Kulan looga hadlayay Amniga Doorashooyinka oo lagu qabtay Baydhabo

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta iyo isku dubbaridka howlaha Amniga, si loo xaqiijiyo jawi deggan oo ammaan ah inta lagu guda jiro diyaar-garowga iyo qabsoomidda Doorashada Hoggaamiyaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta kulanka ka qeyb galay ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay adkeynta Amniga Goobaha Doorashada iyo sugidda Nabadgelyada dhammaan dhinacyada ku lugta leh geeddi-socodka Doorashada.

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa xusay inuu sii laba-jibbaarayo dadaallada lagu xaqiijinayo in Doorashadu ku qabsoonto si xor ah, hufan, daahfuran, isla markaana waafaqsan Shuruucda, Xeerarka iyo habraacyada Doorashooyinka Dalka.

 

 

    

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo guddoomay Shahaadada Musharaxnimada

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka mid ah musharraxiinta u tartamaya xilka Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa ka guddoomay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka shahaadada musharraxnimada.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa si rasmi ah uga mid noqday musharaxiinta ku tartamaysa doorashada hoggaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

10-ka bishan June, ayaa lagu wadaa in ay magaalada Baydhabo ka qabsoonto doorashada hoggaamiyaha Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed.

    

Hay’adaha amniga gobolka Banaandir oo soo bandhigay hub si sharcidaro ah lagu soo geliyay Muqdisho

Screenshot

Taliska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir ayaa degmada Cabdicasiis ku soo bandhigay hub noocyo kala duwan leh oo lagu soo qabtay howlgal ay ciidamada amniga ka sameeyeen guryo lagu qariyay hubkaas.

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Macallin Mahdi oo shir jiraa’id ku qabtay degmada Cabdicasiis ayaa warbaahinta u soo bandhigay hub sharcidaro oo rag siyaasiyiin hore ah guryaha ku haysteen, kuwaas oo dhibaato ku ahaa amniga degmadaas, wuxuuna taliyaha hoosta ka xariiqay in howlgalka sii socon doono oo lagu baacsanayo dadka falalka lidka ku ah amniga wada.

” Howlgalka oo wali socda waxaa lagu qabtay hub fara badan, kuwaas oo meelo kala duwan laga soo qabtay, bulshada Soomaaliyeedna waa la wadaagi doonaa,” ayuu yiri Taliyaha Booliska gobolka Banaadir.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa digniin adag u diray siyaasiyiinta ee hubka iyo maleeshiyaadka soo abaabulay, isagoo wacad ku maray inaan la fasixo doonin oo maxkamad lala toogsan doono, haddii markale ay isku dayaan falalka noocaan oo kale ah.

“Siyaasi dambe oo hub iyo maleeshiyaad soo abaabulay lama fasixi doono ee waa la maxkamadey doonaa,”

Ugu dambeyntii, shacaka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda ku dhaqan gobolka Banaadir ayuu uga mahadceliyay sida ay ula shaqeeyeen hay’adaha amniga oo tallaabo sharci ah ka qaaday maleeshiyaadkii ku soo gardarooday shacabka degmada Cabdicasiis.

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo xoojisay diyaargarowga iyo ka hortagga Ebola

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka ayaa xoojinaysa diyaargarowga iyo kormeerka goobaha dalka laga soo galo, foomka Caafimaadka Safarrada, Shaybaarka, IPC, wacyigelinta bulshada iyo isku-duwidda PHEOC.

Sidoo kale, Wasaaraddu ayaa dadweynaha ku wargalineysaa inay is dejiyaan, raacaan talooyinka rasmiga ah, gacmaha dhaqaan, calaamadaha degdeg u soo sheegaan, kana fogaadaan wararka aan la xaqiijin.

Shir heer wasiir oo lagu qabtay xarunta howlgallada deg degga ah ( PHEOC) ee maxhadka caafimaadka Qaranka ( NIH), shirkaas ayaa lagu gorfeeyay diyaargarowga iyo isku-duwidda ee ka hortagga Ebola.

