Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo shaaciyay Jadwalka Doorashooyinka D/Gobolleedyada

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ( GMDQS), isagoo gudanaya waajibaadkiis sharci ee ku xusan Qod, 56-aad ee Dastuurka JFS iyo Qod, 10-aad ee sharciga dhisidda ( GMDQS),  fulinayana qod, 18-aad ee sharciga Doorashooyinka Qaranka ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka dhammeystiran ee Doorashooyinka Dowlad Gobolleedyada oo qeyb ka mid ah uu horay u shaaciyay Guddiga.

 

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo kulan la qaatay Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha

Baydhabo(Wargeyska Dalka):-Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cali Cabdullaahi Isaaq, ayaa Maanta guddoomiyey Shir ay isugu yimaadeen Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda Koonfur Galbeed.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha shaqo ee Wasaaradaha, xoojinta wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda, iyo kor u qaadista hufnaanta adeegyada loo fidiyo Bulshada.

Intii uu Shirku socday, waxaa si qoto dheer looga dooday caqabadaha jira iyo fursadaha lagu horumarin karo waxqabadka guud ee Dowladda. Agaasimaha Guud ayaa Agaasimiyaasha ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay isla xisaabtanka, wada-shaqeyn dhow, iyo hubinta in qorshayaasha Dowladda si hufan loo fuliyo.

Mudane Cali Cabdullaahi Isaaq ayaa sidoo kale ku boorriyey Agaasimiyaasha inay labanlaabaan dadaalkooda si loo gaaro himilooyinka horumarineed ee Dowladda Koonfur Galbeed.
Kulanka waxaa ku weheliyey Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sharmarke Maxamed Kuulow.

      

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Hambalyo u diraybahda Warbaahinta Munaasabadda 3-da May

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa Hambalyo u diray dhammaan bahda Warbaahinta Soomaaliyeed munaasabadda Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka – 3-da May, isaga oo ku bogaadiyey doorka muhiimka ah ee ay Saxaafaddu ku leedahay dhismaha Nabadda, Dowladnimada iyo Dimuqraadiyadda Dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in maalintani ay tahay fursad lagu xuso kaalinta qiimaha leh ee Saxafiyiintu ka qaataan wacyigelinta Bulshada, Nabad dhiska, ilaalinta hufnaanta macluumaadka iyo xoojinta kalsoonida Dadweynaha.

Sanadkan, Xuska Maalintan Caalamiga ah waxaa si gaar ah diiradda loo saarayaa saameynta casriyaynta Warbaahinta iyo la qabsiga garaad-gacmeedka (AI), iyo sida Warbaahintu kaalin mug leh uga qaadan karto Nabadda, xal u helista Colaadaha iyo xasilloonida Dunida Maanta.

Wasiirka ayaa xusay in Saxaafadda Soomaaliyeed, sida Warbaahinta Caalamka oo kale, ay Maanta saaran tahay masuuliyad weyn oo ku aaddan, u qareemidda Nabadda, , xoojinta Caddaaladda, iyo taageeridda Dowladnimada.

Wasiirku waxa uu tilmaamay in Munaasabaddan ay ku soo beegantay xilli Dalku ku jiro marxalad Doorasho, loona baahan yahay in tabinta Warbaahinta u hiiliso Doorashasho nabdoon oo kor u qaadaysa wadajirka Bulshada..

Wasiirka Warfaafinta ayaa adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay: xoojinta Xorriyadda Saxaafadda, ilaalinta badbaadada Saxafiyiinta, iyo horumarinta jawi warbaahineed oo u sahlaya shaqo gudasha xirfad iyo mas’uuliyad ku dhisan.

Wasiir Daa’uud ayaa ugu dambeyn sheegay in Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ay sii wadi doonto, Tababarrada xirfadeed ee lagu xoojinayo Saxafiyiinta, kor u wada-shaqeynta Warbaahinta, iyo Hay’adaha kale ee Dowladda.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo furay Tababar ku saabsan Ka hortagga tabinta hadallada naceybka ee xilliyada Doorashooyinka

Muqdisho(Wargeyska Dalka)-Aqoon-isweydaarsigan oo soconaya muddo laba maalmood ah waxaa ka qayb galaya in ka badan 35 Suxufi oo ka kala socda 21 Xarumood oo Warbaahineed oo ka hawlgala Muqdisho.

Ujeeddada Aqoon-isweydaarsigan ayaa ah xoojinta fahamka Saxafiyiinta ee doorkooda ku aaddan tabinta Masuuliyadda leh inta lagu jiro geeddi-socodka Doorashooyinka, gaar ahaan ka hortagga faafinta Wararka khaldan, marin-habaabinta iyo hadallada naceybka ee saameyn kara kalsoonida Dadweynaha iyo xasilloonida Bulshada.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, oo furitaanka Tababarka ka hadlay ayaa sheegay in Warbaahintu kaalin xooggan ka qaadan karto xoojinta xasilloonida Doorashooyinka iyo ka hortagga hadallada naceybka ee abuuri kara xasaradaha dhasha xilliyada Doorashooyinka.

