Macallin Mahdi” Shacabka Muqdiaho waxaan leeyahay guryihiina jooga, kuwa buuqa wada bannaanbax uma socdaan”

Screenshot

Kulan lagu taageeray amniga caasimadda iyo dowlad-dhiska ayaa galabta lagu qabtay magaalada Muqdisho, kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii la isaga kaashan lahaa sugidda amniga caasimadda iyo in laga hortago dadka falalka amni-daro wada.

Taliyaha qeybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir Korneyl Macallin Mahdi Cumar ayaa shacabka magaalada Muqdisho ugu baaqay in ay guryahooda joogaan, islamarkaana qeyb ka noqon kuwa buuqa abuuraya.

“Shacabka Muqdisho waxaan leeyahay guryihiina jooga, kuwa buuqa abuuraya banaanbax uma socdaan ee waxay kicinayaan fowdo, kamana yeeli doono.”

Maxaad ka taqaan Weriyaasha warbaahinta qaranka ee ka soo waramaya Dooraahada K/Galbeed?

Waa 18 kamid ah Weriyaasha Warbaahinta Qaranka ee berri doorashooyinka Koonfur Galbeed ka soo waramaya, waxay kala joogaan 13 degmo oo berri looga dareerayo doorasho qof iyo cod ah oo dadweynaha reer Koonfur Galbeed ay ku soo dooranayaan wakiilladooda heer degmo iyo heer dowlad goboleed.

Warbaahinta Qaranka ayaa si weyn ugu diyaar-garowday soo tebinta doorashada Koonfur Galbeed oo ah mid taariikhi ah, lana qorsheynayo in dalka oo dhan ay ka dhacdo toddobaadyada iyo bilaha soo socda — Lasoco berri tebinnadeena tooska ah.

Madaxweyne JFS” Waxaan ku boorinayaa shacabka K/Galbeed in ay si wanaagsan uga faa’ideystaan fursaddan dahabiga ah”

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo saaray farriin ku saabsan doorashada berri ka dhacaysa deegaanada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa yiri, “Waxaan ku bogaadinayaa qaybaha kala duwan ee shacabka Koonfur Galbeed sida ilbaxnimada iyo nabaddu ay saldhigga u tahay ee ay u gudanayaan waajibaadkooda dastuuriga ah iyo kan muwaadinnimo ee kaga aaddan ka qaybgalka doorashooyinka tooska ah.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa reer Koonfur Galbeed ku amaanay sida ay diyaarka ugu yihiin inay dhinacooda ka qoraan taariikhda dahabiga ee qormaysa, iyagoo xaqiijinaya helitaanka xuquudooda dastuuriga ah.

“Waxaan ku boorinayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaannada Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed in ay si wanaagsan ugu faa’iideystaan fursaddan dahabiga ah, ayna codkooda ku muujiyaan rabitaankooda, si nabad ah oo xor iyo xalaal ah,” ayuu farriintiisa ku yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ciidamada Booliiska Galmudug oo isku diyaarinaya sugidda amniga Doorashooyinka

Taliye xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Cusmaan Cabdulaahi Maxamed (Kaniif) oo uu Wehliyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Dowlad Goboleedka Galmudug G/Sare Maxamed Daahir Cabdulle ayaa Maanta gaarey Magaalada Samareeb ee Xarunta u ah Dowlad Goboleedka Galmudug

Taliyaha Iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey Sarakiisha iyo Ciidanka Boliiska dowlad Goboleedka Galmudug

Socdaalka Taliye xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa u jeedadiisu tahay Kormeerka Xaalada Ciidanka Boliiska Dowlad Goboleedka Galmudug iyo sidii ay Ciidanka Booliiska ugu diyaar Garoobi lahaayeen Sugida Amniga doorashooyinka la filaayo in dhwaan ay ka bilowdaan Dowlad Goboleedka Galmudug

                      

Adeegyadii caafimaad deegaannada laga xoreeyay Khawaarijta oo la soo celinayo

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo sii wada gurmadka iyo taakuleynta shacabka ku nool deegaannada laga xoreeyay Khawaarijta ayaa maanta dhakhaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad oo ka socda Hoggaanka Caafimaadka ee Taliska Taakuleynta u diray deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Kooxda caafimaadka ayaa bulshada deegaanka u sameeyay baaritaanno iyo daaweyn lacag la’aan ah, kadib markii cadowga Khawaarijta ah ay burburiyeen adeegyadii iyo kaabayaashii caafimaadka ee deegaankaas.

Muqdisho,(SONNA):- Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka caafimaad ee laga fuliyey deegaanka Mubaarak ayaa sheegay in Taliska Ciidanka XDS uu markasta garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed, isla markaana uu ka qeyb qaadanayo dib u soo kabashada adeegyada aas-aasiga ah ee ay burburiyeen kooxaha argagixisada ah.

