Madaxwaynaha Algeria oo qaabilay wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane  Cali Yuusuf Cali  Xoosh oo isaga iyo wafdigiisa ay booqasho rasmi ah kujoogaan dalka Algeria ayaa maanta la kulmay Madaxweynaha Algeria mudane Cabdimajiid Tabuun, iyaga oo ka wada hadlay; xiriirka taariikhiga ah ee labada dal walaalaha ah, iskaashiga iyo guud ahaan danaha labada dhinac.

Inta uu kulanku socday, Wasiir Cali Xoosh ayaa madaxweyne Cabdimajiid guddoonsiyey barqiyad gaar ah uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ah ee Soomaaliya mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo sidoo kale uga warbixiyey heerka iyo horumarada laga gaaray hortabinnada qaran iyo guud ahaan dedaallada dowladda Federalka ah Soomaaliya ee dhinacyada dimuqraadiyeynta, dib-u-heshiisiinta, dhismaha dowladnimada, dib-u-habaynta maamulka, xasilinta dalka iyo dib-u-soo kabashada deegaannada laga xoreeyay kooxaha argagixisada.

Kulankan uu sidoo kale qeyb ka ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaasi ayaa ugu dambeyntii Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya mudane Cali Xoosh wuxuu madaxweyne Cabdimajiid uga mahadceliyey martiqaadka iyo martigelinta qiimaha badan iyada sidoo kale dhanka Algeria ay kulanka goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin sare sida; Mudane Ibraahiim Muraad oo Wasiirka dowlaha dowladaha hoose, mudane Axmed Cadhaaf oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda, mudane Saciid Sactuun Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Cammaar Ciba oo ah lataliye sare ee madaxweynaha ee dhanka Diblomaasiyadda.

   

Hantidhowraha Guud oo Nairobi ka furay shirka 4aad ee guddiga hagidda Mashruuca EU SFA TA

Hantidhowraha Guud ee JFS Mudane Axmed Ciise Guutaale ayaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ka daah-furay Shirkii 4aad ee Guddiga Hagidda Mashruuca EU SFA TA.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday natiijo wanaagsan oo ku aaddan in la sii wado dadaallada lagu xoojinayo daahfurnaanta, isla-xisaabtanka, iyo hufnaanta maamulka maaliyadda guud ee Soomaaliyata isla-xisaabtanka maaliyadeed ee Soomaaliya.

Shirka ayaa si guud loogu falanqeeyey horumarka mashruuca, caqabadaha jira, iyo meelaha u baahan in la sii xoojiyo. Waxaa sidoo kale looga hadlay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta ka dhexeysa hay’adaha Hantidhowrka Guud ee dalka iyo bahwadaagta taageerta hufnaanta maamulka maaliyadda guud.

Hantidhowraha Guud ayaa bogaadiyey taageerada Midowga Yurub ee ku aaddan dhismaha awoodda hay’adaha Hantidhowrka Guud. Waxa uu tilmaamay in wada-shaqeynta heer federaal iyo heer dowlad goboleed ay muhiim u tahay dhismaha hannaan baariseed oo xirfad ku dhisan, madax-bannaan, kana qayb qaata ilaalinta kheyraadka guud.

   

Ciidamada Danab ee XDS oo Horjooge iyo Maleeshiyaad Khawaarij ah ku Dilay howlgal ka dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa sida gaar ah u tababaran ee Danab ayaa howlgal saqdhexe ah waxay xalay ka fuliyeen Deegaanka Gamboole ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasi oo loogu daatay Goob ay kooxda Nabad-diidka ku ciqaabi jireen , dhibna ugu gaysan jireen Dadka Shacabka ah ee Soomaaliyeed.

Saraakiisha hoggaamisay howlgalkan gaarka ahaa ayaa sheegay inay ku guuleysteen in la qaarajiyo Horjoogihii Khawaarijta ee goobtan la beegsaday iyo 4 Xubnood oo isaga Ilaalidiisa ahaa, halka guud ahaan la burburiyey Goobtii Shacabka ay ku ciqaabi-jireen.

