Shirka Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya oo goordhow furmay

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Waxaa goordhow Magaalada Muqdisho ka furmaya Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya.

Madashan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa kulminaysa Maayarrada Degmooyinka Dalka, mas’uuliyiin ka socota Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad-Goboleedyada, Hay’adaha Caalamiga ah iyo Bulshada Rayidka ah.

Faah faahinta goordhow la soco.

Kulan looga hadlayay ilaalinta Carruurta ee ka hortagga Colaadaha hubeysan oo lagu qabtay Muqdisho

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Yuusuf Cali Maxamed, ayaa shir-guddoomiyay Kulan looga hadlayay xoojinta ilaalinta Carruurta Soomaaliyeed iyo ka hortagga in loo adeegsado Colaadaha hubeysan ama askareynta.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta hirgelinta Mabda’a Vancouver, oo ah hannaan Caalami ah oo lagu xoojinayo tallaabooyinka looga hortagayo ka faa’iidaysiga Carruurta xilliyada Colaadaha hubeysan.

Intii uu socday Kulanka, waxaa si gaar ah loo adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa Hay’adaha Dowladda iyo Saaxiibada Caalamiga ah, gaar ahaan Hay’adda Save the Children, si loo hirgeliyo siyaasadaha iyo qorshayaasha lagu ilaalinayo Xuquuqda Carruurta Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Xubnaha Kooxda Shaqada ee Ilaalinta Carruurta Xilliyada Colaadaha Hubeysan (CAAC Working Group), oo ay ku jireen Wakiillo ka socday Wasaaradda Amniga Gudaha, Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, iyo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

 

 

Guddiga qaban qaabada toddobaadka xorriyadda oo kulmay

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa ka warbixiyay kulankii ugu horeeyay oo ay caawa isugu yimaadeen guddiga qaban qaabada usbuuca xoriyadda ee nagu soo aaddan.

Wasiirka ayaa sheegay in muhiimadda kulankan uu yahay diyaargaroowga maalmaha xorriyadda ee dalka.

” Caawa oo ay taariikhdu ku beegan tahay 7-da bisha lixaad ee 2026, waxaa halkan ka qabsoomay shirka guddiga qaban qaabada usbuuca xoriyadda ee nagu soo aaddan, halkan oo lagu kala qeybsaday waajibaadyo iyo shaqooyin lagu dhisay guddiyo hoosaad kala duwan oo heer wasiir ah,”.

Sidoo kale, Wasiir Cabdifataax ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay  in ay u diyaargarowbaan xuska maalmaha xoriyadda ee 26-ka June oo ah goortii ay xoriyadda qaateen Gobollada Waqooyi iyo 1-da Luulyo oo ah xilligii ay Koonfurta xorroowday ayna midoobeen gobollada Waqooyi iyo Koonfurta.

” Waxaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu baaqeynaa in ay u diyaarowbaan u dabaaldega usbuuca xoriyadda oo ka bilaaban doonta 26-ka June ilaa 1-da Luulyo oo ah maalmo runtii aad iyo aad ugu weyn taariikhda iyo halganka shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan, 26-ka goortii ay xoriyadda qaateen gobollada Waqooyi, 1-da luulyana waa xilliga ay xoriyadda qaadatay Koonfur ayna Midoobeen gobollada Waqooyi iyo Koonfur”.

Shacabka Soomaaliyeed waxaa ku soo wajahan maalmo taariikhi ah, halgan adag loo soo maray loona dhabar adeegay sidii shacabka Soomaaliyeed u heli lahaayeen neecowda xorriyadda iyo midnimada ummadeed.

              

Wafdi ka socda Baarlamaanka Federaalka JFS oo booqasho shaqo ku jooga Shiinaha

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Danjire Hodan Cismaan Cabdi, oo ay wehelinayaan saraakiisha Safaaradda, ayaa maanta kulan soo dhoweyn iyo is-xog waraysi ah kula yeeshay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Beijing wafdi ka socda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka koobna Xildhibaanno, Seantaoro iyo howlwadeenno ka kala socday labada Aqal, kuwaas oo howlo shaqo u yimid Shiinaha.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha, kor u qaadidda wada- shaqaynta guud, iyo dardargelinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada mudnaanta leh.