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Taliyaha Taliska Taakuleynta Ciidanka XDS

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Hassan Sheikh Mohamud, ayaa S/Guuto Maxamed Maxamuud Xasan Garabay u Magacaabay Taliyaha Taliska Taakuleynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), kadib soo jeedin ka timid Taliyaha Ciidanka XDS iyo Wasaaradda Gaashaandhigga XFS.

S/Guuto Maxamed Maxamuud Xasan Garabay ayaa horey u soo qabtay xilka U-Qaybsanaha Arrimaha Difaaca ee Safaaradda Soomaaliya ee Ankara, isagoo sidoo kale soo maray xilal kala duwan oo la xiriira taakuleynta iyo Maamulka saadka Ciidanka XDS.

Magacaabistan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo awoodda Maamulka, taakuleynta iyo diyaar-garowga Ciidanka XDS, si loo hubiyo in Ciidamada ay helaan taageero iyo sahay joogto ah oo ka jawaabta baahiyaha hawlgallada Amniga iyo difaaca Qaranka.

Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta Musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Baydhabo(Wargeyska Dalka);-Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa Maanta bilaabay diiwaangelinta iyo qabashada Araajida Musharraxiinta u tartamaya xilka Hoggaamiyaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Shalay ayay ahayd markii Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ay doorteen Guddoomiyaha iyo ku-xigeennadiisa, iyadoo sidoo kale dhawaan la dooran doono Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Khudbad Ka Jeediyay Shirweynaha 114-aad ee Shaqada Adduunka

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Prof. Saalim Caliyow Ibrow, ayaa khudbad rasmi ah ka jeediyay Shirweynaha 114-aad ee Shaqada Adduunka (ILC 2026) oo ka socda Magaalada Geneva.

Wasiirka ayaa khudbaddiisa ku soo bandhigay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta shaqo-abuurka, ilaalinta Xuquuqda Shaqaalaha, xoojinta wada-hadalka Bulshada, iyo kobcinta nidaam shaqo oo waafaqsan heerarka Caalamiga ah.

Sidoo kale, wuxuu adkeeyay muhiimadda ay Soomaaliya siinayso horumarinta fursadaha shaqo, ilaalinta Xuquuqda Shaqaalaha, iyo Iskaashiga dhinacyada kala duwan si loo xaqiijiyo Suuq shaqo oo loo dhan yahay, isla markaana waara. Shirweynaha ayaa diiradda saaraya arrimo la xiriira shaqada, Caddaaladda Bulshada, iyo horumarinta Xuquuqda Shaqaalaha Caalamka.

   

Ciidanka Ammaanka oo Degmada Cabdicasiis ka wada howlgal lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah

Ciidamada ammaanka ayaa ku guda jira howlgal lagu ururinayo hubkii sharci-darrada ahaa ee ay wateen maleeshiyaadkii soo weeraray Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir, kuwaas oo lagu qariyey goobo kala duwan.

Hadaba, Dadweynaha Soomaaliyeed ee dagan Degnada Cabdicasiis iyo nawaaxigeeda waxaa lagu wargelinayaa inay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka ee gudanaya waajibaadkooda qaran, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida bulshada.

Qofna lagama aqbali doono inuu gurigiisa ku keydiyo ama ku qariyo hub sharci-darro ah oo loogu talagalay in lagu carqaladeeyo amniga magaalada Muqdisho iyo kan guud ahaan dalka.

Hay’adaha ammaanku waxa ay ka qaadayaan talaabo adag oo sharcigu ogolaanayo cid kasta oo lagu helo inay ku lug leedahay kaydinta, qarinta ama fududeynta dhaqdhaqaaqa hub sharci-darro ah.

Muwaadin haddii aad aragto goob lagu qarinayo Hub sharcidarro ah fadlan gaarsii hay’adaha Amniga adiga oo wacaya 991ama 199.

Danjiraha Soomaaliya ee Geneva oo Ka Qaybgalaya Doodaha Heerka Sare ee Shirweynaha Shaqaalaha Caalamiga ah.

