Wasiirka Waxbarashada oo faray dadka deggen dhulka Jaamacadda Ummadda in ay si degdeg ah uga guuraan

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa amar ku bixiyay in dadka deggen dhulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ay si degdeg ah uga guuraan.

Wasiirka oo ka qeyb galay munaasabadda dhagax-dhigga casriyeynta Jaamacadda Ummadda, gaar ahaan qeybta Gaheyr, ayaa sheegay in dhulkaasi uu yahay hanti qaran oo loogu talagalay adeegga bulshada.

“Dhulka Jaamacadda Ummadda waa dhul dan guud ah, dadka deggenna waa in ay si degdeg ah uga guuraan si dib loogu dhiso loogana faa’iideeyo bulshada,” ayuu yiri Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Dhankiisa, Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Dr. Maxamed Maxamuud, oo isna munaasabadda ka hadlay, ayaa si diirran u soo dhaweeyay dhagax-dhigga dib u dhiska jaamacadda.

Guddoomiyuhu wuxuu Wasaaradda Waxbarashada ku ammaanay dadaalka ay ku bixinayso horumarinta waxbarashada dalka, isagoo yiri:
“Waxaan uga mahadcelinaynaa Wasaaradda Waxbarashada sida ay ahmiyad weyn u siinayso dib u dhiska iyo tayeynta xarumaha Jaamacadda Ummadda.”

Safiirka JFS ee Sacuudiga oo kormeer ku tagay Xafiiska Arrimaha Xajka ee magaalada Madiina

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Boqortooyada Sacuudiga, Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cismaan, ayaa kormeer shaqo ku tagay xafiiska Arrimaha Xajka ee magaalada Madiina.

Kormeerkan ayaa ujeedkiisu ahaa u kuur-galidda habsami u socodka adeegyada loo fidinayo xujeyda Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Madiina, iyadoo safiirku uu kulamo la qaatay mas’uuliyiinta xafiiska Arrimaha Xajka.

Safiirka ayaa bogaadiyey dadaallada lagu daryeelayo xujeyda Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay fududeynta iyo horumarinta adeegyada loo fidiyo muwaadiniinta gudanaya waajibaadka Xajka.

“Waxaan aad u bogaadinayaa sida wanaagsan ee loogu adeegayo xujeyda Soomaaliyeed, dowladda Soomaaliya na waxaa ka go’an inay u fududeyso dhammaan baahiyaha ay qabaan,” ayuu yiri Safiirka JFS ee dalka Sacuudiga

Dhankiisa, Madaxa Xafiiska Arrimaha Xajka ee Wasaaradda Awqaafta XFS, Dr. Khadar Xaaji Daahir, ayaa uga mahadceliyey safiirka booqashada uu ku yimid xafiiska, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay kormeerka noocan ah.

Sidoo kale, qaybtii ugu horreysay ee xujeyda Soomaaliyeed oo ka kala ambabaxday Muqdisho iyo Hargeysa ayaa gaaray magaalada Madiina, halkaas oo ay ka bilaabayaan gudashada acmaasha Xajka.

Soomaaliya oo tallaabo u qaaday Nidaamka Xisaab-xirka iyo lacag-bixinta gaadiidka cirka

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Faarax Nuux, ayaa si rasmi ah u shaaciyay in dalku galay wejiga tijaabada ee Nidaamka Xisaab-xirka iyo Lacag-bixinta, kaas oo ay iska kaashadeen Dowladda Soomaaliya iyo Ururka Caalamiga ah ee Gaadiidka Cirka.

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii uu soo xirmay kulankii heerka sare ahaa ee looga hadlayay Xoogga la saarayo Afrika (29–30 Abriil 2026), halkaas oo Soomaaliya looga aqoonsaday inay tahay waddan u taagan casriyeynta iyo hoggaaminta isbeddelka duulista ee Gobolka.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in hirgelinta nidaamkan lacag-bixineed ay tahay guul weyn oo u soo hoyatay qaranka, isagoo yiri: “Tani waxay marag u tahay dadaalka dowladda ee ku aaddan dib u dhiska iyo casriyeynta qalabka iyo adeegyada duulista hawada.

Waxay fure u tahay in shirkadaha diyaaradaha Soomaaliyeed iyo wakiillada socdaalka ay helaan nidaam lacag-bixineed oo hufan, ammaan ah, isla markaana la jaanqaadaya xeerarka ugu sarreeya ee caalamka.

