WAR SAXAAFADEED: Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyay Masaajid Cali-guduud iyo Buq-aqable

Muqdisho, June 02, 2026: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka, ayaa howlgallo qorsheysan oo ka kala dhacay Deegaannada Masaajid Cali Gaduud iyo Buq-aqable ee Gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan ku dilay horjoogihii Qaraxyada Khawaarijta ee Gobolka Hiiraan iyo 28 Dhagarqabe oo kale oo ka tirsanaa Maleeshiyaadka kooxda.

Xogta Sirdoon ee ay heshay Hay’adda NISA ayaa muujisay in Goob saddex kiilomitir koonfur kaga beegan deegaanka Masaajid Cali Gaduud lagu Uruuriyay Maleeshiyaad tiradoodu gaareysay ku dhawaad 70 Xubnood, kuwaas oo loo qeybiyay Hub kala duwan isla markaana waday abaabullo lagu qal-qalgelinayay Amniga Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Markii la xaqiijiyay xogtaas, Ciidamada NISA iyo Saaxiibada Caalamka ayaa qaaday howlgal qorsheysan oo lagu khaarijiyay 23 dhagarqabe. Howlgalka labaad oo ka dhacay Deegaanka Buq-aqable ee Gobolka Hiiraan ayaa lagu soo afjaray Shan Dhagarqabe iyo Horjooge Cabdiraxmaan, oo Magaciisa af-garashadu ahaa Cabdi Mudallib, kaas oo ahaa Horjoogihii Qaraxyada Khawaarijta ee Gobolka Hiiraan.

Horjoogahan ayaa si gaar ah ugu lug lahaa abaabulka iyo maleegidda falal argagixiso oo ka dhacay Degmooyinka Buulo-burde iyo Jalalaqsi. Howlgalladan waxay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta, si loo xaqiijiyo Amniga iyo xasilloonida Shacabka Soomaaliyeed.

Warbixin Cusub oo ku saabsan Markabka qodista Ceelka Shidaalka ‘Curad’

Markabka Cağri Bey oo haatan ku sugan Xeebaha Soomaaliya, kaas oo howlgal Shidaal qodis ah ka sameynaya Xeebaha Dalka Soomaaliya, iyadoo tallabadaasi ay qeyb ka tahay fulinta heshiisyo Iskaashi Dhaqaale iyo difaac oo ka dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiye,waxayna haatan u muuqataa in la guda galay fulintooddii. Ceelasha seddexda ah ee uu Turkiga u qodaayo Soomaaliya hadda waa Badda Gunteeda hoose, iyadoo Seddaxda Ceel Shidaal ee ugu horeeyo ee Soomaaliya loo qodi doono waxa ay kala yihiin:- Xirmooyinka 142, 152 iyo 153,

Dekadda “Mersin” oo ah Dekadda 2aad ee ugu weyn Dalka Turkiga ayuu ka soo baxay  Markabka weyn ee Drilling Ship, laguna Magacaabo ” Cagri Bey (IMO 9705457)”, kaasi oo ah midka ugu muhimsan  Maraakiibta Shidaalka Qodo ee Dalka Turkiga, si uu ugu dambeeyn u bilaabo Qodidda Shidaalka, bacdaama ay soo dhamaatay howlihii kale ee hubinta Shidaalka ahaa, hase ahaatee waxaa Magaalada Muqdisho laga sagootiyay 10-kii Bishii Apriil ee Sanadkan.

Wasiirka Battoolka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed ayaa Maalin weyn oo Taariikhi ah ku tilmaamay in Markabka Cagri Bey oo howlgal Shidaal qodis ka sameynaya Xeebaha Soomaaliya. “Maanta waxay noo tahay Maalin weyn, waxaan gaarnay xilligii aan lasoo bixi laheyn kheyraadka Dalkeena”.

