Xildhibaannada la doortay ee K/Galbeed oo maanta la dhaariyay

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed, gelinkii dambe ee maanta waxaa lagu dhaariyay Xildhibaannadii dhowaan la doortay ee ku yimid doorashadii qofka iyo codka ahayd.

Goobta lagu dhaarinayay Xildhibaanada cusub oo ka kooban 95-xildhibaan waxaa goob joog ahaa hoggaamiyaha KMG ah ee mamaulka Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji iyo xubno kale oo ka tirsan xisbiyadii doorashada ka qeyb galay.

Xildhibaanada maanta la dhaariyay ayaa noqonaya xildhibaannadii ugu horeeyay ee laga soo doorto deegaanka iyo Baarlamaanka saddexaad ee maamulka Koonfur Galbeed.

  

Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo

Taliska Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta martigeliyey kulan deg-deg ah oo looga hadlay xaaladda amniga Magaalada Baydhabo, kaddib weerar ay saaka kusoo qaadeen kooxo burcad ah oo doonayey inay qalqal geliyaan nabadgelyada magaalada.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga, dardargelinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga, iyo qaadista tallaabooyin adag oo looga hortagayo falalka kooxaha amni-darrada abuuraya. Mas’uuliyiintii ka qeyb gashay kulanka ayaa bogaadiyey feejignaanta iyo geesinimada ciidamada amniga ee si deg-deg ah uga falceliyey weerarka, islamarkaana fashiliyey ujeeddooyinkii kooxahaasi.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa lagu adkeeyey sii wadista dadaallada lagu xaqiijinayo amniga Baydhabo iyo ilaalinta shacabka, iyadoo la xoojiyey isku-duubnida hay’adaha amniga iyo bulshada deegaanka.

    

Taliska CXD oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saakay ee magaalada Baydhabo

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada Soomaaliyeed la wadaagayaa in Ciidanka Qaranka ay saaka aroortii fashiliyeen weerar fulaynimo ah oo ay soo qaadeen kooxaha Khawaarijta, kaas oo lagu bartilmaameedsaday xarunta ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee magaalada Baydhabo.

Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ayaa si geesinimo iyo feejignaan leh uga hortagay weerarkaasi, iyagoo gaarsiiyay cadowga khasaaro xoogan oo isugu jira naf iyo maal. Khawaarijta ayaa lagu kala eryay gudaha iyo daafaha magaalada, iyagoo u firxaday si fulaynimo ah, halka ay ciidamada amniga weli wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo tirada rasmiga ah ee khasaaraha soo gaaray cadowga.

Taliska Ciidanka XDS waxa uu bulshada Soomaaliyeed la wadaagi doonaa faahfaahinta iyo natiijooyinka rasmiga ah ee howlgalka marka la soo gabagabeeyo tirakoobka iyo xaqiijinta xogaha la xiriira khasaaraha cadowga.

Ugu dambayn, Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa geesiyaasha Ciidanka Qaranka ee habeen iyo maalin u taagan difaaca qaranimada, amniga, midnimada iyo jiritaanka Qaranka Soomaaliyeed.

Taliska ayaa sidoo kale ku ammaanaya shacabka Soomaaliyeed taageerada ay mar walba la garab taagan yihiin ciidanka Qaranka.

 

Ciidanka XDS oo Howlgallo ka Dhan ah Khawaarijta ka Fuliyay Deegaanno ka Tirsan Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo qorsheysan oo ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyay deegaannada Jabaad Carbeyd iyo Dabagaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalka waxaa fuliyay Ururka 195-aad ee Guutada 19-aad, Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, iyadoo ujeeddadiisu ahayd adkeynta amniga iyo ka hortagga dhaq-dhaqaaqyada Khawaarijta ee ka jira deegaannadaasi.
Taliyaha Ururka 195-aad ee Guutada 19-aad Kumaandooska Gorgor, Dhamme Maxamed Cumar Duufaan, ayaa sheegay in howlgalladani ay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta, laguna xaqiijinayo amniga shacabka iyo deegaannada laga xoreeyay kooxaha nabad-diidka ah.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa muddooyinkii u dambeeyay sii xoojiyay howlgallada ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo lagu baacsanayo firxadka Khawaarijta iyo kooxaha carqaladeeya nabadda iyo xasilloonida dalka.

 

     

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay Saddexdii Xubnood ee Ka Dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyey liiska saddexda (3) xubnood ee ka haray xubnaha ku guulaystay kuraasta Golaha Wakiillada ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Guddiga ayaa sheegay in xubnahan lagu doortay hannaan waafaqsan shuruucda iyo habraacyada doorashooyinka, iyadoo dhameystirka kuraastan uu qeyb ka yahay dadaallada lagu soo gabagabeynayo dhismaha Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed.

Shaacinta xubnahan ayaa dhameystireysa tirada xubnaha Golaha Wakiillada, taasoo gogol xaar u noqoneysa tallaabooyinka xiga ee la xiriira howlaha dowlad-dhiska iyo maamulka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

 

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhigga Ruushka

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Cali Cabdi, oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Moscow ee dalka Ruushka, ayaa kulan la yeeshay Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Ruushka, Mudane Vasily Osmakov.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada difaaca iyo amniga. Labada masuul ayaa sidoo kale ka wada hadlay fursadaha lagu horumarin karo xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ruushka.

