Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo ka qaybgalay Madasha Isgaarsiinta Adduunka

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane, Mustafa Yaasin Sheekh, ayaa ka qeybgalay Madasha Caalamiga ah ee Hay’adaha Isgaarsiinta Adduunka (GSR-26).

Kulanka oo uu soo qabanqaabiyay Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah ayaa sanadkan ka dhacaya magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Shirweynaha sanadkan ayuu halku-dhiggiisu yahay “Hagidda Xudduudaha Dhijitaalka ah”, iyadoo diiradda la saarayo waddooyinka nidaaminta ee lagu gaari karo mustaqbal dhijitaal oo adkaysi leh oo loo dhan yahay.

Maareeyaha ayaa ayaa intii lagu guda jiray madasha ka qeyb galay dood-cilmiyeed heer sare ah oo ay isugu yimaadeen Madaxda Hay’adaha Isgaarsiinta Adduunka (Heads of Regulators’ Executive Roundtable), kaas oo ay madaxda hay’adahu kaga wada hadlayeen mudnaanta iyo caqabadaha waaweyn ee horyaalla qeybta dhijitaalka ah ee caalamka.

Kulanka ayaa loogu dooday horumarinta shuruucda isgaarsiinta ee ku dhisan habab tijaabo ah, waxaana ka qeyb galay madax ka socotay dalalka Koonfur Afrika, Poland, Sacuudi Carabiya iyo wakiil ka socday Golaha Dhaqaalaha Adduunka.

Maareeyaha ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay shuruudaha lagama maarmaanka u ah hirgelinta nidaamyada tijaabada xeer-nidaaminta, iskaashiga heer gobol ee adeegyada ka gudba xudduudaha sida internet-ka, dayax-gacmeedka, adeegyada maaliyadeed ee dhijitaalka ah iyo muhiimadda ay leedahay.

Wasiirka Caafimaadka oo kormeeray Isbitaalka guud ee magaalada Jowhar

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam oo uu wehliyo Wasiirka Caafimaadka Hirshabelle Saadaq Maxamed Maxamuud, Wasiirka Caafimaadka Koonfur-Galbeed Dr. Saciid Axmed Cali iyo mas’uulin kale ayaa kormeer ku tegay Isbitaalka weyn ee magaalada Jowhar, isaga oo u kuurgalay qeybaha kala duwan ee isbitaalka oo dib-u-dhis iyo dayactir ay ku sameysay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS.

Wasiirka ayaa intii uu ku guda jiray kormeerka, waxa uu indha-indheeyay qeybaha dib-u-habeynta lagu sameeyay oo ay kamid yihiin qeybaha bukaan-jiifka, hooyada iyo dhallaanka, sheybaarka, iyo adeegyada gurmadka degdegga ah.

Mas’uuliyiinta Isbitaalka ayaa sheegay in dib-u-dhiska lagu sameeyay Isbitaalka ay sare u qaadayso tayada adeegyada Caafimaad ee loo fidinayo bulshada ku nool magaalada Jowhar iyo deegaannada ku dhow.

Sidoo kale,Wasiirku wuxuu warbixin ka dhageystay maamulka iyo shaqaalaha Caafimaadka ee isbitaalka, kuwaas oo la wadaagay adeegga caafimaad ee ay u hayaan bulshada ku dhaqan guud ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe oo uu u adeego Isbitaalka.

Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS ayaa boggaadiyay dadaallada lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in bulshada ay helaan adeeg caafimaad oo tayo leh. Sidoo kale waxa uu dhiirrigeliyay shaqaalaha caafimaadka inay sii laba jibbaaraan adeegyada ay u hayaan shacabka.

      

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka qeyb galay Madasha KAZAN

Agaasimaha Dhaqanka iyo Cilmibaarista ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Aadan Cabdiqani Cawaale oo uu waheliyo Agaasimaha Xiriirka Dawlad goboleedyadda, Mudane Cabdiraxmaan Axmed Xuseen ayaa Maanta ka qaybgalay Shirka Wasiirrada Dhaqanka ee Dalalka Islaamka iyo Dowladda Federaalka Ruushka oo ka qabsoomay magaalada Kazan ee caasimadda Jamhuuriyadda Tatarstan ee Dalwaynaha Ruushka.

