Dowladda oo ka digtay in amniga la siyaasadeeyo

Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdifitaax Qaasim ayaa ka digay in amniga dalka gaar ahaan nabadgalyada Muqdisho lagula kaco falal dhaawacaya xasiloonida iyo nabadgalyada Bulshada, isagoo xusay in loo baahanbyahay bulshadu inay fahmaan amnigu inuu yahay mid dalka oo dhan dan u wada ah.

“Amnigu ma ahan wax ay leeyihiin mucaarad iyo muxaafid ee waxaa iska leh shacabka Soomaaliyeed, iyagaana la rabaa inay ku fara adeygaan oo ay iska diidaan wax kasta oo xasillooni darro keeni kara” ayuu yiri wasiir Cabdifitaax.

Sidoo kale Wasiirka ayaa xusay in dowladdu ay dadaal weyn galisay sidii dalka looga qaban lahaa doorashooyinka toos ah oo dadka fursad u siinaya inay soo doortaan dadka siyaasadda ku matalaya, taas oo ah tallaabo hore loo qaaday.

“Dalku waxaa uu aaday doorasho qof iyo cod ah, wax wada-hadal ahna lagama geli doono doorasho dadban inay wadanka ka dhacdo.” ayuu yiri wasiir Cabdifitaax Qaasim.

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

Baydhabo, Soomaaliya – 27 May, 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shacab iyo masuuliyiin kula dukaday Salaadda Ciid al-Adxa Magaalada Baydhabo caasimadda KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka, wuxuu hambalyo u diray guud ahaan Umadda Islaamka ah, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, isaga oo Alle SWT uga baryey inuu ciidan ciideeda kale ku gaarsiiyo nabad, horumar, barwaaqo iyo midnimo waarta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa boqolaal ka mid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Salaadda Ciidda Carafo, Masjidka Isbahaysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda barakaysan ee Ciidda Carafo, isaga oo Alle uga baryay in dalka iyo dadka Soomaaliyeed uu ku manneysto nabad, barwaaqo iyo horumar waara.

“Kama tageyno in marwaliba aynu is xusuusinno dhaqamada wanaagsan ee la sameeyo maalintan oo kale. Waxaa muhiim ah in aan xoojino midnimadeenna, iskaashiga iyo taageerada bulshada dhexdeeda si loo gaaro Soomaaliya nabdoon oo horumarsan”.

Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in geeddiga dib u dhiska dowladnimada Soomaaliyeed uu marayo marxalad taariikhiga ah oo ay go’aankiisa garwadeen ka yihiin muwaadiniinta soomaaliyeed, waxa uuna adkeeyay muhiimadda ay leedahay midnimada, wadajirka bulshada, is caawinta iyo garab istaagga dadka nugul, si loo xaqiijiyo Soomaaliya si dhammeystiran markale cagaheeda ugu istaagta.

Guddiga Madaxa-banaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka iyo Machadka Raoul Wallenberg oo heshiis kala saxiixday

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) iyo Machadka Raoul Wallenberg ee Xuquuqda Aadanaha iyo Sharciga Bani’aadannimada (RWI) ayaa magaalada Muqdisho ku kala saxeexday heshiis is-afgarad (MoU) oo muhiim ah, kaas oo lagu taageerayo dhismaha iyo xoojinta aasaaska Guddiga, si waafaqsan Mabaadii’da Caalamiga ah ee Paris.

Iskaashigan ayaa diiradda saari doona horumarinta Guddiga, dhismaha nidaamyada maamulka, kobcinta awoodaha shaqo, is-weydaarsiga khibradaha, horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha, si loo dhiso guddi lagu kalsoonaan karo, wax-ku-ool ah, isla markaana madax-bannaan.

Heshiiska waxaa kala saxeexday Guddoomiyaha Guddiga Dr. Maryan Qasim iyo Agaasimaha Fulinta ee Machadka RWI Peter Lundberg, intii lagu guda jiray kulan heer sare ah oo ay ka qaybgaleen masuuliyiin sar sare oo labada dhinac ka socday, kaas oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

     

Madaxweyne Xasan Sheekh oo bulshada Soomaaliyeed la wadaagay hambalyada Ciidda

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Adxa oo ah munaasabad xambaarsan qiime weyn oo diini ah, kuna dhisan isjacayl, isu tanaasul, walaaltinimo iyo garab istaagga dadka nugul.

“Waxaan Alle ka baryayaa in uu innaga aqbalo acmaasha wanaagsan, sanadkan sanadkiisana nagu gaarsiiyo nabad, caafimaad iyo barwaaqo,” ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

“Waxaan halkaan uga mahadcelinayaa Ciidamada Qalabka Sida, geesiyaasha difaaca dalka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee garab istaagay dowladnimada iyo xasilloonida dalka. Nafhurkooda iyo dadaalkooda ayaa horseeday guulaha muuqda ee maanta dalku ku tallaabsanayo.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah hambalyo iyo bogaadin ugu diray muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku guda jira gudashada waajibaadka Xajka.