“Warbaahintu waxay door muhiim ah ka ciyaartaa wacyigelinta Bulshada iyo ilaalinta hufnaanta macluumaadka Doorashooyinka. Waxaa lagama maarmaan ah in Saxafiyiintu ay tabintooda ku saleeyaan xog sax ah, dheellitirnaan iyo mas’uuliyad xirfadeed si loo xoojiyo kalsoonida Dadweynaha ee geeddi-socodka Doorashooyinka.”

Wasiir Daa’uud ayaa ku booriyey Suxufiyiinta inay xoojiyaan tabinta dheellitiran ee Ururrada iyo dhinacyada Siyaasadda, isla markaana mar walba kor u qaadaan codka u hiilinaya Nabadda iyo Dowlad-dhiska.

Intii uu socday Aqoon-isweydaarsigan oo uu taageeray Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS), ka-qaybgalayaasha waxaa la siin doonaa Casharro ku saabsan fahamka nidaamka Doorashooyinka Qaranka, ilaalinta hufnaanta macluumaadka Doorashooyinka, xaqiijinta xogta, iyo ka hortagga hadallada naceybka.

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa mar kale adkaysay sida ay uga go’an tahay sii wadidda Tababarrada kor loogu qaadayo xirfadaha Saxafiyiinta iyo horumarinta anshaxa Warbaahinta, si loo taageero qabsoomidda Doorashooyin hufan, nabdoon, isla markaana lagu kalsoonaan karo.

   

 

 

Xujeyda Soomaaliyeed oo Maalintii Saddexaad gaaraya Magaalada Madiina ee Dalka Sacuudiga

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Magaalada Madiina ee Dalka Sacuudi Carabiya waxaa Maalintii saddexaad soo gaaraya Xujeyda Soomaaliyeed ee Sanadkan 1447 Hijriya.

Howl-wadeennada Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ayaa halkaas ka wada soo dhoweynta Xujeyda Soomaaliyeed ee ka kala ambabaxay Magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa.
Qaar ka mid ah Xujeyda ku sugan Magaalada Madiina oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya sida wanaagsan ee loo soo dhaweeyay.

Xujeyda ayaa la filayaa inay muddo saddex Maalmood ah ku sugnaadaan Madiina, ka hor inta aysan u sii gudbin Magaalada Barakeysan ee Makka si ay u gutaan waajibaadka Xajka.

        

 

UNTMIS iyo Safiirka UK oo soo dhaweeyay Gogasha Wadatashiga ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha JFS

Muqdisho, (Wargeyska Dalka) — Xafiiska Qaramada Midoobay ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (UNTMIS) iyo Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska ayaa soo dhoweeyay Martiqaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan in la isugu yeero Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, iyagoo ku tilmaamay inuu yahay tallaabo waqtigeeda ku habboon oo loo qaaday wax ka qabashada arrimaha muhiimka ah ee Qaranka.

War qoraal ah oo ka soo baxay UNTMIS ayaa lagu sheegay in kulanku uu siinayo fursad muhiim ah, si wadajir ah loogu jaan-gooyo dariiqa loo marayo arrimaha muhiimka ah ee Qaranka. Ergadu waxa ay ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khusayso in ay si hufan oo niyad sami ah uga qayb-qaataan, iyaga oo ku nuux-nuuxsaday in Danta Soomaalida oo dhan ay tahay in mudnaanta koowaad la siiyo.

Sidoo kale Danjiraha Dowladda Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Charles King, ayaa si diirran u soo dhaweeyay Martiqaadka  Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan qabsoomidda kulanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya (Somali Future Council).

Danjiraha ayaa tilmaamay in xilligan xasaasiga ah ee uu Dalku marayo, wadahadalku yahay waddada ugu habboon ee lagu wajahayo mudnaanta Qaranka, lagu xoojinayo xasilloonida, isla markaana lagu taageerayo Danaha guud ee Shacabka Soomaaliyeed.

 

 

Dowladda UK oo soo dhaweysay Gogasha wadatashiga ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha JFS

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Danjiraha Dowladda Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Charles King, ayaa si diirran u soo dhaweeyay Casuumaadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan qabsoomidda kulanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya (Somali Future Council).

