Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Yeman

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Yeman u fadhiya Soomaaliya, Mudane Faadil Cali Axmed Al-Xanak.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjire Fadl, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan iskaashiga soo jireenka ah, la-dagaallanka tahriibka, iyo arrimaha socdaalka, maadaama uu labada dal ka dhaxeeyo xiriir bulsho oo soo jiraan ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Yeman ay muddo dheer leeyihiin xiriir diblumaasiyadeed, ganacsi iyo bulsho, kaas oo soo bilowday xilliyo fog, haddana ay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan sii xoojinta arrimaha amniga, ganacsiga, socdaalka dhanka dekadaha iyo cirka.

Danjiraha, oo ka mahadceliyey qaabilaadda Ra’iisul Wasaaraha, ayaa bogaadiyey guulaha Soomaaliya ay ku tallaabsatay ee horumarka, amniga iyo dimuqraadiyadda , dhankoodana ay ku faraxsan yihiin jidka soo kabashada ee ay haatan ku socoto Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS oo kulan is xogwareysi ah la qaatay Agaasimaha Guud iyo Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa Maanta kulan Is-barasho iyo Xogwareysi ah la qaatay Agaasimaha Guud iyo Agaasimayaasha Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiir Cabdifitaax ayaa Agaasimayaasha Waaxyaha kala duwan ee Warbaahinta Qaranka iyo guud ahaan Wasaaradda ka xogwareystay Shaqada socota iyo waajibaadka horyaalla, Isagoo xog is-weydaarsi dheer kadib kula dardaarmay in Shaqada ay Wasaaradaan u heyso Qaranka lasii laba jibaaro.

        

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud“Dastuurka dhaqangalkiisa waa bilowday, dhowaana waa la kala sarayaa Baarlamaanka iyo XFS.”

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay Munaasabad lagu xusayay 83-Guurada kasoo wareegatay aas-aaskii Halyeeyadii xaq u dirirka ahaa ee Ururkii SYL iyo Maalinta Dhallinyarada soomaaliyeed ee 15-ka,ayaa ka hadlay Arrimaha Dastuurka, Doorashooyinka Qof iyo Codka ah iyo xaaladda guud ee Dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhaqangelinta Dastuurka ay si rasmi ah u bilaabatay,iyadoo la kala saari doono Baarlamaanka iyo XFS.

“Dastuurka dhaqangalkiisa waa bilowday, dhowaana waa la kala saari doonaa Baarlamaanka iyo XFS,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay muddo xileedka Dowladda, isagoo sheegay in waqtiga Dowladdiisu uu ku egyahay 15-ka May 2027.

“Waqti xileedka Dowladdeyda waxa uu ku egyahay 15-ka May 2027,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay horumar weyn ka sameysay dhinacyada Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamiga ah, islamarkaana Maanta ay qeyb ka tahay Goobaha waaweyn ee go’aamada Caalamiga ah lagu gaaro.

“Maanta Caalamka meelaha ugu waa weyn ee go’aamada lagu gaaro ayaan joognaa. Dunidu way na aqbashay, ee yaan dib naloo celin,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka, ayaa howlgallo qorsheysan oo dhaawac halis ah lagu gaarsiiyay ilaa saddex horjooge oo sare, sidoo kalana lagu burburiyay Gaadiid iyo xarumo ay Khawaarijtu u adeegsan jirtay abaabulka Maleeshiyaadka, ka fuliyay Deegaanka Buq-aqable ee Gobolka Hiiraan.

Ciidanka NISA oo la socday dhaq-Dhaqaaqa Horjoogeyaashan sare oo ka tirsan Khawaariijta kuwaas oo gaaray Deegaanka Buq-aqable, ayaa Weerar culus ku qaadey Goob ay abaabul ka wadeen, waxaana dhaawacyo halis ah lagu gaarsiiyay Cali Xuseen oo ah Horjoogaha Maleeshiyaadka Dhagarta fuliya ee Gobollada Dhexe, Mowliid Jiis oo ah Wakiilka Khawaarijta ee Degmada Buulo-burde, iyo Maxamed Hiiraan oo ah Wakiilka Khawaarijta Degmada Jalalaqsi.

Sidoo kale, howlgallo isxig-xigay ayaa lagu beegsaday Goobo ay Kooxdu ku diyaarinaysay Maleeshiyaad iyada oo halkaas lagu gubay ilaa Shan Baabuur oo seddex ka mid ah ay ahaayeen nooca BG loo yaqaano, kuwaas oo mid ka mid ah uu saarnaa Qoriga 39 (thirty-nine) ama lidka Diyaaradaha.

Howlgalladan qorsheysan waxa ay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda Khawaarijta, laguna fashilinayo abaabul kasta oo ay ku carqaladeynayaan Amniga iyo xasilloonida Dalka.

