Wasiirka Howlaha Guud ee XFS oo ka qeyb galay Madal Caalami ah

Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Soomaaliya ayaa ka qayb galaysa Madasha Caalamiga ah ee magaalooyinka Adduunka ee 13-aad oo ka socota magaalada Baku, caasimadda dalka Azerbaijan,.

Madashan caalamiga ah oo ay soo qabanqaabisay Barnaamijka Qaramada Midoobay ee Deegaameynta Aadanaha ayaa waxaa ka qeyb galaya dowlado, hay’addo caalami ah, bangiyo horumarineed iyo bah-wadaagyo kala duwan oo ka shaqeeya arrimaha magaalooyinka, guriyeynta iyo horumarinta bulshada.

Wasiirka Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Soomaaliya Ayub Ismail Yusuf ayaana ka qeyb galay kulanka, iyadoo sidoo kale waxaa ka qeyb galay wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah iyo bah-wadaagta horumarinta, Wasiirka ayaa khudbaddiisa ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay waddo qorshe lagu dhisayo nidaam mideysan oo isku xiraya guriyeynta, maamulka dhulka, la-qabsiga isbeddelka cimilada iyo horumarinta dhaqaalaha deegaanka, si loo xoojiyo xasilloonida iyo horumarka waara.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in Wasaaraddu diyaarisay daraasado iyo qorshayaal cusub oo lagu horumarinayo nidaamka guriyeynta iyo maamulka dhulka ee dalka, kuwaas oo saldhig u noqonaya dib-u-dhiska magaalooyinka iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu xusay in Soomaaliya ay horumarinayso mashaariic istiraatiiji ah oo laga fulinayo magaalooyin ay ka mid yihiin Beledweyne, Doolow iyo deegaanka Jasiira ee Muqdisho, kuwaas oo diiradda saaraya guriyeynta la awoodi karo, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo dhismaha magaalooyin adkeysi leh.

        

Maxaa looga hadlay shirka toddobaadlaha ee Golaha Wasiirada XFS?

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulan ayaa looga hadlay Qorshaha Hirgalinta Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo ahmiyad weyn u leh hey’adaha dowladda, siyaasadda dalka iyo midnimada Qaranka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo golaha ka-hor jeedisay qorshaha lagu hirgalinyo dastuurka, muddada iyo farsamada, ayaa soo jeedisay ujeeddooyinka muhiimka ah ee uu leeyahay hirgalinta dastuurka dalka, kaasi oo qeexaya hubinta in dhammaan qodobbada dastuurka la hirgaliyo muddada dastuurka ku qeexan ee ah inta u dhaxeysa sanadaha (2026-2029).

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulanka guddoomiyey, ayaa sheegay in laga bilaabo maalinkii uu saxiixay Madaxweynaha iyo Maalinkii lagu soo saaray faafinta rasmiga ah uu dhaqangal yahay dastuurka, balse hirgalintiisa farsamo ahaan ay ku caddahay Dastuurka laftiisa, taasi oo qaadanaysa muddo, gaar ahaan arrimaha ku saabsan maamulka.

Warbixinta Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, ayaa lagu sheegay in golaha la hor-keeni doono qaraar qeexaya shaqooyinka horu-tabinta leh ee Dastuurka ku jira ee 12-ka bilood ee soo socota la qabanayo, iyada oo loo eegayo duruufadaha uu dalka ku jiro, iyo baahiyaha loo qabo, waxaanna shaqooyinkaas ka mid ah guddiyo iyo hay’addo aad muhiim ugu ah socodsiinta shaqooyinka Qaranka, sida Golaha Adeegga Garsoorka iyo Hay’adda Dakhliga Qaranka.

Golaha ayaa sidoo kale dhagaystay warbixinno ku saabsan doorashooyinkii Qof iyo Cod ee ka qabsoomay degmooyinka Koonfur Galbeed iyo kaalintii ay ka qaadatay Warbaahinta Qaranka, warbixin la xiriirta wadahaladii laga galay arrimaha doorashooyinka ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Hormuudka ka ahaa.

Golaha Wasiiradda, ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Mudane Maxamed Rabiic Yuusuf oo noqonaya Safiir Ku-xigeenka Ergada Soomaaliya u fadhida Qaramada Midoobay in loo dalacsiiyo darajada Safiir, wuxuunna noqonayaa Safiirka labaad ee Soomaaliya u fadhiya halkaas.

