Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay Danjiraha Xuquuqul Insaanka Ingiriiska

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kulan mira dhal ah kula qaadatay Danjiraha Xuquuqul Insaanka Dowladda Ingiriiska Eleanvor Sanders, kulankan oo ku saabsanaa xoojinta wada shaqeynta dowladaha Soomaaliya iyo Ingiriiska iyo sidii loosii kordhin lahaa hormarrada ay Soomaaliya ka sameyneyso Xuquuqul Insaanka.

Danjiraha Xuquuqul Insaanka Dowladda Ingiriiska Eleanvor Sanders oo ah Qalin hayaha Xuquuqul Insaanka ayaa ugu horeyn ku bogaadisay guullaha isdaba joogga ah ee ay Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ka gaartay Hormarinta Xuquuqul Insaanka dalkeeda waxa ay si gaar ah u bogaadisay ku guuleeysiga dhismaha Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka iyo heshiiskii taariikhiga ahaa ee shalay ay magaalada Geneva ku kala saxiixdeen Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul insaanka Soomaaliya iyo Xafiiska Sare ee Xuquuqul Insaanka QM (OHCHR).

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo kulanka ka hadashay ayaa uga mahad celisay Dowladda Ingiriiska taageerrada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed , sidoo kale wada shaqeynta dhaw ay la leeyihiin Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS.

   

Guddoomiyaha guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay ku xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryam Qaasim, ayaa maanta kulan la yeelatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, isla markaana ah Isuduwaha Arrimaha Gargaarka Bani’aadannimo ee Qaramada Midoobay, George Conway, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada marxaladda dhismaha Guddiga.

 

Wadahadalka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta, dhisidda awoodda Guddiga, iyo xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa Guddiga iyo hay’adaha Qaramada Midoobay, gaar ahaan taageerada la xiriirta hannaanada maamulka, la socodka xuquuqda aadanaha, maaraynta cabashooyinka, iyo wacyigelinta bulshada.

Dowladda oo casriyeynaysa habraacyada Baasaboorka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta guddoomiyey kulan looga hadlayey horumarinta habraacyada Baasaboorka, kaas oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee magaalada Muqdisho, waxaana kulanka ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed, Mudane Xuseen Qaasim Yuusuf.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta iyo iskaashiga u dhexeeya labada hay’adood, gaar ahaan arrimaha la xiriira baasaboorrada diblomaasiga ah, service-ka iyo kuwa rasmiga ah ee dowladda, habraacyada socdaalka, iyo isdhaafsiga xogaha muhiimka ah si loo dardargeliyo isku duwidda shaqooyinka iyo tayeynta adeegyada loo fidiyo muwaadiniinta iyo hay’adaha dowladda.

Labada dhinac ayaa sidoo kale isla gartay in la dhiso guddi farsamo oo wadajir ah, kaas oo ka shaqeyn doona horumarinta wada shaqeynta ku saabsan dukumentiyada safarka ee dowladda, arrimaha qunsuliyadaha, iyo fududeynta adeegyada la xiriira socdaalka iyo jinsiyadda.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojineyso hay’adaha muhiimka ah ee dalka, korna loogu qaadayo hufnaanta adeegyada dowladeed iyo wada shaqeynta hay’adaha kala duwan.

 

    

Hoggaamiye Jabriil C/rashiid oo qaabbilay wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Baydhabo ku qaabbilay wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka Mudane Cabdikariim Axmed Xasan.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha la xiriira diyaarinta iyo qabsoomidda doorashada Dowladda Koonfur Galbeed, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen sidii doorashadu ugu dhici lahayd waqtigii loo asteeyay iyo in dhammaan xisbiyada siyaasadda loogu cadaalad falo hannaanka doorashada.

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah oo waafaqsan shuruucda dalka, taas oo horseedi karta xasillooni siyaasadeed iyo kalsoonida shacabka.

Guddoomiyaha Guddiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa sheegay inay ka go’an tahay hirgelinta hannaan doorasho oo hufan, daahfuran isla markaana dhammaan dhinacyadu ay u siman yihiin.

Golaha Wasiirrada XFS oo ansixiyay xeerar muhiim u ah amniga iyo hanti-dhowrka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan amniga, dardargalinta hawlaha Xukuumadda iyo ka jawaabista saamaynta culeesyada caalamka kasoo kordhay ee dhinaca amniga iyo dhaqaalaha.

