Soomaaliya oo Farriin Garab-istaag ah u dirtay Dowladda Pakistan

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa weerarka argagixiso ee loo adeegsaday bambaanooyinka ee lagu bartilmaameedsaday tareen rakaab siday oo ka dhacay magaalada Quetta ee gobolka Balochistan, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, kaas oo sababay dhimashada dad rayid ah oo aan waxba galabsan, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, halka kuwo kale oo badanna ay ku dhaawacmeen.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, iyadoo sidoo kale u rajeynaysa dhaawacyada in si degdeg ah alle u bogsiiyo.

Dowladda Soomaaliya waxay si buuxda u garab u taagan tahay Dowladda Islaamiga ah ee Pakistan, waxayna markale caddeyneysaa mowqifkeeda adag ee ay ku diiddan tahay dhammaan noocyada argagixisada iyo weerarrada lagu beegsanayo shacabka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska ee Gobolka Banaadir oo ka hadlay fowdadii galabta ka dhacday Muqdisho

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Col. Mahdi Cumar oo shir jaraa’id qabtay ayaa si adag uga hadlay fowdadii galabta ay soo abaabuleen xubno uu sheegay inay yihiin siyaasiyiin hore, isagoo farriin adag u diray dadka qalqal-gelinaya amniga caasimadda Muqdisho.

” Sidaad la socotaan in dhawaalaba waxaa socday dad hoggaamiyeyaal hore iyo siyaasiyiin in ay ku howlanaayeen in ay suurad xumeeyaan ammaanka caasimadda, iyagoo ujeedkooda yahay in ay caasimadda u laabato sidii hore ay ahayd, waa ayaandaro in hoggaamiyeel hore ay ku fikirayaan in hooyooyin iyo shacab dhexdooda in ay ciidamo maleeshiyaad soo geliyaan oo caasimadda dhexdeeda qalalaaso ka abuuraan iyo nabadgalyo-daro waa wax laga xumaado oo ayaandaro ah”,.

Sidoo kale, Taliyaha Guud Qeyta Booliska Gobolka Banaadir ayaa ku eedeeyay siyaasiyiintan in ay siyaasadeynayaan howlgallada lagu sugayo amniga ee laga fulinayo 95-ta waaxood ee caasimadda, kuwaas oo xogo sirdoon la helay lagu ogaaday in ay xubno ka tirsan argagixisada in ay ku dhuumaaleysanayeen xaafado ka tirsan degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa Yiri” Galabtaa u dambeysay waxa aad arkeyseen wixii ka dhacaayay Soobe in nin hoggaamiye ah soo uruurshay dhallinyaro Soomaaliyeed, gurigiisa ku soo uruurshay, maleeshiyaad qoryo loo soo dhiibay shacabkii lagu soo dhex daayay, hay’adaha amniga waxay muujiyeen xilkasnimo si shacabka iyo dalkaba loo turo, waxaan fareynaa shacabka Soomaaliyeed in ay ka foog-jihnaadaan waxyaabaha lagu sheegayo isku soo bax ee noocaas oo kale ah ee ujeeddadoodu tahay qal qalgelinta amniga caasimadda”.

Ugu dambeyn, Taliya Guud qeybta Booliska Gobolka Banaadir Macallin Mahdi Cumar ayaa digniinta u diray shaqsiyaadka soo abaabulaya falalka lidka ku ah amniga caasimadda, isagoo carabka ku adkeeyay in dambi kasta oo dhaca lagula xisaabtamo doono ciddii soo abaabushay.

Bannaanbax lagu taageerayo amniga caasimadda oo ka socda Muqdisho

Screenshot

Waxaa hadda magaalada Mqudisho ka socda Banaanbax lagu taageerayo amniga Caasimada, kaas oo ay dhigayaan dadweyne nabadda jecel oo isaga kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir.

Dibadbaxa ayaa ka socda Isgooyska Taleex ee bartamaha Muqdisho, waxaana isugu yimid Dhallinyarada magaalada Muqdisho, kuwaas oo wato boorar ay ku qoran yihiin ” Qaran dumis ma rabno ee Qaran dhis ayaa rabnaa”.