Ugu dambayn, Golaha ayaa ansixiyey Siyaasado, Heshiisyo iyo Xeer-nidaamiyayaal muhiim u ah horumarka Qaranka Soomaaliyeed, waxa ayna kala yihiin

1- Siyaasadda Qaran ee Horumarinta Isboortiga Soomaaliya
2- Xeer-Nidaamiyaha Dib-u-Howlgalinta iyo Mideynta Hannaanka Ceymiska Bulshada ee Qaranka Soomaaliyeed
3- Heshiiska u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga kuna saabsan dhiirrigalinta iyo ilaalinta is-dhaafsiga Maalgashiyada.
4- Cusboonaysiinta heshiis u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga kuna saabsan Waxbarashada.
5- Xeerka Maamulka Goleyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

                           

Wasiirka Warfaafinta XFS oo bogaadiyay Kaalinta Hobollada Qaranka ee Wacyigelinta Dadweynaha

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed, halkaas oo uu kula kulmay bahda Hobollada Qaranka, fanaaniinta, ciyaartoyda iyo guud ahaan Shaqaalaha ka howlgala Wasaaradda.

Wasiirka ayaa waxaa halkaasi kusoo dhoweeyay Maareeyaha Golaha Murtida iyo Wacyigelinta Qaranka Mudane Cismaan Cabdullaahi (Abwaan Guure), oo warbixin kooban ka siiyay xaaladda guud ee Tiyaatarka Qaranka, shaqooyinka hobollada iyo dadaallada lagu horumarinayo fanka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Intii uu kormeerka ku guda jiray Wasiirka, waxaa gudaha Tiyaatarka Qaranka loogu qabtay kulan soo dhoweyn iyo warbixin isugu jirtay oo ay ka qeybgaleen qeybaha kala duwan ee hobollada, fanaaniinta iyo ciyaartoyda masraxa, kuwaas oo Wasiirka la wadaagay xaaladda guud ee Tiyaatarka, caqabadaha jira iyo dadaallada lagu horumarin karo shaqada fanka iyo dhaqanka.

Wasiir Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa si gaar ah u bogaadiyay kaalinta muhiimka ah ee Hobollada Qaranka Soomaaliyeed ku leeyihiin wacyigelinta bulshada, xoojinta nabadda, ilaalinta dhaqanka Soomaaliyeed iyo kobcinta midnimada bulshada, isagoo xusay in hobolladu ay door muuqda ka qaateen marxaladihii kala duwanaa ee dib-u-dhiska dalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale ballan qaaday in Wasaaraddu mudnaan gaar ah siin doonto horumarinta xuquuqda hobollada iyo fanaaniinta Soomaaliyeed, isla markaana laga shaqeyn doono dib-u-dhiska iyo casriyeynta Tiyaatarka Qaranka si uu mar kale u noqdo xarun hormuud u ah dhaqanka, suugaanta iyo madadaalada bulshada Soomaaliyeed.

“Hobollada Qaranku waa laf-dhabarta dhaqanka iyo wacyigelinta bulshada. Dowladda waxaa ka go’an ilaalinta xuquuqdooda iyo dib-u-soo nooleynta doorka muhiimka ah ee Tiyaatarka Qaranku ku leeyahay bulshada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiirka.

Kormeerkan waxaa sidoo kale Wasiirka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo qaar kamid ah Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda, kormeerkan ayaana qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ay ku xoojineyso horumarinta dhaqanka Soomaaliyeed iyo dib-u-soo celinta kaabeyaasha muhiimka ah ee dhaqanka iyo fanka dalka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyey kulan looga hadlay Hindisaha Xeerka Maamulka Goleyaasha Degmooyinka

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh),ayaa guddoomiyey kulan muhiim ah oo looga hadlay gudbinta Hindisaha Xeerka Maamulka Goleyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdulqaadir Cali iyo Guddoomiyaha Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Mudane Liibaan, ayaa diiradda lagu saaray dhammeystirka hindise sharciyeedka lagu hagayo maamulka goleyaasha deegaanka ee dhawaan la soo doortay.

Hindisahan ayaa laga soo tashaday ururrada siyaasadda, Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo ujeeddadu tahay in la helo sharci rasmi ah oo qeexaya habraaca iyo maamulka goleyaasha degmooyinka.

Sidoo kale, xeerkan ayaa si cad u qeexaya xiriirka wada shaqeyneed iyo masuuliyadaha u dhexeeya Maamulka Gobolka Banaadir iyo degmooyinka hoos yimaada, si loo xoojiyo hufnaanta maamulka iyo adeegyada loo fidinayo shacabka.

