35-Suxufi oo tababar loogu soo gebo-gebeeyay Muqdisho

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u soo xirtay tababar socday laba maalmood oo ku saabsanaa ka hortagga tebinta hadallada naceybka ah xilliyada doorashooyinka, kaas oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Tababarkan waxaa ka qeyb galay 35 suxufi oo ka kala socday 21 hay’ado warbaahineed, kuwaas oo isugu jiray warbaahinta Qaranka iyo warbaahinta gaarka loo leeyahay.

Ujeeddada tababarka ayaa ahayd xoojinta doorka warbaahinta ee tebinta doorashooyin hufan, kor u qaadista xirfadaha suxufiyiinta ee la tacaalidda hadallada naceybka ah, iyo taageerida nabadda iyo xasilloonida dalka.

Intii uu socday tababarku, ka qeybgalayaashu waxay heleen aqoon ku saabsan anshaxa warbaahinta xilliyada doorashooyinka, xaqiijinta xogta, ka hortagga faafinta wararka been abuurka ah, iyo mas’uuliyadda saxaafadda ee ilaalinta wadajirka bulshada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, ayaa si rasmi ah u soo xiray tababarka, isagoo ku booriyay suxufiyiinta inay si masuuliyad leh uga shaqeeyaan tabinta doorashooyinka, kana fogaadaan wax kasta oo keeni kara kala fogaansho bulsho ama kicin kara xiisado.

“Warbaahintu waxay leedahay door muhiim ah oo ku saabsan ilaalinta nabadda iyo mideynta bulshada, gaar ahaan xilliyada doorashooyinka. Waxaa lagama maarmaan ah in la hubiyo in fariimaha la gudbinayo ay noqdaan kuwo xaqiiqo ku dhisan, dhexdhexaad ah, isla markaana aan waxyeello u geysan wada noolaanshaha bulshada,” ayuu yiri Agaasimaha Guud.

Gabagabadii tababarka, waxaa shahaadooyin la guddoonsiiyay dhammaan ka qeybgalayaashii, si loo dhiirrigeliyo dadaalkooda iyo ka qeyb qaadashadooda horumarinta saxaafadda mas’uulka ah.

Tababarkan waxaa iska kaashaday Wasaaradda Warfaafinta iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS), oo door muhiim ah ka qaata horumarinta awoodda weriyayaasha, warbaahinta iyo xoojinta wacyigelinta bulshada.

               

Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo qaabilay wafdi ka socda Turkiga

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa qaabilay wafdu sare oo ka socday Dawladda Turkiga .

Kulan Taliyuhu la qaatay Wafdiga ka socday Turkiga ayaa looga hadlay iskaashiga dhinaca amniga iyo wada-shaqeynta labada dowladood, waxaana si gaar ah diiradda loogu saaray kor u qaadista tababarrada iyo aqoonta Ciidanka Booliiska, gaar ahaan Ciidanka gaarka ah ee Haramcad.

     

Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose iyo Guddiga Iskaashatooyinka oo kulmay

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa kulan la qaatay iskaashatooyinka ka howlgala gobolkaas, waxaanna kulanka looga hadlay xaaladda Iskaashatooyinka iyo daruufaha kala duwan ay wajahayaan.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Xoghayaha Guud ee Iskaashatooyinka Koonfur Galbeed (RIKA) iyo wakiillo ka socday iskaashatooyinka gaadiidka, beeraha, kalluumeysiga iyo kaawada ayaa si weyn loogu falanqeeyay Xaaladda Iskaashatooyinka ku shaqeeyaan iyo in wada shaqeyn dhow dhexmarto mamaulka gobolka iyo guddiga Iskaashatooyinka.

Iskaashatooyinka ayaa Guddoomiyaha uga mahadceliyay kulanka iyo sida uu uga jawaabay cabasho ay hore ugu soo gudbiyeen.

  

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa Maanta Xarunta Wasaaradda Maaliyadda kulan miro-dhal ah kula qaatay Wafdi sare oo ka socday Qaramada Midoobay.

