Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa jadwalka doorashada Guddoonka iyo hoggaanka Dowlad Gobolleedka Koknfur Galbeed Soomaaliya.

Guddiga ayaa labada ilaa saddexda Juun ee bishan u asteeyay qabashada Araajida musharaxiinta guddoomiyaha iyo ku-xigeennada iyo shaacinta liiska musharaxiinta Guddoonka Golaha wakiilada.

4-ta June, waxaa khudbadaha jeedin doona musharaxiinta guddoonka Golaha wakiilada, isla maalintaas waxaa la qaban doonaa doorashada Guddoonka Golaha wakiilada.

5-ta ilaa 6-da June, qabashada araajida musharaxiinta hoggaamiyaha oo socon doonta labo maalin, sidoo kale, 7-da bisha waxaa la shaacin doonaa liiska musharaxiinta. Maalinta 8-da, waxaa hadal jeedin doona musharaxiinta u tartamaya hoggaamiyaha maamul Koonfur Galbeed. 10-june, waa maalinta doorashada loo madlan yahay, sida jadwalka doorashada lagu shaaciyay.

Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Sanduuqa Qaranka ee Maalgelinta Cimilada (National Climate Fund – NCF) oo kaashanaya Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha (MoEWR), isla markaana ay taageerayso Hay’adda Caalamiga ah ee Biyaha (GWPSA), ayaa si guul leh Magaalada Muqdisho ugu qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha Magaalooyinka ee u Adkaysiga Isbeddelka Cimilada iyo Barnaamijka Maalgashiga Biyaha Soomaaliya (Somalia Water Investment Programme – WIP) 2026–2030.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qayb galay Hay’adaha Dowladda, Saaxiibbada Horumarinta, Bulshada Rayidka ah, Aqoonyahanno iyo Wakiillo ka socda waaxda gaarka loo leeyahay, si ay u ansixiyaan laba hindise oo muhiim u ah Amniga Biyaha iyo adkaysiga isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya.

Mid ka mid ah natiijooyinka ugu muhiimsan ee Shirka ayaa ahaa ansixinta Mashruuca “Nidaamyada Kaydinta iyo Gurashada Biyaha Roobka ee Magaalooyinka Nugul ee Soomaaliya”. kaas oo lagu qiyaasay USD 25.8 Milyan.

Mashruucan waxaa laga hirgelin doonaa Magaalooyinka Xuddur (Bakool), Garbahaarey (Gedo), Matabaan (Hiiraan), Dhuusamareeb (Galgaduud), Laascaanood (Sool), iyo Badhan (Sanaag).

Mashruucu wuxuu diiradda saarayaa dhismaha kaabeyaasha gurashada iyo kaydinta Biyaha Roobka, xoojinta nidaamyada xogta iyo saadaasha Cimilada, iyo Horumarinta Maamulka Biyaha ee heer Degmo si loo yareeyo saameynta Abaaraha soo noqnoqda loona hagaajiyo helitaanka Biyo waara oo lagu kalsoonaan karo.

Sidoo kale, ka qaybgalayaashu waxay ansixiyeen Barnaamijka Maalgashiga Biyaha Soomaaliya (WIP) 2026–2030, oo uu hoggaaminayo MoEWR, kaas oo leh qorshe Maalgashi oo lagu qiyaasay USD 232 Milyan si loo taageero Mashaariicda mudnaanta leh ee la xiriira Biyo-gelinta, kaydinta Biyaha, maareynta Fatahaadaha, horumarinta Biyaha Dhulka hoostiisa, waraabka, Nadaafadda, adkaysiga Cimilada, iyo xoojinta Hay’adaha Dowliga ah.

Shirkan ansixinta ayaa calaamad u ah tallaabo muhiim ah oo lagu hormarinayo qorshaha Soomaaliya ee Maalgashiyada Biyaha u adkaysi u leh isbeddelka Cimilada, isla markaana la jaanqaadaya Qorshaha Horumarinta Waaxda Biyaha, Qorshaha Qaranka ee La-qabsiga Cimilada (NAP), NDC 3.0, Qorshaha Isbeddelka Qaranka iyo Barnaamijka Maalgashiga Biyaha Afrika (AIP).

