Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre oo la kulmay Danjiraha Dawladda Qatar u qaabilsan Dalka Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dawladda Qatar u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Dr. Abdullah bin Salem Al-Nuaimi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada Dal ee walaalaha ah.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Safiirka la-wadaagay dadaallada Dowladda Soomaaliya ee dhinacyada Amniga, Siyaasadda iyo dib-u-dhiska Dalka iyo Qorshaha Xukuumadda DanQaran ee ku aaddan hirgalinta Doorashooyin Dadweyne oo ka qabsoonta Dalka.

Mudane Xamsa, ayaa uga mahadceliyey Dawladda iyo Shacabka Qatar taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kaabayaasha horumarineed iyo garab istaagga Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo bogaadiyey doorka ay ka qaadato Dawladda Qatar, Amniga iyo Gargaarka Bini’aadantinimo.

Danjire Abdullah bin Salem, ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, qaabilaaddiisa, isaga oo xusay in Dowladda Qatar ay garab taagantahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Midnimadeeda iyo Wadajirkeeda iyo xoojinta iskaashiga buuxa ee ka dhexeeya labada Dal.

      

Cabdi Mursal: “Waxaan ahay 70 jir, Doorashada Dadweynaha waxay ii horseedday rajo iyo Mustaqbal ifaya”

Degaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Berri oo ay Taariikhdu ku beegan tahay 10-ka May lagu wadaa inay ka qabsoonto Doorashooyinka isku sidkan ee Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada. Doorashooyinkan ayaa ka dhici doona 13 degmo oo ka kala tirsan Gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka ayaa ku sugan Goobaha Doorashada, iyagoo si toos ah u soo tabin doona habsami u socodka Doorashooyinka inta ay socdaan.

Shacabka ku nool Deegaannada Koonfur Galbeed ayaa si weyn u soo dhaweeyay Doorashadan, iyagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo horseedi karta horumar, matalaad iyo mustaqbal wanaagsan.

Cabdi Mursal oo ah odey 70 jir ah ayaa sheegay in Doorashada Dadweynuhu ay rajo cusub gelisay Bulshada, isagoo yiri: “Waxaan ahay 70 jir, Doorashada Dadweynaha waxay ii horseedday rajo iyo mustaqbal ifaya.”

Sidoo kale, Hooyo Wacan oo kamid ah Dadka isku diyaariyay codbixinta ayaa muujisay farxaddeeda, iyadoo tiri: “Berri haddii Alle idmo, kaarkan aan sito ayaan ku codayn doonaa anigoo xambaarsan Cunugayga.”

𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐎𝐁𝐎𝐋𝐊𝐀 𝐁𝐀𝐍𝐀𝐀𝐃𝐈𝐑 𝐎𝐎 𝐒𝐇𝐈𝐑-𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐄𝐘 𝐊𝐔𝐋𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐀𝐌𝐍𝐈𝐆𝐀 𝐂𝐀𝐀𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃𝐃𝐀

𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨(Wargeyska Dalka):-: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa caawa shir-guddoomiyey kulanka amniga caasimadda oo diiradda lagu saaray dardargelinta hawlaha lagu xaqiijinayo amniga caasimadda, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo maamullada degmooyinka, ka hortagga falalka Amni-darrada iyo Burcadda abaabulan ee dhibaateeya xasilloonida Shacabka.

Kulanka ayaa sidoo kale loogu hadlay adkeynta iyo hogaansamidda amarkii kasoo baxay Duqa Magaalada Muqdisho ee ahaa in la hakiyay dhammaan hawlaha fulinta, baneynta iyo jid-u-furista dhulka ee ka socday Magaalada Muqdisho, iyadoona shirka lagu adkeeyay sii joogteynta qorshayaasha wadajirka ah ee lagu xaqiijinayo amniga iyo difaaca shacabka ku nool caasimadda iyo deegaannada ku xeeran, si loo ilaaliyo koboca iyo horumarka Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa hoosta ka xarriiqay in sugidda amniga iyo xasilloonida Muqdisho ay laf-dhabar u tahay horumarka caasimadda iyo guud ahaan dalka, isaga oo faray mas’uuliyiinta iyo hay’adaha amniga in la sii laba-laabo dadaallada lagu ilaalinayo nabadda iyo badqabka bulshada.

Shirka waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Md. Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) Taliyaha qeybta Guud ee Booliska G/Banaadir G/sare Mahdi Cumar Muumin, Taliyaha Nabadsugidda G/Banaadir Korneel Liibaan Cabdiraxmaan Aadan, Taliyaha Ciidanka Booliisiya Milataariya Korneel Aadan Jeelle Faarax, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo taliyeyaasha Saldhigyada Booliska iyo Nabad-sugidda Degmooyinka Gobolka Banaadir.

       

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo Tababar u soo xiray howl-wadeennada ka shaqeyn doona Doorashada Dowlad Goboleedka K/Galbeed

Muqdisho (Wargeyska Dalka):-Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, oo uu wehlinayay Xoghayaha Guud ee Guddiga, Mudane Xuseen Nuunow Cali, ayaa ka qeyb galay Munaasabad lagu soo xirayay Tababar isla markaana lagu dhaarinayay howl-wadeennada ka shaqeyn doona Doorashooyinka ka dhacaya Magaalada Baydhabo ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed.

Howl-wadeennadan ayaa loo diyaariyay inay ka qeyb qaataan Maamulka iyo habsami u socodka doorashooyinka la qorsheeyay inay ka dhacaan deegaannada Koonfur Galbeed maalinta Axadda ah.