Wafdigan ayaa waxaa ka mid ahaa Shoko Noda oo ah Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay isla markaana ah Agaasimaha Qaybta Xasaradaha, iyo Lionel Laurens oo ah Wakiilka Soomaaliya ee Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP).

Intii uu socday kulanka, labada dhinac ayaa ka wada hadlay xaaladda isbeddellada Dhaqaale, gaar ahaan saameynta ay ku leeyihiin arrimaha Abaaraha, fatahaadaha iyo isbeddelka Cimilada oo saameyn ballaaran ku yeeshay Dhaqaalaha Dalka.

Sidoo kale, waxaa la falanqeeyay hababka ugu habboon ee lagu xoojin karo adkeysiga Dhaqaalaha iyo horumarinta mashaariic waara oo Dalka laga hirgeliyo. Wadahadallada ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda UNDP, iyadoo la isla gartay muhiimadda ay leedahay dardargelinta barnaamijyada horumarineed iyo taageeridda dadaallada dib-u-soo kabashada iyo kobcinta Dhaqaalaha Dalka.

  

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo diray Qalabkii Doorashada Qof iyo Codka ah ee Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ka diray Qalabkii loogu talagalay qabashada Doorashooyinka Qof iyo Cod ee ka dhici doona Deegaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa sheegay in 10-ka Bishan ay ka bilaaban doonto Doorashada Goleyaasha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada  13 Degmo oo ka tirsan Koonfur Galbeed.

“Waxaan Maanta Magaalada Muqdisho ka sagootinay Qalabkii loogu talagalay 13 Degmo oo lagu qabanayo Doorashooyinka isku sidkan ee Koonfur Galbeed.”ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Sidoo kale, Guddoomiyha Guddiga Doorashooyinka ayaa tilmaamay in ku dhawaad 400,000 (afar Boqol oo kun) oo Qof ay iska diiwaangeliyeen Deegaannada Koonfur Galbeed, isla markaana ay diyaar u yihiin inay codkooda ku doortaan hoggaankooda.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo soo saaray Liiska Goobaha Codbixinta Doorashada ee Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha wuxuu halkaan ku wargelinayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Degmooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Goobaha loo asteeyay Codbixinta Maalinta Doorashada ee Degmooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Hoos ka Aqriso Iisax

 

               

Kulan looga hadlayay horumarinta nidaamka Gaadiidka, Badqabka Waddooyinka oo lagu qabtay Muqdisho

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS ayaa soo qaban qaabisay kulan wadatashi ku saabsan badbaadada waddooyinka iyo maareynta saxmada, waxaana lagu qabtay xarunta dhexe ee Wasaaradda ee degmada Shingaani, Kulankan muhiimka ah ayaa diiradda lagu saaray horumarinta nidaamka Gaadiidka, Badqabka Waddooyinka iyo Maareynta Saxmada.

Kulanka waxaa si rasmi ah u daah-furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cumar Cali Afrax, iyadoo ay ka qeybgaleen agaasime waaxeedyada iyo lataliyayaasha Wasaaradda iyo xubno ka kala socday Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Howlaha Guud, Wasaaradda Amniga Gudaha, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Taraafikada, iyo shirkadda Hornvista oo ka shaqeysa arrimaha gaadiidka iyo badbaadada waddooyinka.

Intii uu kulanku socday, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray soo bandhigista wax ka beddelka lagu sameynayo sharciga waddo marista (Traffic Law amendement), si loo helo nidaam casri ah oo la jaanqaadaya baahiyaha maanta jira, Wasaaradda Gaadiidka ayaa soo bandhigtay aragti istaraatiiji ah oo ku dhisan saddex qodob oo muhiim ah:

1.  In la helo sharci iyo nidaam cad si dhakhsana dhaqan geliyo,

2.  In la xoojiyo isku-duwidda hay’adaha kala duwan ee ku shaqada leh arrimaha badqabka shacabka,

3.   In la kordhiyo wacyigelinta bulshada si loo abuuro mas’uuliyad guud oo ku saabsan isticmaalka waddooyinka.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu iftiimiyay xiriirka tooska ah ee u dhexeeya badbaadada waddooyinka iyo horumarka guud wadanka, iyadoo la xusay in yareynta shilalka iyo hagaajinta nidaamka gaadiidka iyo wadooyinka ay door weyn ka ciyaaraan kobaca dhaqaalaha iyo badbaadada bulshada.