Wasiirka ayaa tilmaamay in tallaabadan ay muujineyso in ay Soomaaliya dib u soo kabaneyso, islamarkaana si rasmi ah uga faa’ideysansyso Kheyraadkeeda dihan. “Maanta waa Maalin weyn oo Taariikhi ah, waa Maalin,muujineysa in Soomaaliya dib u soo kabaneyso, dib u dhisaneyso aayaheeda si kalsooni ugu tallaabsaneyso Mustaqbal horumar leh, markabkan Maanta u amba-baxaya Biyaha Soomaaliya ma ahan oo kaliya Qalab farsamo waa astaan Qaran,waa rejo waa fursad waa bilow cusub oo ku suntan Sharci iyo hufnaan mas’uuliyad,”.

“Turkiye ayaa u soo dirtay Soomaaliya Markabka Cagri Bey, taasoo uu Wasiirkeeda Tamarta ku sheegay in uu noqon doono howlgalkii ugu horreeyay ee sahaminta Badda ee Ankara ee ka baxsan Aagga Badda”, sidaasi waxaa qortay Warbaahinta Turkiye ee TRT. Alparslan Bayraktar oo ku tilmaamay tillaabada mid “waqti Taariikhi ah” ku jirta dadaalka sahaminta Saliidda iyo Gaaska ee Turkiga. Wasiirka Tamarta Alparslan Bayraktar wuxuu sheegay in Markabku uu Bishii Abriil ka bilaabay qodista ‘Ceelka Curad’ ee Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay Bayraktar, howlgalka ayaa ka dhigaya Cagri Bey Markabkii labaad ee Turkiga ee ka howlgala Biyaha Soomaaliya, kadib Oruç Reis, kaasi oo sameeyay ‘Sahmin’ iyo Markabkii ugu horreeyay ee qodaya oo loo diray meel ka baxsan awoodda Badda ee Turkiga.

Madaxweynaha JFS Mudane Dr:Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qodista Ceelkii ugu horreeyay ee Shidaalka ugu magac-daray ” Curudkii koowaad”. Waayoo marka uu cidda ku soo biro Wiil waxay Soomalidu dhahdaa ‘Curad’, madaama uu Ceelkaasi noqonayo Ceelkii ugu horreeyay ee Shidaal waa noo Curad. Abwaan Cusmaan Cabdullaahi Guure ayaa farxaddaasi awgeedna isna Murti ku yiri:-  (ALLOOW REJEDA NOO RUMEEY, RAFAADKA AAN KA REYSANNEE).

Haddaba Warbixin cusub ayaa ka soo baxday qodidda Ceelka Shidaalka ee ‘Curad’:- Kadib markii qodidda Ceelka shidaalka la guda galay bilowga bishii May ee 2026-ka, ayaa warbixintii ugu horraysay ka timid, laakiin kama imaanin injineeradii Ceelka qodayay; kama imaanin Wakaaladda Shidaalka Soomaaliyeed, balse waxay ka timid Madaxweynaha Turkiga, Rajab Urdoghaan, oo yiri, “qodidda waxay qaadanaysaa 6 – 9 bilood; ka duwan qiyaastii hore; goor taas oo aan maqli doonno natiijo dhagaha u fiican.” Goor taas waxay ku aaddan tahay January- February 2027-ka.

Wasiirka Dekedaha ee XFS Cabdul qaadir Maxamad Nuur Jaamac oo ka hadlaayay waqtiga la filayo soo saarista Shidaalka ayaa yiri” Lix bilood kadib Soomaaliya waxa ay heysataa Shidaal waliba la arki doona isagoo Madow”.

Cagri Bey, Markabka qodayo ‘Curad’:- Hal bil oo Ceel-shidaal-qodid ah ayaa u dhammaatay. Guusha ma foga, ee suumanka xirta. Waxaa harsan 5-8 bilood oo shaqo ah. Allow khayrka na waafaji, sharta naga duw. Aamiin!