Labada dhinac ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadidda wada-hadallada iyo iskaashiga wax-ku-oolka ah, iyagoo muujiyay rabitaan wadajir ah oo lagu xoojinayo xiriirka iskaashi ee dhinaca difaaca ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Ruushka.

 

   

Soomaaliya oo Taageero U Muujisay Kuwait Kadib Weeraradii Gantaalka Iyo Diyaaradaha Drones-ka

War-Saxaafadeed.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujineysaa garab istaag buuxa oo ay la garab taagan tahay Dowladda walaalaha ah ee Kuwait, kadib weerarrada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu bartilmaameedsaday dhulkeeda.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa weerarradan, waxayna markale xaqiijineysaa taageeradeeda aan leexleexadka lahayn ee ku aaddan madaxbannaanida, amniga, xasilloonida, iyo midnimada dhuleed ee Dowladda Kuwait. Falalkan waxay halis ku yihiin nabadda iyo amniga gobolka, waxayna ka hor imaanayaan mabaadi’da sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda ula taagan tahay Dowladda iyo shacabka Kuwait, iyadoo ku baaqeysa in la muujiyo is xakameyn, wada-hadal, iyo xal diblomaasiyadeed si looga hortago sii xumaanshaha xaaladda loona ilaaliyo nabadda, amniga, iyo xasilloonida gobolka Khaliijka.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐝𝐤𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐈𝐆𝐀𝐃 𝐞𝐞 𝐊𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐭𝐚𝐠𝐠𝐚 𝐄𝐛𝐨𝐥𝐚

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada XFS, H.E. Dr. Ali Haji Adam, ayaa maanta qaab fogaan-arag ah uga qayb galay Shir Degdeg ah oo ay soo qabanqaabisay urur goboleedka IGAD, kaas oo ay isugu yimaadeen Wasiirrada Caafimaadka dalalka xubnaha ka ah ururka, laguna falanqeeyay xaaladda cudurka Ebola ee ka dillaacay gobolka.

Wasiirka ayaa kulanka ka sheegay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga gobolka, kor u qaadista kormeerka xuduudaha, iyo adkaynta tallaabooyinka u diyaar garowga cudurrada faafa si looga hortago khataraha caafimaad ee ka gudbi kara xuduudaha dalalka.

Soomaaliya waxay sii waddaa dadaallada lagu xoojinayo u diyaar garowga iyo ka jawaabista xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka, iyadoo garab ka helaysa iskaashiga gobolka iyo hay’adaha caalamiga ah.

Screenshot

 

Ururka Hidda Dhoor oo Bandhig Cajiib ah ka Sameeyay Maalinta Dhaqamada Jaaliyadaha oo lagu Qabtay Dalka Belgium

Ururka Hidda Dhoor ayaa si weyn uga qeybgalay munaasabadda Maalinta Dhaqamada Jaaliyadaha ee lagu qabtay magaalada Kortrijk ee waddanka Belgium, halkaas oo lagu soo bandhigay hiddaha iyo dhaqamada kala duwan ee ay leeyihiin bulshooyinka ku nool magaaladaasi.

Ururka ayaa munaasabadda kusoo bandhigay ciyaaro dhaqameedyo, suugaan, heeso hidde iyo bandhigyo ka tarjumayay dhaqanka iyo taariikhda Soomaaliyeed, kuwaas oo si weyn u soo jiitay indhaha dadkii kasoo qeybgalay xafladda.

Guddoomiyaha Ururka Hidda Dhoor, Cabdi Warsame, oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in ay muhiimad gaar ah leedahay ilaalinta hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, gaar ahaan jiilasha ku koraya dalalka dibadda. Waxa uu xusay in munaasabaddan ay fursad muhiim ah u tahay in bulshada kale lagu baro dhaqanka, suugaanta iyo taariikhda Soomaalida.

Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenka guud ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee waddanka Belgium, Xuseen  Xasan Xuseen, ayaa bogaadiyay dadaalka Ururka Hidda Dhoor iyo doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan mideynta bulshada Soomaaliyeed iyo xoojinta isdhexgalka jaaliyadaha ku nool Belgium.

Dadkii kasoo qeybgalay munaasabadda ayaa si weyn u ammaanay bandhigga ay sameeyeen xubnaha Ururka Hidda Dhoor, iyagoo ku tilmaamay mid si qurux badan uga tarjumayay hodantinimada iyo bilicda dhaqanka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Dalka, Saalax Axmed Jaamac oo Maka kula kulmay Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudiga

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa magaalada barakeysan ee Maka kula kulmay Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya ahna Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada, Amiir Mohammed bin Salman bin Abdulaziz Al Saud.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa kamid ahaa masuuliyiinta sanadkan gudanayay waajibaadka Xajka, waxaana kulanka lagu adkeeyey xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa uga mahadceliyey Dowladda Sacuudiga adeegyada iyo martigelinta wanaagsan ee loo fidiyey xujeyda sanadkan.