Bannaanbaxayaasha ayaa ka dhiidhinaya wararka been abuurka ah ee barashada Bulshada la is dhex-marayo ee ku aaddan in Muqdisho aysan nabad ahay, iyadoo shacabka Soomaaliyeed iyo caalamkaba la tusayo nabadda iyo xasilloonida ka jirta caasimadda Dalka.

Hay’adaha amniga ayaa xoogga saaray sugidda amniga caasimadda iyo guud ahaan Dalka, iyadoo Muqdisho ka mid noqotay magaalooyinka ugu ammaanka badan geeska Afrika.

Madaxweynaha JFS oo la kulmay Abwaannada Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay qaar ka mid ah Abwaanada Soomaaliyeed, kaasi oo looga hadlay doorka suugaanleyda iyo hal-abuurka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin xoojinta wacyi-galinta bulshada, dowlad-dhiska iyo dib u soo nooleynta dareenka qaranimada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Abwaanada Soomaaliyeed uga mahadceliyey kaalinta lama ilaawaanka ah ee ay mar walba ka qaataan difaaca jiritaanka qaranka, kobcinta dhaqanka Soomaaliyeed iyo gudbinta fariimaha baraarujinta bulshada, isagoo xusay in suugaantu ay tahay tiir muhiim u ah dib u dhiska maskaxda iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka qayb galay La-taliyaha Madaxweynaha ee Wacyi-galinta iyo Baraarujinta Dadweynaha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdikariim Cabdi, Abwaanada Soomaaliyeed ayaa Madaxweynaha la wadaagay aragtiyo ku saabsan horumarinta dhaqanka, xoojinta wadaniyadda iyo sidii hal-abuurka Soomaaliyeed loogu adeegsan lahaa nabadda, dowladnimada iyo horumarka dalka.

     

MUQDISHO: CAASIMADDII AMNI-DARRADA OO MAANTA KA NABDOON WASHINGTON D.C.

Isbeddel weyn oo dhanka nabadgelyada ah ayaa ka muuqda caasimadda dalkeenna hooyo  ee Muqdisho, iyadoo warbixintan aan ku muujinayno in magaaladu ay maanta ka ammaan badantahay caasimado waaweyn oo caalamka caan ka ah, sida magaalada Washington D.C. iyo New York

ee dalka Mareykanka, iyo kuwo kale oo muddo loo aqoonsanaa meelaha ugu nabadgelyada badan adduunka.

Guushaan taariikhiga ah ee ay ku tillaabsatay caasimadda Soomaaliya kuma imaan si dabiici ah iyo nasiib oo kaliya, balse waxay ku timid dadaal, juhdi, naf iyo maal badan oo ay dawladdu gelisay.

Dawladda Soomaaliya ayaa hawlgalisay khubaro dhanka amniga ah, iyadoo fulisay qorshayaal istiraatiijiyadeed oo lagu sugayo nabadgelyada gobolka.Iskaashiga Shacabka iyo DawladdaMuddo dheer, Muqdisho waxay safka hore kaga jirtay goobaha ugu ammaan-darran caalamka, laakiin maanta waxay isu beddeshay mid ka mid ah goobaha ugu xasilloon.

Isbeddelkaan xawaaraha ku socda ayaa salka ku haya iskaashiga dhow ee dhexmaray shacabka iyo dawladda, kuwaas oo garowsaday inay leeyihiin hal cadow oo caqabad ku ah noloshooda, meelna uga soo wada jeestay. Maadaama dal waliba ammiinkiisu uu ku xiranyahay caasimaddiisa, guusha Muqdisho waxay ka dhigantahay guud ahaan guusha Soomaaliya.

Tiirarka Loo Tiiriyey Horumarka Amniga Hoggaan-ka amniga dalka iyo hay’adaha kala duwan ee nabadgelyada ayaa ammaan weyn ku leh isbeddelka ka dhashay caasimadda. Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga, qodobada ugu waaweyn ee isbeddelka keenay waxaa ka mid ah:Ciidanka Dharcadka: Hawlgalinta ciidamo dharcad ah oo si dhow u dhexqaada bulshada, una soo gudbiya xogaha khatarta ah.