Kulanka Golaha oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyay Xeer-nidaamiyaha Adeegyada Amniga gaarka ah  oo ay golaha horkeentay Wasaaradda Amniga Gudaha iyo Hagaha Nidaamka Hanti-dhowrka Gudaha (Internal Audit Charter) oo ay soo gudbisay Wasaaradda Qorsheynta.

Golaha ayaa lagu soo bandhigay warbixinno xog naqshadaysan oo ku saabsan fatahaadaha webiyada dalka iyo halista wajahaysa illaha biyaha, waxaanna warbixintaas soo jeediyay Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha. Waxaa sidoo kale golaha loo jeediyay warbixin faahfaahsan oo la xiriirta sicirka badeecooyinka kala duwan ee dalka kadib xasaradda ka aloosan Marin-biyoodka Hormus.

Warbixinta sicirka badeecooyinka iyo saamaynta xayiraadda Marinka Hormus oo soo diyaarisay Hay’adda Tirakoobyada Qaranka ayaa muujisay in boqolkiiba 40% ay hoos u dhaceen badeecooyinkii imaan jirey dalka, taas oo keentay in qiimaha cuntada uu sare u koco boqolkiiba 10%,  adeegyada caafimaadka waxa ay kaceen 14%, halka badeecooyinka kale ay sare u kaceen wax intaas ka badan.

Golaha waxa ay aragti dhiibteen siyada ugu habboon ee looga jawaabi karo, waxaanna la faray wasaaradaha ay quseyso in ay tallaabooyinka ku habboon ka qaataan xaaladaha jira si culeeska looga qafiifiyo shacabka.

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa golaha la wadaagtay warbixin la xiriirta arrimaha xajka oo meel wanaagsan maraya, iyada oo sanadkan xujeyda garoonka Aadan Cadde looga sameeyay Taarminaal u gaar ah.

Ugu dambeyntii, Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa ammaanay amniga iyo xasiloonida ka jirta qeybo badan oo dalka ka mid ah oo ay caasimadda ugu horeyso, wuxuuna ka digey in la carqaladeeyo amniga, isaga oo shacabka ugu baaqay in ay illaashadaan nabadda.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐞𝐲 𝐚𝐝𝐞𝐞𝐠 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐝𝐡𝐢𝐲a𝐲 𝐈𝐬𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐭𝐢𝐢𝐧𝐢

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa xarigga ka jaray qeybo si heersare ah loo qalabeeyey oo mid ah Isbitaalka De Martino, taas oo qeyb ka ah hiigsiga Caafimaadka tayeysan ee ay gardaadineyso Wasaaradda Caafimaadka.

Munaasabaddan ayaa lagu daahfuray adeegyo muhiim ah oo ay bulshada baahi weyn u qabeen, kuwaas oo ay ka mid yihiin CT Scan casri ah oo lagu sameynayo baaritaanno sax ah, Blood Bank la casriyeeyay oo ka qeyb qaadanaya badbaadinta nolosha bukaannada, iyo sidoo kale dib-u-habeyn iyo tayeyn lagu sameeyay qeybta sheybaarka si loo hubiyo adeegyo baaritaan oo degdeg ah oo la isku halayn karo.

Wasiirka Caafimaadka ayaa tibaaxey in casriyeynta lagu sameeyay qeybaha CT Scan, Blood Bank iyo sheybaarka ay sare u qaadi doonto kalsoonida bulshada iyo tayada adeegyada caafimaad ee la siiyo bukaannada, isla markaana yareyn doonto baahida loo qabo in bukaannadu meela kale u aadaan adeeggan.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an horumarinta iyo ballaarinta Caafimaadka dalka si bulsho waynta Soomaaliyeed u helaan adeeg Caafimaad oo hufan lana isku haleyn karo taas qeyb ka ah hirgalinta Qorshaha Caafimaadka Qaranka.

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka difaaca labada dal

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa kulan doceed la yeeshay Wasiirka Difaaca dalka Suudaan, General Hassan Daoud Kabroun, intii lagu guda jiray Bandhigga Warshadaha Difaaca ee SAHA 2026 oo ka socda magaalada Istanbul.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Suudaan, gaar ahaan dhinacyada difaaca iyo amniga.

