𝐑W 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb galay munaasabadda xuska Maalinta Yurub (Europe Day) ayaa ku bogaadiyey Midowga Yurub iyo dowladaha xubnaha ka ah doorkooda ku aaddan taageerada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Midowga Yurub uu Soomaaliya garab taagnaa xilliyadii ugu adkaa, gaar ahaan taageerada dhinacyada bani’aadannimada, dib-u-dhiska dowladnimada, horumarinta hay’adaha dowladda, amniga iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha oo ay door weyn ka qaateen horumarkiisa.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay sameyneyso horumar la taaban karo, iyada oo dowladdu ay xoogga saartay dib-u-dhiska hay’adaha, xoojinta amniga, horumarinta dhaqaalaha, ballaarinta adeegyada bulshada iyo dardargelinta hannaan dimuqraadiyadeed loo dhan yahay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay qorshaynaso in dalka laga hirgaliyo doorashooyin qof iyo cod ah si shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah ugu doortaan hoggaankooda, isaga oo tilmaamay in madaxda dowladda ay ka go’antahay wadatashi iyo is-afgarad lagu xoojinayo amniga iyo midnimada Qaranka Soomaaliyeed.

Ugu dambayn Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada siyaasadda in ay k qeyb qaataan wadatashiyada qaran ee dowladdu u fidisay, iyada oo la ilaalinayo danta Qaranka iyo wadajirka Shacabka Soomaaliyeed.

“Marxaladdan muhiimka u ah dhismaha Qaranka, waxa uu dalkeennu u baahanyahay wadatashi iyo wada-shaqayn wax dhisaysa ee ma aha jahwareer siyaasadeed, xalal waara ee ma aha khilaaf aan dhammaad lahayn, midnimo iyo ummad wadajir ah ee ma aha kala qeybinta bulshada”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
                 

Madaxweynaha JFS oo ka hadli doona arrimo ahmiyad leh oo ku aaddan xaaladda Guud ee Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow dadka soomaaliyeed la wadaagi doona hadaljeedin ku saabsan xaalada guud ee dalka.

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa diiradda ku saari doonaa arrimaha doorashooyinka Qof iyo Cod ee sida nabadda ah saaka looga dareeray deegaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, xaalada magaalada Muqdisho iyo Gogosha wadatashiga ah ee dowladdu u fidisay Siyaasiyiinta.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka oo shir guddoomiyay kulan u dhexeeyey Dowladda iyo Safiirrada dalalka Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta shir guddoomiyay kulan laba geesood ah oo u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Safiirrada dalalka Midowga Yurub ee Soomaaliya taageera.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha amniga, doorashooyinka tooska ah ee ka socda dalka iyo horumarka dhinaca dhaqaalaha iyo sidii Midawga Yurub u sii xoojin lahaa taageerada nidaamka dowladeed ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa sheegay in qeybo kamid ah dalka maanta looga dareeray doorashooyin toos ah oo isku sidkan, kuwaas oo shacabka reer Koonfur Galbeed ay ku dooranayaan hoggaankooda, taas oo muujinaysa horumarka ay Soomaaliya ka sameyneyso dimuqraadiyeynta iyo xaqiijinta hannaan doorasho oo loo dhan yahay.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sidoo kale uga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, dowlad-dhiska, horumarinta dhaqaalaha, iyo geeddi-socodka dimuqraadiyadda.

 

        

Shacabka Koonfur Galbeed oo saakay u dareeray doorashooyinka qof iyo codka ah

Degaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed waxaa si rasmi ah saakay uga bilowday doorashooyinka isku sidkan ee Golaha Wakiillada iyo Golaha Deegaanka.

Dadweynaha ku nool Koonfur Galbeed ayaa saakay si weyn ugu dareeray goobaha codbixinta ee loo asteeyay doorashada.

