Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay

Diinsoor(Wargeyska Dalka):-Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji, oo ay wehliyaan Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim, ayaa Maanta Safar shaqo ku gaaray Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Safarkan Shaqo ayaa ahaa qiimeynta Xaaladaha guud ee Degmada, gaar ahaan dhinacyada Amniga, Arrimaha Bini’Aadanimada iyo Mashaariicda Horumarineed ee ka socda Degmada Diinsoor.

Masuuliyiinta ayaa kulan la yeeshay Maamulka Degmada, Saraakiisha Amniga iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, iyagoo Warbixinno ka dhageystay Xaaladaha jira iyo baahiyaha mudnaanta leh ee Degmada.

Safarka ayaa qeyb ka ah dadaallada KGS iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu kuurgelayaan Xaaladaha Deegaannada, si loo xoojiyo Amniga, loo dardargeliyo Adeegyada Bulshada, loona taageero Mashaariicda Horumarineed ee ka socda Gobolka.

      

Kulan looga hadlay xoojinta amniga ayaa lagu qabtay magaalada Baydhabo

Hoggaamiyaha Kumeel-gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji,ayaa kulan la qaatay Kaaliyaha Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Maadeey Nuureey Sheekh Ufurow, oo uu wehliyo Taliyaha cusub ee Qeybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka XDS, Korneyl Isaaq Bardaale.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlgalada ka dhanka ah nabad-diidka iyo adkeynta amniga magaalada Baydhabo. Sidoo kale, waxaa lagu falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta laamaha amniga iyo maamulka si loo xaqiijiyo xasilloonida guud ee deegaanada Koonfur Galbeed.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maalmihii u dambeeyay howlgallo lagu baacsanayo khawaarijta ka waday deegaano ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

 

   

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Duqeyn Qorsheysan Ka Fuliyay Deegaanka Ugunji ee Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa maanta duqeyn qorsheysan ka fuliyay deegaanka Ugunji ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab oo isku aruursanayay si ay u abaabulaan falal argagixiso oo ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed.

Howlgalka waxaa lagu dilay lix ka mid ah maleeshiyaadka Khawaarijta, iyadoo sidoo kale la burburiyay hub iyo agab ay adeegsanayeen.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay xaqiijinayaan in la sii xoojin doono hawlgallada lagu baacsanayo haraadiga argagixisada, laguna beegsan doono goob kasta oo ay ku dhuuntaan, si dalka looga ciribtiro kooxaha Khawaarijta ah ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibedda oo ka qeybgalay caleema-saarka Guddoomiyaha cusub ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika

Wafdi uu hoggaaminayay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), kana koobnaa Sii-hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika ahna Safiir kuxigeenka Safaarada, Agaasimaha Waaxda Jaaliyadaha iyo Qurbajoogta ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya Ibrahin Guure Maxamed, iyo Lataliye Sare ee Wasaaradda Mudane Cabdisalaan Yuusuf Aadan, ayaa ka qeybgalay munaasabadda caleema-saarka Guddoomiyaha cusub ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika, Mudane Mustafa Shirwac, oo dhawaan loo doortay xilkaasi.

Munaasabadda caleema-saarka ayaa ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, waxaana ka qeybgalay xubno ka socday jaaliyadda Soomaaliyeed, marti sharaf, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Koonfur Afrika.

Intii ay munaasabaddu socotay, wafdiga Dowladda Soomaaliya ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Guddoomiyaha cusub, iyagoo ku ammaanay kalsoonida ay jaaliyaddu u muujiyeen hoggaankiisa cusub. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siiso doorka jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibadda, gaar ahaan kuwa ku nool Koonfur Afrika, kuwaas oo door muuqda ka qaata horumarinta midnimada bulshada, difaaca danaha muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyo xoojinta xiriirka ay la leeyihiin dalkooda hooyo.

