Warbixin Cusub oo ku saabsan Markabka qodista Ceelka Shidaalka ‘Curad’

Markabka Cağri Bey oo haatan ku sugan Xeebaha Soomaaliya, kaas oo howlgal Shidaal qodis ah ka sameynaya Xeebaha Dalka Soomaaliya, iyadoo tallabadaasi ay qeyb ka tahay fulinta heshiisyo Iskaashi Dhaqaale iyo difaac oo ka dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiye,waxayna haatan u muuqataa in la guda galay fulintooddii. Ceelasha seddexda ah ee uu Turkiga u qodaayo Soomaaliya hadda waa Badda Gunteeda hoose, iyadoo Seddaxda Ceel Shidaal ee ugu horeeyo ee Soomaaliya loo qodi doono waxa ay kala yihiin:- Xirmooyinka 142, 152 iyo 153,

Dekadda “Mersin” oo ah Dekadda 2aad ee ugu weyn Dalka Turkiga ayuu ka soo baxay  Markabka weyn ee Drilling Ship, laguna Magacaabo ” Cagri Bey (IMO 9705457)”, kaasi oo ah midka ugu muhimsan  Maraakiibta Shidaalka Qodo ee Dalka Turkiga, si uu ugu dambeeyn u bilaabo Qodidda Shidaalka, bacdaama ay soo dhamaatay howlihii kale ee hubinta Shidaalka ahaa, hase ahaatee waxaa Magaalada Muqdisho laga sagootiyay 10-kii Bishii Apriil ee Sanadkan.

Wasiirka Battoolka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed ayaa Maalin weyn oo Taariikhi ah ku tilmaamay in Markabka Cagri Bey oo howlgal Shidaal qodis ka sameynaya Xeebaha Soomaaliya. “Maanta waxay noo tahay Maalin weyn, waxaan gaarnay xilligii aan lasoo bixi laheyn kheyraadka Dalkeena”.

Wasiirka ayaa tilmaamay in tallaabadan ay muujineyso in ay Soomaaliya dib u soo kabaneyso, islamarkaana si rasmi ah uga faa’ideysansyso Kheyraadkeeda dihan. “Maanta waa Maalin weyn oo Taariikhi ah, waa Maalin,muujineysa in Soomaaliya dib u soo kabaneyso, dib u dhisaneyso aayaheeda si kalsooni ugu tallaabsaneyso Mustaqbal horumar leh, markabkan Maanta u amba-baxaya Biyaha Soomaaliya ma ahan oo kaliya Qalab farsamo waa astaan Qaran,waa rejo waa fursad waa bilow cusub oo ku suntan Sharci iyo hufnaan mas’uuliyad,”.

“Turkiye ayaa u soo dirtay Soomaaliya Markabka Cagri Bey, taasoo uu Wasiirkeeda Tamarta ku sheegay in uu noqon doono howlgalkii ugu horreeyay ee sahaminta Badda ee Ankara ee ka baxsan Aagga Badda”, sidaasi waxaa qortay Warbaahinta Turkiye ee TRT. Alparslan Bayraktar oo ku tilmaamay tillaabada mid “waqti Taariikhi ah” ku jirta dadaalka sahaminta Saliidda iyo Gaaska ee Turkiga. Wasiirka Tamarta Alparslan Bayraktar wuxuu sheegay in Markabku uu Bishii Abriil ka bilaabay qodista ‘Ceelka Curad’ ee Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay Bayraktar, howlgalka ayaa ka dhigaya Cagri Bey Markabkii labaad ee Turkiga ee ka howlgala Biyaha Soomaaliya, kadib Oruç Reis, kaasi oo sameeyay ‘Sahmin’ iyo Markabkii ugu horreeyay ee qodaya oo loo diray meel ka baxsan awoodda Badda ee Turkiga.