Danjire Hodan ayaa wefdiga uga warrantay horumarka shiinaha, jihada iyo mudnaanta ay Safaaraddu xoogga saartay muddadii sanadkii la soo dhaafay, guulaha laga gaaray horumarinta xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha, iyo dadaallada lagu ballaarinayo iskaashiga dhinacyada maalgashiga, ganacsiga, dhaqanka iyo horumarinta hay’adaha dowladda.

Wefdiga ayaa dhankooda bogaadiyey doorka Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha ku leedahay kor u qaadidda sumcadda iyo sawirka Soomaaliya ee Shiinaha, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo dadaallada lagu soo jiidanayo maalgashiga iyo iskaashiga dhaqaale ee labada dal.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad ku saabsan muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka iyo wada shaqeynta Soomaaliya iyo Shiinaha, xilli labada dal ay galeen marxalad cusub oo iskaashi istaraatiiji ah.

                       

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Furay Aqoon isweydaarsiga Qaran ee Barnaamijka Diiwaanka Xasuusta Dunida ee UNESCO

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u furay Aqoon-isweydaarsiga Qaran ee ku saabsan Barnaamijka Diiwaanka Xasuusta Dunida ee UNESCO (Memory of the World), kaas oo diiradda lagu saarayo ilaalinta iyo badbaadinta dhaxalka taariikheed ee Soomaaliya.

Aqoon isweydaarsigan waxaa soo qaban qaabisay Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNESCO, oo kaashanaysa Barnaamijka JFIT ee ay maalgeliso Dowladda Japan. Waxaa ka qeyb galaya wakiillo ka socday hay’adaha dowladda iyo daneeyayaasha ka shaqeeya ilaalinta taariikhda, dhaqanka, fanka, suugaanta iyo hiddaha Soomaaliyeed.

Lea Simonini, oo ka socotay UNESCO, ayaa sheegtay in barnaamijkani muhiim u yahay fahamka iyo horumarinta kaalinta Soomaaliya ee ilaalinta xusuusta taariikhiga ah.

“Barnaamijka Diiwaanka Xasuusta Dunida waa barnaamij diiradda saaraya badbaadinta taariikhda shucuubta iyo waddamada caalamka. Soomaaliya waxaan markii ugu horreysay uga qabanay aqoon-isweydaarsi in khubarada iyo daneeyayaasha is dhaafsadaan ahmiyadda ilaalinta taariikhda, dhaqanka iyo hiddaha si loo xoojiyo kaalinta heer qaran iyo dhismaha guddi dhiirrigeliya arrintan. Sidoo kale, waxaa lagu soo bandhigayaa muhiimada ay leedahay ilaalinta iyo badbaadinta Kaydka Maqalka Taariikhiga ah ee Radio Muqdisho,” ayay tiri Lea Simonini.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa hadal-jeedintii furitaanka ku adkeeyay muhiimadda ilaalinta xusuusta qaran iyo dhaxalka warbaahineed ee dalka, isaga oo tilmaamay in Kaydka Radio Muqdisho uu yahay dhaxal nool oo xambaarsan taariikhda iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed, una baahan badbaadin degdeg ah.

“ Aqoon isweydaarsigan Ilaalinta xusuusta xasuusta waa mid ku soo beegmay waqtii ku habboonaa, badbaadinta taariikhda ku jirta Kaydka Qaranka ma aha oo keliya hawl farsamo, ee waa waajib qaran oo lagu badbaadinayo aqoonsiga iyo taariikhda ummadda Soomaaliyeed. Kaydka Radio Muqdisho waa hoyga taariikhda fanka, dhaqanka iyo qaran-dhiska Soomaaliyeed, wuxuuna u baahan yahay badbaadin degdeg ah,” ayuu yiri Wasiir Cabdulfataax.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Wasaaraddu xoogga saari doonto casriyeynta iyo ilaalinta Kaydka Radio Muqdisho, iyadoo la kaashanaysa Barnaamijka UNESCO ee Diiwaanka Xasuusta Dunida.

Aqoon-isweydaarsigan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa xoojinaya dadaallada gudaha iyo kuwa caalamiga ah ee lagu ilaalinayo kaydka taariikhda Soomaaliya, si uu qeyb uga noqdo ololaha caalamiga ah ee ilaalinta xusuusta iyo dhaxalka aadanaha oo ay hoggaaminayso UNESCO.

