MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Kulan la qaatay Bulshada Rayidka ah ee Soomaaliyeed, kuwaas oo uu kala hadlay dhammaystirka hannaanka Dimuqraadiyadeed ee Dalka, dhismaha Dowladnimada iyo Horumarka laga xaqiijiyey Amniga, maamul wanaagga iyo Doorashooyinka Dadweynaha ee Qof iyo Codka ah.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda ay Bulshada Rayidku ku leeyihiin xoojinta Dowladnimada, ilaalinta Midnimada Qaranka iyo kobcinta ka qaybgalka Shacabka ee geeddi-socodka Dimuqraadiyeynta, isagoo tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso dhismaha Hay’adaha Dowladda, kor u qaadista Adeegyada Bulshada iyo xaqiijinta hannaan Doorasho oo toos ah.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyey doorka Bulshada Rayidka ah ee nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta, iyadoo Madaxweynuhu uu ku bogaadiyey Bulshada Rayidka doorkooda muuqda ee ay ka qaadanayaan wacyigelinta Bulshada, ilaalinta Xuquuqda Muwaadiniinta iyo horumarinta Wadajirka Shacabka Soomaaliyeed.

Dhankooda, Xubnaha Bulshada Rayidka ah ayaa Madaxweynaha la wadaagay Aragtiyo iyo Talooyin ku saabsan xoojinta Dimuqraadiyadda, daahfurnaanta Dowladnimada, dardargelinta horumarinta Adeegyada Bulshada iyo adkaynta wada shaqaynta Dowladda iyo Shacabka.

 

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka oo Shir guddoomiyay kulan looga hadlayay Amniga Gobolka Bay

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Cabdullaahi Xuseen Aadan (Ciro), ayaa Shir guddoomiyay kulan looga hadlayay Amniga Gobolka Bay iyo xoojinta wada shaqeynta Hay’adaha Amniga ee ka howlgala Gobolkaasi.

Kulanka waxaa kasoo qeyb galay Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Bay, Taliyaha Qeybta Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ee Gobolka Bay, Taliyaha Asluubta Gobolka Bay iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamada Qalabka sida.

Intii uu socday Shirka, waxaa diiradda lagu saaray adkeynta Amniga Gobolka Bay, xoojinta wada shaqeynta Ciidamada kala duwan ee Qalabka sida iyo dardargelinta howlgalada lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka XDS Jeneraal Cabdullaahi Xuseen Ciro, ayaa Saraakiisha ku bogaadiyay doorkooda ku aaddan sugidda Amniga, isagoo ku adkeeyay in la laba jibbaaro dadaallada lagu xaqiijinayo Amniga guud ee Gobolka iyo la dagaallanka Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xarigga ka jaray Xarunta Cusub ee Degmada Shangaani

𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨(Wargeyska Dalka);-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Xarigga ka jaray Xarunta Maamulka Degmada Shingaani, oo dib-u-dhis iyo casriyeyn ballaaran lagu sameeyay, si’ loo xoojiyo hufnaanta Maamulka, islamarkaana sare loogu qaado Adeegyada Dadweynaha.

Duqa Muqdisho, Dr. Muungaab ayaa sheegay in dib-u-dhiska iyo tayeynta Xarumaha Dowladdu ay Laf-dhabar u yihiin Horumarinta Adeegyada Bulshada iyo dhisidda kalsoonida Shacabka, isagoona xusay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay in la sii xoojiyo dhismaha Xarumaha Adeegga Dadweyne, taaso ka dhigan in dib loogu celinaayo Canshuurta laga qaado Shacabka ku dhaqan Caasimadda Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa dhinaca kale faray hay’adaha ka shaqeeya Udxiyada (Gowraca Xoolaha ee Munaasabadda Ciidda) iyo Dadka wax haysta in Munaasabadda Ciidul Adxaa awgeed ay taageeraan, islamarkaana gargaaraan Bulshada kuwooda nugul, isagoo geesta kale bogaadiyay guulaha laga gaaray Amniga, waxa uuna ku baaqay in la xoojiyo wada-shaqeynta Bulshada iyo Hay’adaha Amniga.

Munaasabadda Xarig-ka-jarka waxaa Goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka XFS, Marwo Khadiijo Maxamed Al-Makhzuumi, Wasiir Ku-xigeenka Hawlaha Guud ee XFS, Mudane Maxamed Xuseen Gaaraxo, Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdicasiis Cusmaan Maxamed, Guddoomiyaha Degmada Shingaani, Odayaasha Dhaqanka, Agaasimayaal heer Gobol ah iyo Marti-Sharaf kale.