Danjiraha ayaa tilmaamay in xilligan xasaasiga ah ee uu Dalku marayo, wadahadalku yahay waddada ugu habboon ee lagu wajahayo mudnaanta Qaranka, lagu xoojinayo xasilloonida, isla markaana lagu taageerayo danaha guud ee Shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, wuxuu caddeeyay in Boqortooyada Ingiriiska ay weli diyaar u tahay taageeridda dadaallada ay hoggaaminayaan Soomaalida, isaga oo Soomaaliya ku tilmaamay “saaxiib iyo lammaane muhiim ah.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah Casuumaad ugu fidiyay Siyaasiinta Golaha Mustaqabalka si looga wada hadlo geeddi-socodka Dowlad-Dhiska iyo Mustaqbalka Dalka.

Agaasimaha Waaxda Nadaafadda Gobolka Banaadir oo amar dul dhigay Shacabka Caasimadda

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Agaasimaha Waaxda Nadaafadda ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Suudi,ayaa ugu baaqay Shacabka ku nool Caasimadda inay ka taxaddaraan Qashinka iyo wasakhda xilliga Roobabka da’aya, isla markaana aysan ku sii dayn Waddooyinka iyo Biyo-Mareennada.

Agaasimaha ayaa xusay in Roobabka marka ay da’aan ay Qashinka qaadaan, taasoo keenta in ay xirmaan Biyo-Mareennada, isla markaana ay ka dhashaan fatahaado iyo dhibaatooyin Caafimaad oo Bulshada saameeya.

Wuxuu Shacabka ku boorriyay inay Qashinka geeyaan meelaha loogu talagalay, si loo ilaaliyo Nadaafadda Caasimadda loogana hortago waxyeellada ka dhalan karta Wasakhda la dayacay.

Ugu dambeyn, Agaasimaha Waaxda Nadaafadda ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta Bulshada iyo Maamulka, si loo helo Magaalo nadiif ah oo Caafimaad qabta.

Madaxweynaha JFS oo kulan ku casuumay Golaha Mustaqbalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo ka duulaya kulamadii iyo wada-tashiyadii gaarka ahaa ee uu muddooyinkii u dambeeyey la yeeshay siyaasiyiin, madax hore, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, wuxuu si rasmi ah ugu casuumayaa Golaha Mustaqbalka ka qeyb-galka kulan qabsoomi doona 10-ka May 2026.

Kulankan wuxuu salka ku hayaa baahida loo qabo in si niyadsami, daah-furnaan iyo mas’uuliyad leh looga wadahadalo arrimaha masiiriga ah ee dalka, kuwaas oo ay ugu horreeyaan geeddi-socodka dowlad-dhiska sida doorashooyinka, xoojinta midnimada qaranka, iyo jihada siyaasadeed ee mustaqbalka Soomaaliya.

Madaxweynuhu wuxuu aaminsan yahay in xilligan la joogo ay lagama maarmaan tahay is qancin iyo isu-tanaasul, si ay wada-hadalladu u noqdaan kuwo miro-dhal ah, natiijo wax ku ool ahna ay ka soo baxaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu mar kale adkaynayaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta hannaan siyaasadeed oo ku dhisan wadajir, is-afgarad iyo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo dowladnimada Soomaaliya.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Muqdisho ku qabatay xuska Maalinta Shaqaalaha Adduunka

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay, taas oo lagu xusayay Maalinta Shaqaalaha Adduunka (1-da May).

Munaasabaddan oo sanadkan ku beegnayd maalinta Jimcaha, balse si rasmi ah loo qabtay maanta oo ay taariikhdu tahay 2-da May 2026, ayaa diiradda lagu saaray qiimaha iyo doorka ay shaqaaluhu ku leeyihiin horumarka dalka. Hal-ku-dhegga sanadkan ayaa ahaa: “Xoojinta shaqaalaha Soomaaliyeed iyada oo loo marayo shaqo hufan iyo kor u qaadidda xirfadaha.”
Xafladda waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin agaasimayaal ka socday wasaaradaha dowladda, wakiillo ka socday shirkadaha gaarka loo leeyahay, ururrada shaqaalaha, iyo Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed. Dhammaan ka qeybgalayaasha ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay horumarinta suuqa shaqada iyo tayeynta xirfadaha shaqaalaha Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Maxamed Saney Dalmar, oo ka hadlay munaasabadda, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga u dhexeeya dowladda, ganacsiga gaarka loo leeyahay, iyo ururrada shaqaalaha. Wuxuu xusay in wada-shaqeyn noocaas ah ay muhiim u tahay xaqiijinta shaqo hufan oo cadaalad ah, isla markaana kor u qaadda xirfadaha iyo wax-soo-saarka shaqaalaha dalka.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa hambalyo u dirtay dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, iyadoo ku boorisay in la sii xoojiyo dadaallada lagu horumarinayo shaqaalaha iyo abuurista fursado shaqo oo waara.