Ouagadougou: Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Burkina Faso, ayaa booqday Wasaaradda Amniga ee dalkaas, halkaas oo uu si diirran ugu soo dhaweeyay dhiggiisa, Mohamadou SANA.
Labada masuul ayaa wada yeeshay kulan miro-dhal ah oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada la dagaallanka argagixisada iyo horumarinta amniga. Intii uu kulanku socday, wafdiga waxaa sidoo kale loo soo bandhigay qaab-dhismeedka iyo hab-socodka shaqo ee Wasaaradda Amniga ee Burkina Faso.
Wafdiga Wasiirka ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo tababar ku jiray xarunta, isagoo ku boorriyay saraakiisha inay si dhab ah uga faa’iideystaan fursadda waxbarasho, kana shaqeeyaan horumarinta xirfadooda si ay uga qayb qaataan sugidda amniga dalalkooda.