 

     

Madaxweynaha JFS oo Warqadaha AQoonsiga Danjironimo ka gudoomay Safiirka cusub ee Dowladda Jabuuti u fadhiya Somaaliya

Muqdiso(Wargeyska Dalka):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirka Cusub ee Jamhuuriyadda aanu Walaalaha nahay ee Jabuuti u soo magacowday Soomaaliya, Danjire, Col. Cusmaan Dubbad Sugulle.

Madaxweynaha oo ugu hambalyeeyay Danjiraha cusub Xilka loo soo igmaday ayaa u rajeeyay guul iyo shaqo miro-dhal ah, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka walaaltinimo, Iskaashiga Siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti.

Dhankiisa, Danjiraha Cusub oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda la wadaagay Dhambaal iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee uu kala kulmay Dowladda Soomaaliyeed, isaga oo soo bandhigay qorshihiisa xoojinta xiriirka Diblomaasoyadeed iyo wax wada qabsiga labada Dowladood.

          

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo kulan la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Sweden

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo safar shaqo ku jooga Yurub ayaa kulan gaar ah la yeeshay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Gottenburg ee Dalka Sweden.

Bulshadii kasoo qeyb gashay kulanka ayaa Wasiirka su’aalo ka weydiiyey Xaaladda Dalka iyo waxqabadka Dowladda ee Afartii sano ee lasoo dhaafay, iyadoo Wasiir Al-Cadaala uu si toos ah Jaaliyadda uga jawaabay su’aalihii ay ka weydiiyeen Dalkooda Hooyo oo Horumar Dowladnimo iyo mid Bulsho ku talaabsanaya.

Wasiir Al-Cadaala ayaa Jaaliyadda faahfaahin dheer ka siiyay guulaha ay gaartay Dowladda Soomaaliya Afartii Sano ee lasoo dhaafay, gaar ahaan dhinacyada Amniga, Dimuqraadiyeynta, Dhaqaalaha, La-dagaalanka Argagixisada, adeegyada Bulshada iyo Siyaasadda Arrimaha Dibadda.

Kulankaan lagu soo dhaweeyey Wasiirka waxaa soo qabanqaabiyay Hoggaanka Jaaliyadda oo uu ugu horeeyo Mudane Maxamed Salaad Yaroow, Jaaliyadda ayaa muujisay taageero balaaran oo ay u hayso Dowladda Soomaaliya oo hiigsaneysa Horumarro Taariikhi ah.

       

Warbixinta Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah oo qirtay dadaallada Horumarka nidaaminta Isgaarsiinta Dalka

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Soomaaliya ayaa loo aqoonsaday Dalka sameeyay sare-u-kaca ugu weyn ee dhanka dib-u-habeynta Xeer-nidaaminta Isgaarsiinta Adduunka, sida lagu sheegay Warbixinta Tirakoobka Nidaamyada ICT-da ee Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), taas oo daboolaysa muddadii u dhexeysay 2007 ilaa 2024.

Warbixinta ITU ee la daabacay Bishan May 2026 ayaa muujisay in Soomaaliya ay ka soo kacday heer eber ah Sanadkii 2007 ilaa 77.5% Sanadkii 2024, taas oo ka dhigaysa Dalka kaalinta koowaad kaga jira 15-ka dal ee sameeyay Horumarka ugu weyn ee dhinaca nidaaminta Isgaarsiinta.
Horumarkan ayaa yimid kadib dib-u-habeynno waaweyn oo la sameeyay tan iyo markii la Aas-aasay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) Sanadkii 2018, iyadoo lagu saleynayo Sharciga Isgaarsiinta Qaranka.
Warbixinta Raad-raaca Nidaaminta ICT-da ee ITU ayaa ah mid lagu cabbiro heerka Horumarka maamulka ICT-da ee 194 dal oo caalamka ah. Soomaaliya ayaa hadda si rasmi ah ugu biirtay heerka nidaaminta Jiilka 3-aad (G3) ee ITU, oo lagu tilmaamo heerka kobcinta Maalgashiga iyo ballaarinta adeegyada Isgaarsiinta.
Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa sheegay in Aqoonsigan uu muujinayo dadaalladii joogtada ahaa ee Soomaaliya ay wadday tan iyo Sanadkii 2018 si loo dhiso hay’ad madax-bannaan iyo hannaan sharciyeed casri ah oo hagaya Suuqa Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda.
“Aqoonsigan waa tallaabo muhiim ah oo muujinaysa Horumarka la gaaray, balse weli mudnaanteennu waa xoojinta Tartanka Suuqa, ballaarinta helitaanka adeegyada, iyo ilaalinta Xuquuqda macaamiisha,” ayuu yiri Maareeyaha Guud ee HIQ.
Waxa uu sidoo kale xusay in guushan ay ka dambeyso iskaashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Shirkadaha Isgaarsiinta, iyo Saaxiibbada Caalamiga ah ee taageera isbeddelka Dhijitaalka ah ee Dalka.

