Wasiirka Amniga Gudaha oo Muqdisho ka daah-furay tababarka muhiim ah

Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga daah-furay tababarka macallimiinta Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Tababarkan oo lagu qabtay Dugsiga Tababarka Booliiska ee Jeneraal Kaahiye ayaa qayb ka ah barnaamij lagu xoojinayo awoodda iyo tayada Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Barnaamijka oo ay maalgelinayso Dowladda Japan ayaa diiradda lagu saaray horumarinta xirfadaha macallimiinta iyo saraakiisha booliiska, si loo xoojiyo adeegyada amniga iyo ilaalinta shacabka.

Tababarka ayaa socon doona muddo 10 maalmood ah, waxaana lagu horumarin doonaa aqoonta iyo tayada tababarrada Booliiska Soomaaliyeed.

Sidoo kale, tababarkan ayaa si tartiib-tartiib ah loogu fidin doonaa gobollada dalka, si loo xoojiyo awoodda ciidamada booliiska ee heer gobol iyo degmo.

Masuuliyiintii ka hadlay munaasabadda ayaa xusay muhiimadda uu barnaamijkani u leeyahay tayeynta ciidamada amniga iyo taageeridda dadaallada nabadda iyo xasilloonida dalka.

Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre oo qaabilay Danjiraha Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Daccò Coppi, waxaana ay ka wada hadleen xoojinta Xiriirka iyo Iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Warbixin laga siiyay halka ay marayaan seddex Mashruuc oo waaweyn oo Isbitaallo loogu dhisayo Degmooyinka kala ah, Afmadoow Jubbada Hoose, Xarardheere Mudug iyo Caddale Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo ay maalgalinayso Dowladda Talyaaniga.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa boggaadiyey Xiriirka Taariikhiga ah ee kala dhexeeya Dowladda  Talyaaniga muddada dheer, gaar ahaan dhinacyada Diblumaasiyadda, Horumarka, Waxbarashada iyo taageerada Bani’aadannimada, isaga oo Safiirka la-wadaagay guulaha Xukuumadda DanQaran ay xaqiijisay ee dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha iyo hirgalinta Siyaasadda ku aaddan Doorashooyinka Madaxa-Bannaan ee qof iyo Codka ah.

Dhankiisa, Danjire Daccò Coppi, oo ka mahadceliyay qaabilaadda Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Dowladda Talyaaniga ay ka go’an tahay taageerada Soomaaliya ee ku aaddan Mashaariicda Horumarineed ee Dowladdu ka fulisay Dalka.

      

Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa ka wada hadlay taageerada Dadka ku jira Xabsiyada, Daryeelka Carruurta Agoonta ah ee Ciidamada Asluubta, iyo sidii loo horumarin lahaa Adeegyada Xabsiyada.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, waxuu ammaanay qorshayaasha ka hortagga Masiibooyinka ee Hay’adda SoDMA, isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay taageerada Maxaabiista, Agoonta Ciidamada Asluubta, iyo Qoysaska Nugul.

Ugu Danbeyn, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa sheegay in Hay’addu si dhab ah uga shaqeyn doonto garab istaagga Ciidamada Asluubta, gaar ahaan Maxaabiista iyo Agoonta cCidamada Asluubta.

  

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya

Muqdiso(Wargeyska Dalka):-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa isku dayga Weerarka loo adeegsaday Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu bartilmaameedsaday Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kuwaas oo la qabtay lana burburiyey kadib markii ay galeen hawada Dalkaasi.

Dowladda Soomaaliya waxay Weerarradan ku tilmaantay xadgudub cad oo ka dhan ah Madax-Bannaanida Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo khatar ku wajahan Nabadda iyo xasilloonida Gobolka.

Soomaaliya waxay markale xaqiijineysaa garab istaaggeeda buuxa ee ay la leedahay Boqortooyada walaalaha ah ee Sacuudi Carabiya, iyadoo muujisay taageeradeeda dhammaan tallaabooyinka lagu ilaalinayo Amniga, Xasilloonida iyo Midnimada dhuleed ee Dalkaasi.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay adkeyneysaa in Weerarrada lagu beegsanayo amniga dowladaha iyo kaabeyaasha muhiimka ah ay wiiqayaan Xasilloonida, Wadajirka ah ee Gobolka, isla markaana ay halis gelinayaan sii kordhinta xiisadaha ka jira Gobolka.

Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa dhammaan dhinacyada is-xakameyn, Ixtiraamka Sharciga Caalamiga ah, iyo in la xoojiyo dadaallada lagu ilaalinayo Amniga iyo Xasilloonida guud ee Gobolka.

 

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeyb galay furitaanka Shirweynaha 79-aad ee Caafimaadka Adduunka

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa Maanta ka qeyb galay furitaanka Shirweynaha 79-aad ee Caafimaadka Adduunka, oo si rasmi ah uga furmay Magaalada Geneva ee Dalka Switzerland.

Wasiirka waxaa Safarkiisa ku wehliyay Wafdi ka kooban Agaasime-waaxeedyo iyo howl-wadeenno ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, iyagoo matalaya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kana qeyb qaadan doona doodaha, Kulamada doceedyada iyo go’aamada muhiimka ah ee Shirka.

Shirweynahan oo Sanad walba ay isugu yimaadaan Madaxda caafimaadka ee caalamka ayaa Sanadkan diiradda lagu saarayay Horumarinta nidaamyada Daryeelka Caafimaadka, xoojinta Iskaashiga Caalamiga iyo diyaarinta Istaraatiijiyada lagu wajahayo caqabadaha Caafimaad ee Dunida ka jira.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS waxaa ka go’an in ay sii waddo Horumarinta Adeegyada Caafimaadka Dalka, xoojinta Iskaashiga Caalamiga ah, iyo ka qeyb qaadashada madalaha muhiimka ah ee lagu Horumarinayo Caafimaadka guud.

   

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Safiirka Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta Iskaashiga Milatari

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş, oo uu weheliyo Taliyaha TÜRKSOM, Sarreeye Gaas Sebahattin Kalkan, iyo Saraakiil kale.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta Iskaashiga Milatari ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, dardargelinta howlaha socda, gaar ahaan tababarrada Ciidamada, taageeridda dhismaha awoodda difaaca iyo horumarinta xiriirka Istiraatiijiga ah ee labada Dal.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa Dowladda Turkiga uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiso Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, isagoo si gaar ah u xusay doorka ay ka qaadato la dagaallanka Argagixisada, tayeynta Ciidamada iyo guulaha laga gaaray Iskaashiga Soomaaliya iyo Saaxiibada Caalamka.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay inay jiraan kooxo kasoo horjeeda Dowlad-dhiska Soomaaliya oo dhibsada xiriirka sii xoogeysanaya iyo Iskaashiga Istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

 

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Daahfuray Olole Qalliimo Wadnaha Ah Oo Loo Sameynayo 11 Carruur Ah

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ka daahfuray olole qalliimo Wadnaha ah oo loo sameynayo 11 Carruur ah oo la ildaran Xanuunnada Wadnaha.

Agaasimaha Caafimaadka Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Axmed oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ololahan Caafimaad ay ka faa’iideysan doonaan 11 Carruur ah oo u baahan qalliimo wadnaha, iyadoo kharashaadka ku baxaya uu bixinayo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

“Waxaan Maanta daahfurnay Olole qalliimo Wadnaha ah oo loo sameynayo 11 Carruur ah,” ayuu yiri Agaasimaha Caafimaadka Gobolka Banaadir.

Dhanka kale, Xoghayaha Gobolka Banaadir Bilan Bile Maxamuud ayaa sheegtay in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu kafaala-qaaday daaweynta Carruurtan maraya qalliinnada Wadnaha.

“Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kafaala-qaaday daaweynta 11-kan Carruurta ah ee maraya qalliinnada Wadnaha,” ayay tiri Xoghayaha Gobolka Banaadir Bilan Bile Maxamuud.

Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga Gobolka Banaadir oo sameeyay kormeer lagu xaqiijinayo Amniga Caasimadda

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ayaa sheegay in Amniga Caasimadda Muqdisho uu yahay masuuliyad wadajir ah, isla markaana Maamulka Gobolka ay ka go’an tahay xoojinta Nabadgelyada iyo wada shaqeynta Shacabka iyo Ciidamada Ammaanka.

Guddoomiye Yabooh oo ka hadlayay kormeer amni oo uu ka sameeyay qaar kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir, ayaa sheegay in kulamadii ugu dambeeyay ee Maamulka Gobolka iyo Saraakiisha Ammaanka ay yeesheen diiradda lagu saaray adkeynta Amniga Caasimadda iyo dhaqan-gelinta Jadwalka heeganka Habeenkii si loo kordhiyo feejignaanta Amni.