Madaxweynaha JFS Mudane Dr:Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qodista Ceelkii ugu horreeyay ee Shidaalka ugu magac-daray ” Curudkii koowaad”. Waayoo marka uu cidda ku soo biro Wiil waxay Soomalidu dhahdaa ‘Curad’, madaama uu Ceelkaasi noqonayo Ceelkii ugu horreeyay ee Shidaal waa noo Curad. Abwaan Cusmaan Cabdullaahi Guure ayaa farxaddaasi awgeedna isna Murti ku yiri:-  (ALLOOW REJEDA NOO RUMEEY, RAFAADKA AAN KA REYSANNEE).

Haddaba Warbixin cusub ayaa ka soo baxday qodidda Ceelka Shidaalka ee ‘Curad’:- Kadib markii qodidda Ceelka shidaalka la guda galay bilowga bishii May ee 2026-ka, ayaa warbixintii ugu horraysay ka timid, laakiin kama imaanin injineeradii Ceelka qodayay; kama imaanin Wakaaladda Shidaalka Soomaaliyeed, balse waxay ka timid Madaxweynaha Turkiga, Rajab Urdoghaan, oo yiri, “qodidda waxay qaadanaysaa 6 – 9 bilood; ka duwan qiyaastii hore; goor taas oo aan maqli doonno natiijo dhagaha u fiican.” Goor taas waxay ku aaddan tahay January- February 2027-ka.

Wasiirka Dekedaha ee XFS Cabdul qaadir Maxamad Nuur Jaamac oo ka hadlaayay waqtiga la filayo soo saarista Shidaalka ayaa yiri” Lix bilood kadib Soomaaliya waxa ay heysataa Shidaal waliba la arki doona isagoo Madow”.

Cagri Bey, Markabka qodayo ‘Curad’:- Hal bil oo Ceel-shidaal-qodid ah ayaa u dhammaatay. Guusha ma foga, ee suumanka xirta. Waxaa harsan 5-8 bilood oo shaqo ah. Allow khayrka na waafaji, sharta naga duw. Aamiin!

Shaqooyinka muhiimka u ah qodidda ee Cegri Bey uu sameeyay iyo howsha uu haatan wado, sida uu qoray Eng. Cabdulqaadir Abiikar Xasan oo ah Khabiir Somaaliyeed,wuxuuna qoraalkiisa ku xusay 4-taan Qodob:-

  1. Howlaha ka hor qodidda ee ah ku-meelaynta Markabka bartii la qodayay, ku xijin tiisa bartaas iyo diyaarinta Goobta Shaqada. Hawshaas waxaa la qabtay muddadii u dhexaysay 15-30 ka April 2026-ka. Ku-xajinta Markabka bartii ay sheegtay 3-D Saysmikada, ka horna ay sii sheegtay xogaha 2-D ga. Nadiifinta salka Badda, iyadoo la adeegsanayo Remotely Operated Vehicles (ROV) iyo baarista Badda salkeeda barta la qodayo inay siman tahay iyo in kale.
  2. In hoos loo dejiyo isku-xiraha (marine raiser) Madaxa Ceelka ee Badda salkeeda ah iyo Markabka Cegri Bey iyo joojiyaha cadaadinta inay qarxiso Ceelka, loo yaqaano Blowout Preventor (BOB). Howlaha 1-aad iyo 2-aad waxaa la sameeyay Bishii April gudaheeda. Qalabka dhammaan waa la qiyasay.
  3. Qodidda ayaa billaabatay bilowga May –sida la faafiyay 5-tii May 2026ka – way socotaa qodidda illaa Maanta oo ah 3-da June 2026-ka. Bil ayay howsha qodidda socotaa. Marka ugu horreyso, drill bit ka (Afka Birta Ilkaha leh ee Ciidda/Dhagaxa jaraya) ayaa la dhex-marinayaa Marine raiserka, oo tuubbo weyn ah oo isku xirta Markabka iyo Ceelka Madaxiisa. Qodidda ayaa la billaabay.
  4. Shaqada qodidda oo socota illaa hadda hal bil ku dhowaad. Riigga Afkiisa Ilkaha leh wuxuu jarayaa Ciidad kala duwan iyo Dhagaxda lakabyada Badda salkeeda yaalla. Maanta in taas ayaan ku jooginayaa. Wixii soo kordhana waan arki doonaa.

By. C/laahi Ruush