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva, Marwo Khadra Ducaale, ayaa sii wada ka qaybgalka firfircoon ee doodaha iyo kulamada heerka sare ee ka socda Shirweynaha Shaqaalaha Caalamiga ah (ILC 2026).

Intii uu shirku socday, danjiraddu waxay ka qaybgashay munaasabad lagu daahfurayay warbixin heer sare ah oo cinwaankeedu yahay: “Dib-u-habaynta Nidaamka Ilaalinta Bulshada ee Boqortooyada Cumaan si loogu waafajiyo Mustaqbalka Shaqada.”

Munaasabaddan waxaa martigeliyay Mudane Idris Abdul Rahman Al Khanjari, waxaana lagu qabtay daryeelka Wasiirka Shaqada ee Boqortooyada Cumaan, Prof. Dr. Mahad Said Ali Baawain, iyo Agaasimaha Guud ee Ururka Shaqaalaha Caalamiga ah (ILO), Gilbert F. Houngbo.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay sii xoojinaysaa ka qaybgalkeeda doodaha iyo dadaallada caalamiga ah ee la xiriira shaqada, ilaalinta bulshada, iyo horumarinta fursadaha shaqo ee mustaqbalka, iyada oo kaalin muuqata ka qaadanaysa arrimaha shaqaalaha iyo horumarka bulshada.

Ciidamada Amniga oo soo gabagabeeyay hawlgal lagu sugayay amniga Caasimadda

Ciidamada Amniga ayaa soo gabagabeeyay hawlgal qaatay muddo 48 saac ah, kaas oo ay uga hortagayeen Malleeshiyaad abaabulan oo doonayay in ay xaalad Amni darro ka abuuraan Magaalada Muqdisho.

Malleeshiyaadkaan oo ku hubaysnaa hub culus ayaa galay xaafado ka tirsan Caasimadda ka dibna waxa ay weerarro ku qaadeen Ciidamada Booliska iyo dadka Shacabka ah iyaga oo adeegsanaya Hub culus.

Ciidamada Amniga ayaa si taxadar leh ula fal galay maleeshiyaadkaas oo ay soo abaabuliyeen Siyaaeiyiin ay ka mid yihiin Xasan Cali Khayre iyo Shariif Sheekh Axmed.

Intii uu socday hawlgalka waxa ay Ciidamada Amnigu hubka dhigis ku sameeyeen Maleeshiyaadkii Sharcidaradda ahaa waxaana hay’adaha Amniga iyo kuwa garsoorku bilaabeen Baaritaan rasmi ah iyada oo cadaaladda la hor gayndoono cidkasta oo ku lug yeelata fal danbiyaadkaan culus.

Dawladda Soomaaliya waxa ay u aragtaa falalka nuucaan ah kuwa aan la aqbalikarin, ka baxsan sharciga kana jawaabaya dano cadaw oo gudaha iyo dibadda ah, waxaana Dawladdu cadaynasaa in kaliya Ciidamada Amnigu ay yihiin cidda haysankarta hub sharci, wixii kasoo harana aan la qabalidoonin.

Dawladdu waxa ay adkaynaysaa in aan marna la aqbalidoonin Maleeshiyaad iyo hub sharcidarro ah cidkasta oo ku dhaqaaqda fal nuucaas ahna waxa ay la kulmidoontaa talaabo adag oo sharci ah.

Dawladda Federaalka ah waxa ay ugu digaysaa shaqsi iyo koox kasta oo ku hawlan falalka nuucaan ah in ay ka digtoonaato kana waantawdo.

Ugu danbayn, Dawladda Soomaaliya waxaa ay ugu mahadcelinaysaa Ciidamada Amniga ee gutay waajibaadkooda badbaadinta shacabka ee soo celinta amniga Caasimadda si waafaqsan sharciga, Sidoo kale dowladdu waxay u mahadcelineysaa Shacabka Soomaaliyeed taageeradooda joogtada ah, sidoo kale Dawladda waxa ay bogaadinaysaa doorka Beesha Calaamka guud ahaan, gaar ahaan arrimaha Amniga.