Sidoo kale, berri ayaa lagu wadaa in guud ahaan deegaannada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed ay ka qabsoomaan Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo wakiillada, si Shacabka ay codkooda ugu soo doortaan hoggaanka matalaya.

       

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY DALKA JABUUTI.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaasi oo uu kaga qayb galayo munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee dalkaasi Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Jabuuti si diiran ugu soo dhoweeyay Ra’iisulwasaaraha dalkaasi, Mudane C/qaadir Kaamil Maxamed iyo mas’uuliyiin kale, kuwaasi oo muujiyay xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mid ah madaxda dowladaha geeska Afrika iyo mas’uuliyiin kale oo lagu casuumay ka qaybgalka munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Jabuuti, waxaana muddada uu dalkaasi joogo kulamo la yeelandoonaa Madaxda sare ee dalka Jabuuti iyo mas’uuliyiin kale.

   

Soomaaliya iyo Bahrain oo Xoojinaya Xiriirka Diblomaasiyadeed ee Labada Dal

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa wada hadal khadka taleefanka ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Bahrain, Abdullatif bin Rashid Al Zayani.

Labada wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, iyo danaha guud, iyagoo sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii ambaqaadidda wada shaqeynta iyo isfahamka labada shacab iyo dowladood.

Hay’adaha cadaaladda oo xoojinaya wada-shaqeyntooda

Wasiiro ka tirsan XFS, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee BJFS, Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo masuuliyiin kale ayaa xay Muqdisho uga qeybgalay Munaasabadda Bandhigga Horumarka iyo Xoojinta Wada-shaqeynta Bahda Cadaaladda Soomaaliyeed.

Wasiirka Cadaaldda Iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macalin ayaa waqti badan iyo dadaal ku bixiyay wada shaqeynta Hey’adaha Cadaaladda iyo horumarintooda, ayada oo sido kale munaasabadda lagu soo bandhigay decumentry ka hadlaya horumarka Bahda Cadaaladda Soomaaliya ay sameeyeen.

      

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kormeeray Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hon. Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, halkaas oo uu si diirran ugu soo dhoweeyey Guddoomiyaha Hay’adda, Mudane Liibaan Cabdi Cigaal.

Intii uu kormeerku socday, Wasiirka waxaa warbixinno faahfaahsan laga siiyey habsami u socodka shaqooyinka iyo adeegyada kala duwan ee ay bixiso hay’addu. Warbixinnadaasi waxay si gaar ah diiradda u saareen qorshayaasha horumarineed, dadaallada lagu xoojinayo taageerada qaxootiga iyo barakacayaasha, iyo sidii loo horumarin lahaa adeegyada bani’aadannimo ee ay hay’addu bulshada u hayso.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cali Xoosh ayaa bogaadiyey shaqada muhiimka ah ee hay’addu u hayso bulshada Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay doorka muuqda ee ay ka qaadato daryeelka, taageerada, iyo u adeegidda dadka nugul ee ay saameeyeen duruufaha adag. Wasiirku waxa uu sidoo kale adkeeyey muhiimadda ay leedahay dardargelinta howlaha socda si loo xaqiijiyo himilooyinka qaran ee la xiriira arrimaha bani’aadannimada, dib-u-dejinta, iyo horumarinta bulshada.

Dhanka kale, Wasiir Cali Xoosh ayaa goob-joog ka noqday adeegyo daryeel iyo taageero ah oo loo fidinayey qaar kamid ah barakacayaasha ay hay’addu gacanta ku hayso.

    

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay Danjiraha Xuquuqul Insaanka Ingiriiska

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kulan mira dhal ah kula qaadatay Danjiraha Xuquuqul Insaanka Dowladda Ingiriiska Eleanvor Sanders, kulankan oo ku saabsanaa xoojinta wada shaqeynta dowladaha Soomaaliya iyo Ingiriiska iyo sidii loosii kordhin lahaa hormarrada ay Soomaaliya ka sameyneyso Xuquuqul Insaanka.

Danjiraha Xuquuqul Insaanka Dowladda Ingiriiska Eleanvor Sanders oo ah Qalin hayaha Xuquuqul Insaanka ayaa ugu horeyn ku bogaadisay guullaha isdaba joogga ah ee ay Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ka gaartay Hormarinta Xuquuqul Insaanka dalkeeda waxa ay si gaar ah u bogaadisay ku guuleeysiga dhismaha Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka iyo heshiiskii taariikhiga ahaa ee shalay ay magaalada Geneva ku kala saxiixdeen Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul insaanka Soomaaliya iyo Xafiiska Sare ee Xuquuqul Insaanka QM (OHCHR).

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo kulanka ka hadashay ayaa uga mahad celisay Dowladda Ingiriiska taageerrada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed , sidoo kale wada shaqeynta dhaw ay la leeyihiin Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS.

   

Guddoomiyaha guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay ku xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryam Qaasim, ayaa maanta kulan la yeelatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, isla markaana ah Isuduwaha Arrimaha Gargaarka Bani’aadannimo ee Qaramada Midoobay, George Conway, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada marxaladda dhismaha Guddiga.

 

Wadahadalka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta, dhisidda awoodda Guddiga, iyo xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa Guddiga iyo hay’adaha Qaramada Midoobay, gaar ahaan taageerada la xiriirta hannaanada maamulka, la socodka xuquuqda aadanaha, maaraynta cabashooyinka, iyo wacyigelinta bulshada.