Tirinta cododka Doorashooyinka K/Galbeed oo la soo geba-gebeeyay

Screenshot

Guddiga Doorashooyika Qaranka ayaa ka faah-faahiyay warbixintii uga dambeysay ee tirinta codadkii doorashadii qof iyo codka ahayd ee xubnaha Golaha deegaanka iyo Golaha Wakiiladda maamulka Koonfur Galbeed ka qabsoontey 13-ka degmo ee maamulkaas.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariim Axmed Xasan ayaa shacabka Soomaaliyeed, Ururada siyaasadda, warbaahinta iyo dhammaan daneeyeyaasha Doorashooyinka la wadaagay in geeddi socodka tirinta , gudbinta iyo hubinta natiijada Doorashada isku sidkan ee Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed uu si habsami leh u socdo, iyadoo dhammaan howlahaas loo fulinayo sida waafaqsan sharciga Doorashooyinka qaranka.

” Guddigu wuxuu xaqiijinayaa in si waafaqsan qodobka 61-aad ee sharciga Doorashooyinka Qaranka in si rasmi loo soo geba-gebeeyay tirinta cododka goobaha codbixinta xalay, sidoo kale, xalay waxaa si biuxda loo soo geba-gebeeyay howlaha ku xusan qodobka 21-aad ee la xiriira sharciga ee soo xirista iyo soo geba-gebeynta tirinta goobaha codbixinta oo shacabka Dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed codkooda ka dhiibtaan.”.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa xaqiijiyay in la soo gudbiyay dhammaan goobaha cobixinta, islamarkaana guddiga waajibaadkooda sharciga ka gudanayaan.

Wasiirka Arimaha Dibadda oo Nairobi uga qaybgalay shir madaxeedka Africa Forward

Nairobi: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta ka qeyb galay kulanka heer wasiir ah oo looga hadlayay dib u habeynta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo isticmaalka awoodda diidmada qayaxan ee loo yaqaano (Veto), intii uu socday Shir madaxeedka Africa Forward ee ka dhacaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wasiirka waxaa kulanka ku wehlinayay Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Mudane Jibriil Ibraahim Cabdulle, iyo diblomaasiyiin kale oo sar sare.

Dowladda Soomaaliya ayaa markale caddeysay taageeradeeda ku aaddan dib u habeynta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay si loo helo matalaad juqraafiyeed oo cadaalad ah, isla markaana loo xoojiyo codka dalalka soo koraya, gaar ahaan kuwa Afrika.

 

   

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay Dhiggiisa Dalka Algeria

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Cali Yuusuf (Cali Xoosh) oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Algeria ayaa kulan la yeeshay dhiggiisa dalkaasi Saciid Sacyuud oo ay wehliyaan Taliyaha Guud ee Amniga Qaranka dalka Aljeeriya Badaawi iyo Safiirka cusub ee dowlada Aljeeriya usoo magacaawday Soomaaliya Danjire Maxamed Calim, sidoo kale waxaa kulanka qeyb ka ahaa Safiirka JFS dalka Aljeeriya Danjire Yuusuf Axmed Xasan ( Yusuf Jeego).

Wada hadallada labada Wasiir ee Soomaaliya iyo Algeria ayaa diiradda lagu saaray, xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, la dagaallanka argagixisada, dib-u-heshiisiinta, xasilloonida, dowlad-dhiska heer deegaan iyo horumarinta hay’adaha dowladda.

Labada dhinac ayaa mar kale adkeeyay xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Algeria, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga iyo is-weydaarsiga khibradaha si loo taageero nabadda, xasilloonida iyo dhismaha dowladnimada labada dal.

        

Madaxweynaha JFS oo gaaray Uganda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kampala ee Jamhuuriyadda Uganda, halkaas oo uu kaga qayb galayo munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha la doortay ee dalkaasi, Mudane Yoweri Kaguta Museveni.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Qasriga Madaxtooyada kula kulmay dhiggiisa Uganda, iyagoo ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka, iskaashiga amniga labada dal, waxaana Madaxweynuhu ugu hambalyeeyay dib u doorashadiisa.

