Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa si kulul u cambaareeyay afduubka Markab Shidaal oo lagu qabsaday Xeebaha Dalka Yemen, kadibna loo soo watay dhanka Biyaha Soomaaliya, kaas oo ay saarnaayeen Badmaaxiin u dhashay Dalka Masar.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in falkaasi uu yahay dembi ka dhan ah Shuruucda iyo heshiisyada Caalamiga ah, gaar ahaan Xeerarka Caalamiga ah ee Badaha iyo Bini’aadannimada. Wuxuu tilmaamay in afduubkaasi uu khatar ku yahay Amniga iyo xasilloonida marinada Badeed ee Caalamka.
Sidoo kale, Al-Yamaaxi ayaa caddeeyay in Baarlamaanka Carabta uu si buuxda u garab taagan yahay Dowladda Masar, isla markaana uu taageersan yahay dadaallada ay waddo Qaahira ee lagu sii deynayo Badmaaxiinta la afduubtay si Nabad ah, looguna celiyo Dalkooda.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka inay qaadaan tallaabooyin adag oo looga hortagayo falalka afduubka Maraakiibta, kuwaas oo halis weyn ku ah Ganacsiga iyo isu socodka Maraakiibta Caalamiga ah.

