Dhuusamareeb-(Wargeyska Dalka)-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb.
Wafdiga uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka XDS ayaa Garoonka Magaalada Dhuusamareeb waxaa kusoo dhaweeyay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka, oo uu hoggaaminayay Taliyaha Qeybta 21-aad ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Ujeedka Safarka Taliyaha Ciidanka XDS ayaa daaran dardargelinta howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta iyo adkeynta Amniga Deegaannada Galmudug.