      

Duqa Magaalada Muqdisho oo ka qeybgalay Munaasabad lagu soo dhaweynayay Duqa cusub ee magaalada Bristol

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xalay ka qeybgalay Munaasabad ee Bulshada Caasimadda Muqdisho kusoo dhaweenayeen guushii uu gaaray Mudane Yassin Mohamoud oo loo doortay Duqa Magaalada Bristol ee Dalka Britian.

Duqa Muqdisho ayaa Munaasabadda ka sheegay muhiimadda ay leedahay xoojinta Xiriirrada Iskaashi iyo wada-shaqeynta heer Caalami ee taageeraya Horumarka Caasimadda Muqdisho. Waxa uu sidoo kale bogaadiyay doorka Qurbo-joogta Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dib-u-dhiska Dalka iyo Horumarinta Adeegyada Bulshada.

Muungaab ayaa xusay in laga filayo Masuuliyiinta Soomaaliyeed ee gaaray heerarka hoggaamineed inay Dalkooda kusoo celiyaan Aqoonta iyo waaya-Aragnimada ay kasbadeen, si looga faa’iideysto dadaallada dib-u-dhiska, Horumarinta iyo tayeynta Adeegyada Bulshada.

Dhankooda, Waxgaradkii, Siyaasiyiintii iyo Marti-Sharaftii Munaasabadda ka hadlay ayaa muujiyay rajada weyn ee laga qabo kaalinta uu Yassin Mohamoud ka qaadan karo xoojinta Xiriirka Iskaashi ee u dhexeeya Muqdisho iyo Bristol, iyagoo tilmaamay in Bulshada Soomaaliyeed ay wax badan ka filayaan dadaalladiisa ku aaddan Horumarinta Magaalooyinka iyo taageeridda Arrimaha Bulshada.

Munaasabadda waxaa Goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare hore Cali Maxamed Geeddi, Xubno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyihii hore ee Shabeellaha Dhexe Axmed Mayre Makaraan, Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Duubab dhaqameed, Aqoonyahanno iyo Marti Sharaf kale.

        

Wasiirka Awqaafta iyo Arimaha Islaamka XFS oo kormeer ku tegay Hoteeladda Magaalada Makka ee laga rarayo Xujeyda Soomaaliyeed

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Xukumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali ayaa kormeer ku tegay Hoteeladda Magaalada Makka ee xalay laga raray Xujeyda Soomaaliyeed.

Wasiir Sheekh Mukhtaar Rooboow ayaa xog wareystay qaar ka mid ah Xujeyda iyo howl-wadeenada rarayo, waxaana uu kula dar daarmay in si Masuuliyad ah loo guuriyo Xujeyda.

11615 Xujey Soomaaliyeed ayaa qeyb ka ah Malaayiinta Xujeyda ah ee Sanadkaan 1447/2026 waxaana Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukumadda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ay ku dadaaleysaa sidii ay Xujeyda Soomaaliyeed si wanaagsan ay ugu gudan lahaayeen acmaasha iyo waajibaadka Xajka

         

Wasiir Roobow oo la kulmay Wasiirka Xajka iyo Cumrada Boqortooyada Sucuudiga

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali ayaa kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Dr Towfiiq Bin Fowsaan Alrabiic kaasi oo ka dhacay Mina.

Labada Wasiir ayaa kawada hadlay abaabulka diyaar garoowga guuritaanka Xujeyda Soomaaliyeed maadaama ay maalinta beri ay tahay maalinta 8-aad bisha Dil Xijji ee Yowmu Tarwiya.

Sidoo kale, waxaa ku wehelinayey wasiirka kulanka madaxa xafiiska Arrimaha xajka Soomaaliya Dr. Khadar Xaaji Daahir, Ergayga Xafiiska Ra,iisul wasaaraha uqaabilsan Arrimaha Xajka Xasan Qorane iyo Yusuf Xasan Mursal oo ah La taliye sare oo ka tirsan Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay Wakiilka Cusub UNFPA ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hassan Mohamed Ali (Nadaara), ayaa maanta qaabilay Mudane Judicaël Elidje, oo ah Wakiilka cusub ee Sanduuqa Qaramada Midoobay ee Dadweynaha (UNFPA) u qaabilsan Soomaaliya, waxa ayna ka wada hadleen xoojinta iskaashiga lagu taageerayo mudnaanta horumarineed ee qaranka Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha caafimaadka, awood siinta haweenka iyo dhalinyarada, waxbarashada, iyo horumarinta bulshada. Labada dhinac ayaa sidoo kale isla qaatay sida ay uga go’an tahay horumarinta adeegyada caafimaadka taranka, dhismaha hay’adaha dowladda, nabad-dhisidda, iyo horumar loo dhan yahay oo ka hirgala guud ahaan Soomaaliya.

