Ururka Hidda Dhoor oo Bandhig Cajiib ah ka Sameeyay Maalinta Dhaqamada Jaaliyadaha oo lagu Qabtay Dalka Belgium

Ururka Hidda Dhoor ayaa si weyn uga qeybgalay munaasabadda Maalinta Dhaqamada Jaaliyadaha ee lagu qabtay magaalada Kortrijk ee waddanka Belgium, halkaas oo lagu soo bandhigay hiddaha iyo dhaqamada kala duwan ee ay leeyihiin bulshooyinka ku nool magaaladaasi.

Ururka ayaa munaasabadda kusoo bandhigay ciyaaro dhaqameedyo, suugaan, heeso hidde iyo bandhigyo ka tarjumayay dhaqanka iyo taariikhda Soomaaliyeed, kuwaas oo si weyn u soo jiitay indhaha dadkii kasoo qeybgalay xafladda.

Guddoomiyaha Ururka Hidda Dhoor, Cabdi Warsame, oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in ay muhiimad gaar ah leedahay ilaalinta hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, gaar ahaan jiilasha ku koraya dalalka dibadda. Waxa uu xusay in munaasabaddan ay fursad muhiim ah u tahay in bulshada kale lagu baro dhaqanka, suugaanta iyo taariikhda Soomaalida.

Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenka guud ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee waddanka Belgium, Xuseen  Xasan Xuseen, ayaa bogaadiyay dadaalka Ururka Hidda Dhoor iyo doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan mideynta bulshada Soomaaliyeed iyo xoojinta isdhexgalka jaaliyadaha ku nool Belgium.

Dadkii kasoo qeybgalay munaasabadda ayaa si weyn u ammaanay bandhigga ay sameeyeen xubnaha Ururka Hidda Dhoor, iyagoo ku tilmaamay mid si qurux badan uga tarjumayay hodantinimada iyo bilicda dhaqanka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Dalka, Saalax Axmed Jaamac oo Maka kula kulmay Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudiga

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa magaalada barakeysan ee Maka kula kulmay Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya ahna Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada, Amiir Mohammed bin Salman bin Abdulaziz Al Saud.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa kamid ahaa masuuliyiinta sanadkan gudanayay waajibaadka Xajka, waxaana kulanka lagu adkeeyey xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa uga mahadceliyey Dowladda Sacuudiga adeegyada iyo martigelinta wanaagsan ee loo fidiyey xujeyda sanadkan.

Ra’iisul Wasaare Xamza: “Waxaa jira dowlado doonaya in ay dalkeenna kala gooyaan”

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane, Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in ay jiraan dowlada doonaya in ay dalkeenna kala gooyaan, iyaga oo aan dooneyn Soomaali mideysan.

“Waxaa jira dowladu doonaya in ay dalkeenna kala gooyaan, iyaga oo aan dooneyn Soomaali mideysan” ayuu yiri mudane Xamsa.

Ra’aysuwasaaraha oo goob fagaara ah kula hadlayay boqolaal shacab ah ayaa intaa ku daray in qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay u nugulyihiin faragelinta shisheeyaha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaa ku daray in siyaasiinta qaar ay gacansaar dhow la leeyihiin dowladaha doonaya in dalka la kala jarjaro, laguna beero calooshood u shaqeystayaal, si loogu duulo waddamo kale oo muslimiin ah laguna burburiyo.

Mudane Xamsa Cabdi ayaa carrabka ku dhuftay in siyaasiyiinta xiriirka la leh dowladaha cadowga ku ah Soomaaliya ay ku shaqeeyaan aragtiyo ay ka dambeysa Isra’il, taas oo lagu doonayo in Qudus loogu xalaaleeyo Yuhuudda, laguna ihaaneysto walaaladeen reer Falastiin.

Hoggaamiye Jabriil oo guddoomiyay shir looga hadlayay amniga magaalada Baydhabo

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed , Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa guddoomiyey shir looga hadlayay xaqiijinta amniga Magaalada Baydhabo, iyadoo dhawaan la qorsheynayo inay ka qabsoonto Doorashada Madaxtinimada ee Koonfur Galbeed.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Xannaanada Xoolaha XFS iyo Saraakiisha ciidamada kala duwan, waxaana kulanka diiradda lagu saaray adkeynta amniga guud ee magaalada, dardargelinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo sidii loo xaqiijin lahaa jawi nabdoon oo ay doorashadu ku dhacdo.

Hoggaamiye jibriil ayaa ciidamada amniga faray in ay xoojiyaan howlaha lagu sugayo amniga shacabka iyo goobaha muhiimka ah ee Magaalada Baydhabo, si loo ilaaliyo xasilloonida iyo kala dambeynta inta lagu jiro doorashada.

