Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay Shirka heerkiisu sareeyo ee Afrika iyo Faransiiska oo ka dhacaya Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali oo matalaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeybgalaya Shir Madaxeedka Africa Forward Summit, oo qayb ka ah Shirka Horumarinta Iskaashiga Afrika iyo Faransiiska, kaas oo Maanta si rasmi ah uga furmay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.
Shirkaan heerkiisu sarreeyo ayaa waxaa ka qeyb galay Madax Dowladeed, Wasiirro, iyo Saraakiil sare, kuwaas oo ka wada hadlaya xoojinta Iskaashiga dhinacyada badan leh, dardargelinta dib u habeynta Hay’adaha Maamul ee Caalamiga ah, iyo Horumarinta nidaam Caalami ah oo loo dhan yahay, kaas oo xaqiijinaya matalaad Caddaalad ah oo ay helaan  Dalalka soo koraya ee Afrika .