  

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee BJFS oo lagu dhaariyay Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska

Muqdisho(Wargeyska Dalka);- Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana Shir guddoomineysay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.

Ajendaha kulanka oo ahaa Dhaarinta Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, ayaa Garsoore Cabdiqafaar Xuseen Isaaq oo ka socday Maxkamadda sare ee Dalka, sidoo kalena Wakiil ka ah Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka ayaa dhaariyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud.

      

Wafdi uu Hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS oo Gaaray Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamul Goboleedka Hir-Shabeele

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wafdi Ballaaran oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada Dalka, kana kooban masuuliyiin heerar kala duwan ah, ayaa Maanta gaaray Magaalada Jowhar ee Xaasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Wafdigan waxaa hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, waxaana si diirran loogu soo dhaweeyay Magaalada.

Ujeeddada Wafdigan ayaa ah ka qeybgalka Shirka Wadatashiga Caafimaadka Dalka oo si rasmi ah berri uga furmi doona Magaalada Jowhar. Shirkan ayaa lagu falanqeyn doonaa Arrimo muhiim u ah Horumarinta Adeegyada Caafimaadka Soomaaliya, iyadoo xoogga la saarayo xoojinta wada shaqeynta u dhexeysa Wasaaradda Caafimaadka Federaalka iyo Wasaaradaha Dowlad Goboleedyada.

Sidoo kale, Shirkan waxaa diiradda lagu saari doonaa tayeynta Adeegyada Caafimaadka Bulshada, dardargelinta qorshayaasha Caafimaadka Qaranka, iyo sidii Shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen Adeegyo Caafimaad oo tayo leh isla markaana loo wada siman yahay.
Inta uu Shirku socdo, Masuuliyiinta ayaa sidoo kale ka doodi doona Caqabadaha ka jira Caafimaadka Dalka, qorsheyaasha cusub ee lagu horumarinayo Adeegyada Aas-aasiga ah, iyo kor u qaadista Caafimaadka Guud ee Bulshada Soomaaliyeed.

Waxaa la filayaa in Shirka laga soo saaro go’aanno iyo talooyin muhiim ah oo wax weyn ka tari doona horumarinta nidaamka Caafimaadka Dalka iyo tayeynta Adeegyada loo fidiyo Shacabka Soomaaliyeed.

    

 

Dibadbax lagu taageerayo Dowladda iyo Doorashooyinka Qof iyo Codka ah oo dhacay Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Shacabka Degmada Kaaraan ayaa Xaafadda Mirinaayo ku qabtay Dibadbax ballaaran oo lagu taageerayay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hirgelinta Doorashooyinka Qof iyo Codka ah ee Dalka ka socda.

Dibadbaxan oo ay ka qeyb galeen Boqolaal Qof oo ka tirsan Bulshada Degmada ayaa Shacabka waxay Dowladda uga mahadceliyeen dadaallada ay ku bixineyso Sugidda Amniga, xalinta Arrimaha Dhulka iyo dardargelinta nidaamka Dimuqraadiyadda ee ku saleysan Doorashooyinka Qof iyo Codka ah.

Ka qeybgalayaasha Banaanbaxa ayaa sheegay in Degmada ay haatan ka jirto xaalad Amni oo wanaagsan, iyagoo xusay in aysan aqbali doonin cid kasta oo isku dayda inay qalqal geliso Amniga ama ay iska horkeento Shacabka iyo Dowladda.

Shacabka Dibadbaxa dhigayay ayaa sidoo kale muujiyay Taageeradooda ku aaddan geeddi-socodka Doorashooyinka, iyagoo ku baaqay in la sii xoojiyo Nabadda, Wadajirka Bulshada iyo Horumarka Dalka.

Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya (WARBIXIN)

Kumannaan qof oo Shacabka ah oo ku nool Deegaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Shalay u dareeray Goobaha Codbixinta Doorashada Wakiillada iyo Golayaasha Degaanka, waxayna Doorashooyinkan ay ka qabsoomeen 13 Degmo oo ka kala tirsan Gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose. Doorashadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu hirgelinayo nidaamka Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka Qof iyo Codka ah ee Dalka, iyadoo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan uu Magaalada Baydhabo si rasmi ah uga daah-furay Goobaha Codbixinta Doorashooyinka isku sidkan ee Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Markii ay inta badan Goobihii Codeynta Degmooyinka Koonfur Galbeed ay soo gabagaboobeen, ayaa durbadiiba waxaa la bilaabay tirinta Cododka, waxayna Tirinta Codadku u socotaa si daah furan, iyadoo Goob walba ay ku sugan yihiin Wakiillo ka socda Ururrada Doorashada Qof iyo Codka ah ee ku tartamayaan, waxaana Warqad walba ee lagu codeeyay la tusayo Wakiillada, marka Sanduuqa laga soo bixiyo, si ay u ogaadaan codkaas cida ku guuleysatay.

Wararka la helayo Goobaha Tirinta codadka ay ka socoto ayaa tibaaxaya in ay socon doontaa Tirinta Cododka ilaa Maanta gelinka dambe, waxaana natiijada la filayaa in lagu dhawaaqo 24 saac kadib xiliga Doorashada la soo gabagabeeyo, waxaana uu ugu dambeyntii Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan Faahfaahin ka bixiyay Doorsahada Shalay ka dhacday Deegaanada kala duwan ee Koonfur Galbeed, wuxuuna caddeeyay in Shacabka ku nool 13-ka Degmo oo ka tirsan Koonfur Galbeed ay Shalay Aroortii u dareereen in ay Codkooda ka dhiibtaan Doorashooyinka tooska ah.

” Walaalayaal Maanta oo Bishu May tahay 10 2026, Maamulka Koonfur Galbeed waxaa ka dhacay Doorashooyinkii Isa-saarnaa oo waqti badan la sugayay, Saakay marka ay noo ahayd 6-dii  Subaxnimo Goobaha Doorashada furmeyn, waxayna xirmeyn 6-da Maqribnimo, codeynta waa soo idlaadeen marka hal goob laga reebo, waxaanna socota Tirinta Cododka, waa Alle mahaddiis seddex Gobol oo Maamulka Koonfur Galbeed ka kooban yahay ( Shabeellaha hoose, Baay & Bakool), in ay Maanta ka dhacday Doorasho Isa-saaran oo Golaha Wakiillada ah, 60-sanno ku dhowaad kama dhicin Doorasho noocaan oo kale,”.

Guddoomiyaha,ayaa sheegay in Shacabka iyaga oo cidna ka cabsaneyn Safaf dhaadheer u galeen codeynta Doorashada, xitaa waxaa qeyb ka ahaa Dadka baahiyaha gaarka ah qaba oo u adkeysanayay Cadceedda, si ay u doortaan mas’uuliyiintooda. Hay’adaha Amniga ayuu ku bogaadiyay sida hufan ee ay u sugeen Amniga Goobaha Doorashooyinka ka dhacayeen iyo Dadka ka qeyb galayay, wuxuunna ku tilmaamay Geesiyaal u taagan difaaca Dalka iyo Dadka Soomaaliya, ugu dambeyntii waxa uu hoosta ka xariiqay in Doorashada Koonfur Galbeed ka dib, u jiheysanayaan Maamullada Hirshabeelle, Galmudug iyo Jubbaland, halkaas oo ay ka qabanayaan Doorashooyinka Qof iyo Codka ah ee ujeedkeedu yahay in Shacabka Tallada loo dhoweeyo.