Ugu dambeyn, kulankan wadatashiga ah ayaa ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca helida nidaam guud ee badqabka wadooyinka iyo yareynta saxmada, isla markaana waxtar u leh Guud ahaan wadanka.

 

      

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee QM

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Isku-duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Isku-duwaha Arrimaha Bani’aadannimada ee Soomaaliya, Mudane George Conway.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Warfaafinta iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan dhinacyada warbaahinta, wacyigelinta bulshada, gurmadka bani’aadannimo, iyo doorka warbaahinta ee xaaladaha degdegga ah.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda farriimaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay, si loo hubiyo in bulshada Soomaaliyeed ay helaan xog sax ah, waqtigeeda ku habboon, kana caawisa ka jawaabidda xaaladaha degdegga ah iyo baahiyaha bani’aadannimo.

Wasiirka ayaa adkeeyay in Wasaaradda Warfaafintu ay diyaar u tahay xoojinta wada-shaqeynta, gaar ahaan sidii farriimaha muhiimka ah loo gaarsiin lahaa dadka ku nool miyiga iyo deegaannada fog-fog, si loo kordhiyo xog-helista dadweynaha, loona kobciyo wacyiga bulshooyinka nugul.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu lafa-guray horumarinta awoodda warbaahinta, tababarrada suxufiyiinta ee la xiriira tebinta xaaladaha degdegga ah, iyo muhiimadda ay leedahay isku xirka mashaariicda iyo Barnaamijyada wacyigelinta iyo Warfaafinta ee hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

        

Soomaaliya oo xoojineyaa Iskaashiga Istiraatiijiga ah ee ay la leedahay UNDP

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Xamza Haadow, ayaa qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Agaasimaha Waaxda Dhibaatooyinka ee Hay’adda UNDP Marwo Shoko Noda intii ay ku guda jirtay booqasho socotay toddobaad oo ay ku timid Muqdisho.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Ariamaha Dibadda iyo Hay’adda Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP), iyadoo la waafajinayo mudnaanta ajandayaasha qaran ee Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin horumarinta, diyaar garowga doorashooyinka, iyo ka jawaabidda xaaladaha bani’aadannimo.

Hoggaanka Qaramada Midoobay ayaa bogaadisay doorka sii kordhaya ee Dowladda Soomaaliya ku leedahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyo ku biiristeeda Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Labada dhinac ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda degdegga ah ee wax looga qabanaayo barakacayaasha gudaha (IDPs) iyo abaaraha socda, iyagoo isku raacay in la dardargeliyo dadaallada wadajirka ah ee ay hoggaaminayso dowladda, si loo taageero bulshooyinka nugul loona xoojiyo adkeysiga dalka oo dhan.

         

Muxuu Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ku soo arkay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka?

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo uu weheliyo Taliyaha Xabsiga Dhexe Gen. Daahir Cabdulle Raage, ayaa booqday Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka , halkaasoo oo uu ku soo dhoweeyey Wasiirka Wasaaradda Mudane Sheekh Muqtaar Roobow Cali.

Booqashada Taliyaha ayaa muhiimaddeedu aheyd u mahadcelinta Wasaaradda Diinta iyo Arrimaha Islaamka oo si dhow u garab istaagtay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ,

Wasaaradda ayaa Ciidanka Asluubta ka caawisa dhinacyo badan , sida taakuleynta dhanka Kitaabada Quraanka ee ay Siiyaan Ciidanka iyo wacyigelinta maxaabiista.