Shirka ayaa lagu bogaadiyey ciidamada amniga dadaallada ay ku bixinayaan sugidda amniga iyo ka hortagga fal kasta oo qalqal gelin kara hannaanka doorashada

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaam Cige ayaa maanta kulan miro dhal ah la qaatay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika, Dr. Sidi Ould Tah intii lagu guda jiray Shirarka Sanadlaha ah ee ka socda Brazzaville.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray guulaha Soomaaliya ka gaartay hannaanka dib-u-habaynta dhaqaalaha, xoojinta koboca dhaqaale, iyo fursadaha cusub ee maalgashi iyo horumarineed ee dalka ka jira. Sidoo kale, waxaa la isla soo qaaday doorka muhiimka ah ee Bangiga Horumarinta Afrika uu ku leeyahay taageeridda mashaariicda horumarineed iyo dib-u-dhiska Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay sii wadidda dib-u-habaynta dhaqaalaha, kobcinta maalgashiga, iyo abuurista fursado shaqo iyo horumar oo loo horseedo shacabka Soomaaliyeed mustaqbal wanaagsan.

Bangiga Horumarinta Afrika ayaa weli ah saaxiib muhiim ah oo Soomaaliya ku taageera dadaallada horumarinta qaranka iyo xoojinta dhaqaalaha dalka.

Wafdi ka socda Talyaaniga oo booqday xarunta dhexe ee xoogga dalka

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS Jenaraal Sahal Cabdulahi Cumar oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Xoogga Dalka ayaa Xarunta Taliska Xoogga ku soo dhaweeyay wafdi ka socda Dowladda Talyaaniga oo uu wehlinayo Military Attaché-ga Dowladda Talyaaniga.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada shaqeynta u dhaxeysa CXDS iyo Ciidanka Dowladda Talyaaniga, gaar ahaan dhinacyada taageerada, tababarrada iyo horumarinta ciidamada.

Ugu dambeyn wafdiga Ka socday Dowladda Talyaaniga ayaa dhankooda uga mahadceliyay Taliska CXDS soo dhaweynta diirran iyo martiqaadka wanaagsan ee loo sameeyay, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay sii wadidda taageerada iyo wada shaqeynta kala dhaxeysa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

   

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Dadka reer Muqdisho diyaar uma aha in ay ka tanasulaan nabadda ay heystaan”

Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane, Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dadka reer Muqdisho aysan diyaar u ahayn in ay ka tanasulaan nabadda ay maanta heystaan.

Mudane Xamsa oo boqolaal shacabka reer Muqdisho kula hadlayay goob fagaara ah kadib munaasabaddii Ciidda ayaa si weyn ugu boorriyay shacabka ku dhaqan caasimadda in ay ku fara adaygaan amniga oo aan marnaba gacantooda laga bixin.

“Dadka reer Muqdisho diyaar uma aha inay ka tanasulaan nabadda ay maanta heystaan, Dowladda Soomaaliyeedna waxay ogoshahay xoriyadda hadalka.”

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay ogoshahay xoriyadda hadalka, dhaliisha iyo mudaaharaad salmi ah in la qabto, dadkuna ay marqaati ka yihiin.

Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa sheegay in ciddii haysa aragti wanaagsan ay usoo bandhigto shacabka, isagoo tilmaamay in ay la shaqayn doonaan ciddii ay kalsoonida ummaddu raacdo, hadday heli waayaannaa ay la shaqeeyaan maamulka uu dadku doorto.

Wuxuu xusay Ra’aysulwasaaruhu in uu xukunku ku jiro gacanta Alle cidduu doonana siiyo, ayna habboon tahay in dadka la weydiisto kalsooni sidii ay samayn jireen Asxaabtii Rasuulka CSW.

Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane, Xamsa Cabdi Barre ayaa ugu dambayn ku baaqay in dadka xorriyadda loo daayo iyada oo aan dusha looga keenin xukun aysan ku qanacsanayn, wuxuuna siyaasiyiinta ugu baaqay in ay dadka weydiistaan codkooda iyagoo samaysanayo Xisbiyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh: Midnimada iyo wadajirka shacabka waa tiirka dib u dhiska Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in midnimada shacabka Soomaaliyeed ay laf-dhabar u tahay geeddi-socodka dib u dhiska dalka, xilli uu boqolaal shacabka ka mid ah kula tukaday salaadda Ciidda Carafo magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay marayso marxalad taariikhi ah oo dib u dhiska dowladnimada ah, taas oo uu xusay in hoggaankeeda iyo jihadeeda ay garwadeen ka yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu carrabka ku dhuftay muhiimadda ay leedahay xoojinta wadajirka bulshada, iskaashiga iyo is-garab istaagga, si loo xaqiijiyo Soomaaliya nabad ah oo dib ugu istaagta cagaheeda.

