Soomaaliya oo safiir aan degeneyn ku yeelanaysa Mauritania

Algeris: Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Aljeeriya Danjire Yusuf Axmed Xasan (Yusuf Jeego), Ahna Safiirka aanan daganeen dalka Mauritania , ayaa maanta si rasmi ah nuqulka waraaqaha aqoonsiga Danjirinimo, looga guddoomay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Mauritania, waxaana ka gudoomay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Mauritania Mudane Maxamed Saalim Marzuukl.

Intii ay socdeen kulamada la xiriiray munaasabadda, waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo sare u qaadidda iskaashiga labada dal ee dhinacyada mudnaanta wadaagga ah, Ganacsiga Waxbarashadda, dhaqaalaha,iyo amniga ee labada dowladood Soomaaliya iyo Mauritania.

 

 

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Türkiye u fadhiya Soomaaliya, Alper Aktaş.

Labada Mas’uul ayaa waxay ka wada hadleen xoojinta Xiriirka Taariikhiga ah iyo Iskaashiga Walaaltinimo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Türkiye, gaar ahaan dhinacyada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Horumarinta Iskaashiga Warbaahinta labada Dal.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim ayaa sheegay in ay booqashada Safiirku ay daarranayd in laga wada hadlo Iskaashiga dhanka warfaafinta ee labada dhinac, gaar ahaan qaybaha Warbaahinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo sidii loo horumarin lahaa.

Ugu dambayn, Wasiir Cabdifitaax ayaa sheegay in ay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Alper Aktaş isla garteen sidii sare loogu qaadi qaybaha kala duwan ee Wasaaradda, taas oo qayb ka ah Xirrirka Iskaashi ee labada Dowladood.

Wasiirka Caafimaadka XFS oo sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay ciribtirka Cudurka Dabaysha

Geneva –(Wargeyska Dalka)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda uga go’an tahay ciribtirka Cudurka Dabaysha (Polio).

Wasiirka oo Magaalada Geneva ee Dalka Sweitzerland ugu qeybgalay Shirka 64-aad ee Wasiirada Caafimaadka Dalalka Carabta oo diiradda lagu saaray ciribtirka Cudurka Dabaysha (Polio) iyo xoojinta dedaallada lagu joojinayo faafitaanka Cudurka CVDPV2 ee Gobolka Geeska Afrika ayaa xusay  horumarka laga sameeyay Tallaalka Carruurta, yareynta Carruurta aan helin tallaalka iyo xoojinta Nidaamyada dabagalka Cudurrada.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in Soomaaliya ay wajahdo caqabado adag oo dhinaca Amniga, helitaanka Adeegyada iyo gaarsiinta Tallaalka Deegaannada ay adag tahay in la gaaro.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa adkeeyay muhiimadda Iskaashiga Caalamiga ah, xoojinta wada Shaqeynta Dalalka deriska ah iyo taageerada joogtada ah ee bahwadaagta Caafimaadka, si loo xaqiijiyo Mustaqbal ka xor ah Cudurka Polio iyo in la ilaaliyo Caafimaadka Carruurta Soomaaliyeed iyo guud ahaan Gobolka.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS Dr Cali Xaaji oo sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay dhismaha Nidaam Caafimaad oo Casri ah

Geneva-Switzerland-(Wargeyska Dalka)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa ka qayb galay kulan heer sare ah oo ka dhacay Magaalada Geneva ee Dalka Switzerland, kaas oo diiradda lagu saaray horumarinta Caafimaadka Dijitaalka ah, Maamulka Xogta Caafimaadka iyo adeegsiga Mas’uuliyadda leh ee Tiknoolajiyadda Casriga ah si loo taageero hirgelinta adeegyada Caafimaadka loo siman yahay.

Wasiirka ayaa khudbad uu ka jeediyay kulanka ku xusay in Soomaaliya ay ka go’an tahay dhismaha Nidaam Caafimaad oo Casri ah, isku xiran, isla markaana gaara Bulshada ku Nool Deegaanada fogfog iyo Dadka Nugul.