      

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali ayaa kulan doceed la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Arrimaha Socdaalka iyo Jaaliyadaha Masaarida ee Dibadda ee Jamhuuriyadda Carabta Masar Dr. Badr Abdelatty, intii uu socday Shirka Wasiirrada Afrika iyo Kuuriya ee ka socda Magaalada Seoul.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Dalalka  Soomaaliya iyo Masar, iyo sidii loo sii horumarin lahaa wada shaqeynta dhinacyada ay labada Dal danaha wadaagga ah ka leeyihiin.
Wasiir Cabdisalaan ayaa sidoo kale uga mahadceliyey Dowladda Masar taageerada joogtada ah ee ay siiso Midnimada, Madaxbannaanida, Wadajirka Dhuleed iyo Hay’adaha Qaran ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wixii faahfaahin dheeraad ah kala xiriir:
Mohamed Mahmud Allaale
Waaxda Warbaahinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Qayb galay Furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika ee Magaaladda Seoul

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali ayaa Maanta ka qayb galay Munaasabadda furitaanka Korea–Africa Ministerial Meeting oo ka dhacday Magaalada Seoul ee Jamhuuriyadda Kuuriya.

Shirkaan ayaa isugu keenaya Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Mas’uuliyiin sare oo ka kala socda Dalalka Afrika iyo Republic of Korea, si ay uga wada hadlaan xoojinta Iskaashiga, horumarinta koboc waara, iyo dardargelinta danaha ay wadaagaan ee dhinacyada Ganacsiga, Maalgashiga, Tiknoolajiyadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Ka qaybgalka Soomaaliya ee Shirkan wuxuu muujinayaa sida ay uga go’an tahay Dowladda Soomaaliya ballaarinta xiriirrada Diblomaasiyadeed iyo kuwa Dhaqaale ee ay la leedahay Dalalka Saaxiibka la ah, iyada oo diiradda saareysa kobcinta Iskaashi miro dhal ah, soo jiidashada Maalgashi, Horumarinta hal abuurka iyo xoojinta awoodaha Hay’adaha Dalka.

Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika ayaa ah madal muhiim u ah wada hadalka iyo Iskaashiga u dhexeeya Dalalka Afrika iyo Jamhuuriyadda Kuuriya, iyadoo lagu wajahayo caqabadaha wadajirka ah isla markaana lagu dhiirrigelinayo Horumar iyo Barwaaqo waarta.
Bogga Af-Ingiriska: Ministry of Foreign Affairs of Somalia

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ka hortagga iyo la dagaallanka fikradaha xagjirka rabshadaha wata, Mudane Aweys Maxamed Cumar, ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta u dhexeysa labada xafiis, gaar ahaan dadaallada lagu xakameynayo faafitaanka fikradaha xagjirka ah, kor u qaadista wacyiga dhalinyarada Soomaaliyeed, iyo doorka ay ciyaaraha iyo barnaamijyada dhalinyarada ka qaadan karaan dhismaha nabadda, midnimada bulshada, iyo ka hortagga xagjirnimada.

Labada dhinac ayaa sidoo kale isku raacay muhiimadda ay leedahay in dhalinyarada Soomaaliyeed loo abuuro fursado wax-ku-ool ah oo dhiirrigeliya nabadda, hoggaaminta wanaagsan, iyo ka qeyb qaadashada horumarka dalka.

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO
XOG-ADEEGSADAYAASHA

Iyadoo la tixraacayo Qodobka 32-aad ee Sharciga Dhowrista Xogta (Sharci Lr. 005 ee 2023), Hay’adda Dhowrista Xogta Soomaaliyeed waxay ogeysiinaysaa dhammaan Xog-dhowrayaasha (Data Controllers) iyo Xog-adeegsadayaasha (Data Processors) ee ka hawlgala Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya in la bilaabay
diiwaangelinta Hay’adaha iyo Shirkadaha adeegsada xogta
Shakhsiga ah, si loo xaqiijiyo ilaalinta xogta Muwaadiniinta iyo u hoggaansanaanta Sharciga Dalka.

Hay’addu waxay qabaneysaa codsiyada diiwaangelinta, waxayna Shahaadada rasmiga ah ee diiwaangelinta siin doontaa hay’adaha iyo Shirkadaha buuxiya dhammaan Shuruudaha ay Hay’addu dejisay.