Waxa uu tilmaamay in kormeerka uu salka ku hayay hubinta hirgelinta heeganka Habeenkii ee degmooyinka kala duwan ee Muqdisho, si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan Amni iyo xasillooni buuxda.

“Amniga Caasimadda waa masuuliyad wadajir ah, waxaana naga go’an inaan xoojino Nabadgelyada iyo wada shaqeynta Shacabka iyo Ciidamada Ammaanka,” ayuu yiri Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh).

Sidoo kale, Guddoomiye Yabooh ayaa Ciidamada Ammaanka iyo Saraakiishooda ku boorriyay inay laba jibbaaraan dadaallada lagu sugayo Amniga Muwaadiniinta ku nool Caasimadda, isla markaana la xoojiyo xiriirka iyo wada shaqeynta Shacabka iyo Hay’adaha Ammaanka.

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka oo Kormeer Shaqo ku Tagay Xeryaha Ciidamada ee Magaalada Baydhabo

Baydhabo(Wargeyska Dalka):-Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdullaahi Xuseen Ciro, ayaa kormeer shaqo ku tagay Xeryaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee magaalada Baydhabo, Xarunta ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kormeerka Taliyaha waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Taliye Ku-xigeenka Qeybta 60-aad ee Ciidanka XDS, Korneyl Feysal, iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamada.
Intii uu ku sugnaa Xeryaha Ciidamada, Jeneraal Cabdullaahi Xuseen Ciro ayaa u kuurgalay xaaladda Ciidamada, howlaha ay Qaranka u hayaan iyo heerka u diyaargarowgooda difaaca Dalka.
Taliyaha ayaa Ciidamada kula dardaarmay inay laba jibbaaraan waajibaadka ka saaran difaaca Dalka iyo ilaalinta Shacabka Soomaaliyeed, isaga oo xusay muhiimadda feejignaanta iyo adkeynta Amniga guud ee Deegaannada ay joogaan.

Sidoo kale, wuxuu bogaadiyay dadaalka iyo naf-hurnimada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku aaddan sugidda Amniga iyo la dagaallanka Kooxaha Khawaarijta.

Jeneraal Cabdullaahi Xuseen Ciro ayaa maalmahan howlo shaqo u joogay Gobolka Bay, halkaasi oo uu kulamo iyo kormeerro kala duwan kula yeeshay Saraakiisha iyo Cutubyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

 

  

Taliyaha CXD oo kormeeray Xerada Ciidanka DANAB ee Galmudug

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka S/Guuto Ibrahim Maxamed ayaa Kormeer shaqo ku tegay Xerada Ciidamada Kumaan Dooska sida gaarka ah u tababaran Danab ee Dhuusamareeb taa oo dhismaheedu gebo-gebo marayo.

Taliyaha, waxaa xerada ku so dhaweeyay Saraakiil uu horkacayo Taliyaha ururka 163’aad Guutada 16’aad ee kumaandooska Danab G/le Maxamed Bashiir Shiikh Caligood Barqadle, isaga oo warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada heerka uu marayo dhismaha Xerada iyo howlaha socdo.

Dhinaca kale, Gen Ibrahim Maxamed Maxamuud, ayaa la hadlay cutubyo ka tirsan ururka 163-aad ee guutada 16-aad Kumaandooska Danab, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii xoojiyaan waajibaadka qaran ee ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed iyo dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta, waxa uu kaga mahad mahadceliyay naf hurnimada iyo dhiiranaanta ey mar waliba muujiyaan sida ey kaga foojigan yihiin dhagaraha Cadowga

Ugu dambeyn, Taliyaha ayaa xusay in dhismaha xeradan cusub uu muhiim u yahay tayeynta ciidamada Danab iyo kor u qaadidda awoodda howlgalada ciidamada qalabka sida waxa uuna tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay garab istaagga iyo tayeynta ciidamada Xoogga Dalka

Mas’uuliyiinta gacanta ku haya dhismaha ayaa sheegay in howlaha xerada ay marayaan heer gabagabo ah, isla markaana dhawaan si rasmi ah loo soo dhameystiri doono.