Waxaa hadda magaalada Mqudisho ka socda Banaanbax lagu taageerayo amniga Caasimada, kaas oo ay dhigayaan dadweyne nabadda jecel oo isaga kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir.
Dibadbaxa ayaa ka socda Isgooyska Taleex ee bartamaha Muqdisho, waxaana isugu yimid Dhallinyarada magaalada Muqdisho, kuwaas oo wato boorar ay ku qoran yihiin ” Qaran dumis ma rabno ee Qaran dhis ayaa rabnaa”.
Bannaanbaxayaasha ayaa ka dhiidhinaya wararka been abuurka ah ee barashada Bulshada la is dhex-marayo ee ku aaddan in Muqdisho aysan nabad ahay, iyadoo shacabka Soomaaliyeed iyo caalamkaba la tusayo nabadda iyo xasilloonida ka jirta caasimadda Dalka.
Hay’adaha amniga ayaa xoogga saaray sugidda amniga caasimadda iyo guud ahaan Dalka, iyadoo Muqdisho ka mid noqotay magaalooyinka ugu ammaanka badan geeska Afrika.

