Ra’iisal Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo kulan la yeeshay Safiirka cusub ee Dowladda Jabuuti

Muqdisho, Maajo 20, 2026:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Danjire Col. Cusmaan Dubbad Sugulle, kaas oo dhawaan Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo uu ka guddoomay Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Danjiraha Cusub ayaa Ra’iisul Wasaaraha u gudbiyay salaan uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, isaga oo xusay in uu sii adkeeyn doono xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada Dal, kaas oo ku dhisan Walaaltinimo iyo Iskaashi.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ugu hambalyeeyay Danjiraha Cusub xilka loo soo igmaday, isaga oo u rajeeyay guul iyo in uu sii xoojiyo xiriirka labada Dal. Waxa uu sidoo kale hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay adkeynta xiriirka Walaaltinimo iyo Iskaashiga dhinacyada Siyaasadda, Amniga iyo Dhaqaalaha ee u dhexeeya labada Dal.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa safiirka la wadaagay Hambalyo uu u dirayo Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Dowladda Jabuuti Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed, isaga oo u rajeeyay guul iyo in uu Eebbe u fududeeyo Shaqada culus ee markale loo igmaday.

CXDS oo howlgal Amniga lagu xaqiijinayo ka fuliyay Degmada Berdaale ee Gobolka Baay

Mogadishu (Wargeyska Dalka) — Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa howlgal lagu xaqiijinayo Amniga ka fuliyay Gudaha iyo Hareeraha Degmada Berdaale ee Gobolka Bay, iyadoo la xoojinayo sugidda Amniga Doorashada Madaxtinimada ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in Howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada lagu ilaalinayo Shacabka, lagagana hortagayo Khataraha kaga imaan kara Kooxda Khawaarijta, xilli uu socdo diyaar garowga Doorashooyinka Maamulka.

Adkeynta Amniga ayaa ku soo beegantay kadib markii 13 Degmo oo ka tirsan Koonfur Galbeed ay Toddobaadkii hore si guul leh uga dhaceen Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka, kuwaas oo loo arko tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo hannaanka Dimuqraadiyadda.

Sidoo kale, Magaalada Baydhabo ee Xarunta Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka socda diyaar garowga Doorashada Madaxtinimada, iyadoo la filayo in ay qabsoonto dhammaadka Bishan.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa dhankiisa sheegay in Hay’adaha Amniga iyo Maamulka ay si dhow isaga kaashanayaan xaqiijinta Doorasho Nabdoon oo xasilloon.

Saraakiil ka tirsan CXD oo lagu soo dhaweeyey Magaalada Baydhabo Xarunta Maamul Goboleedka KGS

Kaaliyaha Taliska Xoogga Dalka Soomaliyeed Gen Maadeey Nuurey Sheekh ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee Caasimada ku meelgaarka ah ee Koofur galbeed Soomaaliya.
Taliyaha ayaa waxaa Garoonka ku soo dhaweyey kaaliyaha Taliska dhulka CXDS Gen Cabdulahi Aadan Xuseen Cirro iyo Saraakiisha Qeybta 6-aad CXDS.
Taliyaha ayaa salaan sharaf ka qaatay Cutubyo Ka tirsan Qeybta 60aad Ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed.
   

Wasiirka Hawlaha Guud oo Azerbaijan kula kulmay Xoghayaha Golaha Iskaashiga Dalalka Khaliijka

Baku (Wargeyska Dalka): Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta XFS, Mudane Xildhibaan Ayuub Ismaciil Yuusuf, oo uu wehliyo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Azerbaijan, Danjire Cabdinuur Daahir Fiidow, ayaa kulan-doceed muhiim ah oo ka tirsan Shirka Madasha Caalamiga ah ee Magaalooyinka Adduunka, kana socda magaalada Baku ee Dalka Azerbaijan, la yeeshay Xoghayaha Guud ee Golaha Iskaashiga Dalalka Khaliijka Carabta (GCC), Mudane Jaasim Maxamed Al-Budaywi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta Iskaashiga iyo isku-duwidda dhinacyada Horumarinta Magaalooyinka, Kaabayaasha Dhaqaalaha, Dib-u-dhiska iyo Horumarka waara, iyadoo si gaar ah loo falanqeeyay Fursadaha Iskaashi ee Soomaaliya u horseedi kara Horumar muuqda iyo dib-u-dhis ballaaran.

Wasiirka ayaa adkeeyay muhiimadda ay Dowladda Federaalka Soomaaliya siinayso Iskaashiga ay la leedahay Dalalka GCC-da, gaar ahaan dhinacyada Maalgashiga, Horumarinta Adeegyada Bulshada iyo tayeynta Kaabayaasha muhiimka u ah koboca Dalka.

Kulankan oo muhiimad gaar ah u lahaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku soo dhammaaday is-Afgarad iyo natiijooyin wax ku ool ah oo kor u qaadaya xiriirka iyo wada-shaqeynta labada dhinac.

   

Kulan ku aaddan Xoojinta amniga oo Baydhabo ka dhacay

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Cabdullahi Xuseen Cirro ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlay amniga Gobolka Baay oo saraakiisha Ciidanka Xoogga ay ku yeesheen magaalada Baydhaba.

Taliyaha qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Korneyl Isaaq, Taliyaha Guutada 17-aad ee GorGor Korneyl Xuseen Moolif iyo saraakiil ka socotay hoggaanada Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ka qeyb galay kulankaas oo diiradda lagu saaray dagaalka Khawaarijta iyo adkeynta amniga Baydhaba iyo magaalooyinka kale ee Koonfur Galbeed oo doorasho qof iyo cod ah ay ka socoto.

   

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Baydhabo: Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Buurhakabo ee gobolka Baay, halkaas oo ay ka jiraan xaalado bani’aadannimo oo aad u daran.

