiimka ah, la hakiyo shaqada bulshada, la carqaladeeyo ganacsiga, ama la geliyo Shacabka xaalad cabsi iyo Amni-darro.

Dalalka Reer Galbeedka ee aan inta badan tusaalaha u soo qaadanno, Bannaanbaxyadu uma dhacaan si iska furan oo aan nidaam hagaya lahayn. Qabanqaabiyeyaasha waxay la xiriiraan Booliska iyo Maamulka Deegaanka. Waxaa la isku raacaa Goobta, waqtiga, jidka la mari karo, ilaalinta Amniga, iyo sida loo badbaadinayo Dadka Bannaanbaxaya iyo Shacabka kale. Ujeeddaduna ma aha in la aamusiiyo cidda Bannaanbaxaysa, balse waa in la ilaaliyo xuquuqdooda iyo Xuquuqda Dadka kale Labadaba.

Marka la eego Bannaanbaxii Mucaaradku qorsheeyeen 4-tii Juun ee Muqdisho, Dowladda ma aysan oran/odhan “ma Bannaanbixi kartaan.” Taas beddelkeeda, Banaanbaxa si mid agaasiman u noqdo, waxay u astaysay Goobo cayiman oo Bannaanbaxu si Nabad ah uga dhici karo, waxayna sheegtay inay sugi doonto Amniga Shacabka, ka qaybgalayaasha iyo hoggaanka mucaaradka. Taasi waa tallaabo Macquul ah.

Muqdisho waa Caasimaddii Dalka. Waa Xarunta Dowladda, Ganacsiga iyo Adeegyada muhiimka ah. Sidoo kale waa Magaalo weli ka soo kabanaysa dagaallo, Qaraxyo iyo amni-darro muddo dheer soo jiitamaysay. Sidaas darteed, Dowlad kasta oo masuul ah waxa  Waajib ku ah, xilna ka saaranyahay, inay ka hortagto/hor-istaagto xaalad kasta oo   qas iyo qalalaase  dhalin karta.

Haddii Mucaaradku yiraahdaan/leeyihiin “Goob kasta iyo goor kasta ayaan Bannaanbax ka dhigi karnaa,” ama “toban goobood ayaan isku mar ka Bannaanbaxaynaa,” taasi ma aha Xuquuq si masuuliyad leh loo adeegsanayo, waxayna isu bedeli masuuliyad darro. Banaanbaxyada/Abaabulka Bulsho  ee jaanta roganta ah,  waxay  curyaamin karaan Magaalada oo dhan, sida isu socodka, Ganacsiga, Waxbarashada, Adeegyada Caafimaadka iyo Shaqada Dadka Masaakiinta/Muruqmaalka  ah ee Maalin kasta Nolol maalmeedkooda raadsada.

Isla dhanka kale, Haddii ay xaalad Amni darro dhacdo/dhalato, Waddooyin xirmaan,  Gurmadka Caafimaadka xanibmo,  Ganacsiga  Khasaaro gaarto, ama haddii Rabshad timaaddo, isla Dowladda ayaa lagu eedeyn lahaa inay dayacday Amniga Shacabka, iyo kaalinteedi Dowladnimo, sidaas darteed, Dowladdu waxay Xaq u leedahay, waajibna ku ah inay Bannaanbaxyada u dejiso nidaam Macquul ah.

Ujeedadana  ma aha in Shacabka ama Mucaaradka laga hor istaagayo Xuquuqdooda, laakinse  waa in la hubiyo in  Xuquuqdaas loo isticmaalo si Nabad ah, Sharci ah, oo aan Dhaawac u geysan Dadka kale iyo Bananbaxayasha. Bannaanbax Nabadeed waa in laga dheehdaa mid Nabdoon inuu yahay asaaliibtiisa oo dhan, sida: qorshihiisa, howraartiisa,halbeeggiisa,  Hannaankiisa iyo Himiladiisa, waxaase loo bahaan yahay iney kala caddaadaann waxa ay  Mucaaradku xaqa  u leeyihiin ee ah iney Dowladda dhaliisheeda sheegaan, Aragtidooda dhiibtaan, Taageerayaashoodana abaabulaan, laakiin se aaney iska noqonin ha yaacdo, Wajigaa furan ah.

Hoggaamiye Masuul ah ma aha kan Dadka Waddooyinka ku soo daadiya iyadoo aan qorshe iyo nidaam cad jirin. Hoggaan masuul ah waa kan la shaqeeya Hay’adaha Amniga, ka fogaada kicinta, ilaaliya Dadka taageersan, kana hortaga in Bannaanbaxa loo beddelo qalalaase, Dowladduna dhankeeda waa inay mar walba ixtiraamtaa Xuquuqda Bannaanbaxa Nabadeed. Waa inay la hadashaa Shacabka, caddeysaa sababta go’aannadeeda, kana fogaataa awood aan loo baahnayn.  Bannaanbaxu ha ka dhaco Goob cayiman, waqti cayiman iyo nidaam cayiman, ma aha cabburine Waa Masuuliyad Dowladeed.