Sidoo kale, wafdiga ayaa xusay in Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya ay garab istaag buuxa la yeelan doonto hoggaanka cusub ee jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika, si loo xoojiyo wada shaqeynta, adeegyada bulshada, iyo isku xirnaanta qurbajoogta Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Guddoomiyaha cusub ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika, Mudane Mustafa Shirwac, ayaa uga mahadceliyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wafdiga ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibedda ka qeybgalka munaasabadda, isagoo ballan qaaday in uu si hufan oo daacadnimo leh u gudan doono waajibaadka loo igmaday, isla markaana uu ka shaqeyn doono midnimada iyo horumarinta danaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Koonfur Afrika.

Munaasabaddan ayaa muujineysa sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka ay la leedahay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibadda iyo taageeridda hoggaamada cusub ee loo doorto matalaadda bulshada Soomaaliyeed ee dalalka caalamka.

   

Hay’adda SoDMA iyo Bisha Cas ee dowladda Qatar oo daahfuray mashruuca Udxiyada 1447H

Kaaliyaha Arrimaha Carabta Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen iyo Safiir Ku-xigeenka Dowladda Qatar Raashid Al- Abdallah iyo madaxda Bisha Cas ee Qatar ayaa si wadajir ah u daahfuray mashruuca Udxiyada 1447H ee Bisha Cas Qatar.

Mashruucan ayaa waxaa ka faa’iideysan doona 52,800 qof oo kamid ah barakacayaasha nugul ee gobolka Banaadir.

Kaaliyaha Arrimaha Carabta Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA  Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa sheegay in hay’addu ay xaqiijin doonto gaarsiinta iyo qaybinta udxiyada dhammaan maamul-goboleedyada iyo gobolka Banaadir si ay uga faa’iideystaan dadka nugul ee ku barakacay magaalooyinka.

Safiir Ku-xigeenka Dowladda Qatar, Raashid Al-Abdallah, iyo Madaxa Bisha Cas ee Qatar Dr. Fatih Zaki ayaa bogaadiyay dadaallada Hay’adda SoDMA ee xaqiijinta in gargaarku gaaro dadka mudnaanta gaarka ah leh.

Waxa ay sidoo kale ballan qaadeen inay sii xoojin doonaan wada-shaqeynta kala dhaxeysa SoDMA iyo kooxaheeda howlaha gargaarka iyo mashaariicda bani’aadannimo.

Kulan looga hortagayo faafidda cudurka Ebola oo lagu qabtay Muqdisho

Ku simaha Wasiirka ahna Wasir dowlaha wasaaradda caafimaadka XFS, Dr. Maryama Mohamed Hussein, ayaa shir gudoomisay kulan kadhacay Xarunta Hawlgallada Degdegga Caafimaadka Dadweynaha (PHEOC), ee  Machadka Qaranka ee Caafimaadka (NIH) Soomaaliya, Kulankaan ayaa ahaa mid lagu xoojinayay diyaar garowga iyo ka hortagga cudurka Ebola/Bundibugyo Virus, iyadoo la eegayo xaaladda halista ah ee ka jirta gobolka, gaar ahaan dalalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo (Democratic Republic of the Congo) iyo Uganda.

Kulanka ayuu sidookale ku wehlinayay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Mohamed Hassan Bulaale, Agaasimaha Guud ee Machadka Caafimaadka Qaranka, wakiillo ka socday isbitaallada dowliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay, Ururka Isbitaallada Gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya iyo ururo caalami ah oo ay ka mid yihiin Africa Field Epidemiology Network (AFENET), Ururka Caafimaadka Aduunka (WHO) iyo Hay’adda Socdaalka Caalamiga ah (IOM).