“Waxaan Alle uga baryayaa in uu ka aqbalo acmaashooda wanaagsan, dalkeenna iyo dadkeenana ku manneysto nabad iyo kheyr,” ayuu yiri farriintiisa ku yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Gobolka Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa walaac xooggan ka muujiyay dhacdadii ka dhacday Deegaanka Digta Margoos ee Gobolka Jubbada Hoose, taas oo la sheegay inay sababtay Dhimasho iyo Dhaawac soo gaaray Dad Rayid ah.
Iyadoo la gudanayo waajibaadka Dastuuriga ah ee ilaalinta iyo dabagalka Xuquuqda Aadanaha, Guddigu wuxuu bilaabay baaritaan hordhac ah si loo xaqiijiyo xaqiiqooyinka ku saabsan dhacdada, isagoo la xiriiraya Maamulka Deegaanka, Bulshada iyo dhinacyada kale ee ay khusayso.
GMXIQ waxay adkaynaysaa muhiimadda ilaalinta Nolosha Dadka Rayidka ah iyo xaqiijinta badqabkooda, iyadoo ugu baaqaysa Hay’adaha Amniga iyo Garsoorka inay si masuuliyad leh u gutaan waajibaadkooda. Guddoomiyaha Guddiga, Dr. Maryan Qaasim Axmed, ayaa sidoo kale Tacsi u dirtay Qoysaska, Ehellada iyo dhammaan Dadka ay saameysay dhacdadan.
Guddigu wuxuu dib u xaqiijinayaa sida ay uga go’an tahay korjoogtaynta, baarista iyo ka warbixinta xaaladaha Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya, si loo xaqiijiyo isla-xisaabtan, Caddaalad iyo dhowrista Xuquuqda Aadanaha.

Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada oo fariin u dirtay Shaqaale Waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa Hambalyo ku aaddan Maalinta Ciida Carafada u dirtay dhammaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Shaqaalaha Dowladda, Shaqaalaha Gaarka ah iyo kuwa Hay’adaha aan Dowliga ahayn.

Ciida Carafo waa Maalmo farxadeed oo kheyr badan xambaarsan, Diinta Islaamkana qiimo wayn ku leh, maadaama ay la xiriirto cibaadooyinka waaweyn ee Xajka iyo Maalinta Carafo oo ah Maalin fadligeedu badan yahay.

Sidoo kale waa Maalmo fasax ah sida ku cad Sharci Lr. 36aad, Qodobka 65aad, Fasaxyada Qaranka Farqadiisa 4-aad, Xarafka [KH] oo qeexaya fasaxa Ciida Carafo.

Haddaba Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxay ku wargalinaysaa dhammaan Hay’adaha Dowladda, kuwa aan Dowliga ahayn iyo Hay’adaha Gaarka loo leeyahay in ay Shaqaalaha fasax yihiin Ciida awgeed muddo saddex (3) Maalmood ah, laga bilaabo Maalinta Arbacada, 27/05/2026, kuna eg Maalinta Sabtida, 30/05/2026. Maadaama uu qabo Xeerka Shaqada in fasaxa Ciida Carafada yahay Saddex Maalmood.

 

Screenshot

Liiska Xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada KGS oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa shaaciyey Liiska Xubnaha ku guulaystay Golaha Wakiillada ee Dawlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya (KGS).

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa shaaciyey liiska xubnaha ku guulaystay Golaha Wakiillada ee Dawlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya (KGS).

Dufcada 12-aad ee Kumaandooska Danab oo tababar loo furay

Kusimaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ahna Taliyaha Ciidanka Dhulka Janaraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta si rasmi ah tababar ugu furay dufcadda 12-aad ee Kumaandooska Danab, kuwaasi oo lagu tababarayo dugsiga tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure ee Bali-doogle.

Furitaanka tababarka waxaa goob joog ahaa Taliyaha Taliska tababarrada Janaraal Axmed Ciise Axmed, Taliyaha Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab Korneyl Cabdicasiis Xuseen Maxamed, saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, madax ka socotay saaxiibada caalamiga ah, iyo saraakiil ka tirsan howlgalka taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSOM) iyo Ciidamada Uganda ee UPDF.

Taliyaha Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab, Korneyl Cabdicasiis Xuseen Maxamed, ayaa dufcadan cusub ee bilaabaya marxaladda adag ee tababarka Kumaandooska Danab Ku booriyay Ka dhabeynta hadafkooda Waxa uuna tilmaamay in dufcaddan cusub la siin doono tababaro heer sare ah.

Taliyaha Taliska Tababarrada iyo Doktariinka Ciidanka Xoogga Dalka Janaraal Axmed Ciise Axmed, ayaa tilmaamay in tababarkan uu qeyb ka yahay qorshaha lagu tayeynayo ciidanka Xoogga Dalka , waxa uuna xusay in muhiimad gaar ah la siinayo tayada tababarka iyo kor u qaadidda xirfadaha ciidamada.

Ugu dambeyn Kusimaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ahna Taliyaha Ciidanka Dhulka Janaraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa tilmaamay in uu furan yahay tababarka dufcada 12-aad ee Kumaandooska Danab isagoo dufcada cusub ku bogaadiyay go’aan qaadashada ay ku doorteen ku biirista Ciidamada Xoogga Dalka.