Agaasimaha Dhaqanka iyo Cilmibaarista ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Aadan Cabdiqani Cawaale oo uu waheliyo Agaasimaha Xiriirka Dawlad goboleedyadda, Mudane Cabdiraxmaan Axmed Xuseen ayaa Maanta ka qaybgalay Shirka Wasiirrada Dhaqanka ee Dalalka Islaamka iyo Dowladda Federaalka Ruushka oo ka qabsoomay magaalada Kazan ee caasimadda Jamhuuriyadda Tatarstan ee Dalwaynaha Ruushka.
Shirkan oo qayb ka ah Madasha Kazan Forum oo soconaya 12-17 bishan May, ayaa waxaa ka soo qaybgalay Madaxwaynayaal, Wasiirro iyo wufuud ka kala socday dalalka Islaamka iyo Dowladda Federaalka Ruushka, iyadoo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhaqanka, ilaalinta hidaha iyo horumarinta diblomaasiyadda dhaqanka.
Mudane Aadan Cabdiqani Cawaale oo madasha ka jeediyay khudbada rasmiga ah ee Dawlada Soomaaliya ayaa ugu horrayn gaarsiiyay wasiirrada iyo ka qaybgalayaasha shirka salaam iyo tahniyad uu ka siday Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Cabdifataax Qaasim Maxamuud. Sidoo kale wuxuu si gaar ah salaan ugu gudbiyay Wasiirka Dhaqanka ee Dowladda Federaalka Ruushka, Marwo Olga Lyubimova.
Khudbaddiisa ayuu Agaasimuhu kaga hadlay muhiimadda uu dhaqanku u leeyahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah, nabad-dhiska iyo isfahamka bulshooyinka. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay iskaashi dhab ah oo ku saleysan is-qadarin, wadaag khibradeed iyo horumarinta diblomaasiyadda dhaqanka si loo xoojiyo xiriirka ka dhexeeya dalalka Islaamka iyo Dowladda Federaalka Ruushka.
Ugu dambeyn, wafdiga Soomaaliya ayaa muujiyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta iskaashiga dhaqanka, ilaalinta hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, iyadoo la xoojinayo xiriirka caalamiga ah ee ku dhisan dhaqanka iyo iskaashi waara.


