Maareeyaha Hay’adda NIRA oo Ivory coast uga qaybgalaya shirka ID4Africa

Abijdan: Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Maareeyaha Guud ee NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde), ayaa ka qeyb galay Shirka ID4Africa 2026 oo ka furmay magaalada Abidjan ee dalka Côte d’Ivoire. Wafdiga waxaa qeyb ka ah masuuliyiin ka socda NIRA, SPS, SBA iyo hay’ado kale oo dowladeed.

Shirka ayaa diiradda lagu saaraya hirgelinta nidaamyo dhijitaal ah, iyadoo ka qeyb-galka Soomaaliya uu muhiim u yahay horumarinta Aqoonsiga Qaranka, adeegyada dhijitaalka ah iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah.

  

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleemasaarka Madaxweynaha Uganda

Kampala: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu wehliyo Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta magaalada Kampala kaga qeybgalay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee Jamhuuriyadda Uganda, Mudane Yoweri Kaguta Museveni.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Madaxweyne Museveni ugu hambalyeeyay dib-u-doorashadiisa, isaga oo u rajeeyay shacabka iyo dowladda Uganda horumar, xasillooni iyo barwaaqo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Uganda soo dhoweynta diirran ee loo sameeyay wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo adkeeyay muhiimadda sii xoojinta xiriirka walaaltinimo, iskaashiga difaaca iyo amniga, iyo danaha istiraatiijiga ah ee labada dal. 

  

Agaasimaha SONNA oo shir caalami ah uga qaybgalaya Masar

Qaahira: Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, Mudane Ismaaciil Mukhtaar Cumar “Orojo”, ayaa Soomaaliya ku metelay Madasha Sare ee Koonfurta Adduunka ee Warbaahinta iyo Hay’adaha Fikradda, oo maanta ka furantay magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Madashan oo ay si wadajir ah u qabanqaabiyeen Wakaaladda Wararka Shiinaha ee Xinhua iyo Ururka Jaamacadda Carabta, ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin sare, diblomaasiyiin, khubaro warbaahineed iyo wakiillo ka socday dalalka Carabta iyo Shiinaha.

Munaasabadda furitaanka waxaa goob joog ka ahaa Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Mudane Axmed Aboul Gheit, Madaxweynaha Wakaaladda Wararka Xinhua Fu Hua, Safiirka Shiinaha ee Masar Liao Liqiang, iyo marti sharaf kale.

Ka qeybgalka Agaasime Oronjo ayaa muujinaya dadaalka Soomaaliya ay ugu jirto xoojinta doorkeeda warbaahineed ee caalamiga ah iyo ka mid noqoshada doodaha la xiriira horumarinta warbaahinta Koonfurta Adduunka.

Sidoo kale, madashan ayaa diiradda lagu saarayay hal-abuurka dijitaalka ah, isbeddellada tiknoolajiyadda saxaafadda, iyo sidii loo dhisi lahaa iskaashi warbaahineed oo casri ah. Dowladda Soomaaliya ayaa madasha ka faa’iideysaneysa is dhaafsiga khibradaha farsamo iyo xoojinta xiriirrada xirfadeed ee kor u qaadaya tayeynta warbaahinta qaranka.

Intii uu socday shirka, waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay nuqulka afka Carabiga ee buugga “Maamulka Shiinaha”, iyadoo la falanqeeyay warbixino ku saabsan fursadaha iskaashiga Carabta iyo Shiinaha, gaar ahaan doorka warbaahinta ee la tacaalidda caqabadaha caalamiga ah iyo dhiirrigelinta dheelitirka warbaahinta caalamka.

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK u fadhiya Soomaaliya

Muqdisho, Talaado, 12 Maajo 2026: — Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan Qasim, ayaa kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya, Charles King oo ay ka wada hadleen mudnaanta Arrimaha Xuquuqda Aadanaha, Horumarinta Hay’adda, iyo taageerada marxaladda Dhismaha ee Guddiga.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta Iskaashiga dhinacyada isla-xisaabtanka, ilaalinta qeybaha Bulshada Soomaaliyeed ee nugul, Xorriyadda hadalka iyo aragtida, iyo taageeridda dhismaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka si loo dhawro, loona Horumariyo Xuquuqda Aadanaha si waafaqsan Mabaadii’da Caalamiga ee Paris.

