Hoggaanka Sare ee Wasaaradda Amniga Gudaha oo Dib-u-Eegis ku Sameeyay Waxqabadka Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka billaha ah ee Hoggaanka Sare ee Wasaaradda Amniga Gudaha.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maxamed Cali Xagaa, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Jeneraal Sulub Axmed Firin, Agaasimaha Guud Maxamed H. Shire, iyo

Agaasimeyaasha Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha Wasaaradda, xoojinta wada-shaqeynta hoggaanka, kor u qaadidda isla xisaabtanka, iyo dib-u-eegista waxqabadka bilihii u dambeeyay.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa soo bandhigay warbixin guud oo ku saabsan howlaha Wasaaradda iyo horumarka laga sameeyay hawlaha muhiimka ah tan iyo bishii Abriil, halka Agaasimeyaasha Waaxyuhuna ay gudbiyeen warbixino la xiriira maamulka iyo maaliyadda, qorsheynta, siyaasadda, shaqaalaha, iyo mudnaanta howlaha bilaha soo socda.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay horumarinta nidaamyada maamulka iyo maaliyadda, xoojinta nidaamka shaqaalaha, iyo dardargelinta qorsheyaasha iyo istaraatiijiyadda Wasaaradda.

Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa adkeeyay muhiimadda wada-shaqeynta, isla xisaabtanka, iyo mideynta dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, xasilloonida, iyo horumarinta adeegyada Wasaaradda.

 

    

Dowladda oo si KMG ah u hakisay in Dalka Masar loogu Safro oggolaanshaha Safar ee loo yaqaan (OK-to-Board)

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kumeel gaar ah u hakisay in Dalka Masar loogu Safro oggolaanshaha Safar ee loo yaqaan (OK-to-Board), War ka soo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa lagu sheegay in Dowladdu si dhow ula socoto Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u socdaalay Dalka Masar kuwaas oo caqabad ka soo wajahday inay Garoonka Diyaaradaha ka baxaan.

 

Horjooge katirsan khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Horjooge Cali Maxamed Coloow oo wata Qori AK47 ah iyo Booshkiisa, kana soo baxsaday weerarrada Ciidamada Qaranka ay Deegaanka Ugunji ugu geysteen Khawaarijta ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Horjoogaha isku soo dhiibay Ciidamada ayaa sheegay in Gobollada Hiiraan Sh/Hoose iyo Shabeellaha Dhexe uu ka soo dagaalamay intii uu ka tirsanaa Khawaarijta, iyadoo dhawaan gurmad ahaan loo keenay Tuulada Ugunji, balse markii uu u adkeysan waayey howlgallada is dabajoogga ah ee Ciidamada Qaranka ayuu isku soo dhiibay Geesiyaasha Xoogga Dalka.

Wuxuu sheegay in Noloshu ku adkaatay, cabsi badana ay kala kulmeen weerarrada lagu baacsanayo cadowga Khawaarijta ah ee Ciidamada Qaranku ay ku beegsanayaan Goobaha ay ku dhuumaaleystaan Horjoogayaasha iyo Maleeshiyaadka Argagixisada, taasi oo ku kaliftay in Maanta uu isku soo dhiibo Ciidamada Qaranka.

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha oo Ka Qeyb Galay Gabagabada Shirka Madrid Dialogue

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Ka-hortagga iyo La-dagaallanka Fikradaha Xagjirka Rabshadaha Wata, Mudane Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar, ayaa ka qeyb galay gabagabada Shirka Caalamiga ahaa ee “Madrid Dialogue on Counterterrorism Cooperation in Africa” oo maalmahan ka socday Magaalada Madrid ee Dalka Spain.

Intii uu Shirku socday, Ergeyga ayaa kulamo miro dhal ah la yeeshay Masuuliyiin iyo wakiillo ka socday Dowlado iyo Hay’ado Caalami ah, isagoo la wadaagay khibradda Soomaaliya ee dhinaca la dagaallanka Argagixisada iyo dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku wajahday ka hortagga fikiradaha xagjirka rabshadaha wata.

Sidoo kale, Ergeyga ayaa uga mahadceliyay Dowladda Spain iyo qabanqaabiyeyaasha Shirka dadaallada ay ku taageerayaan Amniga, xasilloonida iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

    

HALGANKA NOLOLEED EE XOOG-MAALATADA

Booqasho gaar ah ayaan ku tagay Kawaanka Malaayga ee ku yaalla degmada Xamarweyne, halkaas oo aan kula kulannay mid kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee maalin kasta u taagan raadinta nolol maalmeed sharaf leh.

Booqashadan waxay qeyb ka tahay dadaallada wacyi galinta ah ee lagu muujinayo sheekooyinka dhabta ah ee bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan dadka u taagan shaqooyinka adag ee laf dhabarta u ah nolosha bulshada iyo dhaqaalaha dalka.