Shirkan oo qayb ka ah Madasha Kazan Forum oo soconaya 12-17 bishan May, ayaa waxaa ka soo qaybgalay Madaxwaynayaal, Wasiirro iyo wufuud ka kala socday dalalka Islaamka iyo Dowladda Federaalka Ruushka, iyadoo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhaqanka, ilaalinta hidaha iyo horumarinta diblomaasiyadda dhaqanka.

Mudane Aadan Cabdiqani Cawaale oo madasha ka jeediyay khudbada rasmiga ah ee Dawlada Soomaaliya ayaa ugu horrayn gaarsiiyay wasiirrada iyo ka qaybgalayaasha shirka salaam iyo tahniyad uu ka siday Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Cabdifataax Qaasim Maxamuud. Sidoo kale wuxuu si gaar ah salaan ugu gudbiyay Wasiirka Dhaqanka ee Dowladda Federaalka Ruushka, Marwo Olga Lyubimova.

Khudbaddiisa ayuu Agaasimuhu kaga hadlay muhiimadda uu dhaqanku u leeyahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah, nabad-dhiska iyo isfahamka bulshooyinka. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay iskaashi dhab ah oo ku saleysan is-qadarin, wadaag khibradeed iyo horumarinta diblomaasiyadda dhaqanka si loo xoojiyo xiriirka ka dhexeeya dalalka Islaamka iyo Dowladda Federaalka Ruushka.

Ugu dambeyn, wafdiga Soomaaliya ayaa muujiyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta iskaashiga dhaqanka, ilaalinta hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, iyadoo la xoojinayo xiriirka caalamiga ah ee ku dhisan dhaqanka iyo iskaashi waara.

         

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug

Dhuusamareeb-(Wargeyska Dalka)-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb.

Wafdiga uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka XDS  ayaa Garoonka Magaalada Dhuusamareeb waxaa kusoo dhaweeyay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka, oo uu hoggaaminayay Taliyaha Qeybta 21-aad ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ujeedka Safarka Taliyaha Ciidanka XDS ayaa daaran dardargelinta howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta iyo adkeynta Amniga Deegaannada Galmudug.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo ku dhawaqay Natiijada Doorashadii ka dhacday Dowlad Goboleedka KGS

Baydhabo-(Wargeyska Dalka)-Gudiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa ku dhawaqay Natiijada Doorashada Qof iyo Codka ah ee Golaha Wakiillada , taas oo Bishan 10 keedii ka dhacday 13 Degmo .

Tirada wadarta codeysay ayaa ahayd 132,430 Qof, iyadoo kuraasta lagu tartamay ay tahay 95, sida uu sheegay Guddoomiyaha Guddiga Cabdikariin Axmed Xasan oo ku dhawaaqay Natiijada.

Urur Siyaasadeedyada galay kaalimaha hore ayaa waxaa ka mid ah, Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka JSP oo helay 51 kursi, Ururka  NPU oo helay 14, ururka Karaama 11, ururka SINCAD 6, Ururka TIIR 3, Waaberi 1 ,Madalsan 1, Talo Qaran,1, Muwaaddiniinta Soomaaliyeed,1, Ramaas, 1, Towfiiq 4,Saab,1, halka kuwa Kalena aysan waxba helin, waxaanay ahayd tirada guud ee codeysay 128,276 Qof.

Doorashadii Todobaadkaan ka dhacday Koofur Galbeed waxaa ka qeyb galay 32 Urur Siyasadeed oo 12 ka mid ah ay heleen 95 kursi, kuwaas oo dhawaan dooran doona Hoggaamiyaha Maamulka Konfur Galbeed.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabbilay Danjiraha Cusub ee Dowladda Jabuuti u fadhiya Dalka Soomaaliya

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali, ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Danjire Danjiraha Cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Mudane Col. Cismaan Dhoobad Suugoole, isagoo ka gudoomay Warqadaha Aqoonsiga Diblomaasiyadeed.