Sidaa darteed, dhammaan Hay’adaha iyo Shirkadaha ku lug leh Uruurinta, Kaydinta, adeegsiga, gudbinta, ama shaacinta xogta Shakhsiga ah, waxaa la farayaa inay u hoggaansamaan waajibaadka
diiwaangelinta iyo dhowrista xogta ee uu dhigayo Sharciga Dhowrista Xogta.

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan Shuruudaha diiwaan-gelinta, habraaca codsiga, iyo foomamka la xiriira waxaa laga heli karaa mareegta rasmiga ah ee Hay’adda: www.dpa.gov.so,

Sidoo kale, waxaad Hay’adda kala xiriiri kartaa iimaylka [email protected], ama waxaad si toos ah ugu tegi kartaa Xarunta Hay’adda inta lagu
jiro Saacadaha Shaqada.

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

Dhaarinta Xildhibaanada Koofur-Galbeed: Riyadii hadda waa run.

Shalay, Magaalada Baydhabo waxaa lagu dhaariyay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dawlad-Goboleedka Koofur Galbeed, waxay nasiib u yeesheen inay noqdaan Xildhibaanadii ugu horeeyay ee Dawlad Goboleed marka laga reebo Soomaaliland ee lagu soo doorto Nidaamka Qof iyo Cod, kuna dhisan Xisbiyo.

Waa talaabo hirgalinteeda loo soo maray jid adag, waa himilo soo jireen ah oo Dad badan oo Soomaaliyeed ay rajaynayeen in ay Maalin uun Goobjoog ka noqdaan.

Qormadaan, waxaan ku dul istaagi doonaa Sadex xaqiiqo, Sadex Fursadood, afar Iftiimin, Hal dardaaran, hal Digniin iyo hal Xusuus oo Xisaab celin ah.

Xaqiiqo 1, waa talaabo inaga raraysa nidaamkii Doorashooyinka ee Dadbanaa ee aan kusoo jirnay Tobankii Sano ee tagtay, Kii xulista halka Oday ee 2012, iyo kuwii ka horeeyay ee Hogaamiye Kooxeedyadu lahaayeen awoodda, Sidaas awgeed waxay bilaw u tahay kala guur rasmi ah oo aan ugu guurnay nidaamka Dimuquraadiyadda.

Xaqiiqo 2, waxay furtay Albaabka awood siinta Dadwaynaha, iyada oo Xildhibaanadaani ay noqonayaan kuwii ugu horeeyay ee ku fadhiya Codka Shacabkooda, halkaasna waa kala guur kale oo dhab ah, waxaan ka guurnay awoodii halka Qof, anagoo u guurnay awoodda ay Shacabku leeyihiin.

Xaqiiqo 3, waxay ku fadhiyaan Xildhibaanada cusub Nidaamka Xisbiyada taas oo iyana ah Albaab cusub oo u furmay nidaamka Siyaasadeed ee Dalka, tanina waa bilawga kala guurka sadexaad ee Nidaamka Qabaailka aan uga guurayno kan xisbiyada.

Fursado.

Kala guurkaani, wuxuu abuurayaa fursado Dahabi ah.

Fursad 1, wuxuu awoodayaa Shacabka Soomaaliyeed oo talada Dalkooda marti ka ahaa in ka badan Nus-Qarni, kuwaas oo hadda noqonaya cidda leh awoodda soosaarista Hogaamiyayaasha, taas oo dhali doonta Dawlad haysata kalsoonida iyo Sharciyadda Dadkeeda iyagana u Xisaab celisa.

Fursad 2, waxeey hoos u dhigaysaa nidaamka Qabaliga ah ee kala qaybinaya Shacabkeenna waxa ayna abuuraysaa Nidaam Xisbiyo ah kaas oo midaynaya Bulshada kuna midaynaya Aragti halkii ay isku raaci lahaayeen Qabiil.

Fursad 3, waxeey kor u qaadaysaa sumcadda Dawladnimadeena oo buuuxin doonta halbeegyada Caalamiga ah ee Dawladnimada ku dhisan Dimuquraadiyadda.

Iftiimin.

Dhamaystirka Kala Guurka.

Waxaan hadda bartanka uga jirnaa geediga kala guurkaan, si aan u dhamaystirnana waxaa jira dhawr qodob oo iyana mudan in aan maskaxda galino.

Iftiimin 1, maadaama ay tahay hawl adag, caqabado badan, Cadaw xooganna leh, waxa ugu wayn ee aan u baahanahay waa adkaysi iyo isku duubni.