“Dhinaca kale, Kamil Alawadhi, Madaxweyne Ku-xigeenka Gobolka Afrika iyo Bariga Dhexe ee Ururka Caalamiga ah ee Gaadiidka Cirka, ayaa bogaadiyay go’aanka geesinimada leh ee Wasiirka iyo dowladda Soomaaliya, isagoo xusay in Soomaaliya ay hadda qayb ka tahay dadaalka diiradda lagu saarayo Afrika oo ujeeddadiisu tahay:Xoojinta isku xirka duulimaadyada dalka gudahiisa iyo dibaddiisa.

Dhiirrigelinta maalgashiga iyo kobaca dhaqaalaha ee ka dhasha socdaalka cirka.Yaraynta caqabadaha canshuuraha iyo kharashaadka hawlgalka ee ragaadiyay duulista Afrika.

Nidaamkan xisaab-xirka ayaa la filayaa in si buuxda looga hirgeliyo guud ahaan Soomaaliya dhammaadka bisha Maajo 2026, taas oo fududeyn doonta in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay si fudud oo ammaan ah u goostaan tigidhada diyaaradaha meel kasta oo ay joogaan, iyadoo kor loo qaadayo badbaadada iyo amniga duulista ee waafaqsan shuruucda Hay’adda Caalamiga ah ee Duulista Hawada Rayidka ah.

Soomaaliya ayaa ka qeyb gashay Shir-weynaha 76-aad ee FIFA oo ka dhacay Canada

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ahna guddoomiye ku-xigeenka CECAFA, oo uu wehliyo Xoghayaha Guud ee xiriirka Dr. Yuusuf Muxudiin Axmed ayaa Soomaaliya ku matalay Shirweynaha 76-aad ee xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA oo ay ka qeyb galeyn 211-ka dal ee xubnaha ka ah FIFA, kaas oo ka dhacay magaalada Vancouver ee dalka Canada.

Shir-weynaha oo uu shir guddoominayay Madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino, ayaa ajandayaasha muhiimka ah ee diiradda la saaray waxaa ka mid ahaa qiimeynta iyo ansixinta siyaasadaha, ka doodista maalgashiga iyo taageerada la siiyo xiriirrada xubnaha ah, dib-u-eegista tartamada caalamiga ah iyo qaab-dhismeedkooda, iyo xoojinta hufnaanta, maamul wanaagga iyo isla xisaabtanka hay’adaha kubadda cagta.

Sidoo kale, shirka waxaa lagu falanqeeyay qorshaha diyaar-garowga Koobka Adduunka ee 48-ka xul, kaas oo la filayo inuu noqdo kii ugu weynaa taariikhda kubadda cagta..

Inta uu socday kulanka, waxaa si rasmi ah loo ansixiyay Warbixinta Sannadlaha ah ee 2025, iyadoo FIFA ay shaacisay qorshe dhaqaale oo ballaaran. Miisaaniyadda muddada 2027 ilaa 2030 ayaa la filayaa inay gaarto $14 bilyan, taas oo ah rikoor cusub, isla markaana dib loogu maalgelin doono horumarinta kubadda cagta adduunka.

Ka qeybgalka Guddoomiye Cali Shiine ee shirkan ayaa muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya, maadaama uu dalka siinayo fursad uu codkiisa kaga dhiibto go’aamada caalamiga ah, isla markaana uu ku xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga uu la leeyahay dalalka kale, si kor loogu qaado horumarka kubadda cagta Soomaaliya.

   

Ra’iisul wasaare Xamse oo bogaadiyey shaqaalaha Soomaaliyeed munaasabadda 1-da May awgeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan Shaqaalaha Soomaaliyeed munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 01-ka Maajo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay shaqaalaha Soomaaliyeed doorkooda muhiimka ah ee ay ku leeyihiin dhismaha dalka, horumarinta dhaqaalaha, iyo xoojinta adeegyada bulshada, isaga oo xusay in shaqaaluhu ay laf-dhabar u yihiin kobaca iyo adkeysiga Qaranka.

“Waxa aad laf-dhabbar u tihiin amniga, dhaqaalaha iyo dhismaha Qaran kaabeyaal horumarsan oo casri ah leh, si walba oo duruufaha ay u adkaayeen maanta waxa aad u jihaysateen in aad qeyb ka noqotaan horumarka muuqda ee dalkeennu gaaray, sidaas darteed waxaan idiin rajeynayaa in aad sii xoojisaan dadaalka iyo naf-hurrnimada aad waddaan”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa tilmaamay sida ay Xukuumadda uga go’an tahay ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, abuurista fursado shaqo, iyo horumarinta xirfadaha si loo helo shaqaale tayo leh oo la jaanqaadi kara baahiyaha casriga ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ku boorriyay shaqaalaha Soomaaliyeed inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda ku aaddan dib-u-dhiska iyo horumarinta dalka, isaga oo u rajeeyay guul waarta, barwaaqo iyo mustaqbal wanaagsan.