Shaqooyinka muhiimka u ah qodidda ee Cegri Bey uu sameeyay iyo howsha uu haatan wado, sida uu qoray Eng. Cabdulqaadir Abiikar Xasan oo ah Khabiir Somaaliyeed,wuxuuna qoraalkiisa ku xusay 4-taan Qodob:-

  1. Howlaha ka hor qodidda ee ah ku-meelaynta Markabka bartii la qodayay, ku xijin tiisa bartaas iyo diyaarinta Goobta Shaqada. Hawshaas waxaa la qabtay muddadii u dhexaysay 15-30 ka April 2026-ka. Ku-xajinta Markabka bartii ay sheegtay 3-D Saysmikada, ka horna ay sii sheegtay xogaha 2-D ga. Nadiifinta salka Badda, iyadoo la adeegsanayo Remotely Operated Vehicles (ROV) iyo baarista Badda salkeeda barta la qodayo inay siman tahay iyo in kale.
  2. In hoos loo dejiyo isku-xiraha (marine raiser) Madaxa Ceelka ee Badda salkeeda ah iyo Markabka Cegri Bey iyo joojiyaha cadaadinta inay qarxiso Ceelka, loo yaqaano Blowout Preventor (BOB). Howlaha 1-aad iyo 2-aad waxaa la sameeyay Bishii April gudaheeda. Qalabka dhammaan waa la qiyasay.
  3. Qodidda ayaa billaabatay bilowga May –sida la faafiyay 5-tii May 2026ka – way socotaa qodidda illaa Maanta oo ah 3-da June 2026-ka. Bil ayay howsha qodidda socotaa. Marka ugu horreyso, drill bit ka (Afka Birta Ilkaha leh ee Ciidda/Dhagaxa jaraya) ayaa la dhex-marinayaa Marine raiserka, oo tuubbo weyn ah oo isku xirta Markabka iyo Ceelka Madaxiisa. Qodidda ayaa la billaabay.
  4. Shaqada qodidda oo socota illaa hadda hal bil ku dhowaad. Riigga Afkiisa Ilkaha leh wuxuu jarayaa Ciidad kala duwan iyo Dhagaxda lakabyada Badda salkeeda yaalla. Maanta in taas ayaan ku jooginayaa. Wixii soo kordhana waan arki doonaa.

By. C/laahi Ruush

Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo ka qaybgalay Xuska Maalinta Qaranimada Talyaaniga

Muqdisho (Wargeyska Dalka): Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa Maanta ka qeyb galay Xuska Maalinta Qaranimada Talyaaniga, isagoo Hambalyo u diray Shacabka iyo Dowladda Talyaaniga.

Mudane Saalax ayaa xusay xiriirka iyo Saaxiibtinimada soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga.

“Maalintan waxay Xusuus u tahay aftidii 1946-kii, markii Shacabka Talyaanigu doorteen in Dalkoodu noqdo jamhuuriyad halkii uu Boqortooyo ahaan lahaa. Sidaas darteed, anigoo ku hadlaya magaca Dowladda Soomaaliya, waxaan Hambalyo u dirayaa Shacabka iyo madaxda Talyaaniga,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Mudane Saalax Axmed Jaamac.

   

Hay’adda SoDMA iyo Qaramada Midoobay oo ka wada shaqaynaya xoojinta Hawlaha Samafalka

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo uu wehliyo Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna Isku-duwaha Arrimaha Bani’aadannimada, George Conway, ayaa guddoomiyay kulanka Billaha ah oo lagu falanqeeyo Xaaladaha Bani’aadannimada Dalka.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen Madaxda OCHA iyo SoDMA waxaa diiradda lagu saaray xaaladihii ugu dambeeyay ee Bani’aadannimo ee ka jira Dalka, iyo sidii loo xoojin lahaa dadaallada Gargaarka si wax looga qabto baahiyaha Bulshada nugul.

Ugu danbeyn, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xusay muhiimadda uu kulankani u leeyahay isku-duwidda iyo dardargelinta howlaha Bani’aadannimo ee Dalka, isagoo adkeeyay baahida loo qabo Iskaashi joogto ah si loo gaarsiiyo Gargaar wax ku ool ah Dadka ay saameeyeen dhibaatooyinka kala duwan.

     

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali Yaasin Gurbe, ayaa maanta ka qeyb galay shir heer sare ah oo ay soo qaban-qaabiyeen guddiga sare ee hay’adda GCERF (Global Community Engagement and Resilience Fund), kaas oo ka dhacay Magaaladda Geneva ee dalka Switzerland.

