Mudug: 13 maleeshiyaad Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal militari

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), oo ay taageerayaan ciidamada deegaanka, ayaa howlgal militari ka fuliyay deegaanka Booreey oo qiyaastii 120 kiiloomitir u jira degmada Baxdo ee gobolka Mudug, halkaas oo ay dib ugu riixeen maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta.

Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in weerarkan uu qeyb ka yahay saddex howlgal oo isku xiran oo ka socda guud ahaan gobolka si looga hortago Khawaarijta.

Intii uu socday howlgalka ayaa la sheegay in ugu yaraan 13 maleeshiyaad, oo ay ku jiraan horjoogayaal sare lagu dilay goobta, halka 2 kale ay dhaawacyo culus ku baxsadeen.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale sheegay in ay socdaan dadaallo lagu sugayo amniga deegaanka iyo in laga hortago in maleeshiyaadku dib isu abaabulaan.