Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay guddiga qabanqaabada xuska maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, isaga oo ka duulaya Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana gudanaya mas’uuliyadda dowladda ka saaran xuska maalmaha xorriyadda iyo midnimada dalka, waxa uu magacaabay Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada ee sanad-guuradii 66-aad ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo 1960.

Guddigan ayaa mas’uul ka noqon doona diyaarinta, isku-dubbaridka iyo hirgelinta munaasabadaha lagu xusayo maalmaha taariikhiga ah ee xorriyadda iyo midnimada Soomaaliya. Waajibaadyada kale ee guddiga waxaa ka mid ah xiriirinta hey’adaha dowladda iyo dhammaan dhinacyada kale ee ka qeyb qaadanaya dabaaldegyada, jaangoynta iyo maareynta kharashaadka ku baxaya xuska, magacaabista guddi heer farsamo ah oo abaabula munaasabadaha kala duwan, iyo sugidda amniga goobaha lagu qabanayo xafladaha iyo munaasabadaha la xiriira xuska.

Xubnaha Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada ayaa kala ah:

  1. Wasiir Cali Yuusuf Cali (Xoosh) – Guddoomiye
  2. Wasiir Jeneraal Bashiir Maxamed Jaamac (Goobbe) – Xubin
  3. Wasiir Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) – Xubin
  4. Wasiir Khadiijo Maxamed Al-Makhzuumi – Xubin
  5. Wasiir Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay) – Xubin
  6. Wasiir Axmed Macalin Fiqi – Xubin
  7. Wasiir Cabdifataax Qaasim Maxamuud – Xubin
  8. Wasiir Maxamed Cabdiqaadir Cali – Xubin
  9. Wasiiru Dowlaha Xirsi Jaamac Gaani – Xubin
  10. Wasiiru Dowlaha Maxamed Cali Xagaa – Xubin
  11. Wasiiru Dowlaha Nuura Mustaf Guudoow – Xubin
  12. Guddoomiye Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) – Xubin
  13. Agaasime Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed (Boolbool) – Xoghaye

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa guddiga faray in ay si dhow uga shaqeeyaan diyaarinta munaasabadaha xuska maalmaha xorriyadda iyo midnimada, si loo muujiyo qiimaha taariikheed ee maalmahan, loona xoojiyo dareenka waddaniyadda, midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Taliska Booliska Gobolka Banaadir oo digniin ka soo saaray maleeshiyaadka amniga qalqalgalinaya

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Korneyl Mahdi Cumar oo shir jaraa’id ku qabtay guriga Xildhibaan Jacfar oo laga saaray maleeshiyaadkii ka dhex-dagaalamayey ayaa digniin u diray dadka ku howlan qalqal-gelinta amniga Caasimadda Muqdisho.

Gurigaas ayaa lagu soo bandhigay hub culus oo nuucyo kala duwan ah iyo hubka fudud, ka dib markii hub-kadhigis lagu sameeyey maleeshiyadii halkaas ka dagaalamaysay.

Macalin Mahdi ayaa digniin u diray maleeshiyaadka amniga caasimadda doonaya inay qalqal geliyaan, waxaana uu kuwa haray u diray farriin ah inay saacadaha soo socda isi soo dhiibaan, haddii kale ciidamadu ay amar buuxa u qabaan inay hubka ka dhigaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u Hambalyeeyay guddoonka cusub ee Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, Ku-xigeenkiisa Koowaad, Mudane Aadan Xasan Maxamed (Usaama), iyo Ku-xigeenkiisa Labaad Marwo Shamso Maxamed Yarow, kuwaasi oo maanta lagu doortay magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mas’uuliyiinta cusub kula dardaarmay in ay si hufan oo masuuliyad leh u gutaan waajibaadka loo igmaday, isla markaana ay door muuqda ka qaataan xoojinta dowladnimada, horumarinta nidaamka dimuqraadiyadda iyo u adeegidda shacabka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale bogaadiyey hannaankii nabdoonaa ee ay ku qabsoontay doorashadu, isaga oo ku ammaanay xildhibaannada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed gudashada waajibaadkooda iyo adkaynta hay’adaha dowladeed.