Shirkaan oo looga hadlayey ka hortagga xagjirnimadda ee waddamada dowladnimadoodu nugushahay ee Aduunka ayaa waxaa kasoo qeeyb galay Madax ka socotey Yurub, Afrika, Japan iyo Carabta.

Inta Shirku socday ayaa la isku raacay in Soomaaliya aay badashay Dalka Kenya oo muddo soo hogaaminayey Guddiga sare ee (Boar-ka) muddo dheer ku matalaayey GCERF Dalalka Soomaaliya , Musambiiq iyo Kenya.

Agaasime Cali Yaasiin Gurbe ayaa badalay Mr Kibiego Rotich Agaasiamaha Guud ee Xarunta Ladagaalanka Argagixisadda Kenya isagoo si buuxda GCERF ugu matalaya Dalalka Musambiiq, Kenya iyo Somalia

Tallaabdaan ayaa ka dhigan in Dowladda Soomaaliya iyo Xarunta Qaran ee Tubsan aay fagaarayaasha dunida ee Argagixiso-ladirirka ay ku matalidoonto dadlka Bariga afrika.

Shirkaan kan xiga ayaa lagu qabanayaa Magaaladda Tokyo ee dalka Japan.

  

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta Iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya

Muqdisho, Soomaaliya – 2 Juun 2026: Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa Maanta kulan la yeeshay Wafdi ka socday EUCAP Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Madaxa Howlgalka EUCAP Soomaaliya, Kestutis Lancinskas. Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Maxamed Shire, iyo qaar ka mid ah Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta Iskaashiga Amniga, taageerada Farsamo iyo Tababarrada ay EUCAP siiso Hay’adaha Amniga Soomaaliya, gaar ahaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Daraawiishta iyo Ilaalada Xeebaha. Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay dib-u-eegista Istaraatiijiyadda EUCAP iyo sidii taageerada Amniga loo waafajin lahaa mudnaanta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Amniga Gudaha iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa adkeeyay muhiimadda isku-duwidda iyo lahaanshaha Dowladda ee dhammaan dadaallada lagu taageerayo Hay’adaha Amniga Dalka. Dhankiisa, Madaxa Howlgalka EUCAP ayaa xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay sii wadista taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in la qabto kulan Farsamo oo lagu sii ambaqaadayo dib-u-eegista Istaraatiijiyadda EUCAP, xoojinta Iskaashiga Amniga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya.

 

 

  

DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalaam Cabdi Cali, ayaa ka qeyb galay kulan rasmi ah oo ay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Dalalka Afrika la yeesheen Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed, Lee Jae-myung, kaas oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada ee Cheong Wa Dae.

Kulankan, oo qayb ka ahaa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika, ayaa lagu muujiyey kobaca xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Afrika iyo Kuuriyada Koonfureed, iyadoo diiradda lagu saaray fursadaha lagu xoojinayo Ganacsiga, Maalgashiga, Teknoolojiyadda, iyo Horumarka waara.