       

Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo shir caalami ah ka qeyb galay

Hantidhowraha Guud ee Qaranka iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Monrovia ee dalka Liberia kaga qeyb galay Shir-Madaxeedkii 22aad ee Hay’adaha Hantidhowrka Guud ee Afrikada ku hadasha Ingiriiska (𝐀𝐅𝐑𝐎𝐒𝐀𝐈-𝐄), kaas oo ay kasoo qeybgaleen Hantidhowrayaasha Guud, wafdiyo ka socday Hay’adaha Hantidhowrka Guud ee xubnaha ka ah 𝐀𝐅𝐑𝐎𝐒𝐀𝐈-𝐄 iyo saaxiibbada bah-wadaagta caalamiga ah.

Hantidhowraha Guud ee JFS, Mudane Axmed Ciise Guutaale, iyo wafdiga uu hoggaaminayay ayaa si firfircoon uga qeyb qaatay doodaha farsamo, fursadaha iskaashiga iyo isdhaafsiga khibradaha ee ay yeesheen Hay’adaha Hantidhowrka Guud iyo hay’adaha bah-wadaagta la ah.

Shirkan ayaa lagu falanqeeyey mowduucyo la xiriira xoojinta tayada baarista, adeegsiga falanqeynta xogta casriga ah (Data Analytics) iyo baarista deymaha dowladda, si loo taageero isla-xisaabtanka, hufnaanta iyo joogteynta maaliyadeed.

Ka qeybgalka shirkan ayaa XHGS u ahaa fursad lagu xoojinayo iskaashiga xirfadeed, isdhaafsiga khibradaha iyo la socodka hababka casriga ah ee la xiriira shaqada Hay’adaha Hantidhowrka Guud.

     

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo la kulmay Marwo Qurat-ul-Ain Sadozai

Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Xuseen Qaasim Yuusuf ayaa xarunta Dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Ku-simaha Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Madaxa UNSOS, Marwo Qurat-ul-Ain Sadozai.

Kulanka ayaa looga wada hadlay xoojinta wada shaqeynta u dhaxeysa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo UNSOS, fududeynta Arrimaha Socdaalka ee Shaqaalaha Qaramada Midoobe, iyo sare u qaadidda wada-shaqeynta Hay’adaha si loo taageero howlaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Sidoo kale, waxa laga wada hadlay muhiimadda Iskaashiga joogtada ah iyo sidii loo sii horumarin lahaa Arrimaha Casriyeynta Socdaalka, kobcinta karaanka iyo awoodaha Shaqaalaha, iyo horumarinta Kaabayaasha Adeeg bixinta.

  

Hoggaanka Sare ee Wasaaradda Amniga Gudaha oo Dib-u-Eegis ku Sameeyay Waxqabadka Wasaaradda

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa Maanta Shir-guddoomiyay Kulanka billaha ah ee Hoggaanka Sare ee Wasaaradda Amniga Gudaha.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maxamed Cali Xagaa, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Jeneraal Sulub Axmed Firin, Agaasimaha Guud Maxamed H. Shire, iyo Agaasimeyaasha Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha Wasaaradda, xoojinta wada-shaqeynta Hoggaanka, kor u qaadidda isla Xisaabtanka, iyo dib-u-eegista waxqabadka Bilihii u dambeeyay.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa soo bandhigay warbixin guud oo ku saabsan howlaha Wasaaradda iyo Horumarka laga sameeyay hawlaha muhiimka ah tan iyo Bishii Abriil, halka Agaasimeyaasha Waaxyuhuna ay gudbiyeen Warbixino la xiriira Maamulka iyo Maaliyadda, Qorsheynta, Siyaasadda, Shaqaalaha, iyo mudnaanta howlaha Bilaha soo socda.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay Horumarinta Nidaamyada Maamulka iyo maaliyadda, xoojinta Nidaamka Shaqaalaha, iyo dardargelinta Qorsheyaasha iyo Istaraatiijiyadda Wasaaradda.

Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa adkeeyay muhiimadda wada-shaqeynta, isla Xisaabtanka, iyo mideynta dadaallada lagu xaqiijinayo Amniga, Xasilloonida, iyo Horumarinta Adeegyada Wasaaradda.