Hambalyadda maalinta Shaqaalaha Aduunka ee Wasaaradda arrimaha dbadda

Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Shaqaalaha awgeed, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay hambalyo iyo bogaadin u direysaa dhammaan shaqaalaheeda iyo diblomaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka hawlgala daafaha caalamka, iyadoo qaddarinaysa dadaalkooda iyo adeegga muhiimka ah ay u hayaan qaranka Soomaaliyeed.

Wasaaraddu waxay si gaar ah u xusaysaa kaalinta muhiimka ah ee ay ku leeyihiin matalaadda dalka ee goleyaasha iyo ururrada caalamiga ah sida Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Bulshada Bariga Afrika, Ururka Iskaashiga Islaamka, IGAD, Midowga Afrika, iyo dhammaan fagaarayaasha kale ee caalamiga ah ee Qaranka Soomaaliyeed lagu metelo, taas oo muujinaysa xirfada aqooneyd, daacadnimo iyo joogitaan caalami ah oo sii kobcaya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali iyo Madaxda Wasaaradda oo wada jira waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan mas’uuliyiinta Wasaaradda, diblomaasiyiinta, iyo dhamaan shaqaalaha dowladda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ku dhiirrigelinaya inay sii wadaan adeeggooda iyo kaalintooda ku aaddan horumarka Dalka iyo Danaha Qaranka.

 

Warbixinta todobaadlaha ee waxqabadka dowladda

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Villa Somalia casho sharaf ugu sameeyay hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed oo ka kala yimid gudaha iyo dibadda.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo shir guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga Fikirka Xagjirka ah

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo shir guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga Fikirka Xagjirka ah

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabad dhaqan oo lagu caleemo-saarayay Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade, taasi oo ka dhacday magaalada Muqdisho.

3- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Danjiraha Dowladda Kenya u fadhiya Soomaaliya, Cyprian Kubai Iringo, iyagoo ka wadahadley xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta xiriirka diblomaasiyadeed.

4- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka kooban wasiirro iyo xildhibaanno ayaa gaaray magaalada Baydhabo.

5- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa qaabilay wafdi ka socday hay’adda UN Women, oo ay hoggaaminaysay Marwo Anna Mutavati, Agaasimaha Bariga iyo Koonfurta Afrika ee UN Women.

6- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa shir guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga Fikirka Xag-jirka ah.

7- Ururada Siyaasadda ayaa bilaabay olole xooggan oo ku aaddan u diyaar garowga doorashooyinka Golayaasha Degaanka iyo Wakiilada ee Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed.

8- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qaybgalay kulanka dib-u-eegista hannaanka dowladnimada iyo maamul-wanaagga ee la xiriira hay’adaha amniga dalka, kaas oo ay ka soo qaybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Bangiga Adduunka, iyo Saaxiibbada Caalamka.

9- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Danjiraha Jamhuuriyadda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Wang Yu, iyagoo ka wadahadley xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, gaar ahaan dhinacyada warbaahinta, dhaqanka iyo fanka.

10- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Mudane Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa khudbad ka jeediyay munaasabadda daahfurka Istaraatiijiyadda Tallaalka ee Qaaradda Afrika oo ay hoggaaminaysay Hay’adda Africa CDC.

11- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Mudane C/salaam Cabdi Cali, ayaa wada hadal Khadka telefonka kula yeeshay Mudane Ayman Safadi, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Jaaliyadaha ee Boqortooyada Haashimiyiinta Urdun.

12- Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa Muqdisho ka daahfurtay Mashruuca Bulsho oo loogu talagalay isku xirka dowladda iyo shacabka.

13- Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa shir-guddoomiyay kulanka hoggaanka sare ee Wasaaradda, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta amniga dalka iyo horumarinta hannaanka shaqo ee Wasaaradda.

14- Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo shaacisay magacaabista Guddiga Dib U Eegista Manhajka Qaranka, si loo fuliyo talooyinkii ka soo baxay Shirweynaha Qaran ee Dib U Eegista Waxbarashada ee dhacay horaantiii sannadkan.

15- Ciidanka Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa hawlgal ay ka fuliyeen gobolka Shabeelaha Hoose ku dilay 22 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabab.

16- Soomaaliya ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay Afrika ee hirgeliya Siyaasadda Ilaalinta Bed-qabka Rayidka, kadib markii Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Hay’adda CIVIC ay kala saxiixdeen Heshiis Is-afgarad oo lagu xoojinayo ilaalinta rayidka xilliyada hawl-gallada ciidan iyo colaadaha hubeysan.

17- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa si rasmi ah u daahfuray shirka Taliyayaasha Talisyada Sirdoonka ee wadamada ku mideysan Ururka Bariga Afrika (EAC).

18- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa booqday fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka ay ku leeyihiin magaalada Waajid ee gobolka Bakool.

19- Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Muqdisho H.E. Wang Yu, iyagoo ka wada hadlay qalabaynta xabsiyada, horumarinta isgaarsiinta iyo tababaridda saraakiisha Ciidanka Asluubta.

20- Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr Maryam Qaasim, ayaa kulan la qaadatay Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya, Marwo Sandra Lattouf, si loo xoojiyo iskaashiga iyo wadashaqeynta u dhexeeysa Guddiga iyo UNICEF.

21- Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta Mudane Abdihakim Ashkir ayaa xilka ugu kala wareejiyay Guddoomiyaha cusub ee Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Liibaan Cabdi Cigaal iyo Guddoomiyihii hore Axmed Xuseen Cilmi.

22- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Mudane Cali Xaaji Aadan ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray qeybta Hooyada iyo Dhallaanka ee Isbitaalka Forlanini ee magaalada Muqdisho oo dib loo dayactiray, tallaabadaas oo qeyb ka ah fulinta heshiiska dhinaca iskaashiga caafimaadka ee u dhexeeya Somalia iyo Talyaaniga.

Guddoomiyaha cusub ee Hay’adda qaxootiga oo xilka la wareegay

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS mudane Abdihakim Ashkir ayaa munaasabad ka dhacday caasimadda Muqdisho waxaa uu si rasmi ah xilka ugu kala wareejiyay Guddoomiyaha cusub ee Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka mudane Liibaan Cabdi Cigaal iyo Guddoomiyihii hore mudane Axmed Xuseen Cilmi.

Mudane Wasiir Ashkir oo ka hadlay Munaasabadda Xilwareejinta ayaa bidhaamiyay Muhiimadda Hay’addan u leedahay qaranka, howlaheeda iyo waajibaadkeeda shaqo, mudnaanta Joogteynta shaqada, Iskaashiga, dardargalinta u adeegidda bulshada nugul ee qaxootiga iyo barakacayaasha iyo adkeynta hunfnaanta iyo isla xisaabtanka isaga oo bogaadiyey howlaha waxqabadka hoggaankii hore, una rajeeyey hoggaanka cusub guul iyo horumar shaqo.

       

Shirka golaha wasiirada KGS oo looga hadlay amniga iyo mashaariicda

Golaha Wasiirrada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta yeeshay shir muhiim ah oo uu guddoomiyey Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha guud ee ka jira deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo si qota dheer looga dooday arrimaha amniga, horumarinta mashariicda iyo adeegyada bulshada.

Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale si rasmi ah u ansixiyay laba siyaasadood oo muhiim u ah horumarka gobolka, kuwaas oo kala ah Siyaasadda Guriyeynta iyo Siyaasadda Fasaxa Dhismaha oo ay diyaarisay Wasaaradda Howlaha guud ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Labadan siyaasadood waxaana loogu talagalay in lagu xoojiyo qorsheynta in tayada dhismaha magaalooyinka kor loo qaado, iyo in la habeeyo nidaamka oggolaanshaha dhismaha.

Golaha Wasiirrada ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay hirgelinta siyaasadaha la ansixiyey, si loo dardargeliyo horumarka iyo bilicda magaalooyinka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

              

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo Shir Guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga Fikirka Xagjirka ah

Muqdisho(Wargeyska Dalka): — Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa Maanta Shir Guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga Fikirka Xagjirka ah oo ay soo qaban-qaabisay Xarunta TUBSAN.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta dadaallada ka hortagga fikradaha Xagjirka ah iyo dardargelinta wacyigelinta Bulshada, gaar ahaan Dhallinyarada, si looga hortago marin-habaabinta Kooxaha Argagixisada.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay guulo la taaban karo ka gaartay Amniga iyo la dagaallanka Argagixisada, isaga oo adkeeyay muhiimadda sii xoojinta Barnaamijyada wacyigelinta.

“Dowladdu waxa ay ka go’an tahay sugidda Amniga iyo dhismaha jiil ka madaxbannaan fikirrada Xagjirka ah,” ayuu yiri Mudane Saalax.

Madasha waxaa ka qeyb galay Wakiillo ka socday Beesha Caalamka iyo Hay’adaha daneeya Arrimaha ka hortagga Xagjirnimada, kuwaas oo bogaadiyay dadaallada Dowladda.