Mahad Maxamed Sheekh oo ku guuleystay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

Mahad Maxamed Sheekh Xasan ayaa ku guuleystay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed, kadib doorasho ka dhacday Hoolka Baarlamaanka KGS ee magaalada Baydhabo, sida uu shaaciyay Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Wakiillada KGS.

Mahad Maxamed Sheekh Xasan ayaa helay 70 cod, halka Cabdixakiim Faqi oo ahaa musharraxii la tartamayay uu helay 25 cod.

War-saxaafadeed: Dowladda Soomaaliya oo digniin ka soo saartay falalka lagu dhaawacayo amniga caasimadda

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa dhacdadii nasiib-darrada ahayd ee galabta ka dhacday degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir, taas oo ay ku lug lahaayeen maleeshiyaad hubeysan oo wejiyada soo duubtay, Kuwaasoo uu soo abaabulay Xasan Cali Khayre.

Maleeshiyaadkan oo ku hubeysan hub culus ayaa si toos ah u beegsaday xarun ay leeyihiin Ciidanka Booliska ee saldhigga degmada Howlwadaag, taasoo xalay fiidkii uu ku soo daabulay maleeshiyaadkan, waxaana nasiib darro ah in maleeshiyaadkaas ay hubka culus ee ay wateen ku garaaceen xaafado ay degan yihiin dad shacab ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale ku celinaysaa in aan la aqbali doonin isku day kasta oo lagu wiiqayo amniga caasimadda, lagu carqaladeynayo shaqada ciidamada ammaanka, ama lagu abuurayo cabsi iyo qalalaase.

Hay’adaha amnigu waxay bilaabeen baaritaan rasmi ah oo la xiriira fal dambiyeedkan, si tallaabo sharciga waafaqsan looga qaado cid kasta oo ku lug yeelata.

Ugu dambeyn Dowladda Federaalka Waxay uga mahadcelineysaa shacabka Soomaaliyeed wadashaqeynta wanaagsan ee ay la leeyihiin hey’adaha Amniga, waxayna ugu baaqeysa dowladdu inay sii laba-laabaan dadaalkooda si wadajir loogu hortago fal kasta oo carqaladeyn kara degegaanshaha iyo nabadgelyada ka jirta Caasimadda Muqdisho.

–DHAMMAAD–

Wasiirro ka tirsan XFS oo u daawasho tagay horyaalka Soomaaliya oo koraya

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud iyo Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha XFS Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa galabta daawaday ciyaar xiiso leh oo ka tirsan Horyaalka Soomaaliya, taas oo dhex martay kooxaha Heegan iyo MCC, kana dhacday Garoonka Stadium Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta ayaa tilmaamay in ciyaarahan ay muujinayaan horumarka amniga iyo xasilloonida ay maanta ku tallaabsatay Caasimadda Muqdisho, halkaas oo shacabka ay si nabad ah ugu raaxeysanayaan munaasabadaha isboortiga iyo kulamada bulshada.

Wasiirada ayaa bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada, ugu baaqay inay garab istaagaan nabadda, ilaashadaana amniga, islamarkaana ka shaqeeyaan sii xoojinta horumarka iyo xasilloonida dalka.

      

Wasiirka cadaaladda oo qaabilay danjiraha Midowga Yurub

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xuukumadda JFS, Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub (EU) iyo hoggaanka UNDP.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga lagu hirgelinayo Istaraatiijiyadda Bahda Cadaaladda 2025–2029 iyo ballaarinta helitaanka caddaaladda ee dalka.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub taageeradooda joogtada ah isagoo sidoo kale bogaadiyay doorka UNDP ee hirgelinta Barnaamijka Wadajirka ah ee Cadaaladda iyo Asluubta (JJCP), oo ah barnaamij muhiim u ah horumarinta adeegyada caddaaladda Soomaaliya.

   

Musharixiinta Guddoonka Baarlamaanka Koofur Galbeed oo shahaadada qaatay

Xoghayaha Guud ee Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka, Xuseen Nuunow Cali, ayaa maanta shahaadooyinka musharraxnimo guddoonsiiyay musharraxiinta u tartamaya Guddoonka Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Jagada Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaa ku loollamaya Mahad Maxamed Sheekh Xasan oo ka socda Ururka JSP iyo Cabdixakiin Maxamuud Fiqi oo ka socda Ururka Horumar iyo Midnimo Qaran (NPU).