Ra’iisul-Wasaaraha Xukuumadda Federaaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay sameyneyso Horumar la taaban karo, iyada oo Dowladdu ay xoogga saartay dib-u-dhiska Hay’adaha, xoojinta Amniga, Horumarinta Dhaqaalaha, ballaarinta Adeegyada Bulshada iyo dardargelinta hannaan Dimuqraadiyadeed loo dhan yahay, wuxuuna xusay in Dowladda Soomaaliya ay qorshaynaso in Dalka laga hirgaliyo Doorashooyin Qof iyo Cod ah, si Shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah ugu doortaan Hoggaankooda, isaga oo tilmaamay in Madaxda Dowladda ay ka go’antahay Wadatashi iyo is-Afgarad lagu xoojinayo Amniga iyo Midnimada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Xamsa ayaa hadlkaasi a jeediyay  Munaasabadda Xuska Maalinta Yurub (Europe Day) ayaa ku bogaadiyey Midowga Yurub iyo Dowladaha Xubnaha ka ah doorkooda ku aaddan taageerada Soomaaliya.

“ 13-degmo oo ka ka mid ah Dowlad Gobolleedkaas ayaa Saakay waxay u dhaqaaqeen in ay Codkooda dhiibtaan oo ay doortaan Dowladaha Hoose iyo Koonsalada Degmooyinka iyo Wakiillada Dowlad Goboleedka intaba, waxaa Illaah mahaddii ah saacaddan aan idin la hadlayo oo Maalintii ay gebo-gebo joogto in wax dhibaato ah iyo wax culeysyo ah ama dhib ah oo dhacay aanay jirin, Dadkana ilaa Saakay Safaf dhaadheer u taagan yihiin in ay Codkooda dhiibtaan, Dad Waayeel, Dad baahiyo gaarka ah qabo iyo Dhallinyaro ay taagan yihiin oo ay Codkooda dhiibanayaan,’’, sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay Doorashooyinka Qofka iyo Codka ah ee Shalay looga dareeray Deegaannada Koonfur Galbeed, kuwaas oo cabiraya ra’yigooda iyo cidda ay rabbaan in ay Hoggaamiso, wuxuuna Hambalyo u diray guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Shacabka ku nool Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed oo Taariikh iyo bog cusub u furay Soomaaliya, wuxuuna Khudbad uu jeediyay ku soo hadal qaaday Magaalada Muqdisho iyo Bannaanbaxyada rabshadaha watay ee Siyaasiyiinta qaar ku Owr-kacsanayeen Shacabka, isagoo Madaxweynaha Su’aal geliyay sababta Bannaanbaxa loogu soo aaddiyay, iyadoo meelo ka mid ah Dalka ay ka dhacayaan Doorashooyin toos ah iyo sababta loogu soo beegay iyadoo Dowladda Federaalka ay ku baaqday Shir hordhac ah oo wada-xaajood ah in la isugu yimaado.

“Waxaan Hambalyo iyo boggaadin aan la soo koobi karin u dirayaa Shacabka Sharafta badan ee Degmooyinka Koonfur Galbeed ee sida Nabdoon Maanta Codkooda u dhiibtay si ay usoo doortaan Golayaasha Deegaanka iyo Wakiilada. In Shacabka doortaan Wakiiladooda waa Xuquuq Dastuuri ah oo ay muddo dheer kadib dib u heleen iyo riyo xaqiiqowday”, sidaasina waxaa Bartiisa Bulshada ku qoray Riisul-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre.

Shalay Dadweynaha reer Koonfur Galbeed waxay u tahay Maalin togan, oo ku suntan Taariikhdooda Dowladnimada. Doorasho Qof iyo Cod ah, oo halmar ka dhacday 13 Degmo oo ka kala tirsan 3 Gobol ee kala ah:- Baay, Bakol iyo Shabeelada Hoose, si Nabad ahna ku soo idlaata waa arrin mudan boggaadin, waxaana la tilmaammayaa Goobihii Shalay laga codeeyay ayaa waxaa laga xusi karaa, magaalooyinka Baydhabo, Xudur, Waajid, Ceelbarde, Marko, Baraawe, Afgooye, Buur-Hakaba, Wanlaweyn, Awdheegle, Bardaale, Diinsoor iyo Qansaxdheere.

