Wasiirka amniga oo socdaal shaqo ku jooga Burkina Faso

Ouagadougou: Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Burkina Faso, ayaa booqday Wasaaradda Amniga ee dalkaas, halkaas oo uu si diirran ugu soo dhaweeyay dhiggiisa, Mohamadou SANA.

Labada masuul ayaa wada yeeshay kulan miro-dhal ah oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada la dagaallanka argagixisada iyo horumarinta amniga. Intii uu kulanku socday, wafdiga waxaa sidoo kale loo soo bandhigay qaab-dhismeedka iyo hab-socodka shaqo ee Wasaaradda Amniga ee Burkina Faso.

Wafdiga Wasiirka ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo tababar ku jiray xarunta, isagoo ku boorriyay saraakiisha inay si dhab ah uga faa’iideystaan fursadda waxbarasho, kana shaqeeyaan horumarinta xirfadooda si ay uga qayb qaataan sugidda amniga dalalkooda.

      

Madaxweynaha JFS oo dhambaal u diray dhigiisa dalka Ciraaq

Ku-simaha safiirka Soomaaliya ee Safaaradda Ciraaq, Danjire Cabdifataax Sheekh Axmed ayaa maanta ku guddoonsiiyey Qasriga Al-Salaam ee magaalada Baqdaad dhambaal hambalyo ah oo uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud dhigiisa Madaxweyne Mudane Nizar Aamidi, taas oo ku aaddan munaasabadda uu xilka kula wareegay, isaga oo u rajeeyay guul iyo towfiiq gudashada waajibaadkiisa.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhambaalkiisa ku bogaadiyay qoto dheerida xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Sidoo kale, wuxuu muujiyay rajada ay Soomaaliya ka qabto in la isku waafajiyo mowqifyada ku aaddan arrimaha danaha wadaagga ah, si loo taageero xasilloonida gobolka.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ciraaq ayaa danjiraha u sii dhiibay salaam iyo mahadcelin uu u dirayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo uga mahadcelinaya hambalyada iyo dareenka walaaltinimo.

Wuxuu sidoo kale caddeeyay sida ay Ciraaq uga go’an tahay horumarinta xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya iyo ballaarinta iskaashiga wadajirka ah, si loo gaaro danaha labada dal loona xoojiyo xiriirka labada shacab ee walaalaha ah. 

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha General Cabdullaahi Sheekh ismaaciil oo socdaal Shaqo ku jooga Dalka Burkina Faso

Ouagadougou (Wargeyska Dalka): Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha oo Booqasho rasmi ah ku jooga Dalka Burkina Faso, ayaa booqday Wasaaradda Amniga ee Dalkaas, halkaas oo uu si diirran ugu soo dhaweeyay dhiggiisa, Mohamadou SANA.

Labada masuul ayaa wada yeeshay kulan miro-dhal ah oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada Dal, gaar ahaan dhinacyada la dagaallanka Argagixisada iyo Horumarinta Amniga. Intii uu kulanku socday, Wafdiga waxaa sidoo kale loo soo bandhigay qaab-dhismeedka iyo hab-socodka Shaqo ee Wasaaradda Amniga ee Burkina Faso.

Wafdiga Wasiirka ayaa Salaan Sharaf ka qaatay Cutubyo Tababar ku jiray Xarunta, isagoo ku boorriyay Saraakiisha inay si dhab ah uga faa’iideystaan Fursadda Waxbarasho, kana shaqeeyaan Horumarinta xirfadooda si ay uga qayb qaataan Sugidda Amniga Dalalkooda.

      

Madaxweynaha JFS oo dhambaal u diray dhigiisa Dalka Ciraaq

Ku-simaha Safiirka  Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Dalka Ciraaq, Danjire Cabdifataax Sheekh Axmed ayaa Maanta ku guddoonsiiyey Qasriga Al-Salaam ee Magaalada Baqdaad Dhambaal Hambalyo ah oo uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud dhigiisa Madaxweyne Mudane Nizar Aamidi, taas oo ku aaddan Munaasabadda uu xilka kula wareegay, isaga oo u rajeeyay Guul iyo Towfiiq gudashada Waajibaadkiisa.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Dhambaalkiisa ku bogaadiyay qoto dheerida xiriirka Walaaltinimo ee ka dhexeeya labada Dal, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinacyada Siyaasadda iyo Dhaqaalaha.