Farsamada Casriga ah: Hirgelinta kaamirooyinka amniga ee CCTV-ga oo laga hirgeliyey waddooyinka waaweyn, taas oo ay si xirfad leh uga shaqaysay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA).Xoojinta Sharciga: Ansixinta iyo dhaqangelinta sharciga Hay’adda Sirdoonka (NISA) iyo ku dhaqanka sharciga dalka.Wadashaqaynta Hay’adaha: Iskaashiga joogtada ah ee ka dhexeya guud ahaan hay’adaha amaanka dalka, gaar ahaan ciidanka Booliska, oo noqotay mid si labalaab ah u xaqiijisay nabadgelyada magaalada.

Ugu dambayn, nabadgelyada caasimaddu waxay gaartay heer qofka muwaaddinka ah ee ku nool Muqdisho aanu maanta maskaxdiisa ku mashquulin fikir amni-darro. Dadka reer Muqdisho waxay maanta waqtigooda iyo caqligooda iskugu geeyaan raadista nolol maalmeedka iyo horumarka dhaqaale, maadaama diinta Islaamku ay amniga ka dhigtay waxa ugu muhiimsan ee nolosha aadanaha.

Waxa Qoray Agasimaha Warfaafinta iyo xidhiidhka Dadweynaha Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS                 Mohamed Abdi Osman Faradheere

 

Maxkamadda Sare ee Dalka oo ansixisay Doorashooyinkii isku sidkanaa ee K/Galbeed

Maxkamadda Sare Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixisay natiijadi doorashoyinkii Golayaasha deeggaanka iyo Wakiiladda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee guddiga doorashoyinka iyo Soohdimuha Qaranku usoo gudbiyeen Maxkamadda Sare ee dalka.

    Halkan hoose ka Akhriso:- 

 

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Daxiiska oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha u fadhiya Dalka Soomaaliya

Muqdisho,(Wargeyska Dalka):-  Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa Maanta Xarunta Safaaradda Dowladda Shacbiga ee Shiinaha kula kulmay Danjiraha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Wang Yu.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta Xiriirka Taariikhiga ah iyo Iskaashiga labada Dal, gaar ahaan dhinacyada Warfaafinta, Warbaahinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay muhiimadda Iskaashiga Istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa Dowladda Shacbiga ee Shiinaha uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta Iskaashiga labada Dal guud ahaan, gaar ahaan dhinacyada Warfaafinta, Warbaahinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska. Wasiirku waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda Wadajirka labada Dal ee ka hortagga xadgudubyada lagula kacayo Madax-Bannaanida iyo Midnimada Dhuleed ee labada waddan.

Danjire Wang Yu ayaa dhankiisa si diirran u soo dhoweeyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta, isaga oo bogaadiyay xiriirka Saaxiibtinimo iyo Iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada Dal. Danjiruhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in Dowladda Shiinaha ay ka go’an tahay sii wadidda taageerada Soomaaliya iyo xoojinta Iskaashiga dhinacyada mudnaanta u leh labada Dal, oo ay ku jiraan Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Ugu dambayn, labada dhinac ayaa isku raacay in la dardargeliyo lana sii ambaqaado kor u qaadista Xiriirka iyo Iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Dowladda Shacbiga ee Shiinaha, si loo xoojiyo danaha ay wadaagaan iyo Iskaashiga Istiraatiijiga ah ee labada Dal.