Dr Maryam Qasim ayaa soo dhaweysay wadashaqeynta iyo doorka UK ee ku aaddan xoojinta Arrimaha Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya, oo ay ku jirto taageerada lagu adkeynayo sarreynta Sharciga, isla-xisaabtanka, iyo ilaalinta Xuquuqda Aadanaha.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray Xarunta keydka Daawada

Muqdisho, Maajo 12, 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo uu weheliyo Danjiraha Dowladda Qatar Mudane Cabdalla Binu Saalim Al-Nuceymi, ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray Xarunta Keydka Daawada ee Gobolka Banaadir, taas oo loo dhisay si loo xoojiyo adeegyada Caafimaadka loona hagaajiyo nidaamka kaydinta iyo qaybinta Dawooyinka ee Caasimadda Muqdisho.
Agaasimaha Agaasinka Caafimaadka Gobolka Banaadir, Dr. Cabdiraxmaan Axmed Maxamuud, oo ugu horreyn ka hadlay Munaasabadda xarig-ka-jarka ayaa waxa uu sheegay in ay Xaruntani si weyn u fududeyn doonto helitaanka Daawooyin tayo leh oo si hufan loo gaarsiiyo Xarumaha Caafimaadka ee Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Dhankiisa, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Dr  Muungaab ayaa uga mahadceliyay Hay’adda Samafalka Qatar iyo Dowladda Qatar taageeradooda joogtada ah iyo doorka muuqda ee ay ka qaateen hirgelinta Mashruucan muhiimka ah, isagoo xusay in Xaruntani ay ka mid tahay tiirarka lagu horumarinayo adeegyada Caafimaadka ee Bulshada Caasimadda.
Sidoo kale, Danjiraha Dowladda Qatar, Mudane Cabdalla Binu Saalim Al-Nuceymi, oo Munaasabadda ka hadlay, ayaa xaqiijiyay in Dowladda Qatar ay sii wadi doonto taageerada istiraatiijiga ah ee ay ku bixiso mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa diiradda saaraya adeegyada aasaasiga ah ee Bulshada. Waxa uu xusay in iskaashiga sii xoogeysanaya ee labada Dal uu yahay mid saldhig u ah horumar waara, kobcinta adeegyada Bulshada, iyo dhismaha kaabeyaasha Nolosha ee Shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay Shirka heerkiisu sareeyo ee Afrika iyo Faransiiska oo ka dhacaya Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali oo matalaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeybgalaya Shir Madaxeedka Africa Forward Summit, oo qayb ka ah Shirka Horumarinta Iskaashiga Afrika iyo Faransiiska, kaas oo Maanta si rasmi ah uga furmay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.
Shirkaan heerkiisu sarreeyo ayaa waxaa ka qeyb galay Madax Dowladeed, Wasiirro, iyo Saraakiil sare, kuwaas oo ka wada hadlaya xoojinta Iskaashiga dhinacyada badan leh, dardargelinta dib u habeynta Hay’adaha Maamul ee Caalamiga ah, iyo Horumarinta nidaam Caalami ah oo loo dhan yahay, kaas oo xaqiijinaya matalaad Caddaalad ah oo ay helaan  Dalalka soo koraya ee Afrika .

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay Markab Shidaal iyo Badmaaxiin u dhashay Dalka Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa si kulul u cambaareeyay afduubka Markab Shidaal oo lagu qabsaday Xeebaha Dalka Yemen, kadibna loo soo watay dhanka Biyaha Soomaaliya, kaas oo ay saarnaayeen Badmaaxiin u dhashay Dalka Masar.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in falkaasi uu yahay dembi ka dhan ah Shuruucda iyo heshiisyada Caalamiga ah, gaar ahaan Xeerarka Caalamiga ah ee Badaha iyo Bini’aadannimada. Wuxuu tilmaamay in afduubkaasi uu khatar ku yahay Amniga iyo xasilloonida marinada Badeed ee Caalamka.