Soomaaliya Maanta waxay u baahan tahay Dowladnimo, nidaam iyo Tartan Siyaasadeed oo bisil. Qof kasta oo Dalkiisa jecel waa inuu fahmaa in Xuquuqda iyo Nidaamku ay wada socdaan. Xuquuq aan nidaam lahayn waxay isu beddeli kartaa fowdo. Nidaam aan Xuquuq lahaynna wuxuu isu beddeli karaa cabburin. Sida saxda ahi waa in labadaba la ilaaliyo: Xuquuqda Shacabka ee Bannaanbaxa iyo badbaadada Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa Qoray:Mohamed Ali-Mire (Cowke) iyo Hassan Abdikarim- Ottawa Canada

War-Saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn uga xun tahay duruufihii sababay in Garsooraha Soomaaliyeed ee Caalamiga ah, Cumar Cartan, uu ka baaqdo ka qeybgalka Tartanka Kubadda Cagta ee Caalamiga ah ee hadda ka socda Dalalka Mareykanka, Canada, iyo Mexico.

War-Saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayay ku sheegtay “kadib markii la ogaaday in Garsoore Cumar Cartan uu la kulmay caqabado la xiriira ogolaanshaha gelida Dalka Mareykanka (Entry Denied), Wasaaraddu iyadoo kaashaneysa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxay sameysay dadaallo diblomaasiyadeed iyo wada-xaajood ballaaran oo lala yeeshay Dowladda Mareykanka iyo Hay’adda FIFA, si xal Degdeg ah loogu helo arrintan”.

Warka waxay kaloo ku xustay “Nasiib darro, inkastoo dadaalladaas xooggan la sameeyay, ma suuragelin in xal laga gaaro. Garsoore Cumar Cartan wuxuu tusaale muuqda u yahay kartida, adkeysiga, iyo dadaalka Dhallinyarada Soomaaliyeed. Guulihiisa Caalamiga ahaa waxay Sharaf iyo Sumcad u yihiin Shacabka Soomaaliyeed, waxayna caddeynaysaa in caqabadaha iyo duruufaha adag ee Dalka ka jira aysan hor istaagin in Dhalinyarada Soomaaliyeed ay gaaraan heerar sare oo Caalami ah.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska waxay mar kale xaqiijineysaa taageeradeeda buuxda ee Garsoore Cumar Cartan, waxayna sii wadi doontaa taageerada horumarintiisa xirfadeed iyo ka qeybgalka Fursadaha Caalamiga ah ee mustaqbalka, waxayna u mahadcelineysaa Shacabka Soomaaliyeed, bahda Ciyaaraha iyo dhammaan Dadka muujiyay Garab istaagga, dhiirrigelinta iyo taageerada ay u muujiyeen Garsoore Cumar Cartan.

Aqoon-isweydaarsiga Qaran ee Barnaamijka Xusuusta Dunida ee UNESCO oo la Soo Xiray

Muqdisho,(Wargeyska Dalka);- Aqoon isweydaarsigan oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda UNESCO, iyadoo kaashanaysa Barnaamijka JFIT ee ay maalgeliso Dowladda Japan, ayaa waxaa ka qeyb galay Wakiillo ka socday Hay’adaha Dowladda, Khubaro iyo Daneeyayaal ka shaqeeya ilaalinta Hiddaha, Dhaqanka, Suugaanta, Taariikhda iyo kaydinta Xusuusta Qaran.

Intii uu socday Aqoon isweydaarsiga, waxaa lagu soo bandhigay fahamka Barnaamijka Xusuusta Dunida iyo kaalinta UNESCO ee ilaalinta dhaxalka Taariikhiga ah.

Sidoo kale, waxaa la soo jeediyay warbixinno ku saabsan qiimeynta Kaydka Taariikhiga ah ee Radio Muqdisho iyo muhiimadda ay leedahay badbaadinta, iyo fududeynta helitaanka Dadweynaha ee Kaydka Taariikhiga ah, kaas oo xambaarsan Xusuusta Soomaaliyeed tan iyo Sannadkii 1951.

Maalintii labaad ee Aqoon-isweydaarsiga waxaa diiradda lagu saaray hannaanka loo maro diiwaangelinta xusuusaha Taariikhiga ah, u diyaar-garowga Soomaaliya ee ka qeybgalka Barnaamijka Xusuusta Dunida, iyo dhismaha Guddi Qaran oo isku xira dadaallada ilaalinta iyo badbaadinta Taariikhda Soomaaliya.

Agaasimaha Waaxda Istiraatiijiyadda Warbaahinta ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdishaakur Cali Axmed, soo xiray Kulanka ayaa sheegay in Aqoon isweydaarsigan uu yahay bar-billow muhiim ah oo lagu dhisayo fahamka Soomaaliya Barnaamijka Xusuusta Dunida, isla markaana horseedi kara in Soomaaliya ay uga faa’iidaysato fursadaha lagu badbaadin karo Kaydka Taariikhiga ah ee Radio Muqdisho, diiwaangelintiisa iyo ilaalinta Dhaxalka Taariikhiga ah ee Dalka.