               

Danjiraha JFS ee Sacuudiga oo la kulmay Xoghahaya Guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijka

Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya Boqortooyada Sacuudiga, Mudane Maxamed Aamiin Sheekh Cusmaan, ayaa maanta magaalada Riyaad kula kulmay Xoghayaha Guud ee Golaha iskaashiga Khaliijka, Mudane Jasem Mohamed Albudaiwi.

Kulankan ayaa intii uu socday waxaa lagu falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga wadajirka ah ee ka dhexeeya Golaha iskaashiga Khaliijka iyo Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ee ururka iskaashiga Khaliijka ayaa Safiirka u cadeeyey sida Dowladaha Khaliijku ay ugu garab taagan yihiin JFS wax kasta oo xoojinaya Amnigeeda, Midnimadeeda, Xasiloonideeda iyo Madaxbanaanideeda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo La Kulmay Agaasimeyaasha Waaxyaha Wasaaradda

Muqdisho(Wargeyska Dalka);- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa kulan la qaatay agaasimeyaasha waaxyaha Wasaaradda si dib loogu eego howlaha shaqo ee Wasaaradda loogana wada hadlo mudnaanta Diblomaasiyadeed ee muhiimka ah.

Wasiirka ayaa agaasimayaasha la wadaagay Warbixin ku saabsan dadaallada Diblomaasiyadeed ee socda, isagoo sidoo kale bixiyay tilmaamo lagu xoojinayo wada-shaqeynta gudaha Wasaaradda iyo hirgelinta himilooyinka Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo hufnaanta shaqada Wasaaradda, korna loogu qaadayo isku-duwidda howlaha, isla markaana lagu dardargelinayo fulinta ajendayaasha Diblomaasiyadeed ee Dalka.

     

Wasaaradda Caafimaadka oo soo bandhigtay khasaaraha ka dhashay howlgalka hubka dhigista ee Muqdisho

Screenshot

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixin rasmi ah ka soo saartay Dhaawacyada iyo Dhimashada ka dhalatay howlgalkada Hub ka dhigista ee Ciidamada Amniga ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Wasaaradda

 

Ciidamada Xoogg Dalka Soomaaliyeed oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan geesiyaasha sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab, ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay Deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalladan oo ahaa kuwo qorsheysan ayaa Ciidamada ku bartilmaameedsadeen Goobo ay Khawaarijtu Lacago baad ah uga qaadi jireen Shacabka ku nool Deegaannadaas.

Geesiyaasha Danab, gaar ahaan Ururka 161-aad ee Guutada 16-aad, ayaa howlgalka ka fuliyay Deegaannada Warmaxan, Tasxiille, Shareey, 10-Buundo, Tabeellaha iyo aagga Donka, iyagoo baacsanayay firxadka kooxda.

Saraakiishii hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in Ciidamada ay ku guuleysteen burburinta Fariisimo iyo Goobo gabaad u ahaa Khawaarijta, iyadoo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay sii wadaan howlgalada lagu ciribtirayo Argagixisada.

  

MADAXWEYNAHA JFS OO DANJIRE SALAAD CALI JEELLE U MAGACAABAY LATALIYAHA SARE EE MADAXWEYNAHA

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo mudnaan gaar ah siinaya xoojinta howlaha talo-bixinta, qorsheynta, isku-dubbaridka iyo horumarinta, ayaa Mudane Danjire Salaad Cali Jeelle u magacaabay Lataliyaha Sare ee Madaxweynaha.

Mudane Danjire Salaad Cali Jeelle ayaa muddo dheer mas’uuliyado kala duwan uga soo adeegay Dalka, isagoo leh waayo-aragnimo iyo aqoon durugsan oo ku aaddan Arrimaha Dowlad-dhiska.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Lataliyaha cusub ku ammaanay khibraddiisa, dadaalkiisa iyo kaalintii uu ka soo qaatay u adeegidda Dalka, isaga oo muujiyey kalsoonida uu ku qabo in uu si hufan uga soo bixi doono waajibaadka iyo masuuliyadda loo igmaday.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle uga baryey Mudane Danjire Salaad Cali Jeelle in uu u fududeeyo gudashada waajibaadka Qaran ee horyaalla, isagoo kula dardaarmay in uu Qaranka ugu adeego daacadnimo, hufnaan iyo karti.