Sidoo kale, wuxuu muujiyay rajada ay Soomaaliya ka qabto in la isku waafajiyo mowqifyada ku aaddan Arrimaha danaha wadaagga ah, si loo taageero xasilloonida Gobolka.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ciraaq ayaa Danjiraha u sii dhiibay Salaan iyo mahadcelin uu u dirayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo uga mahadcelinaya Hambalyada iyo dareenka Walaaltinimo.

Wuxuu sidoo kale caddeeyay sida ay Dowladda Ciraaq uga go’an tahay horumarinta xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya iyo ballaarinta iskaashiga Wadajirka ah, si loo gaaro danaha labada dal loona xoojiyo xiriirka labada Shacab ee Walaalaha ah.

 

Ra’iisul Wasaaraha XJFS oo qaabilay Wafdi ka socday Hay’adda Cuntada Adduunka ee “WFP”

Muqdisho, Arbaco, 06 Maajo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi heer sare ah oo ka socday Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP), oo uu hoggaaminayey Mudane Matthew Hollingworth, oo ah kaaliyaha dhanka mashaariicda ee
Maareeyaha Guud ee WFP, oo ay ka wada hadleen sidii xal waara loogu heli lahaa xaaladda Cunna-yarida, Abaaraha, Fatahaada iyo raadadka soo laa-laabta ee ka dhasha.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka siiyey wafdiga ka socday WFP xaaladda guud ee Dalka, gaar ahaan Amniga, Siyaasadda iyo Horumarrada la gaaray, iyo sidoo kale dhibaatooyinka ay sababeen Abaaraha, oo ay kamid tahay Cunna-yaridu. Waxa uu xusay baahida loo qabo in xal waara loo helo, maadaama xilligan la galay waqti Roobaad, loona baahan yahay in si wadajir ah loogu istaago sidii Reer Guuraaga iyo Beeraleyda Dalka loogu jiheyn lahaa ka faa’iideysiga wax-soo-saarkooda, si looga maarmaamo ku tiirsanaanta Gargaarka Dibedda.
Mudane Xamsa ayaa uga mahadceliyey WFP doorkooda muhiimka ah, isaga oo xusay in Soomaaliya ay xilligan ka soo kabanayso dhibaatooyinkii Dalka ragaadiyey. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay diyaarisay Qorshayaal xal waara u noqon kara dhibaatooyinka keena Cunna-yarida, isaga oo hoosta ka xarriiqay sida ay lagama maarmaan u tahay in Hay’adaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya Gargaarka ay Dowladda gacan ku siiyaan sidii loo gaari lahaa isku-filnaansho.
Dhankooda, Madaxda ka socotay WFP ayaa bogaadiyey guulaha ay xaqiijisay Xukuumaddu ee ku aaddan sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka soo laa-laabta ee keena Cunna-yarida. Waxa ay sidoo kale sheegeen in ay diyaar u yihiin sidii ay doorkooda uga qaadan lahaayeen Qorshayaasha Dowladda ee ku aaddan in Dalku gaaro isku-filnaansho, si looga maarmo Gargaarka Dibedda.
      

Guddoomiye Maryan Qaasim oo kulan la yeelatay Safiirka Qatar ee Dalka Soomaaliya u fadhiya

Muqdisho, Arbaco, 6 May 2026: — Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed, Dr Maryan Qaasim ayaa maanta kulan wax-ku-ool ah la yeelatay Danjiraha Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya, Dr Cabdullaahi bin Saalim Al-Nucaymi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada xuquuqda aadanaha iyo horumarinta hay’adaha.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo adkayn lahaa wada-shaqeynta u dhexeysa Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka iyo Guddiga Qaranka Xuquuqda Aadanaha ee Dowladda Qatar, gaar ahaan dhinacyada is-dhaafsiga khibradaha farsamo, dhisidda awoodaha, Maamulka Hay’adaha Xuquuqul Insaanka, Warbixinnada Xuquuqda Aadanaha, Kormeerka Goobaha lagu hayo Maxaabiista, iyo Horumarinta Xirfadaha Shaqo.
Dr Maryam Qaasim ayaa uga mahadcelisay Dowladda Qatar taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, oo ay ku jirto kaalinteedii wax-ku-oolka ah ee Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay iyo taageeradii Qaraarka Golaha ee tirsigiisu yahay A/HRC/60/L.14.
Labada dhinac ayaa isla qaatay muhiimadda ay leeyihiin iskaashi, iyo wadashaqeynta xooggan oo ka dhexeysa Hay’adaha Qaran ee Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya iyo Qatar, si loo Horumariyo loona ilaaliyo Xuquuqda Aadanaha, iyadoo loo marayo heerarka Caalamiga ah iyo Mabaadii’da Paris.