Iftiimin 2, waxa labaad waa feejignaan in aan nala qaldin, nala cabsi galin ama nala weecin maadaama Hubka ugu wayn ee la doonayo in lagu hor istaago himiladaan ay tahay in si khaldan loogu fasiro Bulshadeenna.

Iftiimin 3, in aan gacanta ka qabano kuwa doonaya in ay dib inoo celiyaan, caqli iyo cudud hadba tii haboonna kaashano ayaa ah qodob kale oo mudan xusuusnaan.

Iftiimin 4, in Shacabkeenu muujiyo in tani ay tahay tiisa cidkasta oo hor istaagtana ay tahay cid awoodda iyo milkiyadda Dawladnimada u diidan Dadwaynaha.

Hal Dardaaran iyo Hal Digniin.

Dadkaygoow , mid waa dardaaran, marxaladaan waa mid Taariikhi ah, Sidaas awgeed waa in aan si Midnimo iyo Waddaniyad leh u garab istaagno, mid kalana waa digtoonaashiyo, jidka aan marayno waa mid adag, Caqabado leh, cillado badan sababtuna waa duruufaha Dalkeenu ku jiro, Sidaas awgeed waa in aan ka feejignaano cidkasta oo doonaysa in ay si khaldan uga faaiidaysato duruufahaas kuna hor istaagto himilooyinkeenna Qaran.

Hal xusuusin iyo xisaab celin ah, tani waa oofinta balanqaadkii Madaxwayne Dr Xasan Sheekh Maxamuud ee ku xusnaa Barnaamij Siyaasadeedkiisii xlligii doorashada 2022,dii, iyo Balanqaadkii Xukuumadda Dan,Qaran ee ku caddaa Barnaamijkii Baarlamaanku ku ansixiyay xukuumadda isla Sanadkaas.

Alle ayaa mahadsan.

 

 

 

 

 

 

 

Jadwalka imtixaanka fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee sannad-dugsiyeedka 2025/2026, kaas oo ay u fariisan doonaan kumannaan arday oo wax ka barta dugsiyada kala duwan ee gobolka.

Maamulka waxbarashada ayaa sheegay in dhammaan diyaar-garowgii lagama maarmaanka ahaa la dhammaystiray, iyadoo la xoojiyay habraacyada lagu sugayo hufnaanta, cadaaladda iyo tayada imtixaanaadka.

Sidoo kale, waxaa la faray maamulayaasha dugsiyada, macallimiinta iyo waalidiinta inay ka qeyb qaataan dhiirrigelinta ardayda si ay ugu diyaar garoobaan imtixaannada si wanaagsan.

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

 Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan la qaatay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, General Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro), oo ay wehliyaan Taliyaha Qeybta 60-aad ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Korneel Isaaq Berdaale, iyo Taliyaha Nabad-sugidda ee Koonfur Galbeed Macalin Saalax Cabdinuur Cali.

Saraakiisha ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka warbixin ka siiyey shaqaaqadii maanta ka dhacday magaalada Baydhabo iyo sida ay ciidamada amniga ugu guuleysteen soo afjaridda howlgal lagu beegsaday maleeshiyaad isku dayey inay falal amni-darro ka geystaan gudaha magaalada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ciidamada amniga uga mahadceliyey dadaalkooda iyo guusha ay ka gaareen soo afjaridda maleeshiyaadkii isku dayey inay carqaladeeyaan amniga magaalada Baydhabo, isagoo bogaadiyey geesinimada iyo heeganka ciidamada kala duwan ee amniga.

      

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo ka qeyb galay dhaarinta Xildhibaanada cusub ee K/Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed uga qeyb galay munaasabadda Dhaarinta Xildhibaanada cusub ee Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo khudbad ka jeediyey munaasabadda dhaarinta Xildhibaanada cusub ee Golaha wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa marka hore hambalyo iyo bogaadin u diray Xildhibaanada cusub ee maanta loo dhaariyey mas’uuliyadda loo igmaday, asigoo Alle uga baryey inuu ku guuleeyo gudashada waajibaadka culus ee loo doortay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa u rajeeyey Xildhibaanada in ay si daacadnimo, hufnaan iyo xilkasnimo leh ugu adeegaan shacabka, isla markaana ka shaqeeyaan horumarka, midnimada iyo danta guud ee bulshada iyo deegaannada Koonfur Galbeed.