Agaasimaha ayaa u mahad celiyay Hay’adda Waxbarashada iyo Dhaqanka ee Qaramada Midoobay UNESCO, Khuburada iyo Xubnaha matalayay Daneeyayaasha oo soo bandhigay fikradda wax ku ool ah.

Ka qeyb galayaasha ayaa isla qaatay dhismaha Guddiga heer Qaran ee Xasuusta Dunida iyo iskaashiga badbaadinta Dhaxalka Taariikhiga ah ee Soomaaliya.

                           

Ciidamada ammaanka oo Hotel Elite ee Muqdisho ku soo bandhigay hub kala duwan

Ciidamada ammaanka, oo weli ku guda jira howlgalada lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah kadib weerarkii maleeshiyaadka hubeysan ay ku soo qaadeen Degmooyinka Cabdicasiis iyo Howlwadaag ee Gobolka Banaadir, ayaa soo bandhigay hub fara badan oo isugu jira noocyo kala duwan.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, Mahdi Cumar Muumin, oo warbaahinta kula hadlay Hotel Elite, ayaa sheegay in la soo qabtay hub badan, kuwaas oo ay ku jiraan hub culus iyo hubka wax dila meelaha fog, kuwaas oo lagu keydiyay hotelka.

“Howlgalkan wuxuu qayb ka yahay howlgallo xiriir ah oo ciidamada ammaanka ay ku baacsanayeenn hub sharci-darro ah oo Qaar ka mid ah ay wateen maleeshiyaadkii amni-darrada ka waday degmadan, halka qaar kalena ay yihiin hub cusub oo loo diyaarinayay in lagu qalqal geliyo amniga magaalada, Hubkan waxaa lagu keydiyay goobo kala duwan oo uu ka mid yahay Hotel Elite,” ayuu yiri Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir.

Mahdi Cumar Muumin ayaa sheegay in ay sii socon doonaan howlgalada lagu baacsanayo hubka sharci-darrada ah, wuxuuna tilmaamay in aan qofna loo oggolaan doonin inuu gurigiisa ama goobtiisa ganacsi ku keydiyo hub sharci-darro ah.

Dhanka kale, Taliye Mahdi ayaa sheegay in wax dhibaato ah aysan ka dhicin hotelka, isla markaana aysan jirin wax dhibaato ah oo loo gaystay ilaalada iyo shaqaalaha hotelka, wuxuu xusay in ciidamada ammaanka ay fuliyeen oo keliya waajibaadkooda shaqo.

Ciidamada ammaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u soo bandhigay hub fara badan oo laga qabtay maleeshiyaadkii soo weeraray degmooyinka Howlwadaag iyo Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho.

                 

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (GMDHD) Avv. Burhaan Aadan Cumar, asagoo tixraacaya waajibaadka Dastuuriga ah ee Guddiga kuna xusan Cutubka 15-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (2026), isla markaana arkay in Calanka iyo Astaanta Qaranka loo isticmaalo midabo kale duwan oo khaldan, laguna wareeray midka Saxda, ayuu soo saaray Warsaxaafadeedkan:

(1) Dhammaan Hay’adaha Dawladda, Shacabka Soomaaliyeed iyo cid kasta oo adeegsanaysa Calanka iyo Asataanta Qaranka waa inay isticmaalaan midabka rasmiga ah ee ku xusan Jadwalka Koowaad (A) iyo Jadwalka Koowaad (B) ee Dastuurka JFS, ayadoo midabka Buluugga ah ee Calanka iyo Astaantu uu yahay (Hex Code: #B5D7F1- RGB (Red, Green, Blue): (181, 215, 241).

(2) Sidoo kale, Heesta Qaranka Soomaaliya ee rasmiga ah oo dhammaystiran waa midda ku qoran Jadwalka Koowaad (C) ee Dastuurka JFS.

(3) Hay’addii ama masuuliyiintii si khaldan u adeegsada Calanka, Astaanta iyo Heesta Qaranka waxaa laga qaadi doonnaa tallaabo waafaqsan xeerarka Dalka.

(4) Dhammaan xafiisyada Dawladda ee heer federaal iyo heer Dawlad Goboleed waa inay adeegsadaan Calanka, waana in la dhigaa Xarumaha Dawladda.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Safiirka Dowladda Shiinaha oo ka Wada Hadlay Iskaashiga Difaaca Labada Dal

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha ee Soomaaliya, Danjire Wang Yu.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka Iskaashi ee ka dhexeeya labada Dal, gaar ahaan dhinacyada Difaaca, Tababarrada Ciidamada, iyo taageerada dhismaha Hay’adaha Amniga Qaranka Soomaaliyeed.

Labada dhinac ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay ilaalinta Midnimada Dhuleed ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha, iyagoo adkeeyay mowqifka ay wadaagaan ee ku aaddan Ixtiraamka Madax-Bannaanida iyo Wadajirka Dalalka.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa uga mahadceliyay Dowladda Shiinaha doorkeeda taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta Iskaashiga Labada Dal si loo horumariyo awoodda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.