Doorashadan ayaa ka dhacaysa 13 degmo oo ka kala tirsan gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Golaha Wakiillada
15 Urur Siyaasadeed
394 Musharrax,322 Rag ah,72 Dumar ah

Golaha Deegaanka

18 Urur Siyaasadeed
13 Degmo
1,297 Musharrax
1,022 Rag ah
275 Dumar ah

Cumar Abubakar Cumar (Cadaani), oo xubin ka ah Guddiga Doorashooyinka Qaranka, ayaa sheegay in dhammaan goobihii loo asteeyay codeynta ee degmada Afgooye ay si habsami leh uga socoto doorashadu.

Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada degmada Buurhakaba Cabdi Maxamed Xaaji oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa yiri:- “Doorashadu waxay u socotaa si caddaalad ah, bulshada codkooda dhiibanayane amaankooda si wamaagsan ayaa loo sugay.”

Guddoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin Axmed ayaa warbaahinta Qaranka la hadlay isaga oo ku jira safka codbixiyaasha ayaa dhankiisa sheegay si habsami leh ay u socoto codeynta shacabka degmada xudur.

Wariyeyaasha Warbaahinta Qaranka ee ku sugan dhammaan degaannada ay doorashadu ka socoto ayaa soo sheegaya in si habsami leh uga bilaabatay goobaha qaar doorashada isku sidkan ee Wakiillada iyo Golaha Deegaanka,shacabkana ay u dareeren sidii ay codkooda u dhiiban la hayeen.

Shacabka reer Koonfur Galbeed ayaa maanta qoraya taariikh cusub, iyadoo muddo ka badan 57 sano kadib markii ugu horreysay ay si toos ah uga qeybgalayaan doorasho qof iyo cod ah, si ay u doortaan hoggaanka ay doonayaan.

 

      

SAWIRRO:-Diyaar garowga doorashooyinka qof iyo cod ee gobolka Bakool

Shacabka deegaannada Koonfur Galbeed ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta loo asteeyay, si ay uga qayb galaan doorashada golayaasha deegaanka iyo tan wakiillada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO SAWIRRADA HORDHACA U AH DIYAAR GAROWGA DOORASHADA QOF IYO COD EE DEGMADA WAAJID EE GOBOLKA BALOOL;-

 

 

    

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo wargelin iyo digniin amni soo saaray

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan Booliiska Gobolka Banaadir ayaa wargelin iyo digniin amni ka soo saaray bannaan baxa ka dhacaya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, qoraal Taliska Booliiska ka soo baxay ayaa u dhignaa sidan;-
“WARGELIN & DIGINIIN AMNI

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan Booliiska Gobolka Banaadir, waxay bulshada ku nool Caasimadda Muqdisho ku wargelinayaan in maalinta berri ah aan la oggolaan doonin bannaanbaxyo hubeysan, falal rabshado wata, iyo isu-soo-bax kasta oo khatar gelin kara amniga iyo xasilloonida Caasimadda.

Hay’adaha Ammaanka waxay caddeynayaan in kaliya la oggol yahay isu-soo-bax nabadeed oo waafaqsan sharciga dalka iyo nidaamyada amniga, kaas oo loo asteeyay inuu ka qabsoomo EGN Yariisoow, Sidoo kale, lama oggola in lagu dhex qaato hub, abaabul rabshado, ama falal qalqal gelin kara shacabka.

Shacabka waxaa lagu adkeynayaa inay ka fogaadaan kooxaha iyo shaqsiyaadka ku howlan hurinta rabshadaha iyo falalka lidka ku ah amniga guud.

Ciidanka Ammaanka waxay tallaabo adag ka qaadi doonaan cid kasta oo lagu helo falal sharci-darro ah ama ku lug lahaanshaha

Ugu dambeyn, shacabka Soomaaliyeed waxaa loogu baaqayaa inay la shaqeeyaan Hay’adaha Ammaanka si loo ilaaliyo nabadda, deganaanshaha, iyo Xasiloonida Caasimadda Muqdisho.”