Fadlan Muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Khawaarijta Al-Shabaab/Daacish la wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454.

 

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY DHISMAHA CUSUB EE WASAARADDA DHALLINYARADA IYO CIYAARAHA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, taasi oo qayb ka ah dadaallada Dowladdu ay ku horumarinayso adeegyada dhalinyarada iyo kobcinta ciyaaraha dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda a yaa tilmaamay in dhismaha casriga ah ee Wassaaradda Dhallinyaradu uu ka qiimo badanyahay dhismeyaal badan oo dowladda lagu tabarucay, halkan kan lagu dhisay dhaqaale, aqoon iyo maskax dad soomaaliyeed, waxa uuna hoosta ka xariiqay in uu astaan u yahay mudnaanta ay dowladdu siinayso awood siinta dhallinyarada Soomaaliyeed, kuwaasi oo laf dhabar u ah horumarka, nabadda iyo mustaqbalka dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyay munaasabadda xarig-jarka ayaa sidoo kale, si qoto dheer uga hadlay guulaha ay dowladdu ka xaqiijisay dhinacyada amniga, dimuqraadiyeynta, hirgelinta doorashooyinka tooska ah, dhammaystirka Dastuurka iyo xoojinta dowladnimada.

Madaxweyaha ayaa tilmaamay in iyada oo laga duulayo ballamihii shacabka Soomaaliyeed laga qaaday, mudnaan gaar ah la siiyay dhammaystirka Dastuurka dalka, isla markaana ajendeyaasha dowladda Federaalka ay ku saleysnaan doonaan Dastuurka la ansixiyay, iyada oo xil-haynta hay’adaha dowladda, kala dambeynta awoodaha iyo habraacyada dowladeedba laga tixraacayo Dastuurka, si loo xaqiijiyo dowladnimo ku dhisan sharci, isla xisaabtan iyo matalaad dadweyne.

        

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Caddeysay in Dalka ay ka Dhacayso Doorasho Qof iyo Cod ah

Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyada oo fulinaysa waajibaadka dastuuriga ah ee ka saaran dhaqan-galinta doorasho Qof iyo cod ah oo muwaadiniinta fursad u siineysa in ay helaan xaqooda dastuuriga ah, Dawladdu waxa ay cadaynaysaa in Dalku uu galay xilligii loo guuri lahaa nidaam dimuquraaddi ah oo ka hana qaada dalka kuna dhisan mabda’a Qof iyo Cod.

Waxaa dedaaladaas bar-bar socday wada xaajoodyo joogto ah oo ay Dowladdu la yeelanaysay daneeyayaasha arrimaha Doorashooyinka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed si loo dhagaysto talooyinkooda.

Sadexdii Maalmood ee lasoo dhaafay, Dawladdu waxa ay wadahdallo la yeelatay qaar ka mid ah Xubnaha Mucaaradka ah kuwaas oo miiiska keenay aragtiyo ka hor imaanaya xuquuqda aas-aasiga ah ee Muwaadinka uu u leeyahay in uu wax doorto lana doorto.

Sidaas darteed, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay la wadaagaysaa Shacabka Soomaaliyeed in dalka ay ka qabsoomi doonto doorasho qof iyo cod ah, xor iyo xalaal ah, hufan, isla markaana waafaqsan Dastuurka, shuruucda dalka iyo Barnaamijka Siyaasadeed ee Dowladdu balanqaaday.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, sidii horayba ugu wadday, waxay mar kale adkeyneysaa in albaabka wada-xaajoodka iyo wadatashigu uu weli furan yahay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ka qaybgalay Aas Qaran oo loo sameeyay saraakiil shalay ku shahiidday dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, Mudane,Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ayaa ka qeybgalay Aas Qaran oo loo sameeyay saraakiishii geesiyaasha ahaa ee ku shahiiday dagaalkii shalay ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo ee kala ahaa Taliyaasha Guutooyinka 8-aad iyo 9-aad ee Ciidanka Xooga Dalka.

Munaasabadda aas-qaranka waxaa sidoo kale ka qeybgalay Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji, Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowlada Federaalka, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, saraakiisha ciidamada qalabka sida, waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo dhammaantood muujiyay murugada iyo tacsida ay la wadaagayaan qoysaska, ehelada iyo shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay in saraakiishii shahiiday ay naftooda u hureen difaaca shacabka iyo ilaalinta amniga deegaanada Koonfur Galbeed, isagoo ku tilmaamay halyeeyo qaran oo door weyn ka qaatay sugidda nabadda iyo xasilloonida.