Sidoo kale, inta howlgalku socday, Ciidamada Kumaandooska Danab ayaa soo badbaadiyey, xorriyadoodiina inay dib helaan ku guuleystay Shacabkii Soomaaliyeed ee dhibaatada iyo ciqaabta lagu haayey.

Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay dhamaan Hubkii Maleeshiyaadka ay Dadka ku dhibaatayn jireen ee Deegaanka Gamboole, waxayna ka furteen 4 Qori oo AK47 ah iyo hal PKM ah.

Saraakiisha hoggaaminaysay ayaa Warbaahinta Ciidamada Xoogga Dalka u xaqiijiyey in howlgalkan u dhacay sidii loogu tagalay, kaasi oo ka qeyb ah howlgalo gaar ah oo lagu burburinayo Goobaha ay gabbaadka ka dhigtaan kooxaha Naflacaariga ah ee Khawaarijta.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XJFS oo kormeeray qeybaha kala duwan ee Wasaaradda Warfaafinta

Muqdisho, Soomaaliya, 13 May 2026: Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ayaa Maanta kormeeray qeybaha kala duwan iyo waaxyaha Wasaaradda, isagoo u kuurgalay habsami u socodka Shaqada iyo Adeegyada ay Bulshada u hayaan.

Mudane Cabdifitaax Qaasim ayaa intii uu kormeerkiisa ku gudajiray, waxaaa uu warbixino ku saabsan Shaqooyinka socda ka dhegeystay Agaasimayaasha ,Madaxda qeybaha waaxyaha, iyo Howl-wadeennada Wasaaradda, isagoo ku booriyay dadaalka iyo Shaqada muhiimka ah ee ay u hayaan Qaranka..

Wasiirka ayaa si gaar ah u adkeeyay muhiimadda Wasaaraddu u leedahay Horumarinta Warbaaihinta, mideynta fariimaha Dowladda, wacyigelinta Bulshada, ilaalinta Dhaqanka Soomaaliyeed iyo Horumarinta Dalxiiska Dalka.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa si weyn u bogaadiyay Kooxihii Warbaahinta iyo tebinta Doorashooyinka Qof iyo Codka ah ee dhowaan ka dhacay Deegaannada Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, isaga oo ku tilmaamay shaqadooda mid xirfadeysan, Geesinnimo leh oo door muhiim ah ka qaadatay in Bulshada Soomaaliyeed iyo caalamkuba si hufan ula socdaan habsami u socodka codeynta Dadweynaha ee Doorashooyinkii dhacay 10-kii May.

Wasiir Cabdifitaax Qaasim ayaa sheegay in uu dhegeystay xaaladda shaqo ee Wasaaradda uuna diiradda saari doono dardar galinta Shaqada iyo Horumarinta xaaladda Shaqada Waaxyaha

    

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Magaalada Baydhabo kulan kula yeeshay Hoggaamiyaha KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa kulan looga hadlayo Adkeynta & xaqiijinta Amniga Magaalada Baydhabo la yeeshay Hogaamiyaha Ku meel gaarka ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji.
Kulanka ayaa ahaa mid looga hadlayay Dardargalinta Howlgalada ka dhan ah Nabadiidka iyo adkeynta Amniga Magaalada Baydhabo.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa Degaanada Koonfurgalbeed ka wada sidii loo dardargalin lahaa howlgal ka dhan ah maleyshiyaadka nafla caariga ah ee Nabadiidka.
Geesiyaasha CXDS ayaa mudooyinkii u dambeyay waxa ay howlgal lagu baacsanayo Nabadiidka ka wada Degaanada Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya.
    