Muhiimada kulanka ayaa ahayd mid diiradda lagu saaray qiimeynta xaaladda halista ah ee gobolka iyo heerka diyaar garowga ee Dalkeena, iyadoo si gaar ah loo xoojiyay iskuduwidda qaran, la socodka cudurrada iyo awoodda jawaab celinta degdeg ah ee dhammaan heerarka nidaamka caafimaadka, dhanka kale kulanka ayaa si qoto dheer looga dooday xoojinta nidaamka la socodka digniinta hore, diyaar garowga iyo kormeerka marinada iyo xuduudha dalka, tayeynta shaybaarada, habka dirista warbixnada, sidookale xoojinta ka hortagga iyo xakamaynta caabuqa (IPC), oo ay ku jirto hubinta isticmaalka saxda ah ee qalabka ilaalinta shaqsiga (PPE).

kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyay booqashada goobaha shaqo ee howl-wadeenada Xarunta Qaran, ayadoona la isku raacay qorshe degdeg ah oo saddex maalmood gudahood ah iyo qorshe diyaar garow oo toddoba maalmood ah, si loo dardargeliyo fulinta dhammaan tiirarka farsamo ee diyaar garowga, loona xaqiijiyo isku-duwid iyo kormeer joogto ee wax-ku-ool ah oo lagu xoojinayo u diyaargarowga heeraraka kala duwan ee caafimaadka dalka.

Ku simaha Wasiirka ahna Wasir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Maryama Mohamed, ayaa ugu horayn, bogaadisay dadaalka ay wadaan dhammaan dhinacyada ka qayb qaatay kulanka, gaar ahaan howl-wadeenada Caafimaadka ee safka hore iyo sida ay lafdhabar ugu yihiin nidaamka caafimaadka Dalka.

Sidookale, Dr. Maryama Mohamed Hussein, ayaa xustay muhiimadda ay leedahay isku duwidda qaran iyo ka jawaabidda degdega ah ee xaaladaha caafimaadka ee degdegga ah, waxayna carrabka ku adkeesay in Wasaaradda ay diyaar u tahay in ay xoojiso dhammaan tiirarka diyaar garowga iyo ka hortagga cudurrada faafa.

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiirka gaadiidka iyo dhismaha Turkiga

Ankara: Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Ayub Ismail Yusuf , ayaa maanta kulan muhiim ah kula qaatay magaalada Ankara Wasiirka Gaadiidka iyo Dhismaha Dowladda Turkiga, Mudane Abdulkadir Uraloglu.

Kulanka oo ka qabsoomay hoolka shirarka ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Dhismaha Turkiga ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin iyo lataliyeyaal ka socday labada wasaaradood. Intii uu kulanku socday, labada dhinac ayaa diiradda saaray xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada dib-u-dhiska, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, dhismaha waddooyinka, guriyeynta casriga ah, qorsheynta magaalooyinka iyo hubinta tayada dhismayaasha.

Wasiirka Gaadiidka iyo Dhismaha Turkiga, Mudane Abdulkadir Uraloglu, ayaa ugu horeyn si diirran u soo dhaweeyay wafdiga Soomaaliya, isaga oo muujiyay sida Dowladda Turkigu uga go’an tahay taageerada Soomaaliya ee dhinacyada horumarinta iyo dib-u-dhiska.

Dhankiisa, Wasiirka Hawlaha Guud XFS, Mudane Ayub Yusuf Ismaaciil, ayaa tilmaamay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay khibradda iyo aqoonta horumarsan ee Turkiga, gaar ahaan dhinacyada injineernimada iyo maamulka mashaariicda waaweyn. Wasiirku wuxuu xusay in Wasaaradda Hawlaha Guud ee Soomaaliya ay doonayso in injineerada iyo shaqaalaha wasaaradda laga faa’iideeyo tababarrada iyo aqoonta ay leeyihiin khubarada Turkiga, si ay door muuqda uga qaataan dib-u-dhiska dalka.

