Shirweynihii Midowga Baarlamaanada Aduunka ee ka socday Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga ayaa maanta lasoo gaba gabeeyey, waxaana shirkaasi Soomaaliya ku matalayey wafdi Xildhibaano ah oo ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya labadiisa Aqal oo uu hogaaminayo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Shirweynaha 152-aad ee Midowga Baarlamaanada Aduunka ayaa sanadkan looga hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin nabadda iyo amniga caalamka, isbeddelka cimilada, horumar waara, dimuqraadiyadda, iyo sidoo kale xoojinta iskaashiga baarlamaannada Aduunka, waxaana Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo shirka khudbad ka jeediyey uu kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin Kobcinta rajada, sugidda nabadgelyada iyo hubinta caddaaladda jiilalka mustaqbalka, isagoo xusay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta nabadda, horumarinta dowladnimada iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.
Sidoo kale, shirweynaha intii uu socday waxaa barbar socday kulamo gaar gaar ah iyo doodo muhiim ah, iyadoo shirka lagu doortay Xoghayaha Joogtada ah ee Midowga Baarlamaanada Aduunka oo ay ku guuleysatay Marwo Anda Filip oo kasoo jeeda dalka Romania.


