Xeebta magaalada Barawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa Subaxnimadii Maanta noqotay mid ku kulmisay Nolol ay ka muuqato Rajo iyo Dhaqdhaqaaq, iyadoo ay ka tarjumeysa halgan iyo rajo isku dhex jira ee nolosha Maalin laha ah.
Waxaa kuu muuqanaya Wiil yar oo Soomaaliyeed oo si Geesinimo leh ula tacaalaya Hirarka Badda si uu Nolol Maalmeed ugu raadsado Xeebta.
Wiilkan yar oo garanaya Qiimaha Nolosha ayaa Badda ka soo saaray Malaay, si uu ugu caawiyo Quudka Nolasha Reerkiisa. Dhiirranaanta iyo Geesinimada uu ku wajahayo Hirarka laba dhacaya ee Badda, waxay astaan u yihiin Carruur badan oo Soomaaliyeed oo Nolosha bartay iyaga oo weli yar.
“Inkastoo Hirarku xoog leeyihiin, haddana Rajadu way ka xoog badan tahay”, waa fariinta Wariyaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed Maxamed Cabdulqaadir Silver oo Sawiradan qaaday isaga oo ku cabirayo sida ay Xaaladdu u ekeyd, isaga oo mar kale leh “Carruurnimo Baddu barbaarisay, Noloshuna bartay Masuuliyad”.
Dadka Deegaanka ayaa sheegay in Badda ay tahay Il Nololeed iyo sidoo kale “Dugsi” Carruurta baraya dulqaadka iyo adkeysiga, iyadoo muuqaalka guud lagu soo koobi karo, in inkasta oo xaaladuhu adag yihiin—haddana rajadu weli tahay midaan gorgortan laga galin.