Tan iyo Sanadkii 2019, HIQ waxay hirgelisay Xeerar iyo nidaamyo Sharciyeed oo muhiim ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin nidaamka mideysan ee ruqsad-bixinta, Xeerarka isku-xirka Shirkadaha Isgaarsiinta, qorshaha maaraynta hirarka Isgaarsiinta, ilaalinta tayada adeegyada iyo Xuquuqda macaamiisha, iyo Horumarinta Teknoolojiyadda cusub si loo helo adeegyo casri ah oo la isku halleyn karo.

 

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo kormeeray goobaha la dejiyay xujeyda Soomaaliyeed

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee XFS Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali ayaa kormeer ku tegay qaar ka mid ah hoteellada ay magaalada Madiina ka degan yihiin xujeyda Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa warbixin ka dhageystay masuuliyiinta xafiiska arrimaha xajka ee magaalada Madiina, isagoo sidoo kale la kulmay xujeyda Soomaaliyeed si uu uga xog wareysto adeegyada la siiyay iyo cabashooyinka ay qabaan.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka,Sheekh Mukhtaar Rooboow ayaa madaxda xafiiska xajka ku adkeeyay in si hufan oo wanaagsan loogu adeego xujeyda Soomaaliyeed, isla markaana la xaqiijiyo daryeelka iyo adeegyada ay u baahan yihiin.

Magaalada Madiina waxaa sanadkan gaaray in ka badan 11,500 oo xujey Soomaaliyeed ah kuwaas oo gudanaya waajibaadka xajka. Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ayaa sanadihii u dambeeyay dadaal xooggan ku bixineysay horumarinta adeegyada iyo daryeelka loo fidinayo xujeyda Soomaaliyeed ee ka kala imaanaya daafaha caalamka.

Ururadii ka qeyb galay Doorashadii K/Galbeed oo isbaheysi siyaasadeed sameystay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Aadan Maxamed Nuur ( Aadan Madoobe), ayaa caawa kulan miradhal ah la qaatay wakiilo ka socday ururada siyaasadda ee kala ah Towfiiq, Cadaaladda iyo Midnimda – TIIR, Waaberi, Sinnaanta iyo Cadaaladda (SINCAD), Talo Qaran iyo Muwaadiniinta Soomaaliyeed, kuwaas oo ka qeyb galay doorashadii qofka iyo codka ahayd ee ka dhacday deegaannada Koonfur Galbeed.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa dhammeystirka heshiis isbaheysi siyaasadeed ah oo ay wada gaareen urur siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka JSP iyo ururada kale ee ka qeyb galay doorashadii golaha deegaanka iyo middii golaha wakiilada ee dhowaan ka dhacday Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Gebagabada kulanka waxaan isku afgartay in ururadan siyaasadda ay taageeraan islamarkaana ay dhisaan musharaxa madaxweynaha ee Ururka Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, sidoo kalena si buuxda la isaga kaashado doorshada madaxtinimo ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, Cabdifitaax Xasan Afrax, Xoghayaha Urur Siyaasadeedka SINCAD ayaa Faahfaahin ka bixiyay isbaheysi siyaasadeed oo ay sameysteen inta badan ururadii ka qeyb galay doorashadii qof iyo codka aheyd ee ka dhacday deegaanada Koonfur Galbeed.

                 

Taliyaha CXD oo kormeeray cutubyo ka tirsan ciidanka oo tababar u socdo

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dallka S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa maanta kormeer ugu tagay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar uu uga socdo dugsiga Tababarka Xanan Buure ee magaalada Caabdudwaaq.

Kormeerka Taliyaha waxaa ku wehlinayay Taliyaha Qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Col. Maxamed Dhagawayne iyo saraakiil kale oo katirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

Ujeedka kormeerka ayaa ahaa u kuurgalida xaaladda cutubyada ciidanka ee tababarka ku jira, tayada tababarka ay qaadanayaan iyo dhiirigelinta ciidamada si ay u laba jibbaaraan waajibaadka qaran ee saaran.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa la hadlay ciidamada tababarka ku jira, isagoo ku boorriyay inay sare u qaadaan anshaxa, kartida iyo difaaca dalka, si ay uga qeyb qaataan sugidda amniga iyo xoreynta deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan kooxaha Khawaarijta.