Sidoo kale, Al-Yamaaxi ayaa caddeeyay in Baarlamaanka Carabta uu si buuxda u garab taagan yahay Dowladda Masar, isla markaana uu taageersan yahay dadaallada ay waddo Qaahira ee lagu sii deynayo Badmaaxiinta la afduubtay si Nabad ah, looguna celiyo Dalkooda.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka inay qaadaan tallaabooyin adag oo looga hortagayo falalka afduubka Maraakiibta, kuwaas oo halis weyn ku ah Ganacsiga iyo isu socodka Maraakiibta Caalamiga ah.

La kulan Hirarka Badda Magaalada Baraawe iyo Da’yar soo dabata Quudka Maalinlaha

Xeebta magaalada Barawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa Subaxnimadii Maanta noqotay mid ku kulmisay Nolol ay ka muuqato Rajo iyo Dhaqdhaqaaq, iyadoo ay ka tarjumeysa halgan iyo rajo isku dhex jira ee nolosha Maalin laha ah.

Waxaa kuu muuqanaya Wiil yar oo Soomaaliyeed oo si Geesinimo leh ula tacaalaya Hirarka Badda si uu Nolol Maalmeed ugu raadsado Xeebta.

Wiilkan yar oo garanaya Qiimaha Nolosha ayaa Badda ka soo saaray Malaay, si uu ugu caawiyo Quudka Nolasha Reerkiisa. Dhiirranaanta iyo Geesinimada uu ku wajahayo Hirarka laba dhacaya ee Badda, waxay astaan u yihiin Carruur badan oo Soomaaliyeed oo Nolosha bartay iyaga oo weli yar.

“Inkastoo Hirarku xoog leeyihiin, haddana Rajadu way ka xoog badan tahay”, waa fariinta Wariyaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed Maxamed Cabdulqaadir Silver oo Sawiradan qaaday isaga oo  ku cabirayo sida ay Xaaladdu u ekeyd, isaga oo mar kale leh “Carruurnimo Baddu barbaarisay, Noloshuna bartay Masuuliyad”.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay in Badda ay tahay Il Nololeed iyo sidoo kale “Dugsi” Carruurta baraya dulqaadka iyo adkeysiga, iyadoo muuqaalka guud lagu soo koobi karo, in inkasta oo xaaladuhu adag yihiin—haddana rajadu weli tahay midaan gorgortan laga galin.

   

Hayadda SoDMA oo Gargaar Raashin ah u qaybisay 2,000 oo Qoys oo ku sugan Magaalada Baardheere

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, ayaa Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo waxa ay Shixnad Gargaar ah oo ka kooban qeybaha kale duwan ee Raashinka ugu qeybisay 2,000 oo Qoys oo ay saameeyeen Abaarihii dhawaan ka dhacay Dalka.

Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Dr. Axmed Cabdi ayaa Goobjoog ka ahaa qeybinta Deeqdaan Gargaar ee Qoysaskaan Dantayar loo qeybiyay, isaga oo sheegay in sii wadi doonto Hayadda SoDMA Gurmadka iyo Gargaarka la gaarsiinayo Deegaanada kale ee ay wali ka jirto saameynta Abaarta.

    

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeyb galay shir madaxeedka Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta ka qeyb galay kulanka heer wasiir ah oo looga hadlayay dib u habeynta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo isticmaalka awoodda diidmada qayaxan ee loo yaqaano (Veto), intii uu socday Shir madaxeedka Africa Forward ee ka dhacaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wasiirka waxaa kulanka ku wehlinayay Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Mudane Jibriil Ibraahim Cabdulle, iyo diblomaasiyiin kale oo sar sare.

Dowladda Soomaaliya ayaa markale caddeysay taageeradeeda ku aaddan dib u habeynta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay si loo helo matalaad juqraafiyeed oo cadaalad ah, isla markaana loo xoojiyo codka dalalka soo koraya, gaar ahaan kuwa Afrika.