Hadalkan Madaxweynaha ayaa muujinaya in dowladda Federaalka ay mudnaan gaar ah siinayso mideynta bulshada iyo dardargelinta geeddi-socodka dowlad dhiska, iyadoo shacabka loogu baaqay inay door muuqda ka qaataan horumarka iyo xasilloonida dalka.

Ra’iisul wasaare Xamse oo bulshada ku bogaadiyey kaalinta ay ka qaadanayaan ilaalinta amniga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed looga baahan-yahay in ay ilaashadaan amniga iyo xasilloonida caasimadda iyo guud ahaan dalkeenna oo si weyn uga soo kabtay amni darradii iyo dhibaatooyinkii lasoo maray.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, oo bulshada ku nool caasimadda Muqdisho kala qeyb-galay munaasabad lagu waynaynayo maalmaha qiimaha badan ee Ciidda, ayaa xusay in laga bogsaday marxaladihii adkaa ee dalkeennu soo maray ee isugu jiray qaraxyada iyo dilalka qorshaysan ee ay fulin jireen kooxaha Khawaarijta ah, taasi oo lagu bedelay amniga iyo xasilloonida ay caawa bulshada ku nool caasimadda sida nabdoon ay Madaxdooda ula qeybasadeen farxadda ciidda iyada oo aysan wax cabsi ah jirin.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dalkeennu gaaray guulo waaweyn oo la taaban karo taasi oo ay markhaati ka yihiin Hooyada iyo Aabaha Soomaaliyeed iyo bulshada caasimadda, oo markii ay heleen amni iyo kala dambayn u jihaystay ka shaqaynta horumarka kabeyaasha dhaqaalaha iyo dowladnimada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa bogaadiyey hey’adaha amniga iyo ciidamada qalabka sida oo naftooda u huray xasilloonida dalka waxa uunna ku tilmaamay geesiyaal u shaqeeyay dalkooda oo dhiiggooda u hibeeyay in la gaaro heerka aynu maanta joogno.

“Boqollaal ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa u shahiiday nabadda caasimadda Soomaaliya ay maanta haysato, waxa ay mudnaayeen in loo mahadceliyo, la garab-istaago iyada oo looga dambaynayo howlaha amniga Qaranka iyo xasilloonida caasimadda”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka ah in aysan siyaasadeyn shaqada amniga iyo ciidamada qalabka si kasta oo ay uga aragti duwan-yihiin madaxda dowladda, waxaa uu xusay in ay mar walba diyaar u yihiin in laga dhageysto aragtidooda iyada oo la tixgalinayo wixii u dan ah bulshada Soomaaliyeed.

Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed loo dhigay dabinno badan oo halis galiyey jiritaankeenna iyo midnimada Qaranka Soomaaliyeed, balse shacabka Soomaaliyeed ee qiimaha badan ay iska diideen aragtidaas shisheeye, maantana ay diyaar u yihiin doorashooyin madax-bannaan oo qof iyo cod ah maadama ay dib u heleen xuquuqdoodii dastuurkiga ahayd.

            

Wasiirka Maaliyadda oo ka qeyb galay Shirka Sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa ka qeyb galay fadhiga loo dhan yahay ee Wasiirrada Maaliyadda Qaaradda Afrika, kulan ayaa qeyb ka ahaa shirka sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika(AfDB) oo sanadkan lagu qabanayo Magaalada Brazzaville ee Dalka Congo.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray hawlaha muhiimka u ah Bangiga, waxqabadkiisa maaliyadeed, qorshayaasha maalgashi ee mustaqbalka iyo dib-u-buuxinta Sanduuqa Horumarinta Afrika (ADF-17), iyadoo dowlad kasta ay soo bandhigaysay qorshaheeda maalgelineed ee mudnaanta u leh.

Wasiirka Maaliyadda XFS, Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa kulanka ka jeediyay khudbad kooban oo uu ku muujiyay horumarka maaliyadeed ee ay gaartay Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dib-u-habeynta dhaqaalaha, kobcinta dakhliga gudaha, iyo xoojinta hannaanka maamul maaliyadeed ee dalka.

Sidoo kale, Wasiirku waxa uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo taageerada maalgelinta horumarineed ee Soomaaliya si loo dardargeliyo mashaariicda mudnaanta u leh bulshada Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ka mid yihiin horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada, iyo kobcinta fursadaha dhaqaale.