Macallin Mahdi” Shacabka Muqdiaho waxaan leeyahay guryihiina jooga, kuwa buuqa wada bannaanbax uma socdaan”

Screenshot

Kulan lagu taageeray amniga caasimadda iyo dowlad-dhiska ayaa galabta lagu qabtay magaalada Muqdisho, kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii la isaga kaashan lahaa sugidda amniga caasimadda iyo in laga hortago dadka falalka amni-daro wada.

Taliyaha qeybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir Korneyl Macallin Mahdi Cumar ayaa shacabka magaalada Muqdisho ugu baaqay in ay guryahooda joogaan, islamarkaana qeyb ka noqon kuwa buuqa abuuraya.

“Shacabka Muqdisho waxaan leeyahay guryihiina jooga, kuwa buuqa abuuraya banaanbax uma socdaan ee waxay kicinayaan fowdo, kamana yeeli doono.”

Maxaad ka taqaan Weriyaasha warbaahinta qaranka ee ka soo waramaya Dooraahada K/Galbeed?

Waa 18 kamid ah Weriyaasha Warbaahinta Qaranka ee berri doorashooyinka Koonfur Galbeed ka soo waramaya, waxay kala joogaan 13 degmo oo berri looga dareerayo doorasho qof iyo cod ah oo dadweynaha reer Koonfur Galbeed ay ku soo dooranayaan wakiilladooda heer degmo iyo heer dowlad goboleed.

Warbaahinta Qaranka ayaa si weyn ugu diyaar-garowday soo tebinta doorashada Koonfur Galbeed oo ah mid taariikhi ah, lana qorsheynayo in dalka oo dhan ay ka dhacdo toddobaadyada iyo bilaha soo socda — Lasoco berri tebinnadeena tooska ah.

Madaxweyne JFS” Waxaan ku boorinayaa shacabka K/Galbeed in ay si wanaagsan uga faa’ideystaan fursaddan dahabiga ah”

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo saaray farriin ku saabsan doorashada berri ka dhacaysa deegaanada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa yiri, “Waxaan ku bogaadinayaa qaybaha kala duwan ee shacabka Koonfur Galbeed sida ilbaxnimada iyo nabaddu ay saldhigga u tahay ee ay u gudanayaan waajibaadkooda dastuuriga ah iyo kan muwaadinnimo ee kaga aaddan ka qaybgalka doorashooyinka tooska ah.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa reer Koonfur Galbeed ku amaanay sida ay diyaarka ugu yihiin inay dhinacooda ka qoraan taariikhda dahabiga ee qormaysa, iyagoo xaqiijinaya helitaanka xuquudooda dastuuriga ah.

“Waxaan ku boorinayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaannada Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed in ay si wanaagsan ugu faa’iideystaan fursaddan dahabiga ah, ayna codkooda ku muujiyaan rabitaankooda, si nabad ah oo xor iyo xalaal ah,” ayuu farriintiisa ku yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ciidamada Booliiska Galmudug oo isku diyaarinaya sugidda amniga Doorashooyinka

Taliye xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Cusmaan Cabdulaahi Maxamed (Kaniif) oo uu Wehliyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Dowlad Goboleedka Galmudug G/Sare Maxamed Daahir Cabdulle ayaa Maanta gaarey Magaalada Samareeb ee Xarunta u ah Dowlad Goboleedka Galmudug

Taliyaha Iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey Sarakiisha iyo Ciidanka Boliiska dowlad Goboleedka Galmudug

Socdaalka Taliye xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa u jeedadiisu tahay Kormeerka Xaalada Ciidanka Boliiska Dowlad Goboleedka Galmudug iyo sidii ay Ciidanka Booliiska ugu diyaar Garoobi lahaayeen Sugida Amniga doorashooyinka la filaayo in dhwaan ay ka bilowdaan Dowlad Goboleedka Galmudug