Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska ee Gobolka Banaadir oo ka hadlay fowdadii galabta ka dhacday Muqdisho

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Col. Mahdi Cumar oo shir jaraa’id qabtay ayaa si adag uga hadlay fowdadii galabta ay soo abaabuleen xubno uu sheegay inay yihiin siyaasiyiin hore, isagoo farriin adag u diray dadka qalqal-gelinaya amniga caasimadda Muqdisho.

” Sidaad la socotaan in dhawaalaba waxaa socday dad hoggaamiyeyaal hore iyo siyaasiyiin in ay ku howlanaayeen in ay suurad xumeeyaan ammaanka caasimadda, iyagoo ujeedkooda yahay in ay caasimadda u laabato sidii hore ay ahayd, waa ayaandaro in hoggaamiyeel hore ay ku fikirayaan in hooyooyin iyo shacab dhexdooda in ay ciidamo maleeshiyaad soo geliyaan oo caasimadda dhexdeeda qalalaaso ka abuuraan iyo nabadgalyo-daro waa wax laga xumaado oo ayaandaro ah”,.

Sidoo kale, Taliyaha Guud Qeyta Booliska Gobolka Banaadir ayaa ku eedeeyay siyaasiyiintan in ay siyaasadeynayaan howlgallada lagu sugayo amniga ee laga fulinayo 95-ta waaxood ee caasimadda, kuwaas oo xogo sirdoon la helay lagu ogaaday in ay xubno ka tirsan argagixisada in ay ku dhuumaaleysanayeen xaafado ka tirsan degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa Yiri” Galabtaa u dambeysay waxa aad arkeyseen wixii ka dhacaayay Soobe in nin hoggaamiye ah soo uruurshay dhallinyaro Soomaaliyeed, gurigiisa ku soo uruurshay, maleeshiyaad qoryo loo soo dhiibay shacabkii lagu soo dhex daayay, hay’adaha amniga waxay muujiyeen xilkasnimo si shacabka iyo dalkaba loo turo, waxaan fareynaa shacabka Soomaaliyeed in ay ka foog-jihnaadaan waxyaabaha lagu sheegayo isku soo bax ee noocaas oo kale ah ee ujeeddadoodu tahay qal qalgelinta amniga caasimadda”.

Ugu dambeyn, Taliya Guud qeybta Booliska Gobolka Banaadir Macallin Mahdi Cumar ayaa digniinta u diray shaqsiyaadka soo abaabulaya falalka lidka ku ah amniga caasimadda, isagoo carabka ku adkeeyay in dambi kasta oo dhaca lagula xisaabtamo doono ciddii soo abaabushay.