Mudane Cali Xaaji ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay ilaalinta Xogta Caafimaadka, xoojinta nidaamyada Dijitaalka ah iyo dhisidda awoodda Shaqaalaha Caafimaadka.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda Iskaashiga Caalamiga ah, taageerada Farsamo iyo maalgelinta joogtada ah ee lagu horumarinayo Kaabeyaasha Caafimaadka Dijitaalka ah, si Soomaaliya ay u hesho Nidaam Caafimaad oo waara, adkeysi leh, kana jawaabi kara baahiyaha Bulshada.

Shirka Golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo looga hadlay Xaaladda Guud ee Deegaannada Koofur Galbeed Soomaaliya

Baydhabo-(Wargeyska Dalka)-Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa Shir guddoomiyey Kulanka Golaha Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed oo ka qabsoomay Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray Xaaladda Amniga guud ee Deegaanada Koonfur Galbeed, dardargelinta Adeegyada Bulshada, Arimaha Bini’addanimada, Horumarinta Kaabeyaasha Dhaqaalaha, iyo xoojinta Wada Shaqeynta Hay’adaha Dowladda.

Golaha Wasiirrada ayaa Warbixinno ka dhageystay Wasaaradaha Amniga, Gargaarka, Xanaanada Xoolaha iyo Arimaha Gudaha iyagoo ka wada hadlay Qorshayaasha horumarineed ee socda iyo sidii loo xoojin lahaa Adeegyada loo fidiyo Bulshada Reer Koonfur Galbeed.

Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi hogaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed ayaa ku boorriyey Xubnaha Golaha Wasiirrada inay laba jibbaaraan dadaallada lagu horumarinayo Nabadda, Xasilloonida iyo Adeegyada Bulshada, si Shacabka Koonfur Galbeed ay u helaan Adeeg hufan oo tayo leh.

Wasiirka Awqaafta oo kormeeray Goobaha loo diyaariyay in ay degaan Xujeyda Soomaaliyeed

Mina-Saudi Arabia-(Wargeyska Dalka)-Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali ayaa xalay kormeer ku tegay Teendhooyinka Xujeyda Soomaaliyeed loogu diyaariyay Mina, halkaas oo ay ku gudan doonaa qaybo ka mida acmaashooda Xajka.

Teendhooyinka oo si casri ah loo diyaariyay kana duwan kuwii horeayuu Wasiirku ku  bogaadiyay Shirkaddii dhistay iyo Xafiiska Arrimaha Xajka Soomaaliya.

Yuusuf Xasan oo ah Afhayeenka Wasaaradda ayaa sheegay in Wasiirku uu kormeer ku tagay deegaanka Mina, isagoo u  kuurgalay Goobaha ay Xujeydu seexan lahaayeen, Goobaha Caafimaadka, qaybaha Weysada, Suuliyada iyo hubinta habsami u socodka howlaha fududeynta adeegyada ay u baahan yihiin Xujeyda.

Xujeyda Sanadkan gudanaysa acmaashooda kheyriga ah ayaa gaaraysa 11,6015, iyadoo ay Wasaaradda Awqaaftuna diyaarisay adeegyo tayo leh, iyagoo Madaxda Soomaaliyeedna ay joogtayn doonaan kormeerkooda si ay ugu jawaabaan baahiyaha soo wajaha Xujeyda.

Soomaaliya oo cambaareysay tallaabada maamulka Woqooyi Galbeed ugu xadgubay qadyadda magaalada Qudus

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale xaqiijinaysaa sida ay uga go’an tahay ilaalinta midnimada, madaxbannaanida, wadajirka dhuleed iyo qarannimada dalka, iyadoo si cad u diiddan tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimaysa sharcinimada iyo jiritaanka dowladnimada Soomaaliya, kana hor imaanaysa qawaaniinta caalamiga ah iyo go’aannada ay soo saareen hay’adaha heer gobol iyo kuwa caalami ah.