          

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Kulan la qaatay Bulshada Rayidka ah ee Soomaaliyeed, kuwaas oo uu kala hadlay dhammaystirka hannaanka Dimuqraadiyadeed ee Dalka, dhismaha Dowladnimada iyo Horumarka laga xaqiijiyey Amniga, maamul wanaagga iyo Doorashooyinka Dadweynaha ee Qof iyo Codka ah.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda ay Bulshada Rayidku ku leeyihiin xoojinta Dowladnimada, ilaalinta Midnimada Qaranka iyo kobcinta ka qaybgalka Shacabka ee geeddi-socodka Dimuqraadiyeynta, isagoo tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso dhismaha Hay’adaha Dowladda, kor u qaadista Adeegyada Bulshada iyo xaqiijinta hannaan Doorasho oo toos ah.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyey doorka Bulshada Rayidka ah ee nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta, iyadoo Madaxweynuhu uu ku bogaadiyey Bulshada Rayidka doorkooda muuqda ee ay ka qaadanayaan wacyigelinta Bulshada, ilaalinta Xuquuqda Muwaadiniinta iyo horumarinta Wadajirka Shacabka Soomaaliyeed.

Dhankooda, Xubnaha Bulshada Rayidka ah ayaa Madaxweynaha la wadaagay Aragtiyo iyo Talooyin ku saabsan xoojinta Dimuqraadiyadda, daahfurnaanta Dowladnimada, dardargelinta horumarinta Adeegyada Bulshada iyo adkaynta wada shaqaynta Dowladda iyo Shacabka.

 

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka oo Shir guddoomiyay kulan looga hadlayay Amniga Gobolka Bay

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Cabdullaahi Xuseen Aadan (Ciro), ayaa Shir guddoomiyay kulan looga hadlayay Amniga Gobolka Bay iyo xoojinta wada shaqeynta Hay’adaha Amniga ee ka howlgala Gobolkaasi.

Kulanka waxaa kasoo qeyb galay Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Bay, Taliyaha Qeybta Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ee Gobolka Bay, Taliyaha Asluubta Gobolka Bay iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamada Qalabka sida.

Intii uu socday Shirka, waxaa diiradda lagu saaray adkeynta Amniga Gobolka Bay, xoojinta wada shaqeynta Ciidamada kala duwan ee Qalabka sida iyo dardargelinta howlgalada lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka XDS Jeneraal Cabdullaahi Xuseen Ciro, ayaa Saraakiisha ku bogaadiyay doorkooda ku aaddan sugidda Amniga, isagoo ku adkeeyay in la laba jibbaaro dadaallada lagu xaqiijinayo Amniga guud ee Gobolka iyo la dagaallanka Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xarigga ka jaray Xarunta Cusub ee Degmada Shangaani

𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨(Wargeyska Dalka);-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Xarigga ka jaray Xarunta Maamulka Degmada Shingaani, oo dib-u-dhis iyo casriyeyn ballaaran lagu sameeyay, si’ loo xoojiyo hufnaanta Maamulka, islamarkaana sare loogu qaado Adeegyada Dadweynaha.

Duqa Muqdisho, Dr. Muungaab ayaa sheegay in dib-u-dhiska iyo tayeynta Xarumaha Dowladdu ay Laf-dhabar u yihiin Horumarinta Adeegyada Bulshada iyo dhisidda kalsoonida Shacabka, isagoona xusay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay in la sii xoojiyo dhismaha Xarumaha Adeegga Dadweyne, taaso ka dhigan in dib loogu celinaayo Canshuurta laga qaado Shacabka ku dhaqan Caasimadda Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa dhinaca kale faray hay’adaha ka shaqeeya Udxiyada (Gowraca Xoolaha ee Munaasabadda Ciidda) iyo Dadka wax haysta in Munaasabadda Ciidul Adxaa awgeed ay taageeraan, islamarkaana gargaaraan Bulshada kuwooda nugul, isagoo geesta kale bogaadiyay guulaha laga gaaray Amniga, waxa uuna ku baaqay in la xoojiyo wada-shaqeynta Bulshada iyo Hay’adaha Amniga.

Munaasabadda Xarig-ka-jarka waxaa Goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka XFS, Marwo Khadiijo Maxamed Al-Makhzuumi, Wasiir Ku-xigeenka Hawlaha Guud ee XFS, Mudane Maxamed Xuseen Gaaraxo, Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdicasiis Cusmaan Maxamed, Guddoomiyaha Degmada Shingaani, Odayaasha Dhaqanka, Agaasimayaal heer Gobol ah iyo Marti-Sharaf kale.