Hoggaamiye Jibriil ayaa ciidamada ku bogaadiyay dadaalka joogtada ah ee ay ugu jiraan ciribtirka kooxaha nabad-diidka ah, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay garab istaagaan ciidamada amniga si loo xaqiijiyo amni iyo xasillooni waarta, Hoggaamiye Jibriil ayaa Alle uga baryey saraakiishii geeriyootay inuu janadii Firdowsa ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan eheladii iyo qarankaba.

Wasaaradda Gaashaandhigga oo ka hadashay howlgallo xalay ka dhacay duleedka Baydhabo

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan lagu beegsaday kooxo isugu jira Khawaarij iyo nabad-diid oo ku sugnaa duleedka Baydhabo.

Warka ayaa lagu yiri”Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay howlgal qorsheysan ka fuliyay duleedka magaalada Baydhabo, kaddib weerar gaadmo ah oo shalay subax ay kooxo nabad-diid ah iyo khawaarij wada socday ay kusoo qaadeen ciidan ku howlanaa sugidda amniga, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Howlgalka ayaa lagu dilay 50 xubnood oo isugu jiray Khawaarijta Al-Shabaab iyo malleeshiyaad hubeysan oo garab siinayay, Ciidanka ayaa sidoo kale burburiyay gaadiid dagaal iyo agab ciidan oo ay kooxuhu u adeegsanayeen abaabulka weerarro ka dhan ah Ciidanka Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaashaandhigga waxay caddeyneysaa in weerarkii gaadmada ahaa ay ku lug lahaayeen malleeshiyaad taabacsan Cabdicasiis Laftagareen, kuwaas oo si toos ah ugu milmay Khawaarijta Al-Shabaab.

Sheegashada weerarka ee Khawaarijta ayaa muujinaysa in malleeshiyaadkaas ay noqdeen garab u adeegaya argagixisada, isla markaana khatar ku ah amniga Qaranka iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed.

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS waxay tacsi u direysaa ehellada, qoysaska iyo guud ahaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ay ka shahiideen geesiyaashii naftooda u huray difaaca Qaranka intii uu socday weerarkii shalay.

Dowladdu waxay xaqiijineysaa in aysan marnaba u dulqaadan doonin cid kasta oo hub ama malleeshiyaad u adeegsata dano siyaasadeed, carqaladeynta amniga iyo in cid kasta oo gacan siisa Khawaarijta ama u noqota weji ay ku dhuuntaan laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan.

Soomaaliya dowladda Ruushka kala wareegtay shixnad gargaar raashin ah

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdifitaah Qaasim Maxamuud, oo uu wehliyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta gargaar raashin ah kala wareegay Safiirka Dowladda Ruushka u qaabilsan Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Mikhail Golovanov, oo booqasho shaqo ku jooga dalka.

Gargaarkan oo dhan 25 tan ayaa Dowladda Ruushka ugu deeqday shacabka Soomaaliyeed si wax looga qabto xaaladaha bini’aadannimo ee ka jira dalka, iyadoo lagu wareejiyay Hay’adda SoDMA oo hormuud ka ah gurmadka iyo maareynta musiibooyinka qaranka.

Dhankiisa Safiir Mikhail Golovanov ayaa sheegay in Dowladda Ruushka ay sii wadi doonto taageerada ay la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan xilliyada ay jiraan duruufaha bini’aadannimo iyo baahiyaha degdegga ah.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa bogaadiyay gargaarka la soo gaarsiiyay shacabka Soomaaliyeed, isagoo uga mahadceliyay Dowladda Ruushka taageerada joogtada ah iyo doorka ay ka qaadaneyso arrimaha bini’aadannimada iyo gurmadka dalka.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO UBAX DHIGAY TAALLADA SYL

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay munaasabad lagu xusayay 83-sano guurada kasoo wareegatay  aas-aaskii halyeeyadii xaq u dirirka ahaa ee Ururkii SYL iyo maalinta dhallinyarada soomaaliyeed ee 15-ka May ayaa ubax dhigay Taalada SYL, si loo maamuuso halgankii gobannimo-doonka Soomaaliyeed iyo doorkii taariikhiga ahaa ee dhalinyaradii Soomaaliyeed ay ku lahaayeen xoreynta dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in halyeeyadii dhallinyarada ahaa ee ku bahowday Ururkii SYL ay ahaayeen astaan mideysay shacabka Soomaaliyeed, isla markaana horseeday baraarug qaran oo saldhig u noqday helitaanka xorriyad dhammeystiran iyo dhismaha dowladnimo Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed in ay door muuqda ka qaataan difaaca iyo dib u dhiska dalka, ilaalinta qaranimada iyo horumarinta dowladnimada, isaga oo carrabka ku adkeeyay in jiilasha maanta jooga looga baahan yahay in ay la yimaadaan waddaniyaddii, midnimadii iyo himiladii ay ka tageen aas-aasayaashii SYL, si loo xaqiijiyo Soomaaliya nabad ah, horumarsan oo isku duuban.