Safiirka JFS ee Dalka Hindiya oo la kulmay Madaxweynaha Sri Lanka

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya, H.E Dr. Cabdullaahi Maxamed Odowaa , ayaa magaalada Colombo ee dalka Sri Lanka kulan kula qaatay, madaxweynaha Sri Lanka Anura Kumara Dissanayak.

Kulanka Safiirka iyo Madaxweynaha waxaa lagu bogaadiyay soo noqoshada xiriirka tooska ah ee labada dal, xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Sri Lanka, iyadoo si gaar ah loo falanqeeyay fursadaha iskaashi ee dhanka waxbarashada, ganacsiga, iyo is-dhaafsiga aqoonta iyo khibradaha.