Kadib Markii uu Wasiirka Ka Gudoomay Danjiraha Warqadaha Aqoonsiga ayaa waxa ay yeesheen Kulan looga hadlay xiriirka Walaaltinimo ee Xooggan kaas oo ka  dhexeey Dowladdaha  Soomaaliya iyo Jabuuti, iyadoo diiradda lagu saaray xoojinta Iskaashiga laba geesoodka ah, xasilloonida Gobolka, iyo danaha wadajirka ah ee Geeska Afrika.

Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamse Cabdi Barre oo isku beddelay Agaasimayaal

Muqdisho –(Wargeyska Dalka)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay Agaasimeyaasha Guud ee qaar ka mid ah Wasaaradaha Xukuumadda Dan Qaran si loo dardargaliyo hawlihii socday.

Mudane Xamsa oo cuskanaya Qodobada 119-aad, farqada (D) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay Agaasimeyaasha hoos ku xusan.

1- Mudane Dr Cabdinaafic Axmed Cabdullaahi

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka .

2- Mudane Ibraahim Aadan Ibraahim

Agaasimaha Guud ee Shaqaalaha iyo Taakuleynta Wasaaradda Gaashaandhigga.

Urur Siyaasadeedka Talo Qarano o bogaadiyay Doorashooyinka ka dhacay Koofur Galbeed

Baydhabo-(Wargeyska Dalka)-Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Dhallinyarada Tala Qaran, Cabduwali Cusmaan Cabdi ayaa bogaadiyay sida habsamida leh ee ay u dhaceen Doorashooyinka isku sidkanaa ee  lagu qabtay Magaalada Baydhabo iyo guud ahaan Degaannada Koofur Galbeed.

”  Konfur Galbeed waxaa ka dhacday Doorasho Xor iyo Xalaal ah, waxaana ku Mahadsan Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya iyo Dowladiisa”.

Guddoomiyaha ayaa ammaanay sida ay Ciidamada kala duwan ee Qaranka u sugeen Amniga Goobaha Codbixinta, howsha baaxadda leh ee ay qabteen Guddiiga Doorashooyinka iyo sida ay Shacabka ugu bisil yihiin in ay Gacantooda ku ciil baxaan kuna doortaan cidda ay rabaan.

Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Dhallinyarada Tala Qaran, Cabduwali Cusmaan Cabdi ayaa sheegay in ay ku kalsoon yihiin natiijada kasoo baxda Guddiiga Doorashooyinka Qaranka maaddaama ay Sanaadiiqda cod bixintu u korjoogteynayeen Wakiillo ka socda Ururkooda.

Mudane, Cabduwali Cusmaan ayaa Madaxda Qaran ee uu u horreeyo Madaxweyne Xasan Sheekh ku bogaadiyayhirgelinta Doorashooyinka Cod iyo Qofka ah, isagoo dhanka kalana Hoggaamiyeyaasha Mucaaradka ugu baaqay in ay Xisbiyo furtaan oo ay aaminaan Horumarka ka socda Dalka.

Taliyaha Ciidanka XDS oo guddoomiyey Shir Amni oo ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Dowlad Goboleedka KGS

Baydhabo (Wargeyska Dalka): Taliyaha Ciidanka XDS S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, oo uu wehliyo Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa Shir-guddoomiyay Shir Amni oo muhiim ah oo ka dhacay Caasimadda ku -meel gaarka ah  Dowlad Goboleedka KGS ee Magaalada Baydhabo.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ee ka howlgala Magaalada Baydhabo, waxaana si qoto dheer looga wada hadlay xaaladda Amni ee magaalada, caqabadaha jira, iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta Hay’adaha Amniga si loo xaqiijiyo Nabadgelyada Magaalada.

Intii uu socday kulanka, Taliyaha ayaa faray Saraakiisha in la dardargaliyo dadaallada lagu sugayo Amniga, lana xoojiyo isku dubbaridka howlgalada si looga hortago khataraha Amni ee jira.

      

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo Bulshada la wadaagtay Go’aan muhiim ah

Muqdisho (Wargeyska Dalka): Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya waxa ay ku Wargelinaysaa Muwaadiniinta Soomaaliyeed in laga bilaabo 1-da bisha Luulyo 2026, Qof aan haysan Kaarka Aqoonsiga Qaranka (NIRA) ama Shahaadada lagu sugto Kaarka Aqoonsiga (NIRA) uusan codsan karin Baasaboorka Soomaaliya.