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga

Muqdisho, Soomaaliya –1 Juun 2026 – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka & Suugaanta iyo Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA), ayaa Maanta ku qabatay Xarunta Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga Munaasabad lagu daahfurayay Ereybixinta Amniga Saaybarka, taas oo ujeeddadeedu tahay horumarinta iyo mideynta ereyada Af-Soomaaliga ee la xiriira Amniga Saaybarka.
Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka socday Hay’adaha Dowladda, Aqoonyahanno, Khubaro dhanka Luuqadaha ah, Xeeldheereyaal Teknoolojiyadeed iyo Amniga Saaybarka, iyo Marti Sharaf kale.
Munaasabadda furitaanka waxaa ka hadlay Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta, Mudane Cabdifitaax Axmed Abuukar (Foodcade), oo ka hadlay baahida loo qabo in Af-Soomaaligu la jaanqaado Horumarka Teknoolojiyadda Casriga ah.
“Afku waa Hoyga Aqoonta. Haddii afkeenna aanu la jaanqaadi karin Horumarka Teknoolojiyadda, Casriga ah waxaa adkaanaysa in Bulshada si buuxda uga faa’iidaysato isbeddellada cusub. Ereybixintani waxay qayb ka tahay dadaallada lagu kobcinayo Af-Soomaaliga, tayeynta Adeegyada Dowladda iyo wacyigelinta Bulshada,” ayuu yiri Mudane Cabdifitaax Axmed Abuukar (Foodcade).
Prof. Cabdalla Cumar Mansuur, Ku-simaha Guddoomiyaha Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA), ayaa ka hadlay muhiimadda ereybixintu ay u leedahay horumarinta Afka iyo Cilmiyeyntiisa, isaga oo tilmaamay in mideynta Ereyada cusub iyo ka faa’iidaysiga dadaalladii hore ee horumarinta Af-Soomaaligu ay muhiim u yihiin kobcinta iyo horumarinta Afka.
“Ereybixintu waa waxa afka ka dhigaya mid Cilmiyeed. Marka Ereyo cusub la sameynayo waxaa muhiim ah in la mideeyo, laga fogaado Tarjumaad Xarfi ah, isla markaana laga faa’iidaysto dadaalladii hore ee lagu horumarinayay Af-Soomaaliga. Taasi waxay xaqiijinaysaa in Afku sii ahaado mid la jaanqaadi kara Aqoonta iyo Culuumta cusub.” ayuu yiri Prof. Cabdalla Cumar Mansuur.
Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasin Sheikh , ayaa sheegay in dadaaladan uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo adeegsiga Af-Soomaaliga ee Amniga Saaybarka.
“Helitaanka ereybixin mideysan oo Af-Soomaali ah waxay fududeyn doontaa diyaarinta Sharciyada, Siyaasadaha, qoraallada Cilmiyeed iyo agabka wacyigelinta ee la xiriira Amniga saaybarka. Waxa kale oo ay ka caawin doontaa Ardayda, Waalidiinta iyo Bulshada inteeda kale inay si fudud u fahmaan fikradaha iyo khataraha la xiriira Dunida dhijitaalka ah,” ayuu yiri Mudane Mustafa
Mudane Mustafa ayaa sidoo kale xusay in ereybixintani ay fududeyn doonto Tarjumaadda Maqaallada Cilmiyeed, Buugaagta iyo Agabka kale ee Teknoolojiyadda, taas oo kor u qaadi doonta helitaanka Aqoonta iyo ka qeybgalka Bulshada ee Arrimaha dhijitaalka ah.
Daahfurka Ereybixinta Amniga Saaybarka ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo Af-Soomaaliga, laguna xoojinayo adeegsigiisa dhinaca Amniga Saaybarka, si Bulshada Soomaaliyeed ay si sahlan ugu fahmi karto ugana faa’iidaysan karto fikradaha iyo Erayada cusub ee la xiriira Teknoolojiyadda Casriga ah.
   

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Wasiirka Qorsheynta Boqortooyada Eswatini

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Qorsheynta Dhaqaalaha iyo Horumarinta ee Boqortooyada Eswatini Mudane Dr.Thambo Gina, intii uu socday Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Kuuriya iyo Afrika ee ka dhacaya magaalada Seoul.

Wadahadallada labada masuul ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Eswatini.

Dr. Gina ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada joogtada ah ee Eswatini ay u hayso madaxbannaanida, midnimada, wadajirka dhuleed iyo xorriyadda siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Labada Wasiir ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay xoojinta midnimada Afrika, is ixtiraamka, iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada ay wadaagaan danaha iyo mudnaanta guud.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda ku qaabilay wafdi ka socday Dowladda Sweden iyo Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Sweden (Sida).

Wafdiga waxaa hoggaaminaysay Annika Jayawardena, Ku-xigeenka Madaxa Qeybta Bariga iyo Geeska Afrika ee Xarunta Hay’adda Sida. Waxaa sidoo kale wafdiga ka mid ahaa Madaxa Iskaashiga Soomaaliya ee Safaaradda Sweden.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada maareynta musiibooyinka, yareynta khataraha masiibooyinka, iyo horumarinta nidaamyada digniinta hore ee dalka.

Wafdiga ayaa sidoo kale booqday Xarunta Xogta ee SoDMA (Data Center), waxayna u kuur-galeen hababka ururinta, falanqeynta iyo faafinta xogaha digniinta hore.