By. C/laahi Ruush

Wasiirka Cadaaladda oo ka hadlay Guulaha DFS ay ka gaartay Dimuqraadiyeynta iyo dib-u-habeynta Garsoorka Dalka

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, oo ka qeyb galay kulan laba geesood ah oo dhexmaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Safiirrada Dalalka Midowga Yurub ee taageera Dalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray Arrimaha Amniga, dhammaystirka Dastuurka Dalka, doorashooyinka Qof iyo Cod ee ka socda Dalka, Horumarka Dhaqaalaha iyo dib-u-habeynta Dowladnimada.

Wasiirka ayaa khudbad uu ka jeediyay kulanka ku faahfaahiyay Horumarka ay Dowladda Soomaaliya ka sameysay dhameystirka dastuurka, Dimuqraadiyeynta, dib-u-habeynta Garsoorka iyo xoojinta Dowladnimada ku dhisan nidaamka Sharciga.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii waddo dadaallada lagu horumarinayo Hay’adaha Garsoorka iyo hirgelinta hannaan Dimuqraadi ah oo Shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah uga qeyb qaadanayaan.

Ugu dambeyn, Wasiir Xasan Macallin Maxamuud ayaa bogaadiyay taageerada Midowga Yurub ee dhinacyada Dowlad-dhiska, Horumarinta Hay’adaha Garsoorka iyo geeddi-socodka Dimuqraadiyeynta Soomaaliya.

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ka warbixiyay Doorashooyinka K/Galbeed

Screenshot

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan ayaa Faahfaahin ka bixiyay doorsahada maanta ka dhacday deegaanada kala duwan ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiye Cabdikariim ayaa caddeeyay in shacabka 13-degmo oo ka tirsan Koonfur Galbeed ay saakay aroortii u dareereen in ay codkooda ka dhiibtaan doorashooyinka tooska ah.

” Walaalayaal maanta oo bishu May tahay 10 2026, maamulka Koonfur Galbeed waxaa ka dhacay Doorashooyinkii isa-saarnaa oo waqti badan la sugayay, saakay marka ay noo ahayd 12-ka subaxnimo goobaha Doorashada furmeyn, waxayna xirmeyn 6-da maqribnimo, codeynta waa soo idlaadeen marka hal goob laga reebo, waxaanna socota tirinta cododka, waa Alle mahaddiis saddex gobol oo maamulka Koonfur Galbeed ka kooban yahay ( Shabeellaha hoose, Baay & Bakool), in ay maanta ka dhacday Doorasho isa-saaran oo golaha wakiillada ah, 60-sanno ku dhowaad kama dhicin doorasho noocaan oo kale,”.

Guddoomiyaha,ayaa sheegay in shacabka iyaga oo cidna ka cabsaneyn safaf dhaadheer u galeen codeynta Doorashada, xitaa waxaa qeyb ka ahaa dadka baahiyaha gaarka ah qaba oo u adkeysanayay cadceedda si ay u doortaan mas’uuliyiintooda.

Hay’adaha amniga ayuu ku bogaadiyay sida hufan ee ay u sugeen amniga goobaha doorashooyinka ka dhacayeen iyo dadka ka qeyb galayay, wuxuunna ku tilmaamay geesiyaal u taagan difaaca dalka iyo dadka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariim Axmed Xassan ayaa hoosta ka xariiqay in doorashada Koonfur Galbeed ka dib, u jiheysanayaan maamullada Hirshabeelle, Galmudug iyo Jubbaland, halkaas oo ay ka qabanayaan Doorashooyinka qof iyo codka ah ee ujeedkeedu yahay in shacabka tallada loo dhoweeyo.