Mudane Maxamed Shariif Shiikha waa kalluumaysato iyo xoogmaale muddo dheer kasoo shaqeynayay kawaanka malaayga. Maxamed wuxuu sheegay inuu ku biiray shaqadan xilli hore oo dhalinyaranimadiisa ah kadib markii uu dareemay masuuliyadda ka saaran taageeridda qoyskiisa iyo daboolidda baahiyaha nololeed ee qoyska.

Tan iyo waqtigaas, wuxuu si joogto ah uga shaqeynayay suuqa iyo kawaanka malaayga, isagoo maalin kasta waaberiga kasoo toosa si uu uga qeyb qaato dejinta, kala saarista iyo rarista malaayga laga keenay badda.

Maxamed wuxuu si qiiro leh uga sheekeeyay duruufaha adag ee ay wajahayaan kalluumaysatada iyo xoogmaalatada ka shaqeeya kawaanka. Wuxuu xusay in shaqadani aysan ahayn mid sahlan balse ay u baahan tahay dulqaad, geesinimo iyo dadaal joogto ah. Shaqaalaha goobtan waxay la kulmaan xaalado adag oo isugu jira culays jireed, jawi shaqo oo adag iyo dakhli aan mar walba joogto ahayn.

Caqabadaha ugu waaweyn ee uu tilmaamay waxaa kamid ah:
• Shaqo adag oo mararka qaar halis leh
• Dhaqaale xumo iyo dakhli aan joogto ahayn
• Qabowga, urta iyo xaaladaha adag ee deegaanka shaqada
• Taageero iyo qalab shaqo oo kooban
Inkasta oo ay jiraan caqabado badan, Maxamed Shariif Shiikha wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu si xalaal ah u shaqeeyo islamarkaana uu bulshada Soomaaliyeed uga qeyb qaato horumarinta dhaqaalaha iyo kobcinta kalluumeysiga dalka.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay qiimeeyaan shaqada, kana fogaadaan quusashada iyo shaqo la’aanta.

Fariintiisa ugu dambeysa ee uu u dirayo shacabka Soomaaliyeed waxay ahayd:

“Shaqo kasta oo xalaal ah waa sharaf. Dhalinyarada Soomaaliyeed waxaan kula talinayaa inay ka fogaadaan quusashada, ayna ku dadaalaan shaqo iyo horumar.

Dalkeenna wuxuu u baahan yahay shaqo badan iyo isku duubni.”

Booqashadan waxay iftiimisay halganka nololeed ee ay wajahayaan xoogmaalatada Soomaaliyeed iyo kaalinta muhiimka ah ee ay kaga jiraan bulshada.
Waa sheeko muujinaysa adkeysi, dadaal iyo rajada ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed ee maalin kasta u taagan raadinta nolol sharaf leh.
Sheeko Dhab ah. Dad Soomaaliyeed. Horumar Wadajir ah.

Ayan Said Tukale-
Khabiir arimaha Xuquuq Insaanka ahna La taliye sare arimaha Horumarinta Haweenka
Hogaan iyo Himilo u Adeegaya Mustaqbalka Soomaaliya.

Wasiir Xasan Eelaay oo lagu soo dhoweeyay Qansaxdheere

Wafdi uu Hoggaaminaayo Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelaay ayaa Maanta safar shaqo ku gaaray degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay.

Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay degmada Qansaxdheere ayaa inta ay joogeen waxay kulamo la-qaateen Maamulka Degmada, Saraakisha Ciidanka, Odayasha Dhaqanka iyo Bulshada Rayidka, iyagoo kala hadlay sidii la isaga kaashan lahaa Amniga iyo dowladnimada.

Wasiir Xasan Eeley oo kulan gaara la-qaatay Ciidamada amaaanka ayaa ku dhiirrigeliyay inay sii laba jibbaaraan dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, si looga hortago falalka amni darro ee ay maleegayaan Khawaarijta, kuwaas oo dhibaatooyin ku haya shacabka Soomaaliyeed.

                 

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Aqoon kororsi u furay Xildhibaannada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa sabitida maanta si rasmi ah u furay Tababar Aqoon Kororsi ah oo loo qabanayo Xildhibaannada Golaha Deegaanka Degmooyinka Gobolka Banaadir, kaas oo diiradda lagu saarayo sare u qaadidda karaanka hoggaamineed, ku shaqaynta Qaanuunka, Maamulka Dowladaha Hoose iyo dardargelinta Adeegyada Bulshada.

Munaasabadda furitaanka Tababarka waxaa ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS,Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho iyo Mas’uuliyiin kale.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo jeediyay khudbadda furitaanka yaa sheegay in Tababarkani uu qayb ka yahay qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo nidaamka Dowladaha Hoose iyo dhismaha Hay’adaha Dimuqraadiga ah, isagoo tilmaamay in Xildhibaannada Goleyaasha Deegaanka ay laf-dhabar u yihiin horumarinta Adeegyada Aas-aasiga ah iyo matalaadda Shacabka heer Deegaan.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Cabdikariin Axmed Xasan, oo ka qeybgalay furitaan Tababarkan ayaa sheegay in qeybta koowaad ee Tababarka lagu baranayo Sharciyada ay ku shaqeynayaan Xubnaha Golaha Deegaanka iyo kuwa Ururrada Siyaasadda, kuwaasi oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada XFS.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in Doorashooyinka Qof iyo Codka ah ee ka bilowday Degmada Shangaani ay hadda gaareen deegaanada Koonfur Galbeed, isla markaana qorshuhu yahay in la gaarsiiyo dhammaan Dowlad-Goboleedyada Dalka.