Labada dhinac ayaa sidoo kale isla soo qaaday muhiimadda ay leedahay iskaashi joogto ah oo ku dhisan danaha wadaagga ah, isweydaarsiga khibradaha la-dagaallanka kooxaha ka soo horjeeda dowladnimada ee ka jira labada dal iyo xoojinta xiriirka walaaltinimo ee Soomaaliya iyo Suudaan.

Soomaaliya iyo Burkina Faso oo iska kaashanaya la dagaalanka argagixisada

Madaxweynaha Burkina Faso mudane Kabtan Ibrahim Traoré ayaa  maanta qaabilay wasiirka amniga dowladda FS Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo wafdi uu hogaaminayo, iyaga oo ka wada hadlay  iskaashiga labada dowladood iyo horumarinta calaaqaadka dhinaca amniga, la dagaallanka argagixisada.

Fartaag ayaa Kabtan Traoré  u gudobiyey farriin rasmi ah oo uu ka waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

” Waxaan isla garannay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga dhinacyada is-weydaarsiga xogta sirdoonka, tababarrada, iyo wada shaqeynta hay’adaha amniga” ayuu yiri wasiir Fartaag.

Burkina Faso iyo Soomaaliya waxay wadaagaan caqabado isku mid ah oo la xiriira la dagaalanka argagixisada.

      

Dowladdaha Soomaaliya iyo Masar oo Xoojinaya Iskaashigooda Istaraatiijiga ah

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Carabta ee Masar u fadhiya Soomaaliya, Mudane Maxamed Saalax Xasan Keshtah, kulankaas oo ka dhacay xarunta Wasaaradda ee Muqdisho.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga u dhexeeya Dowladdaha Soomaaliya iyo Masar, gaar ahaan dhinacyada diblomaasiyadda, amniga gobolka, waxbarashada, iyo iskaashiga dhanka istaraatiijiga ah, taas oo ka tarjumaysa xiriirka adag ee ka dhexeeya labada dal.

     

Soomaaliya markii ugu horeyso laga furayo Xafiiska Sare ee Xuquuqul Insaanka QM

Geneva: Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay meteleyso Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi iyo Xafiiska Wakiilka Sare ee Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha ayaa maanta oo Arbaco ah magaalada Geneva ee dalka Switzerland ku kala saxiixday Heshiis lagu Hirgelinayo Qaraarkii Golaha Xuquuqul Insaanka QM Lambarkiisu ahaa A/HRC/RES/60/28 kaasoo suntanaa lasoo wareegidii Maareynta Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, qaraarkaas oo tilmaamayey iskaashiga iyo taageerrada farsamo ee ay u baahan tahay Soomaaliya si ay u hormariso Xuquuqul Insaanka islamarkaana u maareeyso waajibaadkeeda Qaran ee Xuquuqul Insaanka iyo midka caalamiga ah.

Tani ay waxa ay ka dhigan tahay iney Dowladda Federaalka Soomaaliya markale fagaarayaasha Caalamka kasoo hoysay guul muhiim ah ayadoo dowladdu ay dadaal xooggan u gashay in markii ugu horeysay taariikhda ay QM Soomaaliya ka furato xafiiska Sare ee Xuquuqul Insaanka QM(OHCHR) kaasi oo dhowaan laga furi doono magaalada Muqdisho , tani oo noqoneysa in markii ugu horeysay taariikhda QM ay u fuliso heshiis noociisa ah mudo taasi oo ku timid dadaalka iyo ka go’naashaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka.

Soomaaliya waxaa heshiiskan u saxiixay Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayadoo dhanka QM uu u saxiixay Volker Türk Madaxa Xafiiska Sare QM ee Xuquuqul Insaanka, waxaana heshiiskan uu yahay mid Soomaaliya muhiimad gaar ah u leh maadaama dalkeenu uu ku jiro marxalad soo kabasho ah.

Magaalada Geneva ee dalka Switzerland waxaa ku sugan wafdi sare oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay hogaamineyso Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed A-Makhzoumi ayadoo wafdigaasi ay ka mid yihiin Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maxamed Bashiir Cumar, la taliyeyaal iyo quburrada Wasaaradda , waxaana guushani ay qeyb ka tahay dadaallada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku bixisay sanad iyo barkii lasoo dhaafay hormarinta Xuquuqul Insaanka iyo maareyntiisa, ayadoo ka sokoow guushii weyneyd ee Octobar ay Soomaaliya ka gaartay Shirkii Xuquuqul Insaanka QM ee Geneva iyo dhismihii Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka ay tanitahay guul kale oo ballaaran.