 

Mudug: 13 Maleeshiyaad Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal Militari

Mogadishu (Wargeyska Dalka) – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), oo ay taageerayaan Ciidamada Deegaanka, ayaa howlgal Militari ka fuliyay deegaanka Booreey oo qiyaastii 120 kiiloomitir u jira Degmada Baxdo ee Gobolka Mudug, halkaas oo ay dib ugu riixeen Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta.

Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay in weerarkan uu qeyb ka yahay saddex howlgal oo isku xiran oo ka socda guud ahaan Gobolka si looga hortago Khawaarijta.

Intii uu socday howlgalka ayaa la sheegay in ugu yaraan 13 Maleeshiyaad, oo ay ku jiraan horjoogayaal sare lagu dilay Goobta, halka 2 kale ay dhaawacyo culus ku baxsadeen.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale sheegay in ay socdaan dadaallo lagu sugayo Amniga deegaanka iyo in laga hortago in Maleeshiyaadku dib isu abaabulaan.

Ra’iisal Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre oo magaacabay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta

Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kadib markii uu arkay qodobka 120-aad, farqadiisa 2-aad iyo 3-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, islamarkaasna tixgaliyay talada Madaxweynaha Jamhuuriyadda , arkayna hawlaha baaxadda leh ee horyaala Xukuumadda ayuu soo saaray magacaabistan.

Wuxuu Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Wasiirka cusub kula dardaarmay xil gudasho hufan iyo dadaal.

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Hindiya u fadhiya oo kulan la yeeshay dhiggiisa Sri Lanka ee New Delhi

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Hindiya, ahna Safiirka aan daganeyn ee Sri lank, Mudane Cabdullahi Maxamed Odowaa, ayaa kulan la qaatay dhigiisa New Delhi, Marwo Mahishini Colonne, Safiirka Safaaradda Sri Lanka ee Dalka Hindiya.

kulan ka oo dhacay Xarunta Safaaradda Sri Lanka ee New Delhi, ayaa waxaa Safiirka ku wehlinayay Uqeybsanaha Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Safaaradda, Marwo Bisharo Cabdirashid Axmed.

labada Danjire ayaa kulanka kaga wada hadlay Arrimo badan, ugu horreyn Safiirka Soomaaliya ee Sri lank, mudane Abdullahi Mohammed Odowaa, ayaa ka mahadceliyay soo dhaweyntii qiimaha badned ee lagu sameeyay Magaalada Casimada Colombo iyo kulankii Madaxweynaha Dalkaas Sri lank uga gudoomay Warqadaha Aqoonsiga.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Sri Lanka, gaar ahaan dhinacyada iskaashiga Diblomaasiyadeed, Ganacsiga, Waxbarashada iyo horumarinta iskaashiga Mustaqbalka.

 

Mudug: 13 maleeshiyaad Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal militari

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), oo ay taageerayaan ciidamada deegaanka, ayaa howlgal militari ka fuliyay deegaanka Booreey oo qiyaastii 120 kiiloomitir u jira degmada Baxdo ee gobolka Mudug, halkaas oo ay dib ugu riixeen maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta.

Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in weerarkan uu qeyb ka yahay saddex howlgal oo isku xiran oo ka socda guud ahaan gobolka si looga hortago Khawaarijta.

Intii uu socday howlgalka ayaa la sheegay in ugu yaraan 13 maleeshiyaad, oo ay ku jiraan horjoogayaal sare lagu dilay goobta, halka 2 kale ay dhaawacyo culus ku baxsadeen.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale sheegay in ay socdaan dadaallo lagu sugayo amniga deegaanka iyo in laga hortago in maleeshiyaadku dib isu abaabulaan.