Safiirka Soomaaliya ee Dalka Hindiya u fadhiya oo kulan la yeeshay dhiggiisa Sri Lanka ee New Delhi

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Hindiya, ahna Safiirka aan daganeyn ee Sri lank, Mudane Cabdullahi Maxamed Odowaa, ayaa kulan la qaatay dhigiisa New Delhi, Marwo Mahishini Colonne, Safiirka Safaaradda Sri Lanka ee Dalka Hindiya.

kulan ka oo dhacay Xarunta Safaaradda Sri Lanka ee New Delhi, ayaa waxaa Safiirka ku wehlinayay Uqeybsanaha Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Safaaradda, Marwo Bisharo Cabdirashid Axmed.

labada Danjire ayaa kulanka kaga wada hadlay Arrimo badan, ugu horreyn Safiirka Soomaaliya ee Sri lank, mudane Abdullahi Mohammed Odowaa, ayaa ka mahadceliyay soo dhaweyntii qiimaha badned ee lagu sameeyay Magaalada Casimada Colombo iyo kulankii Madaxweynaha Dalkaas Sri lank uga gudoomay Warqadaha Aqoonsiga.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Sri Lanka, gaar ahaan dhinacyada iskaashiga Diblomaasiyadeed, Ganacsiga, Waxbarashada iyo horumarinta iskaashiga Mustaqbalka.

 

Mudug: 13 maleeshiyaad Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal militari

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), oo ay taageerayaan ciidamada deegaanka, ayaa howlgal militari ka fuliyay deegaanka Booreey oo qiyaastii 120 kiiloomitir u jira degmada Baxdo ee gobolka Mudug, halkaas oo ay dib ugu riixeen maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta.

Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in weerarkan uu qeyb ka yahay saddex howlgal oo isku xiran oo ka socda guud ahaan gobolka si looga hortago Khawaarijta.

Intii uu socday howlgalka ayaa la sheegay in ugu yaraan 13 maleeshiyaad, oo ay ku jiraan horjoogayaal sare lagu dilay goobta, halka 2 kale ay dhaawacyo culus ku baxsadeen.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale sheegay in ay socdaan dadaallo lagu sugayo amniga deegaanka iyo in laga hortago in maleeshiyaadku dib isu abaabulaan.

Ra’iisal Wasaare Xamsa oo magaacabay wasiirka cusub ee Warfaafinta

Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kadib markii uu arkay qodobka 120-aad, farqadiisa 2-aad iyo 3-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, islamarkaasna tixgaliyay talada Madaxweynaha Jamhuuriyadda , arkayna hawlaha baaxadda leh ee horyaala xukuumadda ayuu soo saaray magacaabistan.

Wuxuu Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa wasiirka cusub kula dardaarmay xil gudasho hufan iyo dadaal.

Safiirka Soomaaliya ee Hindiya oo kulan la yeeshay dhiggiisa Sri Lanka ee New Delhi

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya, ahna Safiirka aan daganeyn ee Sri lank, Mudane Cabdullahi Maxamed Odowaa, ayaa kulan la qaatay dhigiisa New Delhi, Marwo Mahishini Colonne, Safiirka Safaaradda Sri Lanka ee dalka Hindiya.

kulan ka oo dhacay xarunta Safaaradda Sri Lanka ee New Delhi, ayaa waxaa Safiirka ku wehlinayay Uqeybsanaha Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Safaaradda, Marwo Bisharo Cabdirashid Axmed.

labada Danjire ayaa kulanka kaga wada hadlay Arrimo badan, ugu horreyn Safiirka Soomaaliya ee Sri lank, mudane Abdullahi Mohammed Odowaa, ayaa ka mahadceliyay soo dhaweyntii qiimaha badned ee lagu sameeyay magaalada Casimada Colombo iyo kulankii Madaxweynaha dalkaas Sri lank uga gudoomay warqadaha aqoonsiga.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Sri Lanka, gaar ahaan dhinacyada iskaashiga diblomaasiyadeed, ganacsiga, waxbarashada iyo horumarinta iskaashiga mustaqbalka.

 

Wasaaradda Beeraha oo ka digtay fataahaado waxyeelo geysan kara

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka dowladda FS ayaa ka digtay fatahaaddo keeni kara qasaare gaara dalagyada iyo dadkaba, iyadoo la tix raacayo astaamaha saadaasha hawada mudada dhow.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka dowladda FS ayaa farriin digniin ah u jeediyay Beeraleyda ku nool meelaha u dhow Wabiga Shabeelle iyo goobaha kale ee leh taariikh saamaynta fatahaadaha.

“Cabsi weyn ayaa jirta in fatahaado ay dhici donaanaan marka la fiiriyo saadaasha hawada, anaku karaankeena waxaan u diyaar garoobaynaa dadka fatahaaddu saameyn karto inaan caawino” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Wasiirka ayaa ugu baaqay wasaaradaha Beeraha dowlad goboleedyada dalka inay taxadar iyo feejignaan sameeyaan, si loo badbaadiyo dalagyada la tacbay iyo nolosha dadka u nugul fatahaadaha.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo qaabilay Danjiraha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Dowladda Jabuuti

Muqdisho (Wargeyska Dalka): Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirkii Hore ee Dowladda Walaalahana nahay ee Jabuuti, Mudane Maxamed Ibraahim Yuusuf, oo ugu yimid booqasho iyo sagootin, taasoo ku aadan dhammaadka muddadiisii shaqo ee uu ka ahaa Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiyay Dalka Soomaaliya.