Kulanka kadib, Wasiir Ayub Yusuf Ismaaciil ayaa booqashooyin kala duwan ku tegay xarumo hoostaga Wasaaradda Gaadiidka iyo Dhismaha Turkiga, waxaana si rasmi ah u qaabilay Agaasimaha Hay’adda Waddooyinka ee Dowladda Turkiga oo warbixin ka siiyay howlaha ay hay’addu qabato iyo mashaariicda waaweyn ee ay gacanta ku heyso.

Wasiirka Ayub Ismail Yusuf ayaa kormeer ku sameeyay waddooyin lagu hirgeliyay nidaamka PPP, kaas oo ay shirkado gaar loo leeyahay ku maalgelinayaan dhismaha waddooyinka, halka khidmadaha isticmaalka waddooyinka lagu qaado nidaam casri ah oo electronic ah. sidoo kale Wasiirka ayaa booqday xarunta dayactirka gaadiidka ee wasaaradda, halkaas oo lagu siiyay warbixin dhameystiran oo ku saabsan hababka casriga ah ee loo maamulo iyo dayactirka gaadiidka dowladda.

Ugu dambeyn, labada dhinac ayaa ku heshiiyay in la dhiso guddi farsamo oo ka shaqeeya horumarinta wada shaqeynta labada wasaaradood iyo dardargelinta mashaariicda iskaashiga ah ee mustaqbalka.

         

Safiirka Soomaaliya oo warqadaha Aqoonsiga u gudbiyay Madaxweynaha Mauritania

Nouakchott: Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Yusuf Ahmed Hassan (Yusuf Jeego), ayaa maanta warqadaha aqoonsiga danjirenimo u gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Mauritaaniya, Mudane Mohamed Ould Cheikh El Ghazouani, isaga oo si rasmi ah ugu noqday Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Mauritaaniya.

Munaasabadda gudbinta warqadaha aqoonsiga ayaa ka dhacday Qasriga Madaxtooyada ee magaalada Nouakchott, iyadoo ku qabsoontay jawi dagan oo saaxiibtinimo leh, kana tarjumayay xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal.

Intii lagu guda jiray kulanka, labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada ay wadaagaan danaha muhiimka ah.

Sidoo kale, waxay markale adkeeyeen sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka iyo ballaarinta wada shaqeynta u dhexeysa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Mauritania.

    

Soomaaliya oo safiir aan degeneyn ku yeelanaysa Mauritania

Algeris: Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Aljeeriya Danjire Yusuf Axmed Xasan (Yusuf Jeego), Ahna Safiirka aanan daganeen dalka Mauritania , ayaa maanta si rasmi ah nuqulka waraaqaha aqoonsiga Danjirinimo, looga guddoomay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Mauritania, waxaana ka gudoomay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Mauritania Mudane Maxamed Saalim Marzuukl.

Intii ay socdeen kulamada la xiriiray munaasabadda, waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo sare u qaadidda iskaashiga labada dal ee dhinacyada mudnaanta wadaagga ah, Ganacsiga Waxbarashadda, dhaqaalaha,iyo amniga ee labada dowladood Soomaaliya iyo Mauritania.

 

 

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Türkiye u fadhiya Soomaaliya, Alper Aktaş.

Labada Mas’uul ayaa waxay ka wada hadleen xoojinta Xiriirka Taariikhiga ah iyo Iskaashiga Walaaltinimo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Türkiye, gaar ahaan dhinacyada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Horumarinta Iskaashiga Warbaahinta labada Dal.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim ayaa sheegay in ay booqashada Safiirku ay daarranayd in laga wada hadlo Iskaashiga dhanka warfaafinta ee labada dhinac, gaar ahaan qaybaha Warbaahinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo sidii loo horumarin lahaa.

Ugu dambayn, Wasiir Cabdifitaax ayaa sheegay in ay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Alper Aktaş isla garteen sidii sare loogu qaadi qaybaha kala duwan ee Wasaaradda, taas oo qayb ka ah Xirrirka Iskaashi ee labada Dowladood.