Wafdiga waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdinaasir Cabdi Caruush, Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna Isku-duwaha Gargaarka Bini’aadannimada, George Conway, iyo wakiillo ka socday hay’adaha gargaarka.

Wafdiga ayaa magaalada Buurhakabo ka daahfuray gargaar loogu talagalay 2,500 oo qoys oo nugul, kaas oo ay iska kaashadeen Hay’adda SoDMA iyo dowladda Shiinaha.

Sidoo kale, wafdiga ayaa kulan la yeeshay hay’adaha gargaarka, waxayna kormeer ku tageen xeryaha barakacayaasha iyo isbitaalka weyn ee magaalada, halkaas oo ay ku arkeen xaaladaha adag ee nololeed iyo caafimaad ee ka jira degmada.

   

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay Madax Dhaqameed

Muqdisho (Wargeyska Dalka): Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad, ayaa Maanta Degmada Gubadley ee Gobolka Banaadir kulan kula qaatay Imaam Daahir Imaam Maxamuud, qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka, Xubno ka socday Bulshada Rayidka, Saraakiisha Amniga iyo Masuuliyiinta Maamulka Degmada, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta Amniga iyo dardargelinta wada-shaqeynta Hay’adaha Ammaanka iyo Bulshada.

Agaasimaha NISA ayaa kulanka ka sheegay in Amnigu yahay mudnaanta koowaad ee Dalka iyo Dadka, isla markaana loo baahan yahay in Bulshada ay garab buuxa siiso Ciidamada Ammaanka, si looga hortago khataraha Khawaarijta iyo falalka Amni darrada ah.

Dhankooda, qeybaha kala duwan ee ka qeybgalay Kulanka ayaa bogaadiyay dadaallada Dowladda ee sugidda Amniga, iyaga oo ballanqaaday in ay sii xoojin doonaan kaalintooda ku aaddan Nabadgelyada, wada-shaqeynta Hay’adaha Ammaanka iyo Dowlad-dhiska.

     

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe Dalkoodii loogu celinayo Muwadiniin Burcad afduubatay

Muqdisho (Wargeyska Dalka):- Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna Ergeyga joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, Cali Cabdi Awaare, ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay sii waddo dadaallo iyo xiriirro xooggan oo lagu dedejinayo sii deynta Badmaaxiinta Masaarida ah ee lagu afduubtay Markabka Shidaalka qaada ee “M/T Eureka”.

Wuxuu xusay in ay socdaan wada-shaqeyn iyo dhaq-dhaqaaqyo heerar kala duwan ah si loo xaqiijiyo badqabkooda iyo inay si degdeg ah ugu laabtaan Dalkooda. Hadalkan ayuu safiirku sheegay xilli uu kulan la yeeshay kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Arrimaha Afrika, Karim Sherif. Safiirka ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si weyn u danaynayso arrintan, isla markaana ay waddo xiriirro heer sare ah oo lala leeyahay dhinacyada ay khusayso si loo xalliyo dhibaatada loona soo afjaro afduubka.

Sidoo kale, Safiir Cali Awaare ayaa adkeeyay muhiimadda ay Soomaaliya siinayso xoojinta Iskaashiga iyo Wada-shaqeynta ay la leedahay Masar, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo badaha. Wuxuu tilmaamay in ay muhiim tahay in Dowladaha ku teedsan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ay iska kaashadaan la tacaalidda caqabadaha Wadajirka ah iyo sugidda Amniga iyo xasilloonida Gobolka.

Dhanka kale, Safiirka ayaa uga mahadceliyay Dowladda Masar taageerada ay siiso Midnimada iyo Wadajirka Dhuleed ee Soomaaliya, iyo doorka ay ka qaadaneyso taageeridda Hay’adaha Dowladda Soomaaliya, la dagaallanka Argagixisada, iyo xoojinta Nabadda iyo Horumarka Dalka.

 

 

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS oo Magaalada Geneva kaga qayb galay Shir muhiim ah

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa ka qayb galay meertada 64-aad ee Shirka Wasiirrada Caafimaadka Carabta oo ka qabsoomay Magaalada Geneva ee Dalka Switzerland, kana barbar socday Shirweynaha 79aad ee Caafimaadka Adduunka(WHA79).
Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta Iskaashiga Caafimaadka ee Dalalka Carabta, Horumarinta Adeegyada Caafimaadka, u diyaar garowga xaaladaha Degdegga ah, iyo dardargelinta dadaallada lagu xaqiijinayo Daryeel Caafimaad oo loo siman yahay.
Wasiirka ayaa intii uu kulanku socday adkeeyay muhiimadda Iskaashiga Gobolka, is-dhaafsiga khibradaha Caafimaadka, iyo taageerada Wadajirka ah ee lagu Horumarinayo nidaamyada Caafimaadka Dalalka Xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.
   

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo tababar muhiim ah soo xiray

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Cali ayaa si rasmi ah u soo xiray tababar socday muddo saddex maalmood ah oo ku saabsanaa habraacyada iyo farsamooyinka soo saarista Majalladaha Dowladaha Hoose ee Dowlad Goboleedyada dalka.

Agaasime Cabdul ayaa sheegay in Wasaaraddu qabatay tababarkan si kor loogu qaado awoodda iyo xirfadaha howl-wadeennada ka socday Dowlad Goboleedyada, si ay u diyaarin karaan majallado ka tarjumaya mashaariicda horumarineed iyo howlaha kala duwan ee laga fulinayo dowladaha hoose. Waxaana uu xusay in arrintani ay qeyb muhiim ah ka tahay xoojinta isla xisaabtanka, daahfurnaanta, iyo wacyigelinta bulshada.