Wasiir ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Qorsheynta XFS oo xilka la wareegay

Wasiir ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee XFS, Mudane Ismaaciil Ciid Maxamed ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay.

Munaasabada soo dhoweynta waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene), Agaasimaha Guud, Mudane Cabdifataax Cabdiqaadir Faarax, agaasimayaasha waaxyaha, iyo la-taliyayaasha sare ee Wasaaradda.

Hoggaanka Wasaaradda ayaa si diirran u soo dhaweeyay Wasiir ku-xigeenka, iyagoo u rajeeyay in Eebbe u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo igmaday.

Dhankiisa, Mudane Ismaaciil Ciid ayaa uga mahadceliyey madaxda Wasaaradda soo dhaweynta heerka sare ah, isagoo ballan-qaaday inuu si hufan oo daacadnimo ah uga qayb qaadan doono horumarinta Qorsheyaasga Qaranka.