Wasaaradda Gaadiidka XJFS oo ka dalbaday isbedel muuqda dhammaan Hay’adaha ka shaqeeya Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadda ee Magaalada Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS Maxamed Faarax Nuux ayaa Digniin adag u diray Shirkadaha Diyaaradaha iyo Dhammaan Hay’adaha ka shaqeeya gudaha Garoonka Aadan Cabdulle, isagoo carrabka ku adkeeyey ilaalinta Xuquuqda Musaafiriinta, Nadaafadda, Bilicda iyo Sumcadda Garoonka Aadan Cadde oo ah wajiga koowaad ee Dalka.

Wasiirka oo raalligelin ka siiyey Shacabka Soomaaliyeed ee adeegsada Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, ayaa ka jawaabay ciladaha joogtada ee ku yimid adeegyadii Garoonka, isaga oo ka digay  in Shirkadaha Diyaaradaha ay ku tacaddiyaan Muwaadiniinta ay u adeegayaan.

Waxa uu ballan-qaaday in lala xisaabtami doono Shirkad kasta oo ku xad-gudubta Xuquuqda iyo adeegga ay u baahan yihiin musaafuriinta.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa shaaciyey in Shirkadda Favori loo qabtay muddo 7 Maalmood ah si ay u saxdo khaladaadka jira, kadib Shirar dhacay 5-tii iyo 6-dii Bishan May.

Wasaaradda ayaa sheegtay in ay qaadi doonto tallaabooyin Sharci ah oo deg deg ah haddii aan wax isbeddel ah lagu arag muddada loo qabtay.

   

 

 

Taliye Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo gaaray Magaalada Baydhabo Xarunta Dowladaa Goboleedka KGS

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa goordhaw gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Dowladda Goboleedka KGS.

Ujeedka Safarka Taliyaha Ciidanka XDS, Gen. Ibraahim Maxamed Maxamuud uu ku tagay Magaalada Baydhabo ayaa ahaa sidii loo dardargelin lahaa howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta, iyo adkeynta amniga Deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

       

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Magaalada Kampala kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Dalka Sacuudiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Magaalada Kampala ee Dalka Uganda kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Injineer Waleed bin Abdulkarim Al-Khereiji, si ay uga wada hadlaan xiriirka Walaaltinimo ee qotada dheer ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Labada dhinac ayaa sidoo kale is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladaha Gobolka, Amniga Badda, saamaynta ay carqaladaha ka jira Marin-Biyoodka  Hormuz ku leeyihiin Dalalka nugul ee ku tiirsan Ganacsiga, iyo sidii loo xoojin lahaa Iskaashiga dhinacyada la dagaallanka Argagixisada, Ganacsiga, iyo Iskaashiga Dhaqaale.

 

Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka, Dr Maryam Qaasim, ayaa maanta kulan la yeelatay Safiirka Midowga Yurub u fadhisa Soomaaliya, Marwo Francesca Di Mauro, oo ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga iyo wadashaqeynta labada dhinac ee Guddiga iyo Midowga Yurub.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray wadashaqeyn xooggan oo dhexmarta Guddiga iyo Midowga Yurub, gaar ahaan dhinacyada ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha, kobcinta awoodda shaqo ee Guddiga iyo Guud ahaan taageerada isla xisaabtanka, dowlad-wanaagga iyo ku dhaqanka sharciga.

  

Wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta oo xilka la wareegay

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud iyo Wasiirkii hore Mudane Daauud Aweys Jaamac.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, ayaa kula dardaarmay Wasiirka cusub, in uu la yimaado, hufnaan shaqo, isaga oo Alle uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyadda loo igmaday, isaga oo ku ammaanay Wasiirkii hore shaqadii wanaagsanayd ee uu soo qabtay muddadii uu joogay Wasaaradda.

Mudane Saalax, ayaa sheegay in Wasaaradda Warfaafinta kamid ah tahay hey’adaha muhiimka u ah shaqada Xukuumadda, isaga oo u mahadceliyay guud ahaan shaqaalaha Wasaaradda ee kaalinta weyn ka qaata shaqada Qaranka.