Sidoo kale, jagada Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad waxaa ku tartamaya Aadan Xasan Maxamed (JSP) iyo Cabdirisaaq Xuseen Aadan (Karaama), halka Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ay ku tartamayaan Shamso Maxamed Yarow (JSP) iyo Axlaam Cumar Maxamed (Karaama).

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa loo madlan yahay in la qabto berri oo ku beegan 4-ta Juun 2026.

         

Maamulka Gobolka Banaadir oo Asteeyay Goobaha Dibadbaxyada Mucaaradka

Maamulka Gobolka Banaadir ahna Dowladda Hoose ee Muqdisho ayaa ku dhawaaqay inay ogolaadeen in mucaaradka  ay dibadbaxyo nabdoon ku qabsadaan caasimadda Muqdisho maalinta Khamiista ah ee berrito, iyadoo la raacayo goobaha loo qoondeeyay iyo dammaanad-qaadka badbaadada ileynta xasilloonida dadweynaha.

War-saxaafadeed uu akhriyay Afhayeenka Rasmiga ah ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Muqdisho, Mudane Saalax Xasan Cumar, ayaa lagu caddeeyay in maamulku uu garoomada ciyaaraha ee caasimadda u qoondeeyay goobaha rasmiga ah ee ay ku ururi karaan dibadbaxayaasha, kuwaas oo kala ah:

Garoonka Eng. Yariisoow  ee ku yaalla Degmada Cabdicasiis.

Tuulada Ciyaarah ee  Muqdisho.

Garoonka Jaamacadaha  ee ku yaalla Degmada Hodan.

Afhayeenka ayaa ku nuuxnuuxsaday in gebi ahaanba la mamnuucay qaadashada hubka nooc kasta oo uu yahay iyo falalka kicin kara rabshadaha ama khalkhal-gelin kara amniga caasimadda, isagoo hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo dabeecadda nabad-gelyo ee dibadbaxyada.

Ugu dambeyn, war-saxaafadeedka ayaa lagu tilmaamay in go’aankani uu qeyb ka yahay dammaanad-qaadka xorriyadda hadalka iyo ra’yiga siyaasadeed ee uu kafaalo-qaaday Dastuurka iyo sharciyada dalka, iyadoo la xaqiijiyay in ciidamada ammaanka ay si buuxda u sugi doonaan nabadgelyada goobahan si dadku ay ugu adeegsadaan xuquuqdooda si mas’uuliyad leh oo nidaamsan.

Maamulka Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay Xarunta Degmada Xamar Jajab

Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ayaa Arbacada maanta si rasmi ah u dhagax dhigay mashruuca dib-u-dhiska Xarunta Degmada Xamar Jajab, oo qayb ka ah qorshaha Maamulka Gobolka Banaadir ee lagu casriyeynayo xarumaha dowladeed laguna xoojinayo tayada adeegyada bulshada la gaarsiiyo.
Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ayaa sheegay in horumarinta xarumaha dowladeed ay laf-dhabar u tahay dadaallada lagu xoojinayo dowladnimada, kor loogu qaadayo waxqabadka hay’adaha maamulka, lana xaqiijinayo adeegyo waxtar leh oo shacabka ku helaan si hufan oo joogto ah.
Mashruuca Dib-u-dhiska xarunta Maamulka Degmada Xamar Jajab ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Maamulka Gobolka Banaadir uu ku horumarinayo kaabayaasha maamulka iyo adeegyada aasaasiga ah ee degmooyinka gobolka, iyadoo mudnaanta la siinayo dhismaha xarumo casri ah oo ka turjumaya koboca iyo horumarka Caasimadda Muqdisho.
Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, maamulka Degmada Xamar Jajab iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo soo dhaweeyay hirgelinta mashruucan muhiimka ah ee wax ka tari doona horumarinta adeegyada maamulka iyo dardargelinta hawlaha adeegyada loogu dhoweynayo shacabka degmada.