Sidaas darteed, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareynaysaa tallaabada maamulka waqooyi-galbeed ee Soomaaliya uu ku sheegay inuu ka furayo waxa loogu yeeray “safaarad” magaalada Qudus.

Dowladdu waxay caddeyneysaa in tallaabadan aysan lahayn wax sharciyad ah ama saameyn sharciyeed toona, isla markaana ay tahay fal daandaansi ah oo aan la aqbali karin, kaas oo meel ka dhac ku ah dareenka iyo mowqifka dalalka Carabta iyo caalamka Islaamka.

Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulmay Masuul ka tirsan Qaramada Midoobay

Muqdisho (Wargeyska Dalka): Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed, Drs. Maryan Qaasim ayaa Maanta kulan la qaadatay Brian James Williams, Madaxa Waaxda Maalgelinta Sanduuqa Dhismaha Nabadda ee Qaramada Midoobay (UN Peacebuilding).

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta Iskaashiga iyo wada-shaqeynta u dhaxaysa Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan dhinacyada taageerada dhismaha Nabadda, Horumarinta Xuquuqda Aadanaha iyo kobcinta Hay’adaha Qaran.

Intii uu kulanku socday, Brian James Williams ayaa ku Ammaanay Guddiga dadaallada muuqda iyo waxqabadka ay soo bandhigeen muddadii koobnayd ee uu jiray, isaga oo tilmaamay inay muujiyeen karti iyo dadaal wax ku ool ah oo lagu horumarinayo ilaalinta iyo dhowrista Xuquuqda Aadanaha.

Dhankeeda, Guddoomiye Maryan Qaasim ayaa uga mahadcelisay martida booqashada ay ku yimaadeen Xafiiska Guddiga iyo taageerada joogtada ah ee Qaramada Midoobay, iyadoo adkaysay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn miro dhal ah oo lagu xoojinayo hawlaha Guddiga iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya.

   

Wasiir Fiqi oo ka qeyb galay Munaasabadda daahfurka diiwaangelinta Xog-Dhowraha Qaranka

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa Maanta ka qeyb galay Munaasabadda daahfurka diiwaangelinta Xog-Dhowraha iyo Xog-adeegsadaha, taas oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha.

Wasiirka ayaa sheegay in ilaalinta Xogta Dadweynaha ay tahay tiir muhiim ah oo ka mid ah Amniga Qaranka iyo casriyeynta Adeegyada Dowladda, isagoo xusay in tallaabadan ay ka caawinayso Hay’adaha Dowladda in ay si ammaan ah u maareeyaan Xogaha Shacabka.

Sidoo kale, Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa ku ammaanay Hay’adda dadaalka ay muujisay muddada kooban ee ay shaqaynaysay, gaar ahaan Horumarinta Nidaamyada ilaalinta Xogta iyo kor u qaadista wacyiga la xiriira Amniga macluumaadka.

Wasiirka ayaa ku booriyay in la sii xoojiyo dadaallada lagu ilaalinayo Xogta Shacabka, si loo helo Adeegyo Dowladeed oo hufan oo kalsooni leh.

      

Wasaaradda Waxbarashada oo shaacisay xiliga la qabanayo Imtixaanka Qaranka

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in Imtixaanka Qaranka ee Sannadkan la qaban doono inta u dhaxeysa 20-ka illaa 25-ka Juun 2026.

Wasaaradda ayaa Warkan la wadaagtay Ardayda, Macallimiinta, Maamuleyaasha, Waalidiinta iyo guud ahaan bahda Waxbarashada Dalka, iyadoo ugu baaqday in loo diyaar garoobo Imtixaanka si habsami leh.

Sidoo kale, Wasaaradda Waxbarashada ayaa xustay in ay waddo dadaallo lagu xaqiijinayo jawi Waxbarasho iyo hannaan Imtixaan oo hufan, si Ardaydu ugu galaan Imtixaanka si Nabdoon oo nidaamsan.