Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdullahi Axmed (Abukaate), ayaa ka qeybgalay Madasha Kobaca Caalamiga ah (Global Growth Forum) oo lagu qabtay Magaalada Rabat ee Dalka Morocco. Hal-ku-dhigga Madashu wuxuu ahaa “Qaabeynta Kobaca ka faa’iidaysiga hubanti la’aanta loona beddelo Fursado” (“Structuring Growth: Turning Uncertainty into Opportunity”).
Madashan oo ay isugu yimaadeen Wasiirro, Diblomaasiyiin, khubaro dhanka Dhaqaalaha ah, iyo Xeel-Dheereyaal Siyaasadeed ayaa diiradda lagu saaray wada-hadallo ku saabsan kobaca Dhaqaalaha, Iskaashiga Gobolka, Maalgashiga, Horumarinta Kaabeyaasha Dhaqaalaha, iyo sidoo kale caqabadaha iyo Fursadaha ka jira Dhaqaalaha Caalamka ee si xawli ah isu beddelaya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay xoojinta Iskaashiga Dhaqaalaha Caalamiga ah iyo Horumar waara oo lagu taageerayo kobaca Dhaqaalaha Dalka iyo Xasilloonida Gobolka.