“Iftiinkii ka bilowday degmada Shangaani ee Doorashooyinka Qof iyo Codka waxa ay hadda marayaan Koonfur Galbeed,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdikariin Axmed Xasan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho,Dr, Xasan Maxamed Xuseen  (Muungaab), ayaa sheegay in tallaabo Horumar leh ay tahay in Maanta Tababar loo furo Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir oo dhowaan ay doorteen Shacabka Muqdisho.

“Waa talaabo hore loo qaaday in Maanta Tababar loo furo Golihii Deegaanka ee Gobolka Banaadir ee dhowaan Shacabku doorteen.”ayuu yiri Gudoomiye Muungaab

   

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Muqdisho(SONNA):-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryam Qaasim oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka Guddiga  Maxamed Haaruun , Agaasimaha guud ee Guddiga Mustafe Axmed iyo Xubnaha kale ee Guddiga .

Kullan gaar ah oo labada dhinac dhexmaray ayaa looga hadlay wada-shaqeynta u dhexeysa Ciidanka Boliiska iyo Guddiga ,gaar ahaan dhinacyada ilaalinta Xuquuqda Aadanaha, isla-xisaabtanka, qabashada cabashooyinka, kormeeridda Xaaladaha Xabsiyada iyo Goobaha Dadka lagu hayo, si loo xoojiyo ilaalinta xuquuqda Muwaaddiniinta iyadoo la dhowrayo Xuquuqda Aadanaha iyo ku dhaqanka Sharciga

     

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo ka qeybgalay Madasha Kobaca Caalamiga ah (Global Growth Forum)

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdullahi Axmed (Abukaate), ayaa ka qeybgalay Madasha Kobaca Caalamiga ah (Global Growth Forum) oo lagu qabtay Magaalada Rabat ee Dalka Morocco. Hal-ku-dhigga Madashu wuxuu ahaa “Qaabeynta Kobaca ka faa’iidaysiga hubanti la’aanta loona beddelo Fursado” (“Structuring Growth: Turning Uncertainty into Opportunity”).

Madashan oo ay isugu yimaadeen Wasiirro, Diblomaasiyiin, khubaro dhanka Dhaqaalaha ah, iyo Xeel-Dheereyaal Siyaasadeed ayaa diiradda lagu saaray wada-hadallo ku saabsan kobaca Dhaqaalaha, Iskaashiga Gobolka, Maalgashiga, Horumarinta Kaabeyaasha Dhaqaalaha, iyo sidoo kale caqabadaha iyo Fursadaha ka jira Dhaqaalaha Caalamka ee si xawli ah isu beddelaya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay xoojinta Iskaashiga Dhaqaalaha Caalamiga ah iyo Horumar waara oo lagu taageerayo kobaca Dhaqaalaha Dalka iyo Xasilloonida Gobolka.

     

Guddiga Doorashooyinka oo Tababar u furay qaar kamid ah Xildhibaannada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa Maanta Tababar u furay qaar kamid ah Xildhibaannada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir, iyadoo diiradda lagu saarayo Shuruucda iyo Habraacyada ay ku shaqeyn doonaan Xubnaha Golaha Deegaanka.

Munaasabadda furitaanka Tababarka waxaa ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS,Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho iyo Mas’uuliyiin kale.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Cabdikariin Axmed Xasan, oo Tababarka furay ayaa sheegay in qeybta koowaad ee Tababarka lagu baranayo Sharciyada ay ku shaqeynayaan Xubnaha Golaha Deegaanka iyo kuwa Ururrada Siyaasadda, kuwaasi oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada XFS.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in Doorashooyinka Qof iyo Codka ah ee ka bilowday Degmada Shangaani ay hadda gaareen Deegaanada Koonfur Galbeed, isla markaana qorshuhu yahay in la gaarsiiyo dhammaan Dowlad-Goboleedyada Dalka.

“Iftiinkii ka bilowday Degmada Shangaani ee Doorashooyinka Qof iyo Codka waxa ay hadda marayaan Koonfur Galbeed,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdikariin Axmed Xasan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS, Cali Xoosh, oo Munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir ay Bisha soo socota dooran doonaan Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho,Dr, Xasan Maxamed Xuseen  (Muungaab), ayaa sheegay in tallaabo Horumar leh ay tahay in Maanta Tababar loo furo Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir oo dhowaan ay doorteen Shacabka Muqdisho.

“Waa talaabo hore loo qaaday in Maanta Tababar loo furo Golihii Deegaanka ee Gobolka Banaadir ee dhowaan Shacabku doorteen.”ayuu yiri Gudoomiye Muungaab