Shacabka Koonfur Galbeed oo saakay u dareeray doorashooyinka qof iyo codka ah

Degaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed waxaa si rasmi ah saakay uga bilowday doorashooyinka isku sidkan ee Golaha Wakiillada iyo Golaha Deegaanka.

Dadweynaha ku nool Koonfur Galbeed ayaa saakay si weyn ugu dareeray goobaha codbixinta ee loo asteeyay doorashada.

Doorashadan ayaa ka dhacaysa 13 degmo oo ka kala tirsan gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Golaha Wakiillada
15 Urur Siyaasadeed
394 Musharrax,322 Rag ah,72 Dumar ah

Golaha Deegaanka

18 Urur Siyaasadeed
13 Degmo
1,297 Musharrax
1,022 Rag ah
275 Dumar ah

Cumar Abubakar Cumar (Cadaani), oo xubin ka ah Guddiga Doorashooyinka Qaranka, ayaa sheegay in dhammaan goobihii loo asteeyay codeynta ee degmada Afgooye ay si habsami leh uga socoto doorashadu.

Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada degmada Buurhakaba Cabdi Maxamed Xaaji oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa yiri:- “Doorashadu waxay u socotaa si caddaalad ah, bulshada codkooda dhiibanayane amaankooda si wamaagsan ayaa loo sugay.”

Guddoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin Axmed ayaa warbaahinta Qaranka la hadlay isaga oo ku jira safka codbixiyaasha ayaa dhankiisa sheegay si habsami leh ay u socoto codeynta shacabka degmada xudur.

Wariyeyaasha Warbaahinta Qaranka ee ku sugan dhammaan degaannada ay doorashadu ka socoto ayaa soo sheegaya in si habsami leh uga bilaabatay goobaha qaar doorashada isku sidkan ee Wakiillada iyo Golaha Deegaanka,shacabkana ay u dareeren sidii ay codkooda u dhiiban la hayeen.

Shacabka reer Koonfur Galbeed ayaa maanta qoraya taariikh cusub, iyadoo muddo ka badan 57 sano kadib markii ugu horreysay ay si toos ah uga qeybgalayaan doorasho qof iyo cod ah, si ay u doortaan hoggaanka ay doonayaan.