Wasiirka Cabdisalaam ayaa si weyn u ammaanay doorka iyo dadaalka Safiirka ee ku aaddanaa xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, iyo sidoo kale horumarinta iskaashiga heer Gobol.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxay u muujinaysaa mahadcelin buuxda, iyadoo u rajaynaysa Safiirka mustaqbal wanaagsan iyo guulo badan.

  

Wasaaradda Arimaha Dibadda JFS oo digniin ka soo saartay Warar Been Abuur ah

Muqdisho,Soomaaliya,05 May 2026:— Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn uga walaacsan tahay faafinta Warar aan sal iyo raad toona lahayn oo been abuur ah iyo eedeymo oo lagu baahiyay qaar ka mid ah Warbaahinta iyo Baraha Bulshada, kuwaas oo sheegaya in la gaaray go’aan lagu eryayo Safiirka Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya.

Wasaaraddu si adag ayay u beeninaysaa sheegashooyinkan, waxayna ugu baaqaysaa dhammaan Hay’adaha Warbaahinta iyo isticmaalayaasha Baraha Bulshada inay muujiyaan saxnaan, xirfadnimo, iyo mas’uuliyad, isla markaana ay ku tiirsanaadaan xogaha rasmiga ah marka ay faafinayaan Wararka.

Sidoo kale, waxay ka digaysaa faafinta Warar khaldan oo lagu wiiqayo xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya Dalalka Carabta.

Kulan looga hadlayay arrimaha bini-aadannimada dalka oo Muqdisho lagu qabtay

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay isla markaana ah Kaaliyaha Maamulaha iyo Agaasimaha Waaxda Dhibaatooyinka, Marwo Shoko Noda, ayaa si wadajir ah u shir-guddoomiyay kulan looga hadlayay arrimaha bani’aadannimada dalka.

Waxaa sidoo kale kulanka ka qeyb galay Lionel Laurens, Madaxa UNDP Soomaaliya, masuuliyiin ka socotay Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay ku jiraan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha (OPM), Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, iyo Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, iyadoo ay wehliyeen wakiillo ka socda hay’adaha Qaramada Midoobay, aqoonyahanno, iyo ganacsato.

Kulankan oo ahaa mid istiraatiiji ah waxaa diiradda lagu saaray xoojinta dadaallada ka jawaabista Musiibooyinka, hagaajinta isku-dubbaridka hay’adaha, iyo kor u qaadista adkaysiga bulshada Soomaaliyeed ee la tacaalaysa saameynta isbeddelka cimilada.

             

Wasiirka Cadaallada XFS oo la kulmay Guddiga Xuquuqul Insaanka

Wasiirka Cadaallada iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa xafiiskiisa kula kulmay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr Maryam Qaasim Axmed.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Guddiga iyo Wasaaradda, gaar ahaan dhinacyada ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha. Waxaa si gaar ah looga hadlay xaaladaha maxaabiista, kor u qaadidda ilaalinta xuquuqdooda, iyo horumarinta hannaanka cadaaladeed ee la xiriira carruurta iyo dadka nugul ee la macaamila nidaamka garsoorka.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha dowliga ah si loo xaqiijiyo in nidaamka cadaaladda uu noqdo mid waafaqsan heerarka qaran iyo kuwa caalami ee xuquuqda aadanaha.

Ugu dambeyn, waxaa la isku raacay in la dardargeliyo wada-shaqeynta labada dhinac, la xoojiyo kormeerka xabsiyada, isla markaana la hirgeliyo barnaamijyo wadajir ah oo diiradda saaraya horumarinta nidaam cadaaladeed oo dhowra karaamada iyo xuquuqda aadanaha.

        

Wasiir Fartaag oo gaaray Dalka Burkino Faso

Wasiirka Amniga Gudaha ee XFS, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa booqasho rasmi ah ku tagay dalka Burkina Faso, kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Wasiirka Amniga ee dalkaas, Mahamadou Sana.

Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Ouagadougou Thomas Sankara International Airport, halkaas oo ay ku qaabileen Wasiirka Amniga Burkina Faso, Taliyaha Ciidanka Booliska, iyo saraakiil sare oo ka tirsan hay’adaha amniga dalkaas.

Booqashadan ayaa ujeedadeedu tahay xoojinta iskaashiga amni ee u dhexeeya labada dal, gaar ahaan la dagaallanka argagixisada, is-weydaarsiga xogaha sirdoonka, iyo horumarinta wada shaqeynta hay’adaha amniga.

Inta uu socdo safarka, labada dhinac ayaa la filayaa inay yeeshaan kulamo muhiim ah oo diiradda lagu saarayo sidii loo xoojin lahaa dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo kooxaha xagjirka ah ee khatarta ku haya amniga gobolka.