Sidoo kale, Taliska Ciidanka XDS ayaa hore adeegyo caafimaad uga fuliyay deegaannada Sabiid, iyo Caanoole, Bariire iyo Awdheegle, halkaas oo shacabka deegaanka loogu sameeyay baaritaanno iyo daaweyn kala duwan.

       

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka oo gaaray Jowhar

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa gaaray magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka HirShabeelle.

Ujeedka Safarka Taliyaha ayaa daaran u kuur-gelidda xaaladaha amni ee deegaanada maamulkaas iyo dhiiragalinta geesiyaasha Xoogga Dalka ee isku furay wadada dheer ee xariirisa Muqdisho illaa Jowhar.

        

Wasiir Fartaag” Dowladdu ma aqbaleyso in lagu xadgudbo amniga caasimadda

Screenshot

Shir Jiraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag, Guddooomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed Asad Diyaano iyo Saraakiil kale oo ka tirsan hay’adaha amniga ayaa looga hadlay adkeynta amniga Muqdisho iyo habraacyo amni oo la doonayo in ay raacaan dadka bannaanbaxa dhigaya.

Wasiirka Amniga XFS Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag ayaa shirka jiraa’id ku sheegay in aysan Dowladdu aqbaleyn in lagu xadgudbo amniga caasimadda.

“Dowladdu ma aqbaleyso in lagu xadgudbo amniga Caasimadda Muqdisho, ciddii banaanbax qabsaneysa waa inay raacdo tilmaamaha uu soo jeediyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.”

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen ( Muungaab) ayaa tilmaamay in maamul ahaan ogol-yihiin in bannaanbaxa lagu qabto garoonka kubadda cagta Injineer Yariisow, halkaas oo ay dadka bannaanbaxaya amnigooda ilaalinaya ciidamada amniga.

“Banaanbaxa waxaan ogolnahay in lagu qabto garoonka Injineer Yariisow, amnigana dowladda ayaa sugi doonta, majirto qof wax fowdo ah sameyn karta.”

Hay’adaha amniga ee Dalka ayaa ka digay in dadka bannaanbaxaya ku soo dhex dhuuntaan maleeshiyaad ku kaca falal lid ku ah amniga, taas oo ciidamada amniga ka feejigan yihiin.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay Caleema-Saarka Madaxweynaha Dalka Jabuuti

Jabuuti,(Wargeyska Dalka):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay Munaasabadda Caleemo-Saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, taasi oo ka dhacday Magaalada Jabuuti ee Caasimadda Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweynaha oo ka mid ahaa madaxda Dalalka Gobolka, Hoggaamiyeyaal Caalami ah iyo Wufuud heer sare ah oo lagu casuumay Munaasabadda ayaa Hambalyo iyo bogaadin u diray Madaxweynaha iyo Shacabka Jabuuti, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga Walaaltinimo ee u dhexeeya labada Dal ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyey in Soomaaliya ay ka go’an tahay sii xoojinta xiriirka siyaasadeed, Amni, Dhaqaale iyo iskaashiga Gobolka, si loo xaqiijiyo Nabad, Horumar iyo xasillooni waarta oo ka hanaqaadda Geeska Afrika.

           

Guddiga Doorashooyinka oo soo saaray go’aanno ku aaddan sida ay u dhaceyso Doorashada Dowladda Goboleed KGS

Muqdisho(Wargeykska dalka):-Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa soo saaray go’aanno ku aaddan sida ay u dhaceyso doorashada la filayo in ay ka dhacdo degaannada Koonfur Galbeed ee qof iyo codka ah.

Hoos ka Aqriso qoraalka Guddiga

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre oo la kulmay Danjiraha Dawladda Qatar u qaabilsan Dalka Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dawladda Qatar u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Dr. Abdullah bin Salem Al-Nuaimi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada Dal ee walaalaha ah.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Safiirka la-wadaagay dadaallada Dowladda Soomaaliya ee dhinacyada Amniga, Siyaasadda iyo dib-u-dhiska Dalka iyo Qorshaha Xukuumadda DanQaran ee ku aaddan hirgalinta Doorashooyin Dadweyne oo ka qabsoonta Dalka.

Mudane Xamsa, ayaa uga mahadceliyey Dawladda iyo Shacabka Qatar taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kaabayaasha horumarineed iyo garab istaagga Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo bogaadiyey doorka ay ka qaadato Dawladda Qatar, Amniga iyo Gargaarka Bini’aadantinimo.

Danjire Abdullah bin Salem, ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, qaabilaaddiisa, isaga oo xusay in Dowladda Qatar ay garab taagantahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Midnimadeeda iyo Wadajirkeeda iyo xoojinta iskaashiga buuxa ee ka dhexeeya labada Dal.